4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Qaybtii 2-aad: Maxaa lagu xasuusanayaa Madaxweyne Xasan Shiikh

 Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
Thursday, October 25, 2018


 

Waxaa, 6-dii bishaan Oktoobar, bogga fikradaha Hiiraan Online ku soo baxay maqaal xagga cinwaanka kala mid ah midkaan.

Waxaa, si dulmar kooban ah, maqaalkii hore loogu soo bandhigay qodobo tixan oo sahlaya in lagu XASUUSTO muddo xileedkii (2012-16) ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo xulufadiisa - gaar ahaan:,

a- Inuu ahaa, hoggaankii ku haftay hamuunta daneeysiga iyo hororka hantida Qaranka, walina u hiloow qaba inuu halkii ka sii wado.

b- Inuu ahaa, bar madoow iyo bushii aan daawo lahayn oo ku suntan diwaanka taariikhda siyaasadda Soomaaliya, bulshaduna, si amakaag iyo af-kala-taag leh, gees kasta iyo gole kasta ugu mashquushay in wax la iska weydiiyo wixii loo soo joogay muddo xileedkiisi.

Aan ujeeddada qormaan 2-aad abbaaree, waxa ay ku bilaabaneysaa, si gaar ah diiradda u saareysaa, bulshadana u iftiimineysa qodob ama dhacdo uu ku eedeeysan yahay Madaxweyne Xasan, taasoo ka xanuun iyo saameeyn culus dhammaan qodobadii ku xusnaa qormadii 1-aad.

Sidaa awgeed, loo gartay in madal iyo meel gaar ah looga hadlo, horyaalna u noqdo qodobada qormada 2-aad.

Waa qodob ku saabsan safarkiisi Jigjiga bishii Agoosto 2016 oo runtii xadgudub iyo meel-ka-dhac bareer ah ku ahaa maqaamka, mudnaanta iyo miisaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Haddaba, anigoo ka walwal qaba in eraybixinta Af-Somaaligeygu kooban tahay, isla markaana aysan sidii la rabay (waafi ah) u soo bandhigi karin hagardaamada uu xambaarsanaa safarkaasi, haddana waa arrin aan laga aamusi karine aan u dhigo sida tan:

1) Muddooyinkii dambe, ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba, waxay qaab qoraal iyo afba isugu gudbineysay arrin ku saabsan in ay jiraan  dawlado si weyn ugu ololeynaya in Soomaaliya la hoos geeyo dalka Itoobiya. Sidaana Itoobiya ku noqoto awoodda qura ee ka jirta geeska Afrika ee matali karta ama adduunweynuhu kala xiriiro arrimaha gobolka.  Xasan Shiikh asagoo taa ka shidaal qaadanaya ayuu isfahamsiiyay naftiisana ku qanciyay in Itoobiyaay ay leedahay awoog galaangal, ay mar kale, asaga ku fariisin karto kursiga Madaxweyne JFS.

advertisements
Hoggaanka Tigreeda dalka Itoobiya, asagoo dhankiisa isu-arkay, isisiisay iskuna caleemasaaray inuu yahay awoodda qura ee ka jirta geeska Afrika ayuu Madaxweyne Xasan Shiikh ula dhaqmay qaab muujinaya in Soomaaliya ay tahay Dowlad Degaanka 10-aad (Kilinka 10-aad) ee dalweynaha Itoobiya. Taa waxaa caddeyn u ha:

a- In Madaxweyne Xasan lagu yiri; “Wixii aad nooga baahan tahay kala xiriir Jigjiga iyo dhiggaada Cabdi Iley”.

b- Taana Xasan, waa nin daneeysanayee, ku aqbalay “haye iyo hoowraarsan”, dhaantana ka soo dheelay Jigjiga sida ka muuqata muuqaal-araggaan: (https://www.youtube.com/watch?v=x3FSH2kIdso&t=49s).

t- Intii ay socotay booqaashadii Jigjiga, Xasan Shiikh waxa uu bixiyay wareysi uu ku sheegay: “In ay Jigjiga u yimaadeen aqoon kororsi ama wax ka barasho”. Waa su’aale: aqoonta ay Soomaaliya tabeeyso oo Cabdi Iley laga baranayo waa nuucee? – waa haddii aanay ahayn sida dadka loogu ciqaabo “Jeel Ogaadeen”.

Safarkaas, waxa loo arkaa bahdil iyo meel-ka-dhac, dan shaqsi iyo mid kooxeed awgeed, si barer ah loogu duudsiyay xaqii, martabadii iyo mudnaantii qaaranimada Soomaaliya. Waana ceeb iyo fadeexo u diwangashay mudane Xasan Shiikh.

Dhanka kale, haddi safarkiisu yahay mid xalaal ah oo qadarin iyo xushmad u muujinaya ummadda Soomaaliyeed ee halkaa degan, waxaa qumaneeyd:

- Inuu u tago markii muddo xileedkiisu bilawga ahaa, loo hanweynaa hamuunna loo qabay aragiisa. Maalmihii ugu dambeeyay xilkiisa inuu halkaa tago waa arrin shakigeeda leh oo sa’aalo ka dhalan karaan.

- Borotokool ahaan, waxa ay ahayd inuu booqasho rasmi ah ku tago Addis Ababa, kadibna u sii gudbo Jigjiga, ileen: “Isma huri karnoo hilbo wada dhashiyo hayb quraaynu nahaye”.  

2) Muddoo xileedkii Madaxweyne Xasan waxaa astaan ama sumadda lagu tilmaan-sooco u ahaa “qosol iyo dhoolacaddeyn maalintii iyo faruuryo qaniinsi habeenkii” ay ku lamaanayd dulmi iyo dibindaabyo loo maleego qofka iyo kooxda loo arko in ay damaciisa guracan culeeys iyo caqabad ku noqon karaan.

3) Waxaa Xasan uu hindisay oo naqshadeeyay hay’ad loogu magac-daray

“Madasha Wadatashiga Qaran” oo qaab loo qeexo iyo qodob ay ku leedahay Dastuurka (qabyada ah) aanu jirin. Waxaa hay’addaas lagu cuuryaamiyay ama looga maarmay hawlihii iyo doorkii Barlamaanka oo ah:  Hay’ad dastuuri ah iyo  midda ugu muhimsan saddexda awoodood ee Qaranka oo dastuurku u igmaday sharci dajinta, hubinta iyo dabagalka habsami u socodka hawlaha hay’adda leh “Awoodda fulinta (Cabinet)”.

 

4) Aan ku hal-qabsadee buugga “The Looting Machine” uu qoray Wariye “Tom Burgis” ee soo baxay 2015. Waxaa ku xusan  eedeyn iyo dhaliilo loo jeedinayo Madax African  ah oo lunsaday hanti mug leh, dadkoodina baahi iyo busaarad la liitaan. Balse madaxdaasi waxa ay ku eedeeysan yihiin lunsashada hanti ka timid iibka kheyraadka dalkooda, sida: Shidaalka iyo macaadinta kala duwaan oo ay la  wadaageen shirkado iyo shaqsiyaad ajnabi ah.
                                                                                         

 Halka Mr. Xasan Sh. uu lunsaday deeq/kaalmo, asaagiis, ugu soo dhiibay dal burburay iyo dad tabaaleeysan oo diif iyo daryeel xumo la liita. Waa fadeexad iyo hab-dhaqan liita oo caqliga fayoow iyo caqiidada diineed midna aanay  aqbali karin.

 

5) Aan raaciyo oo kaba sii darane, waxaa la yaab leh in Madaxweyne Xasan ahaa walina u muuqdo inuu lahayste u yahay shaqsiyaad isku arkay in

aanay masraxa siyaasadda toos u fuuli karin, haddii  aanay asaga iska hormarin ama adeegsan. Sidaana ay ku heli karaan fursad ay daaha gadaashiisa ka maamulaan danahooda/hammigooda siyaasadeed iyo tacbasho dhaqaale.

6) Soomaalidu waa ummad, dhaqan ahaan, dhug iyo dhiifoonaan gaar ah u leh xog-uruurinta iyo xuuraansiga, sidaas awgeed, waxba kuma seegana in ay xog-ogaal u noqoto Xasan Shiikh iyo xaaladdiisa dhaqaale kahor iyo kadib muddo xileedka Madaxweynenimo. Mana mudna  in waqti intaa ka badan aan galiyo, guud ahaan, wax ka sheega arrimaha Xasan Shiikh oo waxaay noqoneysaa mid i xasuusisa hal-ku-dheggii dhahayay: “War la qabaa xiiso ma leh”.

Gunaanadka qorma 2-aad: Talosiin

Guuldaradii 8-dii Feberaayo 2017 kadib, Xasan waxaa la gudboonaa:

a- Inuu arrimaha Siyaasadda dhinac iska dhigo, uu ku ekaado talobixin iyo ergeeyn marka labo dhinac isku mariweyso arrin siyaasadeed, asagoo muujinaya inuu yahay “Oday Soomaaliyeed iyo dhexdhexaadnimo”.

b- In asagoo ku hawlgalaya magaca iyo martabada nasiibku siiyay (head of State), uu si buuxda itaalkiisa isugu geeyo sidii u ummadda ugu faa’ideeyn lahaa dhanka Samafalka. Dhiso oo dhidbo hay’ad ah heerka “Charitable Trust Organisation” oo ku masquusha xal u helidda baahida bulshada, gaar ahaan, inta leh mudanaanta sare, sida:

Dakhli abuurka iyo kobcinta dhaqalaha danyarta, xirfad abuurka dhallinyarada, daryeelka agoonta iyo naafada, nabadeynta iyo isdhexgalka bulshada, daraasadeynta habka horumarinta nolosha reer miyiga iyo wixii soo raaca.

 

Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)

[email protected]

London



 





Click here