8/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Dagaalka Tukaraq: labo nin oo bidaar leh oo shanlo ku dagaalamaysa!

Farah Aw-Osman
Monday, May 28, 2018

Abaahay waa reer Garoowe, Hooyaday waa reer Laascaanood, Saaxiibaday waa reer Hargaisa, Xamar ayaan ku koray, Sinjigaygu waa Soomaali , Diintayduna waa Islaam.....

Sidaa awgeed, dagaalka Tukaraq ka socda dhinac kasta saamayn toos ah ayuu aniga iyo maalaayiin kale ee Soomaaliyeedba ku leeyahay oo durba waxaaba la iisoo sheegay inaadayrkay oo aad u d’a yar in lagu dilay dagaalkii shalay dhacay.  Runtii aad ayay ii xanuujisay iyadoo bil Ramadaan ah oo Alle uu xidhxidhay shayaandiitii waaweynayd , albaabada raxmada iyo toobadana furay  in ummadii Soomaaliyeed (gaar ahaan Puntland iyo Somaliland) oo labaduba ah dad soo arkay xanuunka iyo cawaqib-xumada ka dhalan karta colaad inay maanta isugu goodiyaan colaad iyo dhiig cusub oo la daadsho… Shayaadiinta insi ee colaadaas huriyay , waxaa ka sii xun wax-magaratada Social Media ugu kala difoosaynaya (kala taageeraya) labada garab, ku soo bandhigaya dad dhintay, sii hurinayana colaad aan cidina ku xamdinayn iyo walaalo isdilaya.

Hadaba bal si aan idiin dareensiiyo aragtidayda shaqsi, Soomalinimo iyo Islaanimo ee ku aaday colaadaan waxaan rabaa inaan idin la wadaago qodobo dhowr ah kuwaas oon uga gonleeyahay inaan ku soo bandhigo aragti ka duwan mida social media ay dadka wax-magaratada ahi ku soo bandhigaan, bal si codka kuwa weli caqligoodu shaqaynayo, nabada, wada jirta iyo walaalnimaduna uga weyn tahay hurinta colaada iyo burburka loo maqlo loona dhiirigeliyo.

Safarkaygii Puntland iyo Somaliland:          

Laba sanno ka hor ayaan safar ku tagay Soomaaliya.  Waxaan labo asbuuc ku sugnaa Garoowe, kadib ayaa aniga iyo koox aan saaxiibo nahay oo ila socotay ku heshiinay inaan Hargeisa tagno.  Gobolada Waqooyi waxaa iigu danbaysay beri hore oo aan Warshada Sibirka ee Berbera ka shaqayn jiray.  Safar dhulka ah ayaanan ku marnay inta u dhaxaysa Garoowe ilaa Hargaisa.  Xiligu wuxuu ahaa G’u , roobab mahiigaan ahina ay ka da’ayeen inta u dhaxaysa Sool iyo Hargaysa.   Intii aan jidka ku sii jirnay kolba tuulo ayaan istaagaynay anagoo la sheekaysanaynay dadka deegaamadaasi, kafta iyo qosol si walaalnimo ay ku jirto ayayna sheeko iswaydaarsigu u dhacayeen.  Waxaan Hargaisa tagnay xili galabnimo ah oo barje loo fadhiyo, qofkii aan barjaynina nasasho (ama qayluulo yar qaadanayo), isku socodka magaaladuna ay aad u yareyd.  

Waxaan Hargaisa joognay asbuuc, si gobanimo iyo hospitality gii ama soo dhawayntii Duriyada Sheekh Isxaaq lagu yiqiinay ayayna axsaab iyo ehel badan oon halkaas ku lahaa igu soo dhaweeyeen.  Casumaadaha magaalada dhexdeeda waxaa ii dheeraa dalxiis iyo buuro fuulis (Hiking) la ii geeyay deegaanka Abaarsay (Abaarso) iyo Xeebta Batalaale oo la igu casumay balse wakhtigu ii saamixi waayay inaan tago,   Waxaa airport nagu sii sagootiyay xubin Baarlamaanka Somaliland ku jira oo aan ehel hoose nahay, waxaanan kasoo tegay halkaasi anigoo weli xiiso u qaba inaan sii joogo, saaxiibadii aan horay ugu lahaa iyo kuwo aan ku soo bartayna ilaa maanta ayaan is wacnaa iyagoo ileh "goormaad nasoo gaadhi?”.

Dagaalka Tukaraq kolkaan maqlay, waxaa iga daadagi weyday sababta goobtaasi loogu dagaalamo loona burburinayo wanaaga iyo walaalnimada labada bulsho ka dhexeeya,  iyadoo weliba bil Ramadaan ahna loo banaysanayo daadinta dhiig walaalo Muslim ah.   Waxaan dib u milicsaday waxyaalihii aan ku soo arkay safarkaygii 2016 bal si aan asbaab ugu helo ama u garowsado waxa kelifi kara in dagaal halkaasi ka dhaco.

Waxyaalihii aan soo arkay:

Puntland iyo Somaliland:

·         In dadka Puntland iyo Somaliland labaduba isku taariikh yihiin, dhibaatooyin gaar ahna ay soo wada arkeen.

·         In waxa ka dhexeeya labadaasi bulsho iyo deegaan ay ka badan yihiin waxa kala qaybiya,

·         In xiriir bulsho, mid dhaqaale iyo mid deegaanba ka dhexeeyo labada bulsho,

·         In labadaas deegaan ay ka jirto maamul iyo xasilooni la isku halayn karo,

·         In dadka deegaamadaasi ay ka gudbeed marxaladihii dagaalada Sokeeye una gudbeen mid horumarineed iyo maamul wanaag.

 

Sool (Khaatumo):

·         In deegaamadaani ay ka jirto horumar daro baahsan iyo maqnaansho maamul oo ay dadka deegaanku raalina isaga yihiin,

·         In laga bilaabo Tukaraq ilaa Oog aan ku soo arkay rag wada hubaysan oo nin iyo qori ah, halka Puntland iyo Somaliland dhulka ay ka taliyaana aadan ku arkay qof qori wata ciidan mooyee.

·         In kantaroolada Gobolka Sool askarta iyo saraakhiisha joogta ay u badnaayeen dad aan deegaamada u dhalan,

·         Iyo in deegaamadaani ay hardinayaan (front) goob dagaalna ay u tahay labada maamul ee hareeraha ka xiga.

Maqaalkani maaha mid aan ku soo koobi karo dhamaan xaqiiqada iyo arimaha halkaasi ka jira, sidaa awgeed , waxaan diirada saaraynaa waxyaalaha aan isleenahay way kelifeen ama kelifi kara in halkaasi colaadi kasoo cusboonaayo iyo xalku waxa uu ku jiro.

Qodobada la isla wada qirsan yahay inay aasaas u yihiin colaada Tukaraq waa:

1.      Somaliland oo istustay hadii Sool iyo Sanaag loo aqoonsado inay ka mid yihiin Puntland,  aysan gaari doonin hadafkooda goosasho, sidaa awgeed maadaama shacabka reer Sool, Cayn iyo Sanaag aysan kalsooni ka haysan inay awood ciidan u adeegsato.

2.      Puntland oo aaminsan in Masuuliyad ay ka saaran tahay difaaca deegaamadan maadaama dadka deegaamadaani ay wax ka dhisteen Puntland kuna hayb yihiin, dhulka la qabsadayna aan laga qabsan beel balse laga qabsaday Maamulka Puntland.

3.      Shidaalka Ceelka Hol-Hol oo Somaliland ay heshiisyo kula gashay shirkado Scandinavian ah, taasina ay ku keliftay inay bixin dhaqaale iyo adeegsi ciidanba u isticmaasho sidii uu gacantooda u soo geli lahaa

4.      Muuse Biixi oo isku arka Hogaamiye adag oo gaari kara wixii madaxdii ka horaysay ay ka gaabiyeen taas oo ah inuu soo xiro xuduudihii guumaysigu dhigay, dagaalkana u isticmaalo inuu ku mideeyo beeshiisa maadaama ay jiraan beelo uusan kalsooni ka haysan sida Garxajis (Habar Yoonis) oo kale.  (war instigated by a country’s leader in order to distract its population from their own domestic strife).

5.      Puntland oo u arkay ihaano in ciidan la soo duldhigo Caasimadoodii, aaminsana inay dulqaad badan muujiyeen kadib markii Provocations (daandaansi) badan oo hore lagu sameeyay, qabsashada Tukaraqna ay ka dhigan tahay khadkii casaaso in la soo dhaafay.

Waxaa kale oo jira qodoba dhashay dagaalka ka hor iyo ka dib oo iyaguna sii huriyay colaada sida:

1.      Reer Sool oo aaminsanaa in maamulka Puntland ay gabtay difaacii iyo hiilkii ay ka filayeen, laakiin kadib markii dagaalkii bilowdayna si aan kala har lahayn u taageeray colaadaasi kuna soo biiray dhinaca Puntland.

2.      Hadalada dareenka qabyaaladeed xanbaarsan, goodinta iyo xusuusinta taariikh hore ee ka soo baxayay Muuse Biixi iyo Faisal Cali Waraabe afkooda oo (rally point) ama wax ay ka dhiidhiyeen ama mideeyay Reer Puntland iyo inta dareenka wada dhalasho la qabta noqday.

3.      Dilal loo gaystay dad reer Sool ah sida Nabadoonkii Jaamac Siyaad ee gaadhiga lagu marsiiyay Hargaisa oo iyaduna sii hurisay colaada.

4.      Cabdiweli Gaas oo mudo lix bilood ah diidadanaa inuu ciidanka Puntland u ogolaado dagaal oo aakhrikii si cadho iyo caadifad leh u oglaaday una arka in dagaalkani mid xaq ah yahay. (lagana yaabee in latayiyaashiisu ku qanciyaan inuu sii wado colaada si dalka uu xaalad degdeg ah ugeliyo, taasina kalifto doorashadii Puntland inay dib u dhacdo sidaana uu mudo korarsi ku helo).

Maxaa xal ah:

·         Waxaa hubaal ah in dagaalkaani uusan noqonayn mid sahal lagu kala adkaado maadaama aysan Soomaalidu dhaqan iyo taariikhba u lahayn in qolo gaar ah laga adkaado, walow dagaalkani xiiso iyo xamaasad gaar ah uu dadka qaar u leeyahay oo hadii beesha Dhulbahante gebi ahaanba taageerto dhinac Puntland uu dagaalkani waji kale yeelan doono.

·         Sidoo kale dagaalkani masii socon doono maadaama aysan labada maamul heli karin saad, sahay iyo saanad ay kusii wadi karaan colaadaa daba dheeraata,(walow ay jiraan qolooyin labada dhinacba isku soo hubeeyay oo midkasta saanad soo siiya , saaxiibna ay u haystaan balse ula jeedadodu tahay Soomaali isku jebi)....! 

·         Duruufaha dhaqaale ee ka jira labada maamul oo aan iyaduna u saamixi doonin sii hurinta colaadan.  Dagaal waa marshuuc lagalo kan ugu qaalisan nimaan aqoon ayaana ku degdega: (bal eeg Saudi Arabia iyo Imaaraadka, dagaalkii Yemen dhibaatada dhaqaale xumo oo uu dhaxalsiiyay, waataa maanta ay canshuur ku soo rogeen shacabkodii, dadkii investment (maalgashiga) ku samaysan jirayna ka yaaceen).

·         Labada maamul oo midba midka kale uusan ka maarmin, isku socodka dadka iyo hantida ka helo dhaqaale badan oo hadii uu Meesha ka baxo labada dekadood ee Boosaaso iyo Berbera dhib u soo jiidi kara.  (Bagaashka, Qudaarta, iyo Xoolaha Puntland ka yimaadaan ama soo maraan waxay tagaan Somaliland, halka Raashinka iyo badeecadaha kale ee Somaliland ka yimaadana loo iib geeyo Puntland ama ay maraan Puntland una sii gudbaan Koonfurta dalka).

Sidaa awgeed, waxaa loo baahan yahay in codka saliimka ee saaxiga ah (voice of reason) la maqlo, si loo caburiyo codka caadifada, caqli xumada iyo colaada xambaarsan, waxaa loo baahan yahay in la helo dadka taliya maslaxada, nabada iyo wada noolaanshaha si looga hortago kuwa saacadahoodu istaageen ee ku qafilan colaadihii sokeeye ee (1981,1988, 1991 and 2006) kuwaasoo markii wax dhacaanba usugu goodiya taariikhahaasi xusuusintooda.

Talo-gelinta reer Sool iyo u saamixida inay masiirkooda ka tashadaan.

Dagaaladu kolkay ka dheceen Muqdishu 1991 ayaa islaan waayeel ah waxay ehelkeedii ku tiri “Maandhooyinow anigu waayeel baan ahay oo cidi wax ugu falimayso cidina dhib iima gaysanaysee idinku naftiina badbaadiya, gurigana anigaa sii joogaya oo ilaalinayee, markii dagaalku dhamaado oo la isku soo noqdanba meesha iigu imaada” .... Islaantii mudo kadib markii dagaalkii joogsan waayay weji qabiilna yeeshay ayaa maalin aqalkii waxaa ugu soo dhacay labo kooxood oo midba rabaan gurigaan weyn oo iska xidhan inay bililiqaystaan... Qoladii daaqada ka soo gashay iyo kuwii derbiga ka soo booday ayaa isku qabsaday “Wadaayoow anagaa idinka hor taabsanahaye naga qaleeye, iyo mayee anagaa idinka soo horaynay ee Meesha isaga huleeya yaynaan isku ceeboobine!.  Dood dheer kadib ayay arkeen islaan waayeel ah oo sali ku fadhina iskana wardinaysa, waxaa lagu heshiiyay in islaanta markhaanti loo qabsado si u kala saarto.  Waxaa ladhahay “Eedo ilaahaan kugu dhaarinee labadayada yaa soo horeeyay”... Duqdii xariifad ayay ahayd doodana way maqlaysay, filinkana way la fahamtay labada kooxood, markaas ayay tiri “Maandhooyinow, hadii soo kala horayn wax lagu kala helayo labadiinaba anigaa idinka soo horeeyay”.

Haatan iyo dan, hadii la rabo in maslaxo waarta laga gaaro colaadaan Sool, waxaan laga fursanayn in talada wax laga siiyo dadka labada kooxood ee meesha isku hardinaya uga soo horeeyay dhulkana leh, waa in loo saamaxo reer Sool, Sanaag iyo Cayn inay masiirkooda ka tashadaan, ciday wax ku darsanayaan iyo haday gooni istaagayaana go’aan ka qaadashadeena loo madax baneeyo faragelinta sandareerto iyo ciidana laga daayo.

Nin ayaa la waydiiyay war hebel colaada Tukaraq ka waran maxayse salka ku haysaa? Kolkaa ayuu yiri: “Colaada Tukaraq waxay la mid tahay labo nin oo bidaar leh oo shanlo ku dagaalamaysa,  kii ku guulaystaa muxuu ku samayn, xaguuse gayn ilayn timoba malahe”.

Somaliland waa inay isticmaashaa caqli, oo dhibkii ay ka cabanayeen, waana naloo gaystay ay lahaayeen mid la mid ah kudayin reer Sool iyagoo u dowladaynaya, ogaadaana in dadka reer Sool aysan ka raali ahayn gooni isutaag.

Puntandna waa inaysan uga dhaganaan Dhulbahantaa Puntland wax ka dhistay waana nala haybe, waa inay garowsadaan in Dhulbahante saluugay Maamulka Puntland, magac mooyee wax mashaariic horumarineed ee  lataabankarona aysan ka helin kuna haysan Puntland.

Waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa Culimadda, aqoonyahanka iyo Cuqaasha Somaliland iyo Puntland ee arintaan ka hadlay kuna baaqay nabad, dadkana hoga-tusaaleeyay waxa labada umadood isku yihiin inay ka weyn tahay kana muhiimsan tahay waxa kala qaybiya.


Farah Aw-Osman
[email protected]

advertisements
 
Click here