8/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
BERBERA WAX GO’ LAGU QAADEY KA WEYN…..!!

Qore Muuse Yuusuf
Friday, March 23, 2018


Waxaa la sheegaa in oraahda kor ku xusan tahay maahmaah ama hadal-qabsi caan ka ah dhulka Soomalidu degto gaar ahaan degmada Berbera ee gobolka Saaxil, Somaliland. 

Haddii aan dib u raacno taariikhda ama sababta keentay in hadal-qabsigaas loogu sameeyo magaalada taariikhiga ah ee Berbera, raadraacayaalka taariikhda waxay sheegaan in oraahdaas soo baxdey qiyaastii qarnigii 19aad oo sida la wada ogsoon yahay gumeeystayaalkii Yurub duullaan xoogan ku haayeen dhulka Soomaalidu degto.

Dabcan boqortooyaadii Ingiriiska waxay ka mid aheyd kuwii ugu horeeyey ee yimid dhulka Soomaalida, isla markaasnaa si xoogaan ugu loolamayey qabsashada dalka iyagoo fulinaya danahooda siyaasad, militeri iyo dhaqaalaba. 

Gobollada waqooyi galbeed  ee dhulka Soomaalidu degto ama Somaliland, waxay ka mid aheyd meelaha Ingiriisku damac ka galay.  Waxayna si gaar ah muhimadda u siiyeen  magaalada  taarikhiga ee Berbera waayo waxay laheyd deked muhiim u aheyd isgaarsiinta dhinca badda. Arrintaas oo u fududeyneysey Ingiriiska dhoofinta badeecada gaar ahaan xoolaha  nool ama hilibkooda si loogu quudiyo ciidamada Ingiriiska ee degenaa saldhiga militari ee magaalada Cadan,  Yemen. Sida taariikhyahaanadu sheegaan,baahida uu Ingiriisku u qabey xoolaha nool ama hilibkooda ayaa ka mid ahaa sababaha ugu weyn oo uu gumeysiga Ingiriisku  u qabsaday dhulka Soomaalidu degto. Dhulkaasoo kaddibna ay ku magacaabeen “Somaliland protectorate” ama maxmiyadda dhulka Soomaalida.

Si ay u qabsadaan dhulka Soomaalida, gumeystaasha Yurub  waxay adeegsan jireen laba xeeladood. Xoog ku muquunin militari iyo iney heshiisyo la galaan madaxda Soomaalida, sida suldaanada, ugaasyada iwm. Waxaana la ogyahay in madaxda qabiillo fara badan ay heshiisyo ku oggolaadeen qabsashada gumeysiga ee dhulkooda hooyo. Madax dhaqameedyadii gobollada waqooyi galbeedna ee dhulka Soomaalidu degto waxay ka mid ahaayeen kuwo heshiisyo noocaas ah la galay isticmaarka Ingiriiska.

Bal dib aan ugu soo noqonno saababta dhalisey oraahda: “Berberi wax go’ lagu qaadey ka weyn.” Waxaa la soo weriyey in dadkii reer Berbera ay ka walaaceen heshiisyada ay suldaanadooda la gelayeen Ingiriiska. Waxayna arrintaan u arkeen mid qalad ah maadaama madaxdoodu ay ka iibineyeen gumeysiga Ingiriiska magaalada faca weyn ee Berbera.

Dadkaasi waxay si kaftan ama xifaaleytan ku jirta ku yiraahdeen madaxdoodii: “Berbera wax go’ lagu qaadey ka weyn.” Taasoo michnaheeda ama murtida ku jirta tahay in magaalada isteraatiiyada ah ee Berbera ay ka qiimo weyn tahay in lagu kala gato lacag yaroo guntiga ama go’ yaroo mara ah lagu qaato. Haddii si kale loo dhigo, in magaalada Berbera ay tahay muqaddas lama taabtaan ah iyo iney tahay hanti ma guurto ah oo usoo hari doonto ama ay dhaxli doonaan dadka Soomaalida ee degen goobtaas.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Soomaali been waa sheegtaa, laakiin been kuma maahmaahdo.” Waxay kaloo tiraahdaa: “Rag waa ragii hore, hadalna waa hadalkoodi!”

Inkastoo  oraahda kor ku xusan la curiyey boqolaal sano ka hor, haddana maanta hadii la fiiriyo xaaladda qallafsan ee soo waajahdey Berbera iyo dekeddeeda, waxaa muuqata in maahmaahdaas ay weli sideedi u taagan tahay oo run ahaantii waxay tahay mida keliya ee fasiri karta heshiiska la sheegey in madaxda Somaliland ay la galeen shirkadda D P World iyo Itoobiya.

Si kastoo loo fasiro heshiiska cusub ama sabab kastoo la sheego, waxaa muuqata in heshiiskaasi far ku godan tahay oo reer Berbera iyo dadweynaha Soomaliyeed ay ogyihiin in lacag yaroo dollar ah aan la siisan karin dekedda Berbera oo ku taal dhul Soomaaliyeed oo muqadas ah, ugu dambeyntiina u hari doonto ama ay dhaxli doonaan umadda Soomaaliyeed.  

Tan kale madaxda Somaliland marnaba meel ugama baxsan karaan eedeymihii iyo tuhunnadii reer Berbera ay kula kaftameen madax-dhaqameedyadoodii qarnigii 19aad. Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa: “wax la qariya qurun baa ku jira.”

Waa dhab in Berbera iyo dekedeeda ay soo maamuleen xoogag shisheeye oo kala duwan laga soo bilaabo wakhtigii Faraacinadii ilaa qarniga 20aad, ha ku qabsadeen xoog ama xiilad, laakiin waxaan shaki ku jirrin in magaaladaas iyo dekedeeda ay mar kasta gacanta ku haayeen dadkeeda Soomaliyeed oo dhaxalkeeda iska leh. Ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibeysaa…………...

Gunaanadkii qoraalka, been ma sheegin dadkii ku maahmaahey: “Berbera wax go’ lagu qaadey ka weyn…..!!”

Muuse Yuusuf
London, UK
[email protected]



 
Click here