4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Warqad Furan ku socota ONLF ( Open Letter to ONLF)

Qore: Abdiqani Farah Dhalaweyn
Sunday, August 26, 2018

 

Waxaan ku noqoday Jigjiga bartamihii 2017kii kadib markii aan muddo 50 sanno in ka badan aan qaxootinimo aan uga maqnaa magaaladda Qalaafe oo ka tirsan gobolka Shabeela, waxaana  magaalada Jigjiga aan soo joogay muddo dhowr bilood ah oo ahayd xiligii uu ka talinayey Cabdi Maxamed Cumar. Muddadii gaabneeyd ee aan joogay degaanka Soomalida, waxaan u kuur galay nolosha dhabta ah ee dadkaas iyo xaaladooda dhaqan dhaqaale. Waxaan doonayaa in aan si cad aan halkan uga sheegayaa in dawladii Cabdi Maxamuud Cumar ay qabatay mashaariic horumareed oo isha ay qaban karto oo marag ma doonta ah sida: Waddada Jigjiga-Godey, Jaamicadda Jigjiga, Biyo Xireenka Godey , Isbitaalka Weyn ee loo yaqaano :” Referral Hospita”, kor u qaadida bilicda Jigjiga iyo maalgelinta ay ku sameeysay mashaaricda gaarka u ah ganacsatad deggaanka. Waxayse Soomaalidu tiraahdaa “Qulwale ayaa Quraan isku fuuqsaday” oo aan ula jeedo, in hawlihii mashaariicdaas oo idil ay gacanta ugu jirtay hal xafiis oo lagu magaacbi jiray Xafiiska madaxtooyada oo ay hareeysay maamul xumo iyo karti daro.

 Ma doonayo in aan ka mashquulo wax qabadkii iyo musmaasuqii baahsanaa ee dawladii gabalkeed dhacay ee  Cabdi Cumar ( Ina Ileey)  ama aan ka hadlo taariikhdii  iyo halgankii dheeraa ee ay dadka Soomalida ee dhulka (isticmaarku u bixiyey Ogadeenia, iminkan ay dawladda Itoobiya ugu magac dartay Degaanka Soomalida)  ay la galeen  isticmaaradii kala duwanaa ee degaanka Soomalida uu soo maray laga bilaabo boqaradii Minliq iyo Haile Selase ilaa Diktatoraddii  kala ahaa Minigisto, Malese iyo Cabdi Ileey, blase waxaan doonayaa in hoosta ka xariiqo in maant ay jirto arrin deg deg (urgency)  oo ku taxluqda masiirka ummadda iyo xuquuda iyo xoriyadda dadka soomaliyeed ee muddada dheer cirka ku laal-neeyd in loo soo celiyo  si ay ayaatiinkood uga taliyaan, ama ha ku timaado iyada oo wax lala qaybsado qoomiyadaha kale ee Etoobiye ama gooni u istaag lagu heshiiyey oo” referendum” ka timid ha ahaatee.

Kadib markii ay Dawladda Etoobiya  ku dhawaaqday in ururka ONLF ay ka saartay liiska argagixiso, waxay dad badan isweydiinayaan, toloow maxay ONLF damacsantahay mar haddii dawladii Etoobiya ee in ka badan nus qarni la dagaalamayeen ay u fidisay caleen qoyan oo nabadeed? Runtii,  waa su’aal qiimo badan oo mudan is la isweeydiiyo.  Balse inta aan ka ognahay oo iclaamka ONLF aan ka akhrinay, ONLF waxay  ilaa iminka qaaday talaabooyin kale ah:

A. Inay ONLF xabad  joojin hal dhinac ah ku dhawaaqday iyo in uu afhayeenka ONLF Mudane Hirmooge uu dhawaan sheegay in ONLF iyo Dawladda Cusub ee Degaanka Soomallida ay ka mideysan yihiin midnimada umadda Soomaaliyeed, midnimada dhulka, xaquuqda dadka Soomaaliyeed iyo taariikhda dadka Soomaaliyeed ee deegaanka ku leeyihiin.

B. Inay  ONLF u dirtay AddisA-bab wafi ay ka mid yihiin madaxda ururka ONLF  oo si weyn loogu soo dhaweeyey, lana saxiixatay Dawlad Deggaanka Somalida heshiis ka kooban 7 qodon uguna muhimsanaayeen labada qodob ee kala ah: In loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka iyo in maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah

Haddaba, waxaan doonayaa annigoo ah qof shacab ah (private citizen) in aan talo iyo fariin qiimaheedu yahay 200 shillin ( 2 cents) aan u diro Madaxda  ururka ONLF taa oo kala ah:

1. Dadka degaanka Soomalida wax aan ahayn Soomaalinimo xuquuqdooda kuma soo dhacsan karaan ee ololihiina siyaasiga ah arrintaas saldhig ha u ahaato. Qadiyadii Qalbi Dhagax waxay mideeysay Soomali oo idil meel kastaba ha joogaanee, taa iyo mid la mid ah ayaa la idinka filayaa.

2.Dadka degaanka Soomalida waa ay ka daaleen dagaalada iyo qaxootinimada, waxayna dadku doonayaa nolol iyo nabad. Waxaan soo jeedinayaa in halku-dhaga ONLF uu ahaado la dagaalanka Gaajadda, Cuddradda, Aqoondarada, dib u dejinta barkacayaasha iyo qaxootiga iyo difaaca xoriyadda shaqsiga oo tacdi badan lagu la kacay, loona baahan yahay in loo helo xuluul sida ugu dhaqsiyo badan.

3. Waxaa loo baahan yahay in ONLF ay horseed u noqota  iscafin oo wixii dhacay in uu noqdo cashar taariikh u noqda talaabooyinkii la qaadi lahaa mustaqbalka. Taasi waxay keen doontaa in  mustaqbalka la xisaabtamo oo ayan dhicin arrimahii foosh xumaa ee deggaanka ka dhacay. Wuxuu yidhi geesgii weynaa ee reer Konfur Afrika, Mr. Nelson Mandela: “Forgiveness liberates the soul, it removes fear. That is why it is such a powerful weapon” oo micnaheedu tahay,” Iscafintu waxay nadiifisaa nafta, waxayna saartaa cabsida. Sidaa darteed waxay tahay hub xoog badan”.  Sida aan wada ogsoonahay, maamulkii ugu dambeeyey ee Deggaanka wuxuu masuul ka ahaa qodobada hoos ku qoran oo kala ah:

·         Dadka Degganka Soomalida dhexdooda oo lagu abuuray kala qaybsanaan iyo colaad sokeeye

·         Dagaallo si ula kac ah looga dhex abuuray qoomiyadaha Soomalida iyo Oromada

·         Ciidanka Liyuu Booliska oo ahaa ciidaankii iyo wiilashii deggaanka oo si aan sharciga waafaqsaneeyn loo isticmaali jiray.

Waxaa loo baahan yahay in ONLF ay u ololeeyso arrimaha ay ugu horeeyso iscafinta iyo run ka sheegida wixii dhacay. Dalalka Koonfur Afrika iyo Rwanda oo soo maray dhibaatooyin ka culus kuwa ka dhacay deggaanka Soomalida, waxay Koonfur Africa sameeysay hayada ah “Truth and Reconciliation Committee, halka  Rwanda ay abaabushay hayada la magac baxday “Gacaca Community Courts”, si la isku cafiyo, cashro looga barto wixii loo yaqaanay (Apartheid iyo Rwanda Genocide), waana ku guuleeysteen, waxayna arrintan mudantahay in looga daydo.

4. Abaarihii isdabajooga ahaa ee ku habsaday degaanka Soomalida khaaas ahaan kii ugu dambeeyey  ee 2016kii, wuxuu caydh ka dhigay xoola dhaqatadii iyo in badan oo beeraley ah oo beeraha ku tacban jirtay roobka oo maanta qaarna xeryo lagu quudiyo galeeyda iyo qamadida ay keento hayadaha dowliga ah sida WFP, kuwa kalana ay tuugsadaan, qaarka kalana ay ka helaan masaariif ehladooda dibada. Madaama Xoolihii degaanka boqolkiiba 70 ay dhinteen abaartii awgeed, oo manta malaayiin shacabka deggaank ah ay yihiin caydh, waxay dadka deggaanka ay doonayaan in ay helaan kaadireen ONLF ah oo si dhab ah uga kaalmeeysa oo u abuurta mashriic horumarineed  oo ah isku dhafka beeraha iyo xoolaha ah si ay uga baxaan noolasha adag ee reer guuraaga ah, sharaftood iyo noloshoodana kor ugu qaadaan.

5. Jahli iyo aqoondaro ballaaran baa deggaanka ka jira, una baahan in olol lagu qaado si dadka loo gaarsiiyo fariimaha nabadda iyo horumarka xambaarsan. Waxaan booqday warshadda ay ka shaqeeyso 110 qof oo nawaaxiga Jigjiga ku taala, in ka badan 80 qof waxay ku saxiixayeen suulka, wallow ay dawlad degaanka ku andacoon jirtay inay dhabar gooysay jahligii ka jiray deggaanka. Waxaan kula talinayaa  ONLF in  ay soo qaadato qalin si ay wax uga qabato dhibaatadan la xiriirta aqoondarada ee ku baahsan deggaanka.

6. Maamuladii degaanka ee laga soo dhisay Addis Ababa ee Mingisto iyo Melese ay u soo direen Jigjiga oo huwanaa magaca Soomalinimo waxay kula kaceen dadka degaanka arrimo ay ka mid ahayeen dil, Cadaalad daro, Boobka hantida dadweynaha, Xabsi, Kofsi iyo ku tumashada xorriyad Qoolka. Waxayse manta dawladda Dr. Abiye Ahmed ay siisay ururadii mucraadka iyo gobanimo doonka ahaa ee ka soo horjeeday taliskii Melese fursad qiimo badan, sidaa darteed, muddada ka hartay doorashada, waxaan kula talin lahaa in mucraadka iyo ONLF ay ka faa’ideystaan fursadan dahabiga ah oo ay is abaabulaan si doorashada soo socota uga qayb qaataan, hogaanka deggaankana ay u qabtaan.

 Warqadan furan ee u socota Madaxda ONLF waxaan ku soo gabagabeeynayaa hadal xigmad leh oo uu yiri madaxweynihii hore ee dalka Mareykaga ee la oran jiray Theodore Roosevelt oraah uu yiri taariikhdu markey ahay January 26dii 1900, wuxuu yidhi: "Speak softly and carry a big stick; you will go far." oo micnaheedu yahay: “Si jilicsan u hadal, qaado ul weyn, dabadeed meel fog baad gaari”.


Qore: Abdiqani Farah Dhalaweyn
Toronto, Canada
[email protected]

 





Click here