9/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Maxaa La Gudboon Soomaalida Itoobiya?
Sabti, August, 11, 2018

W.Q. Liibaan Axmad

 

Isbeddellada siyaasadeed oo hadda ka socda Itoobiya way ka duwan yihiin kuwii dhacay 1974kii, markii boqortooyadii Xayle Salaase  ciidammadu ay afgambiyeen, iyo 1991kii, markii Ehadeg ( EPRDF) ay ridday taliskii Mengistu Xayle Maryaam. Isbeddellada socda waa kuwo ay ka dambeeyaan  Amxaarada iyo Oromada – labada qowmiyadood oo ugu tirada-badan Itoobiya.

Oromadu waa qowmiyadda dhaqan ahaan,  af ahaan iyo deegaan ahaan  soo xigta Soomaalida, waana qowmiyadda ay Soomaali badan oo Itoobiya ku nool ay hadda ka cabanayaan. Ma Soomaalida ayuu taliska TPLF( Jabahadda Xoreynta Dadka Tigre),  oo ka mid ah isbahaysiga EPRDF, u adeegsaday wiiqista  kacdoonka Oromada mise Oromada ayaa barakicin siyaasadeed ku wadda Soomaalida? 

 

Jawaabta su'aashani may ka maarmayso dib-u-milicsi taariikheed oo kooban. Christopher Clapham, oo bare-sare ka ahaa Jaamacadda Cambridge, wuxuu isbeddelkii ka dhacay Itoobiya 1991kii ku tilmaamay soo afjaristii taladii siyaasadeed oo ka soo jeedday Shewa qarnigii 19aad  kaddib markii Menelik uu noqday embaradoorkii Itoobiya sanadkii 1889kii. Dhaqdhaqaaqa ururka isbeddelkii dhacay 1991kii udub-dhexaadka u ahaa waxaa loo yaqaannaa Wayaane;  wuxuu ka soo jeedaa gobolka Tigray. Tigray iyo Shewa  may aha oo keliya magacyo goboleed: sida magaca Finfine qofka u xusuusiyo qowmiyadda Oromada ,  Shewa iyo Tigray waxay qofka  kala xusuusiyaan qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigre.

 


 

Ra'iisal Wasaare Abiy Axmed: Summadda awoodda siyaasadeed ee Oromada

 

Oromadu kaalin mug leh bay ku lahayd ridistii taliskii Dergiga. Jabahadda Xoreynta Oromo ( Oromo Liberation Front) wuxuu ka mid ahaa isbahaysiga EPRDF hase ahaatee cudud siyaasadeed bay EPRDF adeegsatay si ay OLF uga reebto in ururka Oromadu uu kaalin ka qaato kalaguurkii siyaasided ee 1991kii.  Labaatan sanad gudahood bay Oromadu la kulantay niyadjab saamayn ba'an ku yeeshay haybtooda siyaasadeed Itoobiyaan ahaan. 1977kii Mengistu wuxuu shirqool ku dilay Jeneraal Tefere Benti oo noqday hoggaamiyihii Dergiga markii la dilay Aman Andom Eritreeyaan ahaa.  

 

Leenco  Lata , oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii OLF,  ayaa sanadkii hore ( 2017kii) waraysi  dheer siiyay bare-sare  Ezekiel Gebissa. Wuxuu  xusay in ururka OLF uu soo jeediyay in ay tahay in askarta TPLF aysan keligood noqonin ciidammada qaranka iyo in loo baahan yahay in la dhiso ciidammo ay qowmiyadaha Itoobiya  oo dhami u dhan yihiin.  Isias Afwerki, oo markaas ahaa hoggaamiyaha uirurkii EPLF, ayaa ku gacan-sayray soo jeedintii OLF. Waxaa xigtay in ciidammadii OLF xero lagu xereeyay si askarta ururka TPLF u nqodaan ciidammada qaranka ee Itoobiya inkastoo  ciidammada ururku ka soo jeedaan hal qowmiyad. Lata  wuxuu intaas ku daray in xilligaas OLF ay  miiska soo saartay laba hindise oo ururku doonayay inay qayb ka noqdaan siyaasadda  xilliga kala-guurka: gobannimadoon ( decolonisation)  iyo dimuqraadiyadayn ( democratisation). "Kelitalis cusub baa kelitaliskii hore beddelay. Waannu guuldarraysannay militari ahaan hase ahaatee waannu guulaysannay urur ahaan. Waan in dulmiga lagu hayo Oromada uu joogsado ama Itoobiya may sii jireyso." buu yiri Lata.   Isku sargo'naan la'aanta tirada Tigreega iyo awooddooda siyaasadeed iyo dhaqaale ayaa u cuntami weysay Oromada. Ka qaybqaadashada geeddi-socodka siyaasadda may u keenin Oromada horumar muuqda oo dhanka siyaasadda ama dhaqaalaha ah. Waan dhibaato siyaasadeed oo Soomaalida Itoobiyaba la degtay

 

Lata wuxuu rumeysan yahay inay jiraan xoogag badan oo aan ku faraxsanayn awoodda siyaasadeed ee Oromada. Tusaale ayuu u soo qaatay in  dowladaha reer Galbeedku 1991kii u arkayeen Oromada dad Muslimiin ah sidaas darteedna ay dan u arkeen  in arrimaha kalaguurka siyaasadda Itoobiya ay kala  hadlaan TPLF iyo  Jabhadda Xoreynta Dadka Eritreeya ( Eritrean People's Liberation Front)  oo waqooyiga Itoobiya ka soo jeeda, Masiixiyiin ah kala-sarrayn hay'adeedna leh ( hierarchy ).  

Leenco Lata: Hoggaamiye hore ee OLF; cilmi-baare nabadeed hadda

Herman Cohen, oo ahaa diblomaasigii Maraykanka u qaabbilsanaa siyaasaddii kalaguurka Itoobiya, ayaa  OLF ku soo xerogaliyay, sida Lata sheegay, halkudhigga: Dimuqraadiyad haddii aysan jirin, iskaashi muu jiro. "Reer Galbeedka, Suudaan iyo EPLF waxay dantooda u arkayneen in OLF ay ka qaybqaadato dowladda cusub ee Itoobiya.  Shir London ka dhacay 1991kii, oo jabhadihii  hubaysnaa ee Itoobiya ay ku kulmeen, ayuu Lata ku tilmaamay mid  EPRDF loogu fududaynayay inay  awoodda siyaasadeed hanato. "Ballanqaadyo  iyo hanjabaadyo wada socday bay OLF la kulantay" buu yiri Lata. 

 

Casharka Soomaalida Itoobiya  ka baran karo ( mar labaad ama mar seddexaad ) xogta Lata la wadaagay bare-sare Gebissa  waa: bulsho kala qabysani ama qorshe siyaasadeed aan lahayn waxay u nugushahay fulinta go'aammada shisheeyaha. Waqtiga uu Lata ka hadlayay – 1991kii –  Soomaalida Itoobiya  may lahayn urur kaalin ku lahaa ridistii taliskii Dergiga.

 

Dhibaatooyinka Soomaalida Itoobiya  haysta qaarkood

 

Dhibta kowaad waxay la xiriirtaa awood-yarida siyaasadeed ee Soomaalida. Oromadu waxay qayb ka tahay isbahaysiga dalka hadda u taliya. Xisbiga Dowlad Deegaanka Soomaaliya Itoobiya muu dhaafsiisna aalad TPLF ku adeegato. Tusaale xasuuqa ba'an oo Soomaalida loo geystay muu aha mid laga hadlayo ama keenay baaqyo ku saabsan baaris.  Herman Cohen,  oo ka halwgabay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka,  wuxuu qoray  in dowladda Itoobiya ay aloostay colaadda Soomaalida iyo Oromada dhex taalla hadda. Waa dood ay qabaan dadka u kuurgala arrimaha Itoobiya. Soomaalida Itoobiya looma arko dad xaqooda raadsanaya; waxaa loo arkaa aalad ka mid  aaladaha TPLF ay ku seeta-dheeraysanayso. Fashilkan mas'uuliyaddeeda waxaa leh hoggaanka iyo xisbiga DDSI. In xubno ka tirsam DDSI ay isku howlayaan la jaanqaadista isbeddelka Addis Ababa ka dhacay waxay muujinaysaa in weli hoggaamiyeyaasha Soomaalida Itoobiya ay diyaar u yihiin inay aalad cusub u noqdaan Ururka Dimuqraadiga Dadka Oromada (Oromo People's  Democratic Organisation),  oo uu Ra'iisal Wasaare Abiy Axmed guddoomiye u yahay.  Saamayn-badnida siyaasadeed ee OPDO waxay soo muuqatay markii  Lemma Megersa, madaxweynaha maamulka Oromiya  ahna guddoomiye ku xigeenka OPDO, uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ciidammo federaal gobolka  u soo dirtay inkastoo Oromiya aysan codsi u dirin dowladda dhexe.  Opride, oo u dooratay Lemma Megersa qofka sanadkii 2017kii, ayaa xustay in Abiy Axmed ka mid yahay kooxda ugu dhow madaxweynaha dowlad deegaanka Oromada iyo inuu Abiy Axmed lafdhabar u ahaa dadaalladii lagaga dhigayay idaacadda Oromiya mid barnaamijyadeedu aysan ku koobnayn baahinta waraka ku saabsan horumarinta balse noqotay idaacad u guntatay  soo bandhigista musuqmaasuqa madaxda dowladda dhexe. 

 

Cabdi Maxamuud Cumar , madaxweynihii hore ee DDSI, wuxuu xoogga saaray kasbashada kalsoonida kaadiriinta sarsare ee TPLF .Wuxuu gaaray heer uu illoobo gaboodfalka  milishiiyada Oromada,  Qeerroo, kula kaceen Soomaali badan. Wuxuu doorbiday inuu u doodo dadka Tigreega  oo gobolka Amxaarada lagu dhibaateeyay. Wuxuu u qareemiddaas danaysiga siyaasadeed ku salaysan ku mutaystay in Tigrai Online ay Cabdi Iley u dooratay Qofkii Sanadkii 2016kii. Markii  Abiy Axmed  noqday Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya  TPLF way ka badaabdin waysay Cabdi Maxamuud Cumar in  lagu qabso qirasho gaboodfal iyo, markii dambe, iscasilaad. 

Dhibaatada labaad oo  Soomaalida Itoobiya haysata waa mid hoggaamineed; waa arrinta uu Dhoodaan ku lafaguray gabaygiisa  Galaal-xoor:

 

 kac gardaadi wiil lama yidhaa, xaaduq gaamuraye
inuu gumaradiisii dhaxlaa, looga gudayaaye
kama yara hoggaan gobannimaa, gaasa-bixintoode
adigoon ujeeddada gaddiyin, taa haddaad garato
soco waa galaal-xooristii, gaafaguursiga e 

 

 

 Dhoodaan oo iftiiminayay tuducyada  kor ku xusan wuxuu sheegay in karti-laawe uu dadka la soo hor istaagi karo "Anigoo reer hebel ah baa talada leh"! "Haddii qoys uu ka fiirsado qofka wiil u gardaadin doona ( bannaan-bixinaya) maxay bulsho uga fiirsan la'dahay qofka hoggaamin doona ?" bay doodda  Dhoodaan ahayd welina tahay. 

 

 


Cabdi Iley  oo la fadhiya hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael

 

Itoobiya waxay gashay waji siyaasadeed oo hor leh.  Waxaa Soomaalida Itoobiya la gudboon inay kuwa weli talada u haya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI)  ku qanciyaan inay talada dadka la wadaagaan.   DDSI waa gobolka keliya oo sida, dowladda Itoobiya, lagu eedeeyay in dowladdiisu ku gaboodfashay Soomaalida ka fikrad-duwan siyaasad ahaan. Waa sababta keenaysa in DDSI ku suntanaato maamul budhlayaal ah ( paramilitary administration). Guuldarrada siyaasadeed ee DDSI ka dhacday maamulka ayaa geystay waase mid Soomaalida oo dhan la huwiyay. Arrimuhu sidaas kuma sii socon karaan. Waa in Soomaalida Itoobiya ay abaabusho shir wadatashi iyagoo xoogga saaraya  maamulka  suubban,  wax ka kororsiga gefefkii maamulka DDSI iyo la xisaabtanka dowladda federaalka itoobiya. 

Halista ugu weyn oo hadda jirta, sida Faysal Rooble oo gorfeeya arrimaha Kililka Soomaalida,  uu ku dooday dhowaan, waa  gobolka Soomaalida oo ay dowladda federaalku ka dhigi karto meel ciidammo federaal oo badan la keeno waayo ciidammada  jooga  soohdita Itoobiya ay la leedahay Eritreeya may sii joogayaan halkaas. Taas macnaheedu waa: Soomaalida waxaa loo ekeysiin karaa cadawga qowmiyadaha kale ee Itoobiya u/ku midoobi karaan.  Dhowaan dowladda Itoobiya waxay u dhaqaaqaysaa soo saarista gaaska ku jira gobolka Soomaalida inkastoo siyaasadda dowladda dhexe ay xasillooni-darraysiisay gobolka iyadoo ku adeeganaysa maamul aan xilkas ahayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay hoggaan u raadiya xaqa kaga maqan dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo in awoodda dowladda dhexe aan loo adeegsanin la dagaallanka soo bixista hoggaan ka shaqeeya danta Soomaalida Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u arrimmiso.




Liibaan Axmad

[email protected]

 



advertisements
 
Click here