8/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
XEERKA GABDHHAHA XABSI MA KU JIREY?


Abdirizak Ismail Hashi (CIRRO)
Thursday April 26, 2018

Magaca Eebbe aan ku bilaabo, Nabiga na aan naxariis iyo nabad gelyo Alle u waydiiyo. Waxaan dhashay aniga oo xor ah, waxaanna jeclahay inaan aakhiro u hoydo aniga oo xor ah. Intaas oo kale ayaan la jeclahay ruux kasta oo aan wax galabsan, lab iyo dhaddig kuu dooni ha ahaadee.

Ma ihi dadka xamaasadda ku kaca, dabaylaha dhacayana mid ba meel iima hawadiso. Ma ihi hal-yeeshaale hadba cidda uu qoraalkooda uu akhriyo la aragti ah, mana ihi qof dadka kale aragtiyohooda aan qaymayn oo qumanihiisu qoorta igu jiro.

Dhawr caana-maal ayaan is moogaysiiyey xarigga iyo xukunka lagu riday Naciima Abwaan Qorane. Waxaan iri ka dhur-sug, oo madaxda ay gacanta ugu jirto ku qiimee, iyaga ayaa maslaxadda gobolka kaa oge, haddana waxaan la gam’I waayey oo urugo igu noqotay ilmadowda ka ooyeysa qolka mugdiga ah, markaas baan eegay curadayda Bushro cirro oo xor ah, oo galab walba ku ciyaarta meel carruurta da’deeda ah loo asteeyey iyo Niciimo oo sida qalbigaygu ii suureeyey qol ciriiri ah ku jeebaysan. waxaan milicsaday meeqaankii ay hablaha muslimiintu guud ahaan lahaayeen.

Waxaa sida filimka ii hormaray hoggaamiyeyaashii Islaamka iyo qadarintoodii dumarka. Waxaan dib u jelleecay hablaha Soomaaliyeed ee aan xudduudda lahayn ee sida MSF ahaan jirey (Dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn) oo gurigooda iyo kan gayaankood ba milgada ku lahaa. Waxaan is waydiiyey sida haweenku safka hore uga jireen “Biri-ma-gaydada” Waxaa maankayga ku soo laalaabtay kaalintii ay ka soo qaateen xorriyad u dirirka, xilli aan Bari iyo Galbeed la kala sheegan jirin.

Mar kale Ayaan is iri malaha dhaqan iyo diini meeshooda ha joogeene meeday dimuqraadiyaddii ugu yaraan qofku xorriyad-hadal, xorriyad-fikir iyo xorriyad-shaqo siin jirtay? Intaas oo dhan markay igu kulmeen ayaan goostay inaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waraaq Furan u mariyo halkaan. Taas oo isugu jirta, codsi, xusuusiin, waano, talo-galyo, hoga-tusaalayn iyo farriin inta ba.

Oraahdaydu waxaa weeye “Madaxweyne xabsigu xal ma aha. Dhallinyarada, gaar ahaanna habluhu waxay u baahan yihiin, in maskaxda lagala hadlo, intii gacanta laga hadli lahaa”. Mudane, madaxda Soomaalilanad oo aad adigu ugu horreyso waxay shacabka u sheegeen inay ka gilgisheen dulmi ay u adkaysan waayeen, kaas oo caburintu kaalinta kowaad ka ahayd –anigu ma inkiri karo, mana qiri karo, waxay ahayd xilli aanan marag gelin-

Haddaba is waydii, muxuu xabsigaagu kaga duwanyahay xabsiyadii hore. Sheeko iyo shaahid midna ma u soo taagnayd xarigga ugubyada aan curan oo ummadaha qaarkood aaminsanyihiin in lagaba ducaysto?

Madaxweyne masiibo iyo magacba maalin bay baxaane Niciimo abwaan Qorane cafis madaxweyne ku sii daa, adiga oo tixgalinaya bulshada soomaaliyeed ee dhiigga walaalaha ka ah, siyaasaddu maalinba walaal bay leedahaye. Ku sii daah magaca gabadhnimo ee dhaqankeenna xurmada goonida ah ku leh. Ku sii daa’ da’yarnimadeeda iyo adduunka u cusub yaysan walwal indhaha ku kala qaadine. ku sii daa’ magaca Abwaan qorane, af-maalka waa laga sarriigan jiraye.ku sii daa hooyada ku ilmaynaysa gogoshii gabadheeda, ee tobanka cabsiyood ee kala nooca ah qabta. Ku sii daa’ hibada Eebbe u siiyey inay kiciso quluubta dad aan maqal mooyee muuqaal ku arag. Ku sii daa’ boqollaalka barbaar ee baarkeeda dhawranayay.

Aan halkaas ku joojiyo Qaybta 1aad ee qormadaan.


Abdirizak Ismail Hashi (CIRRO)
Email: [email protected]


 
Click here