4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Baroordiiq Maxaa Ka Danbeeya?

Cali Cisman 
Thursday October 19, 2017

 

Waxa aan ka maqlaayo SNTV, Madaxda iyo Indheer garadka waxaa moodaa in la leeyahay shacabkow soo baxa!!! Shacab haddii uu wax qaban karo soo waa hore magaaladu ma hagaagteen?


1.      Shacabku muxuu ka qaban karaa nin qarax wata oo askari qaad cunaayaa soo deynaayo?
2.      Shacabku muxuu ka qaban karaa nin qarax lagu qabtay oo ay shalay sheegeen haddii odey ama xildhibaan uu soo dabiinanaayo, kadibna uu soo raadsanaayo?
3.      Shacabku muxuu qaban karaa haddii nin uusan aqoon deriskiisa iskala soo dego ama guriga xaafada ka ijaarto?
4.      Shacabku muxuu ka qaban karaa haddii nin bastoolad ku hubeysan masaajidka ama maqaayada la soo gelaayo, hadhowna dad ku laynaayo?
5.      Shacabku muxuu ka kolkuu hurdaayo haddii gaari dameer hubka magaalada labadeeda dhinac loo kala dhaafin karo
6.      Shacabku miyuu ogaan karaa askarigii sii daynaaya ama la shaqeysta kuwa falaagada?


Shacabka waxa uu amaan ka qaban karo in ay yartahay ma aragtay haddii uusan jirin haykal diyaarsan oo u saamaxaaya in uu ka qayb qaato amaanka iyo xasilinta magaalada?

(1) Waa in dhamaan qaadka keenistiisa, gadidiisa, qaybintiisa laga mamnuucaa Gobolka Benadir oo sharci danbi lagu qaadi karo askarigii lagu qabto asagoo cunaaya. Wax sharci ka ah dalka hadana aan aMAAN laga sugi kareyn, askari sharci ugama qaadi kartid. Nabaduna hagaagi meyso inta askari qaad kii uu cuni lahaa lacagtiisa raadinaya laga sugaayo sugida amaanka.

(2) Waa in sida Ethiopia gaari kasta oo soo galaaya magaalada laga dhigaa rarka uu wado oo dhan, kadibna lagu celiyaa rarkii marka la hubsado inuu badeeco wado. Lacagta xamaaligana laga qaado ganacsadaha (Waa sida Ethiopia maanta sameyso)

(3)Waa in la waayaa odey, xildhibaan, siyaasi, ganacsade ama qaraabo daba joogta nin fal lagu dhaawacaayo nabadda geystey oo kii ka daba yimaada asagana lala xiraa xataa haddii uu wasiir yahay (Waa sida ay Ethiopia sameyso maanta)

(4) Labadii is goys ee kasta (Jid cade iyo mid dhisan) waa in ay joogaan 4 askari oo labo bastoolado wadato, labana wadato qoryo. 

Waa in ay afartaas ugu yaraan u muuqdaam ugu yaraan labo koontarool ayaga la mid ah. Waa in lagu baaraa qof kasta markii jiiro ka laabto (Waa sida Magaalooyinka gobolka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia lagu sameeyo maanta)


5) Ninkii hadal ka soo celiya ama aflagaadeeya ama ka qayliya oo shacab ah arinta nabadeynta waa in la isku jebiyaa oo gaari shabaqlaa inta la saaro la geeyo xabsi foolxun oo buux dhaafay oo uu ugu yaraan sadex beri soo cunaa


6) Waa in uusan socon gaari aan rakaab ahayn oo hal qof saaran yahay si loo yareeyo saxmada inta ay socoto suggida amaanka

7) Meel kasta oo ganacsi oo ay isugu yimaadaan dad ka badan 10 qof lagu qasbaa ninka iska leh inuu baaro qof walba oo meeshaas gelaaya rag iyo haweenba. 


8) Waa in 5 tii guriba loo sameeyo guri ka mid ah nin ka masuul ah dadka imaanaya 5 taas guri, isla markaana gurigii qof cusub yimaado oo aan soo sheegin xabsiga la dhigaa masuulka.

(9) Waa in 30 kii guriba loo sameeyo guri uu joogo nin maamula sodonkaas guri oo ay subax walba raggii shanta guriba ka masuulka ahaa ay u soo gudbiyaan wixii cusbaa ee ku soo kordhay dad cusub 6 daas unug. Waa in uu asaguna u gudbiyaa "report" gaas ninka booliiska ee haysta xaafadaas.


(10) Waa in bandow lagu soo rogaaa mudo 6 bilood ah magaalada oo dhan oo la waayo qof aan askari ahayn ama isbitaal emergency loogu wado oo socda qoraxdu markay dhacdo ilaa ay ka soo baxeyso. Waa in qof walbaa uu seexdo meesha qoraxda ugu dhacdo ilaa qoraxda ka soo baxeyso

(11) In la sameeyo ciidamo dharcad ah oo wax walba oo amaanka lagu xasilinayo isku daya in ay garab maraan sida in ay laaluush bixiyaan, in ay been u sheegaan, in ay mashquuliyaan, in islaan uurleh iska soo dhigaan, in odey soo adeegsadaan iyo xildhibaan kadibna lagu ogaado cid kasta oo isku dayda in ay ka leexato nidaamka xasilinta. Isla markaana xabsiga la dhigo oo ay noqoto ciqaab adag oo askarigii ku dhacaa uu ogaanayo inuu xabsi ku waari doono.


(12) Haddii Allah yiri dunida inay suusho, baaba'do iyo in qof Muslim ah oo waxba galabsan la dilo, waxaa Allah agtiisa ku weyn dilka muslimka. Soo marka Masuuliyiinta Gobolka Benadir wax walba in ay kala weynaato bedbaadinta Nafta Muslimka maahan. Xamar oo dhan ilaahow maa lug loo kala socdo, waa in ay taa ka horeysaa in uu nabad la'aan ku dhinto qof Soomaali Muslim ah.

Mida kale haddii aad xasilin weyso magaalada ugu weyn dalka, ee ugu ganacsiga badan, dadka ugu badan degenyihiin, ugu jawiga fiican. Maxaad ku diideysaa in gobolo abaar ah oo wax Allah abuurto oo yaalaa jirin in ay kuu dhaartaan oo kuu humbaaleeyaan. Waxaa la rabay in ayagoo ku baryaaya ay kuu yimaadaan markii qof walbaa ka soo tago oo nolol wanaagsan u soo raadsado Xamar oo Nabadeedu Sugantahay.

Haddii aysan sidaa dawlada uga go'neyn in ay amaanka u sugto, maro gaduudan oo madaxa lagu xirtaa, ama in la yiraahdo shacaboow isku soo baxa waxba tari mayso.



Email: [email protected]





 





Click here