4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Nin sigtay ma noola: Xaalka dacwada badda Soomaaliya

Dr. Abukar Y. Warsame
Wednesday, May 31, 2017



Akhristow cinwaanka qoraalkeygu ”Nin sigtay ma noola” nuxurkiisu wuxuu xambaarsan yahay sida ay dawladda Kenya qarka ugu saarneyd iney ku guuleysato diidmadeeda ah in maxakamaddu aysan xaq u lahayn qaadidda dacwadaan maadaama heshiiska is-af-garadka ah (MoU) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu yahay hab ka mid ah hababka lagu xalliyo murnaka dhex mara labadii dawladood ee xad-badeedka isku qabsada.

Waxaan qoraallo hore ku iftiimiyey baahida keentay is-afgaradka (MoU) oo saldhig u ahaa sidii loo dhammaystiri lahaa xadaynta qalfoofka badda oo waqtigeedu ku ekaa May 13, 2009. Waxaan qoraal kale kaga hadlay ujeeddada khaldan ee Kenya ay ka lahayd is-af-garadkaas iyo sidii ay ugu diyaargarowdey wixii ay ku qori lahayd iyo wixii ay ku hoos qarin lahaydba iyadoo hawshaas ay u sahashay dayac iyo diyaargarow la’aan dhanka masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ah. Heshiiskii is-af-garadka waxaa diyaariyey dawladda Norway waxayna dawladda Soomaaliya wax ka beddeshay oo keliya cinwaanka oo ay ku dartay ereyga ah “to each other”. Dawladda Kenya wax bay ka beddeshay qoraalka ay diyaarisey dawladda Norway balse qoraalka maxkamadda la soo dhigay laguma caddayn waxyaabihii ay beddeshay.

Waxaa xusid mudan in aan la wadaagay garyaqaannadii na mataleyey farriin uu ila wadaagay aqoonyahan u dhashay waddanka Norway kuna lug lahaa xaaladda badda Soomaaliya taasoo uu ku caddeynayey in heshiiskaas uusan ahayn sida khaldan ee dawladda Kenya ku doodeyso.

Diidmada dawladda Kenya ee in maxkamaddu qaaddo dacwadan waxaa aasaas u ahaa in markii ay Kenya saxiixeysey 1965 heshiiskii ka mid noqoshada maxkamaddan caalaamiga ah ay raacisay shuruud ah in haddii la helo hab ama waddo kale oo lagu xallin karo muranka dhex-mara Kenya iyo dawlad kale aysan maxkamaddani soo geli karin murankaas ama dacwadaas. Dawladdii Soomaaliya waxay saxiixday 1963 isla heshiiskaas ka mid noqoshada iyada oo aan wax shuruud ah ku xirin. Waxaa intaas dheer in dastuurka ku-meel-gaarka ah ee hadda aan ku dhaqanno oo lagu soo diyaariyey waddanka Kenya lagu soo daray qodob aan ku jirin dastuurradii ka horreeyey ee waddanka oo aad mooddo inuu hordhac u ahaa in muranka badda aan dacwad lagu xallin ee heshiiska is-af-garadka ah laga dhigo hab kale oo wax lagu xallin karo.

Waxaa kaloo dawladda Kenya ay saldhig uga dhigtay dacwadeeda in heshiiskii is-af-garadku uusan u baahnayn ansixinta golaha baarlamaanka oo uu dhaqan gal yahay markii saxiixa ay ku duugeen labadii wasiir ee kala matalayey Soomaaliya iyo Kenya. Nasiib xumo sidoo kale dastuurkeena ku meel-gaarka ah waxaa ka maqan in baarlamaanku si aqlabiyad-buuxda ah ku ansixiyo wixii sharci ah oo khuseeya xuduudaha waddankeenna sida dastuurkii 1960 kii ku qornayd.

Dayaca iyo diyaargrow la’aanta  xaggeenna ah waxaa caddayn kuugu fulin jawaabta qoraalka ah ee uu bixiyey  garyaqaan Abdulqawi Yusuf oo ah ku xigeenka maxkamadda oo dhaliil culus uu u soo soo jeediyey labada dal. Waxaa hadalkiisa laga dheehan karaa inaan si indho la’aan ah u saxiixnay heshiis is-afgarad oo aynaan wax badan fikirkiisa iyo diyaarintiisa kala socon ama iskaba fiirin. Garyaqaan Abdulqawi wuxuu qoray ”No Government can afford today to put its signature to a bilateral legal instrument which it has neither carefully negotiated nor to which it has hardly contributed.” Ma jirto dawlad kasoo kabsan karta iney saxiixdo heshiis laba-dhinac ah oo aysan si taxadar leh uga xaajoon ama aysan diyaarintiisa qayb ka ahaynba

Ilaahey mahaddiis waxaa maxkamaddu xukuntay in ay dacwadaas geli karto. Dacwada qaybtii hore waxaa qaadayey ilaa14 garsoore oo u kala dhashay waddamo kala duwan uuna ku jiray ku xigeenka maxakammadda oo u dhashay Soomaaliya. Garsoorayaashii maxkamaddu iskuma wada raacin in dacwadaan la galo oo saddex ka mid ah (waa inta aan ogahay) waxay taageereen mowqifka dawladda Kenya oo ah in heshiiskii is-af-garadku (MoU) uu yahay hab wax lagu xalli karo oo maxkamaddu aysan sharci u lahayn inay gasho dacwaddan.

Waxaa kale oo mahad leh dadkii ka hawlgalagay dacwadaas oo ay ugu horreeyaan garyaqaannaddii na matalayey iyo masuuliyiintii kale ee dawladda balse waxaa mudan in la is xasuusiyo in aan u diyaargarownno in sidii shalay naloo gaaday aan naloo gaadin oo weli xaalkeennu taagan yahay ....”Nin sigtay ma noola”.

Waxaan isku dayayaa in aan iftiimiyo hawsha hadda na hor taal iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa dacawada qaybteeda muhiimka ah oo ah xadeynta xuduudda badda aan la wadaagnno waddanka Kenya. Waxaa dacwada qaybteeda labaad loo ballansan yahay in la gudo galo 18ka bisha December ee sannadkan 2017.

Akhristow diyaargarowga waxaa loo qaybshaa dhowr nooc oo marka aad fiiriso xaaladaha muranka badda ee aan kor kaga soo sheekeeyey aad mooddo in aan mar walba ku sugan nahay diyaargarowga  nooca  ugu natiijo xun balse loo baahan yahay in aan ku dhaqaaqno sidaan ku gaari lahayn kan ugu natiijo fiican. Waa kuwan qaar ka mid ah noocyada diyaargarowga:

  1. Diyaargarow ku salaysan ka fal-celin wixii hadba kugu dhaca  - Reactive
  2. Diyaargarow (la’aan) aan dhaafsiisnayn waxa maanta taagan  - Inactive
  3. Diyaargarow ku salaysan waxa mustaqbalka laga filan karo ama dhici kara iyadoo laga duulayo wixii la soo maray iyo waxa maanta taagan - Proactive

Diyaargarowgu si uu miro dhal u noqdo wuxuu u baahan yahay waqti, dhaqaale, aqoon iyo talo saarasho ilaahey oo ah tiirka ugu muhiimsan balse u baahan in lagu kaabo dadaal iyo feejignaan dheeri ah. Waxaan shaki ku jirin in dawladdii middaan ka horreysey ay muujisey sida aysan uga tanaasulayn in xaduudaheeda badda xaal- mastuur iyo wada-hadallo hagardaamo xambaarsan lagu xalaaleysto. Waxaa hawshaas garab weyn ka geystay dadweynaha Soomaaliyeed oo taagero aan la koobi karin ka geystay iyo garyaqaanno leh xirfad ay ku soo bandhigeen xaqa aan u leennahay in xuduudda baddeenna lagu difaaco xeerarka adduunka u degsan.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “fuley xantiis ma mooga” oo waxaa muuqata dhaqaale yari xoog leh oo haysata dawladda hadda jirta taasoo sababi karta ama sababtay in garyaqaannaddii dacwadaan horey u galay ama kuwa aan hadda looga maarminba loo heli karin dhaqaalihii laga ballan qaaday ama ay u baahnaayeen. Waxaa kaloo dhici karta in aqoonyahannadii iyo farsamo yaqaannadii ka hawl galay dacwadddan uu saameeyey is-beddelka siyaasadeed iyo kan dhaqaalaba kaasoo keeni kara dib-u-dhac iyo xog badan oo dhunta.

Waxaan aad ugu kalsoon ahay in madaxda maanta hoggaamineysa dawladda oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Maxamed A. Farmaajo iyo wasiirka kowaad, mudane Xasan A. Khayre ay yihiin masuuliyiin ay ka go’an tahay difaacidda xuduudaha baddeenna. Waxaan rajaynayaa in ay si hagar la’aan ah ugu diyaargaroobi doonaan dacwadaas oo u baahan  diyaargrowga nooca saddexaad (Proactive) maadaama guusha dacwadaas iyo guul-darradeedaba (ilaahey naguma keenee)  ay noqon doonto mid taariikhda u gasha oo jiilalka soo soocda ay ku xasuustaan.


Dr. Abukar Y. Warsame
[email protected]
Picture: Cliffhanger from Amnesia International



 





Click here