3/30/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Xalinta dhacdadii Galdogob, Ma wax la’aan bay dhaantaa mise waa xukun saxa?


Shantii wiil oo lagu eedeeyey in ay laba gabdhood ku xoogeen magaalada Galdogob


Ubah Aden
Tuesday, January 31, 2017

Mudo aan dheereyn ayaa baraha bulshada lagu soo bandhigey faaxisho kufsi oo aad u fool xumeyd. Dhibkaa waxuu ka dhacey Puntland, degaanka Goldogob. Waxaana lagula kacey labo gabdhood oo lagu qiyaasey in ay da`dood aheyd 14 iyo 15 jir. Dembiilayaashana dhibkaa geystey ayaa ahaa lix wiil oo dhalinyaro ah. Shan ka mid ah waa la qabtey. Kii lixaadna maanta ayaa la maqley in la soo qabtey.

Waxaa farxad leh in markii laga war heley ficilkaa foosha, aan la isugu eegin qabiil hebel iyo gobol hebel buu dhibanahu u dhashey. Ee hal mar ayaa dal iyo dibadba loo wada kacey oo loo wada gurmadey. Taa waa wanaag xusid mudan. Waxaa kaloo maamulka Goldogob ay mudan yihiin in lagu bogaadiyo howsha wanaagsan oo ay qabteen. In degaankii ay dejiyeen, dembiilayaashiina ay qabteen oo la xirey, ilaa inta ay go`aan maxkamadeed laga gaarayay.  

Kufsiga iyo zinada waxey ka mid yihiin dembiyada ugu waaweyn oo Ilaah naga xaraan timeeyay. Kufsiga waxuu hadana ka mid yahey bahdilada ugu liidata ee gabar lagu sameyn karo. Xalinta dhibkan waxaa loo doortey in lagu xaliyo diinta iyo shareecada islaamka. Diintu waxey sheegeysaa in dembiilahaa tacadilkaa geysta lagu xumo ciqaabo ay ka mid yihiin masaafurin, jeedal, lug iyo gacan is dhaaf ah oo laga gooyo ama dil. Shaley ayaa lagu dhawaaqey xukunkii shanta dembiilayaasha.

Waxaana lagu xukumey xarig, magdhow iyo jeedaal. Diintu sheegi meyso xarig. Ciqaabta kitaabku sheegayo, sidey aheydna looma fulin. Culimadu waxey markastaa yiraahdaan in `diintu aysan tanaasul laheyn `. Maxaa keeney in wiilashii sidaa loogu tanaasulo? Ma gabdhaha ayay ka qiimo badan yihiin? Dhibkii iyo sumcad xumadii gabadhaa loo geystey miyeysan qiimo laheyn? Waxaa wararka layska tusiyay wiilal qoslaya markii usha cowska u ekeyd la taabsiinayay. Talow ma dareensan yihiin sababta loo ciqaabayo iyo dhibka ay soo gaarsiiyeen bulshada inta uu le`egyahey. Waxaa cabsi leh, in cadaalad xumidaa halkaa ka dhacdey, ay sababto in la caadeysto xumeynta dumarka.

Sidaan la socono dagaalkii sokeeye ee Somaliya iyo bur-burkii bulshado ee dhacey, waxey sababeen in dhaqamo xun la caadeysto. Dhaqmadaa waxaa ka mid ah in dumarka ay ka noqdaan kuwa xoogooda lagu nasto, hadana xaqooda iyo xaquuqdooda la dayaco. Diinta islaamka dumarka wey sharaftey. Xaqooqdna kor ayay u qaadey. Ee dhibka jiraa ayaa ah in wacyiga dumarka uu liito. Taana waxey sababeysaa in ay dumarka diintooda faqri ka yihiin. 

Waxaan is weydiiyay, markii xalinta dhibkan lagu jirey, talow culimada ma la tashadeen dumarka? Oo ma raadiyeen sida uu kufsigu xasaasi ugu yahey dumarka? Dumarka laftigood ma ka mid ahaayeen kuwa ka qeyb qaatey go`aaminta dembiilayaasha?

Saan horey u sheegeyba culimada Goldogob howl aan horey looga hadli jrin, bey wax ka qabteen. Guul taariikh reebtana wey u noqon laheyd degaankaa, hadii sida kitaabka sheegayo, la raaci lahaa. Ninkastoo ku hamiya in gabar uu faro xumeeyo, wuu baqan lahaa. Balse ficilkaa waxaan u arkaa in labo arin laga dhaxli karo.mid xun iyo mid wanaagsan.

Tan wanaagsan waxey noqon kartaa, in ay dadka ku dhiiradaan ka hadalka iyo bandhigada dhibabkan. Tan xun waxey noqon kartaa in aan mar dambe la waayo qof dhib kaa loo geystey, dhibkiis soo bandhiga. Ileyn hadii dembiilihii uusan heysan ciqaab u ka baqdo, dhibanaha waa ku adkaan kartaa in labo jeer dhib maro. 

Hadaba sidee looga badbaadi karaa dhibkan:-

Tarbiyada- Waxaan aaminsanahey in barashada diintu ay muhiimka koowaad ay tahey. In tarbiyenta caruurta aan dib u fiirino. Wiilasha oo ka mid ah mustaqbalkii beri, dal iyo dibadba wey ku dhibaateysan yihiin. Maxaa naga qaldan markey tarbiyeenta noqoto. Miyeynaan caruurta barin xishoodka iyo anshaxa wanaagsan? Tarbiyada wanaagsan, dhabaatooyin badan ayay naga badbaadin kartaa. 

Mas`uuliyiinta- Dhowr beri ayaa ka dhiman markii dowlad cusub la heli lahaa. Ilaah ha nooga dhigo dowladaa cusub ee iman doonta, mid dadkeed iyo dalkeed u naxariisata. Waxaa kaloo rajo mudan in la xuso xildhibaanada wareegan oo ay dhalinyaro iyo dumarkuna badan ay ku jiraan.

Xildhibaanada iyagoo matalaya umada dhan, bey hadana muhiim dheeraad tahey, in ay u nugloodaan difaaca umada aan is difaaci karin. Waa in loo sameeyaa sharuuc difaacayo xaquuqda muwaadinka. Waa in sharuucdaa la yaqaana isticmaalkood. Waa in bulshada la baraa ku dhaqanka iyo hirgelinta sharciyada cadaalad ku dhisan.

Ubah Aden
[email protected]
Co-founder of Midnimo Consulting
www.ubahaden.com



 

Post your comments