11/23/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa la gudboon100-ka maalmood ee ugu horeysa Madaxweyne Farmaajo?

Cabdiqafar A shire
February 21, 2017

Arbaco, 8-dii Febaraayo, 2017 oo ahayd maalin Arbaco ah, taasoo ku beegnayd 12-ka bisha Jamaadul Awal ee Hijriga sanadka 1438, waxay ahayd maalin kheyr oo taariikhiya, taasoo kusoo biirtay qalbiyada iyo xusuusta ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan.

Waa maalintii ay xubnaha labada golle ee BF Soomaaliya ay ficil u badalleen dareenkii shacbiga ay matallaan islamarkaana ay doorteen Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu noqdo madaxweynaha 9-aad ee JF Soomaaliya. Haddaba, anigoo ka duullaya dareenka farxadeed ee ay arintan keentay, kana walaacsan dhibaatooyinka dalkeena ku xeeran ayaan eegayaa dhawr arimood oo aan isleeyahay in madexweynuhu uu mudnaan dheeriya siiyaa 100-ka maalmod ee ugu horeysa xafiiska.

 

Mark hore, madaxweynaha la doortay waa shakhsi aan ku aqaano Alla ka cabsi iyo Soomaali jaceyl waa mudane aan aniga iyo in badan oo kamid ah shacbigu baranay markii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha ka noqday dowladii madaxweyne Shariif Sheikh Axmed. Dabcan, waa wakhtigii ay dad badan oo aan anigu ku jiro aan aragnay dareenkiisa wadaniyadeed, waxqabadkiisii mudadii koobnayd ee uu xafiiska joogay iyo sidoo kale siduu u kasbaday quluubta shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda. Taariikhdaas toolmoon ee aynu aragnay, waa tan maanta sahashay in Gollaha Shacabku ay fuliyaan wixii dad badan oo kamid ah ummadda Soomaaliyeed niyadooda ka guuxeysay tan iyo 2011-kii.

 

 

 

Madaxweyne, tilmaantaas wanaagsan ee aynu kugu aragnay mudadii sanadka ka yareyd ee aad Ra’iisul Wasaaraha ahayd, waa tan xaqiiqdii kaa dhigtay inaad noqoto siyaasigii ugu shacbiyadda badan taariikhda casriga ah ee dowladnimada Soomaaliya, sidaa daraadeed, waxaan Alle ku weydiinayaa inuu kugu guuleeyo xilkaas lagugu aaminay, islamarkaana uu kuugu dumo dhamaantood iney xilkaas kugu garab istaagaan.

 

Mudane, waxaa muuqata in hoggaamintu aysan ahayn booska aad fadhido ama xilka aad heyso, balse ay tahay hadba inta ay gaarsiisan tahay saameynta aad dadka ku leedahay ama aad ku reebto inta aad masuulka tahay sida uu buuggiisa hoggaaminta wanaagsan ku xardhay qoraaga caanka ah ee John Maxwell. Waana taas arinta kuu caddeynaysa in saameynta haatan lagaa sugayo ay ka mug weyn tahay tii aad qalbiyadeena ku reebtay markii aad ahayd Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

 

Dhabtii Madaxweyne, wey kuu muuqataa iney ku horyaallaan hawlo aad u faro badan oo u baahan in loo fuliyo si taxadar leh, si loo xaqiijiyo halku-dhiggii ololiha doorashada ee “Nabad & Nolol”. Waxaan filayaa inaad garawsan tahay xajmiga ay kala leeyihiin, balse tan aadka u muhiimsan ayaa ah hormagelintooda iyo mudnaanta ay kuu kala yeelan doonaan. Waxana ay tilbaaoyinkan ay aas-aas u noqon doonaan balamihii aad qaaday wakhtiga doorsahada, xoojinta dareenka shacbiga tabaaleysan ee kusoo eegaya iyo sidoo kale ka lib-gaaridda in badan oo kamid ah hawlaha ku sugaya 1460-ka maalmood ee xilka laguu doortay.

 

Doorka Beesha Caalamka iyo Deriska

 

Mid kamida ah tilaabooyinka muhiimka ah ee aad qaadeyso, waa qaabka aad ula fal-galeyso ama aad u wajihi doonto xiriirka beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan dalalka deriska, gaar ahaan dowladda Itoobiya oo ismaandhaaf xooggan oo taariikhiya uu kala dhaxeeyo Dalka Hooyo. Xafiiska Midawga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, kan Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Mareykanka, Turkiga, Carabta iyo guud ahaanba dalalka iyo ururada caalamka ee sheegta iney daneeyaan arimaha Soomaaliya, dhamaantood waa arimo u baahan in wajaho deganaan, feejigaan dheeriya iyo siyaasad hadafkeedu yahay danaha Qaranka Soomaaliyeed.

 

Mudane Madaxweyne, xaqiiqdii waxa jira dano muuqda iyo kuwa daahsoon oo ay dalalka shisheeye iyo beesha caalamkuba ay ka leeyihiin Soomaaliya, haddana waxaan aaminsanahay in madaxtooyada iyo dowladaadaba aad si weyn nooga hubisaan tilaabo kasta oo dhinacooda loo qaadayo.

 

“Waa muhiim in madaxdeena Qaranku ay hoosta ka xariiqaan in taageeradooda wanaagsan ay muhiim u tahay dhismaha Dalkeena, balse khatar walba oo dhankooda nooga timaada iney toban jibbaar ka badan tahay taageerada ay sheegtaan iney na siiyaan”.

 

    Mudane, Soomaaliya oo aanan ka tageynin dadnimadeeda, maslaxadeeda ummadnimadeeda iyo teeda qaranimo islamarkaana ka feejigan khatar walba oo dhankooda ka imaan karta, waa in beesha caalamka aan kula macaamilnaa siyaasad dabacsan oo waxtar u leh waxaan dooneyno in maanta nalagu caawiyo. Sidaa daraadeed, waa muhiim inaan dhageysano tallo soo jeedintooda joogtada ah balse muhiim maahan fulinta wax walba oo ay nagula taliyaan.

 

“Waxaan filayaa in madaxtooyada iyo xukuumadaaduba ay ka fogaato qiiro iyo sal-fudeyd na jeclaysiin kara cadaw nala jooga, iyo is adkeyn iyo jikaar siyaasiya oo ka careysiin kara saaxiib wanaagsan oo waxtar nala doonayay”.

 

Waxaa hubaa inaad ka dheregsan tihiin inaan nahay dal burburay oo in ka badan 30 sano ay wax badan ka xumaanayeen, haddaba anagoo og in ciidanka na ilaaliya ay ajnebi yihiin, cidda mushaarkooda bixisana ay ajnebi tahay, dalalka dersikuna ay qeyb lixaad leh ka yihiin ciidaankaas, waxaa waajib madaxda dalkeena ku ah inaad ka taxadartaan xiriirka aan la leenahay dalalka deriska iyo kuwa kale ee Afrikaanka ah ee ay ciidamadaasi ka yimaadeen idinkoo mar walba xasuusan oraahdii ahayd"SIDEE XEEGO LOO XAGTAA ILKANA KU NABAD GALAAN".

 

Mudane, waa muhiim in dowladaadu ka shaqeyso hagaajinta dalka iyadoo kaliya aanan iska ilaalineynin balse sidoo kale ka taxadaraysa doorka dalalka shisheeye iyo guud ahaan beesha caalamka kuwooda aanan jeclayn jiritaankeena ee uu wakhtigu isu kaaya keenay ama uu ilaahay isku gobolka nagu uummay. Sidaas daraadeed, waa in dowladeenu ay ku baraarug-san tahay tillaabo kasta oo aynu qaadeyno, halka aynu dhigeyno tillaabooyinkaas, iyo sidoo kale waxa aynu tilaabooyinkaas ka dhaxi karno dal ahaan iyo ummad ahaanba.

 

“Waana lama huraan in mar walba madaxtooyada dalka laga xasuusnaado in Madaxweynaha Dalku uu yahay astaanta midnimada qaranka; Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da aasaasiga ee Dastuurka iyo hufnaanta Soomaaliya” sida lagu qeexay Dastuurka Dalka.

 

Dhabtii Madaxweyne, fahamka, la socoshada iyo qiimeynta siyaasadda dowladda Itoobiya ee ku aaddan dalka hooyo waa arin aad muhiim u ah oo inta badan madaxdeenu aysan ku baraarug-saneyn iyadoo taas baddalkeeda wakhti ku bixiya mar-xabeyn, jaceyl xad-dhaaf ah iyo raali-gelin jaanteedu rogan tahay oo aanan ka turjumeynin danaha aasaasiga ah ee Diinteena, Dalkeena, iyo Dadnimadeena. Haddaba, dowladaada waxaa looga fadhiyaa inaad siisaan feejignaan gaar ah qaabka aad ula fal-galeysaan xukuumadda Addis Ababa.

 

“Inta badan Itoobiya waa laga hor-istaagi karaa in faro-gelin toos ah ay ku yeellato doorashada hoggaanka qaranka, sida haatanba dhacday, balse waxay si ula kac ah u burburisaa waxaanu si madaxbanaan ku dhisanay ayadoo ka faa’iideysanaysa habac-sanaanta qarankeena iyo xiriirka ay la leedahay siyaasiyiinta Soomaalida iyo inta badan hoggaanka maamul goboleedyada dalka ka jira”

 

Mudane, dowladeena masuuliyad weyn ayaa ka saaran iney xasuusnaato in Itoobiya aysan in raali ka ahayn dhismaha qaran Soomaaliyeed oo xooggan sidaas daraadeed ay ku dadaasho bur-burinta iyo weecinta waxa dad Soomaaliyeed soo dhisteen ayadoo sidoo kale ka faa’iideysanaysa xadka dheer ee aynu wadaagno, xarunta midawga Afrika ee Addis Ababa, doorkeeda urur goboleedka IGAD iyo sidoo kale iyada oo ay ciidankeedu qeyb ka yihiin hawl-galka AMISOM ee midawga Afrika.

 

Addis Ababa mise Hargeysa!

 

Madaxweyne, inta badan hoggaamiyayaasha Soomaalida waxaa dhaqan u ahayd in safarkooda ugu horeeya ee doorashada kadib ay ku aadaan dalka Itoobiya oo iyadu ah meel laga hago siyaasadda geeska Afrika, islamarkaana xarun u ah ururka midawga Afrika. Inkastoo aan aaminsanahay inaanan marar badan laga fursan karin ka qeyb-galka shirarka dalalka Afrika ama kan urur goboleedka IGAD, balse haddana waxaa hubaal ah in yareynta safarada aad ku aadayso Itoobiya ay kordhin karto caafimaad qabka qaranimada iyo dareenka shacbiga, isla markaana ay yareyn karto faro-gelin kasto oo ay Itoobiya nala damac-san tahay.

 

Mudane, madaama aad tahay hoggaamiyihii ugu shacbiyadda badnaa taarikhda Soomaaliya inta la xasuusto, bal kawaran in safaarkaaga ugu horeeya ee aad Muqdisho uga baxdo aad ku tago Hargeysa, caasimadda Somaliland, maxaadse u malayn lahayd iney ka tari lahayd arintan kordhinta dareenka umadda Soomaaliyeed? Waa hubaal in shacbiyadda ummadda Soomaaliyeed ay ku hayso ay sare u kici lahayd islamarkaana si weyn isugu soo dhawaan lahaayeen quluubta ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan.

 

Waan ogahay in siyaasad ahaan ay aad u adag tahay inaad maanta Hargeysa booqato adigoo ay kusoo doorteen xubno Baarlamaan oo ay kamid yihiin siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Waqooyi oo aanan Hargeysa tegi karin ama sidoo kale ay aad u dhib badan tahay inaad booqato Hargeysa oo uu ka lusho calan aan ahayn kan Soomaaliya, balse waan aaminsanahay inaad booqan karto soona salaami karto, lana soo tashan karto maadaama ay yihiin dad Soomaaliya inta lagu gudo

jiro hambal-yeynta iyo soo dhaweynta is-baddelka ka dhacay Dalka.

 

Waxaan aaminsanahay in arintan qalbi ahaan ay xoojin lahayd quluubta shacbigeena, sidoo kalena ay rucub iyo cabsi weyn gelin lahayd inta neceb jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale waa muhiim joogteynta booqashada Baydhabo, Beled-weyn, Boosaaso, Cadaado, Gaalkacyo, Garoowe, Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo, Marka iyo dhamaan gobolada Dalka. Waxay arintani ku sahli kartaa in dowladaadu in dowladaadu la gawaan raacdo siyaasad ku dhisan xasiloooni iyo is-afgarad taasoo yareyn karta kala furnaan iyo ismaandhaaf ku yimaada madaxtooyada qaranka iyo maamul goboleedyada dalka.

 

Hirgelinta Xafiiska Xiriirka Dadweynaha

 

“Dowlad aan xiriir la lahayn shacbigeeda, waxay lamid tahay caruur aanan xiriir la lahayn waaridkood” Madaxweyne, si loo ilaalsho dareenka ay kuu hayaan shacbiga gudaha iyo dibadda oo xaqiiqdii ah cidda dhabtii ku dooratay, waa muhiim in dowladaadu la socoto, dhageysato, islamarkaana fahamto rabitaanka dadweynaha, uuna jiro xiriir ka dhaxeeya shacabka iyo dowladaada. Mudane, haddaba waa muhiim hirgelinta iyo furitaanka xafiiska xiriirka dadweynaha ee madaxtooyada qaranka. Xafiiskan waxa uu noqonayaa mid lagu soo gudbiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed si loogu jaan-gooyo hawl-maalmeedka joogtada ah ee madaxtooyada si loo dhawro isku xirnaanta dowladaada iyo shacabka islamarkaana loo dhageysto shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo daashatay.

 

Sidoo kale waxaa muhiim ah in xafiiskan uu si joogta ah ula socdo dareenka ay muujiyeen walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga gaar ahaana gobolada Awdal, Sanaag, Sool, Togdheer iyo Waqooyi Galbeed maadaama ay si weyn oo ana cabsi ku jirin ay u soo bandhigeen wadaniyadda iyo Soomaalinimada quluubtooda ceegaagta. Waxaa sidoo kale xafiiskan toos ugu xirnaanaya dhamaan ururada bulshada oo ay ugu horeeyaan ardayda, culimada, ganacsatada, haweenka, macalimiinta, saxaafadda, xirfadlayaasha kale iyo bulshada kuwooda nugul sida naafada, agoonta, barakacayaasha, iyo dadka kuwooda aanan fursadda u helin in la maqlo dareenkooda.

 

Darbidda Taageerada Shacabka

 

Arinta ugu muhiimsan ee xafiiska xiriirka dadweynaha ayaa ah inuu ficil u badallo dareenka xaqiiqiga ah ee maanta ka dhex jira ummada Soomaaliyeed oo ah in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo ka timaada shacabka taasoo lagu bixiyo danaha qaranka gaar ahaan taageeridda dadka ay abaaruhu aafeeyeen, bixinta mushaarka ciidanka iyo sidoo kale maareynta waxyaabaha aasaasiga u ah jiritaanka dowladnimada Soomaliya.

 

“Dowlad aan ciidan lahayn waxay lamid tahay gaari aan darawal, lugo iyo shidaal toona heysan, halka ciidan aan anshax iyo mushaar haysan aysan waxba ku duwaneyn maleeshiyo beeleed ku shaqeeya rabitaankooda shakhsiga ah”.

 

 

Mudane Madaxweyne, waa muhiin in dowladeenu ku baraarugsan tahay in dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo mushahaarkooda iyo tababarkoodaba la joogteeyo uusan kaliya muhiim u ahayn ilaalinta amniga xarumaha dowladda, balse uu sidoo kale muhiim u yahay iney kala ilaaliyaan shacbiga Soomaaliyeed, islamarkaana ka hortagaan cadaw kasta oo ka yimaada dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

 

 Mudane, dhabtii waa fursad dahabiya oo u baahan in dalka & dadkaba looga faa’iideeyo kumanaanka Soomaalida ah ee caalamka ku kala baahsan kuwaasoo maanta diyaar u ah iney bixiyaan khidmad joogta ah oo ay ku garab istaagaan qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya. Waxaan hubaal ah in maanta ay muhiim tahay yagleelidda hay’ad gaar ah oo haatan fursadda xiriirkaas sii abuurta, mustaqbalkana si toos ah ula shaqeysa wasaaradaha Arimaha Dibadda, tan Maaliyadda iyo Gaashaandhiga si loo abuuro qaabka ay lacagtaas u soo xaroon lahayd, una gaari lahayd meelaha sida rasmiga ah loogu tallo galay.

 

Waa muhiim hirgelinta hanaan muuqda oo hufan kaasoo xaqiijin kara maareynta iyo maamulka dakhligan ka imaanaya Soomaalida kuna baxaya rabitaankooda. Tusaale, haddii la helo nus malyuun Soomaaliya oo bil walba bixisa 320,000 shilin Soomaali ah, dowladda waxaa soo galaya dakhli gaaraya 160 bilyan oo shilin Soomaali ah, taasoo u dhiganta qiyaastii 10 milyan oo doolar oo dowladda u sahli karta ugu yaraan bixinta mushaarka ciidanka. Waxaase ka sii fiican haddii la helo hal milyan oo Soomaali ah oo isugu jira ganacsato iyo xirfadlayaal bil walba awoodi kara baxinta $50 taasoo keeni karta in dowladdu ay hesho dakhli gaaraya $50 milyan, waxayna arintani sare u qaadaysaa xoojinta amniga, bixinta mushaarka ciidanka iyo sidoo kale soo nooleynta xoojinta agabka iyo tababarada ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Xulashada Wasiirka Koowaad

 

“Mid kamid ah caqabadaha ugu muhiimsan ee hor istaaga dowladnimada Soomaaliya isla markaana kaliya aanan abuurin ismaandhaaf iyo jahwareer siyaasadeed balse sidoo kale na dhaxal siiya qabyaalad siyaasadeysan iyo nacayb bulsho waa marka ay soo baxdo iney is khilaafeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahiisa.”

 

Waxaan rumeysnahay inaaney arintani ahayn taariikh ugub ah oo wakhtigii burburka bilaabatay ee sidoo kale xaataa Allaha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde iyo Ra’iisul Wasaare Cabdirashiid Sharmaarke ayaa la tilmaamaa iney isku maandhaafeen hoggaanka iyo hawlaha xukuumadda Soomaaliya.

 

Mudane Madaxweyne, sida uu kuu ogollaanayo qodobka 90-aad ee dastuurka federaalka Soomaaliya ee qeexaya awoodaha madaxweynaha, magacaabista Wasiirka Koowaad, xilka qaadistiisa iyo kala diridda Xukuumadda Federaalka marka ay weydo codka kalsoonida gollaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa awood adiga kuu gaar ah oo uu kuu ogollaanayo Dastuurka Qaranka.

 

“Waa muhiim inaad mar walba xasuusnaato fursadda aad heysato inta aadan soo magacaabin Wasiirka Koowaad iney wax weyn ka badan tahay tan aad heli karto marka aad isku-maandhaaftaan fulinta hawlaha aasaasiga ah ee xukuumadda”

 

  Madaxweyne, waxaan si cod dheer ah kaaga codsanaynaa inaad si taxadar leh uga fikirto, la tashi xooggan aad ka sameyso, iskuna daydo inaad Ra’iisul Wasaaraha kusoo xulato waddo ka barax tiran, kana duwan tii ay horey ugu soo hungoobeen madaxdii adiga kaa horeysay ee dhabtii kusoo fashilmay magacaabista shakhsi ay wada shaqeyn karaan.

 

  Mudane, adigoo mar walba niyadda ku haysid in Soomaaliya ay ku heshiisay nidaamka wax ku qeybsiga beelaha, haddana waa muhiim inaad xulato shakhsi leh Alla ka cabsi, aqoon, wadaniyad, karti, hufnaan, daacadnimo, iyo astaamo qeexi kara qaabka aad kuwada shaqeyn kartaan una gudan kartaan waajibaadka Qaranka.

 

Mudane madaxweyne, Ilaahay haku waafajiyo inaad mar walba xasuusnaato in waxa ugu badan ee ay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu isku qabtaan ay tahay magacabista gollaha wasiirada taasoo aan ogahay inaad khibrad fiican u leedahay maadaama aad xilkaas soo qabatay, waxaan ku kalsoonahay inaadan ruux aadan aqoon badan u lahayn aadan xilkan si deg-deg ah ugu magacaabin kadibna isqabashadiinu ay soo deg-degto.

 

Xisbiyadii, xildhibaanadii iyo shakhsiyaadkii sida hagar la’aanta ah kuula ololeeyay waxay leeyihiin mudnaan weyn marka laga hadlayo nidaamka dowliga ah ee is-xulufeysiga axsaabta siyaasadda iyo ka qeyb-galka hoggaanka dalka, balse sidoo kale waxaa iyana muhiim ah iney jiri karaan shakhsiyaad ka mudan dadkaas marka laga hadlayo astaamaha looga baahan yahay inuu yeesho ruuxa noqonaya wasiirka koowaad ee soo dhisi kara xukuumad baadi goobta Soomaaliya xasiloon oo barwaaqo ah. Fadlan Madaxweyne, fursad hala siiyo ruux walba oo aad u arki karto in hagaajinta dalkeena uu waxtar u leeyahay islamarkaana dabooli karo baahiyaha na horyaalla.

 

Sidoo kale, waa muhiim in madaxweynaha iyo wasiirka koowaad ay ka taxadaraan ilaalinta kalsoonida gollaha shacabka si xukuumadiina loo meel mariyo, haddana waa muhiim in la kala saaro xukuumadda ay Soomaaliya u baahan tahay iyo sidoo kale rabitaanka shakhsiyaad badan oo ku jira Gollaha Shacabka. Inaad adiga iyo wasiirkaagu isku fahamtaan dhisitaanka xukuumad kooban oo u dhiganta xukuumaddii Tayo ee aad soo hogaamisay iyana muhiimad gaar ah in lasiiyo waa lama huraan.

 

 Mudane madaxweyne, anigoo weli xasuusan muhiimadda dhaqaalihii taageerada miisaaniyadda dalka ee ay Soomaaliya wakhtiyo kala duwan ka heli jirtay dowladaha Turkiga iyo qaar kamid ah dalalka Jaamacadda Carabta, waa in Wasiirka koowaad ee aad xulanayso uu yahay shakhsi garanaya la dhaqanka, iyo fahamka dalalka aan taageerada maaliyadeed ka heli karno oo ay ugu horeeyaan Turkiga oo ah dalka koowaad ee aanu maanta isku haleyn karno marka laga hadlayo wixii ay nala qabteen mudadii yareyd ee ay nala joogeen.

Sidoo kale waa muhiim in Ra’iisul Wasaaruhu noqdo ruux fasiri kara xiriirka taariikhiga ah ee aan la wadaagno ummadaha ku nool dalalkaas ee aynu wadaagno dhaqanka, diinta, iyo astaamo faro badan oo lagu dhisi karo siyaasad saldhigeedu yahay fur-furnaan, dabacsanaan iyo iibinta danaha aasaasiga ah ee qaranimadeena.

 

Dabcan, waan hubaa iney dhamaan arimahani horseedi karaan helitaanka fursado dhaqaalle, kuwo maal-gashi iyo kuwo sahli kara in dowladda Soomaaliya ay si fudud ku hesho barnaamijyo lagu horumarinayo hay’adaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dhamaan gobolada Dalka.

 

Xiriirka Madaxda Maamul Goboleedyada

 

Mudane Madaxweyne, waa muhiim inaad niyadda ku hayso in xiriirka maamul goboleedyada iyo madaxdoodaba uu Soomaaliyada casriga ah u yahay mid qiimo faro badan haatan ugu fadhiya. Maadaama xubnaha Gollaha Shacabku ee kusoo doortay dhamaantood laga soo doortay gobolada Dalka, sidoo kalena dowlada dhexe aanay saameyn xooggan ku lahayn inta badan 18-ka gobol ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

“Waa muhiim inaad si weyn niyadda ugu hayso in qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan madaxda maamul goboleedyada ay xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan madaxweynaha iyo dowladda dhexe ay uga sahlan tahay iney deg-deg ula xirtaan Itoobiya isla markaana ku shaqeeyaan rabitaanka xukuumadda Addis Ababa”.

 

Haddaba, ilaalinta xiriirka aad la leedahay dhamaan maamul goboleedyada Dalka waxa uu lamid yahay kan aad la leedahay gollaha shacabka iyo xubnaha gollaha wasiirada. Waan ku kalsoonahay inaad hoggaamin karto siyaasadda qaranka aadna isu soo dhaweyn karto quluubta shacbiga Soomaaliyeed, laakiin shaki baan ka qabaa inta ay gaarsiisan tahay in madaxda maamul goboleedyadu ay kaala shaqeynayaan siyaasadda aad dooneyso inaad Dalka ku hoggaamiso.

 

Dhabtii, tallo ahaan wey fiicnaan lahayd hadii la heli karo guddi kooban oo isugu jira xildhibaano iyo golle wasiiro oo ah dadka gobolada u matella dowladda kuwaasoo idinka xigsada maamul goboleedyada si ay dowladaadu uga hortagto khatar walba iyo kala furnaan kasta oo ku imaan karta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxaan filayaa in talaabadan ay wax ka tari karto maslaxada guud ee qaranka, isla markaana aanan madaxda dalka laga hor istaagin fulinta waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

 

Dhinaca kale, qaabka loo wajahayo walaalaha waqooyi ee la baxay Somaliland waa arin aad muhiim u ah, balse waxaan arintaas ka hadli doonaa marka aan go’aansado inaan qoro qormada “Waxa la gudboon xukuumadda JF Soomaaliya” Mudane, dhabtii waxaan rumeysnahay in walaalaha waqooyi oo lala hadlo ay tahay waajib qaranimo oo la idiinka fadhiyo balse si wada hadalkaas u guuleysto waa in koonfurta Soomaaliya laga hirgeliyo dhaqan dowladnimo oo saldhigiisu yahay dib-u-heshiisiin iyo hub-ka-dhigis si loo gaaro amni iyo xasillooni siyaasadeed oo horseedda in koonfurta Soomaaliya laga helo hanaan dowladeed oo hal jiho u socda.

 

Saameynta Dadka Kugu Xeeran & Kooxeysiga

 

Mudane madaxweyne, ugu dambeyntii waxaan is leeyahay, waa lama huraan inaad

muhiimad weyn siisid saameynta ay kugu keeni karto iney isku kaa xeeraan shakhsiyaad ama koox gaar ah, ama sidoo kale aad ku dhacdo mid kamid ah dabinada dalalka shisheeye ee neceb

jiritaanka Soomaaliya oo iyagu soo hindisa kooxo abaabulan oo isku xeera madaxda dalka kuwaasi oo sawir fool-xun u gudbiya shacbiga islamarkaana keena jahwareer siyaasadeed iyo rajo-burbur ku timaadda dareenka shacbiga.

 

Mudane, waan ku kalsoonahay inaad xasuusnaato waxa dhaqanka kooxeysiga iyo isku meeritaanka shakkhsiyaad gaar ah oo aanan sumcad wanaagsan lahayn ay ku keeni karto dareenka wadaniyadeed ee lagugu doortay. Waa muhiim hirgelinta xafiis la socda anshaxa shaqaalaha madaxtooyada iyo dadka kaa agdhaw oo ay hormuud ka yihiin dad aqoon iyo khibrad u leh si loo hubiyo hufnaanta hawlaha shaqo ee madaxtooyada ka socda iyo qaabka ay shacbiga Soomalaiyeed ee gudaha iyo dibadda ay uga fal-celinayaan. Xafiiska lagu dhawrayo Anshaxa shaqaalaha madaxtooyada waxa uu madaxweynaha iyo agaasimaha guudba u sahlayaa ilaalinta meeqaamka iyo hawlaha madaxtooyada qaranka ay u hayso ummadda Soomaaliyeed.

 

Gebagebadii, Mudane Madaxweyne, ma filayo in ruux walba oo qeyb ka ahaa ololihii doorashada iyo isbadalkii ka dhacay dalka uu kamid noqon karo shaqaalaha madaxtooyada ee kaa agdhaw, haddaan si kale u dhigo ma filayo in boqolaalkii ruux ee Soomaalida ahayd ee kaala shaqeeyay ololihii “Nabad & Nolol” ay dhamaantood kula shaqeyn karaan ama ay boosas joogta ah ka heli karaan madaxtooyada, balse waxaa muhiim ah inaad heshid xirfadlayaal ay shaqadoodu qeexan tahay oo fulin kara waajibaadka shaqo ee ku horyaalla, kuuna sahli kara gaaritaanka hadafkaan kugu dooranay ee ahaa ilaalinta danta Dalka, Dadka iyo Diinta.

 

Ilaahay waxaan kuu weydiinayaa in xilkaas uu kugu guulleeyo, maalmaha ka harsan xukunkaagana ayna noqdaan kuwo noo horseeda baraare, farxad, samir iyo isu naxariisasho ku saleysan islaanimo, Soomaalinimo ku dhex baahda shacbigeena gudaha iyo dibadda.

 

Cabdiqafar A shire

Cilmiga bulshada, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha

Metropolitan State University, USA

[email protected]     



 


Post your comments