4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
MADAXWEYNAHA U NAXARIISTA: Yaabkii aan ku soo arkay Hotel Jazeera.!

Waa aragtida Xildhibaan soo booqday Hotel Jazeera oo ah goobta uu ku suganyahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

February 14, 2017

Goobtu waa Hotel Jazeera oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaa gebi ahaan isbedelay qaabkiisa wixii ka danbeeyay habeenkii 8-da Febraayo oo la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Hotelka waxaa buuxiyay siyaasiyiin, saraakiil, wasiiro, taageerayaal iyo dad kala duwan oo qiyaasteyda aan ka yareyn Kun qof, dhammaantoodna waxay ka mideysan yihiin hal ujeedo oo ah inay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo, laakiin mid waliba muraad gaara ayuu lahaa.

Albaabka Hotelka ilaa dabaqa ugu sareeya ma jirto meel bannaan oo waxaa ku sugan dad fadhiya, qaar taagan iyo kuwo qolalka ku jira, saacada aan ku beegmay waxay ahayd 22:00 habeenino ama 4 saacad habeen saqda dhexe ka hor, laakiin madaxtooyada KMG ah lagama seexdo.

Ma jiro goob gaara oo aad ku arki kartid madaxweyne Farmaajo, sababtoo ah meel waliba dad ayaa ku jira, hoolka ugu sareeya oo ay ahayd inuu dadka ku qaabilo waxaa ku sugnaa dad wada sugaya oo nooc waliba leh, wuxuuna ku qasban yahay inuu dadkaas ka codsado inay wax yar u banneeyaan si qolad uu ballanka gaarka ah la leeyahay ama soo booqatay ugu qaabilo.

Kulamada madaxweynaha daqiiqad waliba waa socdaan, ma jirto xad ay leeyihiin iyo saacad u qoran, inta uu wiishka sii saaran yahay ama ka soo degayo wuxuu ku mashquulsan yahay inuu qof ama shaqsiyaadka u taagan uu socod iyo istaag ku qaabilo, qaar garabka qabto oo daqiiqad siiyo, qaarka dhinac ula baxo qolalka hotelka dhexdooda…. inta uu qaabilaad u socda waxaa dhexda u galaya kooxo u taagan oo mar uun doonaya inay madaxweynaha dhegta wax ugu sheegaan.

Waxaan la yaabay sida Soomaalidu ugu darran tahay madaxdeeda iyo naxariis darrada ka indho tirtay in qofkani bani’aadam yahay, kulankii aan la qaadanay waxaa madaxweynaha ka muuqatay inuu aad u daalan yahay, wax hurdo ahna aanu helin saacado badan.

Mid kamida gacanyareyaasha oo ay ka tan badiyeen dadka faraha badan iyo madaxda 24-ka saac u safan madaxweynaha ayaan weydiiyay kulanka kadib, xilliga uu seexdo madaxweynaha laakiin wax jawaab ah waa bixin waayay. Laga yaabee inuu 24-ka saac helo 3 ama 4 saac oo hurdo ah.

Maalintii xigtay oo hotelka Jazeera hortiisa aan maray waxaan ku arkay culimo xer ah oo halkaasi ku camiratay Xadro weyn oo la ii sheegay inay dooneyaan la-kulanka Madaxweynaha..!!. Waxaa iigu yaab badnaa saraakiisham safiirada iyo madaxda dowladda ee saacad kasta madaxweynaha ag dhooban kana soo tegay shaqooyinkoodii iyo waajibaadkii loo igmaday.

Waa yaabe maxaan ka rabnaa madaxweynaha…? dhammaanteen xilal iyo lacag miyaan ka heli karnaa..??, … waxaan oran lahaa : AR MADAXWEYNAHA U NAXARIISTA WAA BANI’AADAME.



 





Click here