4/29/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Miyaa Soomaaliya Deyn Lagu Leeyahay?
Liibaan Axmad
Talaado, Feberaayo, 14, 2017





Intii Soomaaliya ay lahayd dowlad dhexe oo dalka oo dhan ka arriminaysay, dowladihii dalka soo maamulay waxay lacag ka amaahdeen dalal iyo  bangiyo dalal shisheeye ihi ay saamiyo ku leeyihiin. Qormadani waxay  soo koobaysaa qeyb ka mid ah dood uu Liibaan Faarax  ku soo bandhigay Hiiraan Online.  Barkinka, oo ah madal aqooneed uu maareeyo Liibaan Faarax,  ayaa xisaabisay deynta Soomaaliya lagu leeyahay laga soo bilaabo 1980kii ilaa 2015tii. 1980kii deynta Soomaaliya lagu lahaa waxay ahayd 660,000,000 ( lix boqol iyo lixdan milyan) oo doollar. Sanadkii 1990kii Soomaaliya waxaa lagu lahaa 2,370,000,000 (laba bilyan iyo seddex boqol iyo toddobaatan milyan ) oo doollar. Deyntani waxay iskugu jirtaa mid dowladdii kacaanku amaahatay iyo dulsaarkii lacagtaas. Toban sano gudahood (1980-1990) lacagta iyo dulsaarka Soomaaliya lagu lahaa waxay dhammayd  1,710, 000,000 ( hal bilyan iyo toddoba boqol iyo toban milyan ) oo doollar. Intii u dhexeysay 1991 iyo 1996kii deyn gaaraysa 273,000,000 ( laba boqol iyo seddex iyo toddobaatan milyan ) oo doollar  ayaa ku korodhay deynta lagu lahaa Soomaaliya. Taasi macnaheedu waa: lixdii sanadood ( 1991kii ilaa 1996kii) Soomaaliya 45,000,000 ( shan iyo afartan milyan ) oo doollar oo dul saar ah ayaa sanadkiiba ku kordhayay deynta Soomaaliya lagu leeyahay   waayo dowlad la aqoonsan yahay oo deyn qaadata dalka kama jirin waqtigaas.

Baarista Liibaan Faarax sameeyay wuxuu ku ogaaday in deynta Soomaaliya lagu leeyahay laba jeer si kala duwan loo geliyay buugga sanadihii  2000 ( 2,562,000,000 iyo 2,579,000,000 ); 2013kii (3,054,000,000 iyo 4,989,000,000) iyo 2014kii (4,946,000,000 iyo 5,294,000,000). Liibaan Faarax wuxuu xusay in xitaa marka Waaxda Maamulka Deynta Soomaaliya ee IMF (Somalia Debt Management Unit ) ay diiddo inay  tiro laga shakisan yahay buugga geliso, koox Shaqo Farsamo oo Sanduuqa Lacagta Adduunka  iyo Bangiga Adduunku wadaagaan ayaa ku waajibin karta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya wax kasta oo ay  deyn bixiyeyaashaasi doonayaan.

Su'aashu waa: Maxay deynta Soomaaliya qaadatay intuu u dhexeysay sanadkii 2013kii, markii Sanduuqa Lacagta Adduunku (IMF) aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa sanadkii 2015tii u gaartay 5,043,000,000 ( shan bilyan iyo seddex iyo afartan milyan ) oo doollar?  Xisaabinta Liibaan Faarax sameeyay waxay muujinaysaa in seddex sano gudahood dowladda Federaalka Soomaaliyeed lagu yeeshay deyn dhan 1,989,000,000 ( hal bilyan sagaal boqol iyo sagaal iyo siddeetan milyan ) oo doollar. Waa lacag ka badan lacagtii Soomaaliya lagu yeeshay (deyn iyo dulsaar ) intii u dhexeysay 1980 iyo 1990!

Soomaaliya miyaysan ka faa'iidin hindiseyaashii cafinta deynta ? Miyuu jiray xeerkaab uu diidaya dal dowladdiisu burburtay ama burbur dowladeed ka soo kabanaya in loo cafiyo ama laga fududeeyo deynta lagu leeyahay, waa haddii deymaha Soomaaliya lagu leeyahay aysan ka badnayn tirada deyn bixiyeyaashu buugagga geliyeen?


Jaantuska hoos ku qoran waxaa lagala  soo dhex bixi karaa xogahan dhaqaale:


1- Intii u dhexeysay sanadihii 2000-2005   deynta lagu leeyahay Soomaaliya waxaa ku kordhay 208,000,000 ( laba boqol iyo siddeed milyan ) oo doollar. Intii u dhexeysay Oktoobar 2000 iyo Oktoobar 2004 Soomaaliya waxay lahayd dowlad qaran ku meel gaar ahayd ( Transitional National Government). Bishii Oktoobar ee 2004tii dowladdii ku meelgaarka federaalka ( Transitional Federal Government )  ayaa la unkay. Ma labadaas dowladood oo isku xigay baa ammaahday lacagta mise dulsaarkii baa kordhay sababo aan la sheegin awgood? Ogow in hey'adaha deymaha bixiya aysan Soomaaliya aqoonsanin ka hor 2013dii markaas oo uu dalku lahaa dowlad federaal aan ku meel gaar ahayn dalkase aan ka wada arriminin. Intii u dhexeysay 2006dii iyo 2009kii lacag dhan 276,000,000  ( laba boqol iyo lix iyo toddobaatan milyan ) oo doollar ayaa ku korodhay deynta Soomaaliya lagu leeyahay. Hase ahaatee laga bilaabo 2009  ilaa 2012, oo ah waqtigii dowladdii  ku meelgaarka ee federaalku talinaysay, lacagta ku korodhay deynta Soomaaliya lagu leeyahay waa 9,000,000 ( sagaal milyan) oo doollar. Ma dowladdii ku meel gaarka ee madaxweyne Shariif Axmed uu hoggaaminayay baan amaahanin lacag  oo korodhku waa dulsaar keliya?

Su'aalaha Barlamaanka Federaalka iyo dowladda la samayn doono hor yaalla waxaa ka mid ah


1- Waa immisa deynta Soomaaliya lagu leeyahay?

2- Miyay Soomaaliya amaahatay lacag markii Sanduuqa Lacagta Adduunku (IMF ) aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed? Haddii aysan deyn qaadanin dowladdu, sidee bay deynta Soomaaliya lagu leeyahay u korodhay?

3- Maxaa Soomaaliya u diiday in laga cafiyo deyta si la mid ah  sida dalal badan oo Afrika ka mid ah looga cafiyay deynta?


Barkinka: Figure 1 – Total Somalia Debt Showing Overlapping Discrepancy Years

Arrimo Liibaan Faarax xusay baa jira sida deynta Soomaaliya la siiyay siddeetamaadkii. Waagaas dalku wuxuu lahaa dowlad keli talis ah oo aan dadka kala tashan jirin go'aammada maaliyadeed oo dadka saameeya. Qormadan may soo wada koobin doodda Liibaan Faarax. Waxay ku salaysan tahay jaantuska kowaad oo muujinaya deymaha Soomaaliya lagu yeeshay intii u dhexeysay 1980 iyo 2015tii.

Tan iyo 2015tii Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka , Maxamed Aadan Fargeeti, wuxuu ka qaybgalay shirar caalami ah.


Wasiirka Maaliyadda oo la taagan madaxa IMF

Xil gaar ah wuxuu saaran yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdii hore ee militariga la soo shaqeeyay haddana dhaxlaya deynta Soomaaliya lagu sheeganayo oo, haddii xisaabinta Liibaan Faarax ay sax tahay, aad u sii korodhay afartii sano  Xasan Sheekh Maxamuud ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Si dhaqaaleyahannadu u sii gorfeeyaan xogta dhaqaale , way fiicnaan lahayd inuu Liibaan Faarax ilaha xogta uu gorfeeyay la wadaago aqristayaasha Hiiraan Online si la iskaga kaashado  in Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka aysan Soomaaliya dusha ka saarin deyn aysan qabin oo lagu saleeyay male-awaal maaliyadeed.  Waxaan ku dhiirrigelinayaa aqristayaasha inay  dooddan ku soo biiriyaan wixii  ra’yi iyo turxaan-bixin xogeed ah.

Liibaan Axmad
[email protected]




 


Post your comments