4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Wadahadalka Somalia iyo Somaliland - Maxaa ka Dhab ah?!!!

Zahra Ali Hassan

Thursday, September 01, 2016

Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxay abuurmatay markii ay midoobeen labadii Gobol ee ka kala xuroobay gumaysigii Talyaaniga iyo kii Ingiriiska sanadkii 1960kii, xorriyadda iyo israaca labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxaa saldhig u ahaa Soomaalinimo, Jacayl iyo Hilow ay isu qabeen walaalihii gumeysigu kala qoqobay. Dareenka wadaniyadduna waxa uu ahaa xilligaa mid aad u sareeya, ummadda Soomaaliyeedna waxaa ka go’nayd inay mar uun ka hoos baxaan nidaamka adoonsiga ee dhiig miiradka ah. Waxay kaloo ku haminayeen Soomaalidu sidii loo xoreyn lahaa gobollada wali gumeysiga ku hoos jira ee NFD, Somali Galbeed iyo Xeebta Jabuuti, waxaana ka go’naa in aan halganka la joojin tan iyo inta Soomaali-weyn la xoreynayo oo la midaynayo (The Greater Somalia).

Rabitaankaa awgii, ma jirin wax shuruud ah oo labadii gobol ee midoobay “Britsh Somaliland” iyo “Italian Somaliland” ay kala qorteen ama dokumenti qeexaya qaabka awood qaybsiga midowga kadib; lagama fakarin waxa dhici kara haddii khilaaf yimaado, saameynta uu ku yeelan karo midnimada, iyo qaabka khilaafka loo maarayn lahaa, xalna looga gaari lahaa si loo badbaadiyo midowg dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Fekerka awood qaybsigu markasta waxa uu lahaa miisaan ay reer waqooyigu hadal hayeen balse laguma dhiiran in laga wada xaajoodo oo meel la saaro arrintaas. Maadaama aan wax dood ah laga yeelan awood qeybsi ku saleysan Waqooyi iyo Koonfur, dokumenti cad oo qeexayana aanu jirin, qabyaladduna ay ahayd mar walba mid kala qaybisa Soomaalida, xukunka dawladnimadana ay mar walba saamayn ku lahayd qaabka awood qeybsiga.

Dawladdii kacaankii 21kii Oktobar 1969 - 26 Jannayo 1991 waxa ay dalka ku qabsatay inqilaab mileteri oo aan dhiig ku daadan, waxayna ku guuleysatay hanashada hanaanka dawlanimo ee dalka. Horaantii todobaatameeyadii, Kacaanku wuxuu kasbaday shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ku talaabsaday fulinta ballamadii uu dadweynaha ka qaaday sida 7dii qodob ee arrimaha gudaha iyo 6dii qodob ee arrimaha dibedda. Balse dadka indha-indheeya siyaasadda waxaa u muuqday bilowga bur burka xukunka meliteri wixii ka dambeeyey dagaalkii lagu hoobtay   1977-78 oo ay ku talaabsadeen siyaasado isdiidan oo ay kala hogaaminayeen Mareykanka iyo Ruushku. Waana tan keentay inqilaabkii dhicisoobay 1978dii, kaasoo galaaftay siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo waxgarad kale, kuwaa oo isugu jiray qaar la dilay iyo qaar xabsiga la dhigay.

Waxaa marag ma doonta ah in ay ka abuurmeen geyiga Soomaaliyeed jabhado hubeynsan sannadadii todobaatamaadkii iyo sideetamaadkii markaasoo Soomaalidu ka soo baxday dagaalkii ay la gashay Itoobiya sanadihii 1977-78dii, dagaalkaa soo dalka u geystay dib u dhac weyn, dhaawacayna  xukunkii mileteri, wiiqayna awoodii Kacaanka. Waxaa soo ifbaxay kala qeybsanaan bulsho, dhac hantida dadweynaha iyo tan dawladda, burburkuna waxa  uu ku baahay dhankasta oo kamida qaab-dhismeedka dawladda.

Jabhadahii abuurmay waxay ku baaqayeen isbedal dhinaca siyaasadda ah iyo sidii awoodda loo baahinlahaa, hasayeeshee jabhadahaasi saldhigoodu wuxuu ahaa hayb qabiil oo markiiba muujinaysay kala fogaanshaha shacbiga walaalaha ah oo u sii kala miirmayay qabiil qabiil, taageero hiil iyo hooba la garab taagnaa jabhadda beeshoodu ay leedahay oo saldhig ka dhigatay degaanka reerka.

Waxay taariikhdu tilmaamaysaa in taliskii militeri si uu uga gaashaanto dhibka ku soo fool leh, wuxuu bartilmaameystay taageerayaasha   jabhadahaas, wuxuuna hubeeyey beelihii xukuumadda taageersanaa, wuxuu duulaan ciidan ku qaaday degmooyin iyo gobolo dad shacab ah ay deganyihiin ayadoo loo aaneynayo in ay taageerayaal u yihiin jabhadaha hubeysan ee duulaanka ku ah xukuumadda.  

Waxaa nasiib darro ah in la waayo cid ka hadasha dhibka ummadda baqdin daraadeed. Dawladdii mileterigu waxay adeegsanaysay xeelado dagaal oo mar walba waxay kor u qaadaysay nooca ay ku dagaal galayso iyadoo u aragtay in shacbiga Soomaaliyeed intiisa badani ka hor yimid.

Hadaba, gobolada woqooyi waxaa loo bar-tilmaamedsaday si ka culus noocaas aan kor ku xusnay, qasaaraha ka dhashay weerarada dawladda wey ka wada sinaayeen gobolada oo dhan, balse gobolada waqooyi waxaa loo isticmaalay duqeyn dhanka dayaaradaha oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah oo aan waxba galabsan oo lagu laayey duurka.

Cadaadiskaas iyo colaadaas fogaatay waxay keentay qax iyo bara-kac wadanka gudihiisa iyo dibadiisa ah, iyadoo niyad jab ku riday ummadda Soomaaliyeed markii dayuuradihii dagaalka ay rusheeyeen shacabkii reer waqooyi, taasoo caloolyow iyo ciil ku beertay dad wada dhashay oo walaalo isku asal ah. “Ogow, dagaalka sokeeye waxaa mas’uul ka ahaa “TALIS”cadaadiskiisu gaaray dalka oo dhan, culeyskuba dhinac ha u badnaade.

Horraantii sanadkii 1991 kii, waxaa bilowday ololaha lagu  soo bandhigay gooni isu-taaga Somaliland, arrintaana waxaa garab socday wada hadal iyo dib-u-heshiisiin aan kala go’lahayn, ugu dambayntiina beelaha dega gobolada waqooyi waxay ku dhawaaqeen 18ka May 1991kii gooni isu-taag iyo inay ka go’een dalka Soomaaliya intiisa kale.

Soomaaliya waxay gashay marxalado isugu jira colaad beeleed, mid siyaasadeed, iyo mid diimeed, taasoo keentay kala qoqob iyo kala qeybsanaan beelaha Soomaaliyeed dhexdooda ah, horseedna u noqotay in beeluhu isu arkaan dawlad goboleed aayaha dadkooda u taagan, taasoo caddaynaysa in is-aaminaaddii ay meesha ka baxday.

 

Sannadkii 2012kii, dawladda Federalka Soomaaliya waxay dib u bilawday dardar-gelinta wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. Is-afgaran waaga wadahadalka waxaa sabab looga dhigi karaa in aan loo marin hannaan sax ah oo horseedi karay in la yeesho wadahadal dhab ah.

Haddii aad taariikhada dib u eegto, gumeysigu markuu naga tegay oo xorriyaddii la qaatay waxaynu ku midoownay sideed gobol oo kala ah:

    Labo gobol oo ah British Somaliland – Waqooyi Galbeed & Togdheer

    Lix gobol oo ah Italian Somaliland ama Koonfur – Bari, Mudug, Hiraan, Banaadir, Jubada Hoose iyo Jubada Sare

Wadahadalka iyo wada-xaajoodka ku aadan gooni isu-taaga Somaliland waxaa lagama maarmaan ah in laga wada qaybgeliyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo kalsoonida shacabka oo dhan. Isla-markaana ay uga qeyb qaataan labadii gobol ee la is-ku oran jiray “British Somaliland” si wadahalku u noqdo mid mira dhala, iyadoo aan cidna laga faquuqin madasha wada-hadalka, runtana aan laga tagin, dhab ahaanna loo wada xaajoodo.

Waa muhim in la saxo qaabka wadahalka waxna laga bedalo waayo wuxuu u muuqdaa mid marin haboow iyo mugdi sii galinaya arrimaha murugsan ee niyad jabka ku ah dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Sida ay ila tahay taladu waxay ku jirtaa:

     In casharro laga qaato wadahadalladdii la soo maray

     In la ilaaliyo heshiis qoraaleedka shirarka wada hadalka

     In la iska ilaaliyo hadallada qalafsan ama wax u dhimi kara wadahadalka sida erayga MUQADAS run ahaan wadahal baan galayaa go’aankaygana waan sitaa kuma jirto waxa buugta ku qoran, kaba daran dad kala tegay oo kala maqan ku dhawaad 25 sanno haddii lala hor fariisto midnimo waa muqadas, ama gooni-isu-taagu waa muqaddas, iyadoo ay farsamadiina maqantahay waa arrin aan is qaban karin.

     In uu wadahadalku yeesho guddi farsamo oo si joogto ah uga shaqeeya danaha labada dhinac diyaariyana ajendaha shir kasta, keydiyana xogta shirarka.

     In la dhawro go’aamada la isla garto shir kasta si geeddisocodka shirka u meel maro.

Gunaanad

Sida qoraalka ku cad, Somaliya waxay gashay jaha-wareer, mugdi iyo siyaasado is-diidan oo kalifay in dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburto taasoo saameyn weyn ku yeelatay dhinacyada siyaasadda, bulshada iyo arrimaha dhaqaalaha guudahaan. Waxaa sanadahaan dambe si xoog leh loo riixayay in la qaato nidaamka FEDERALKA oo aanay weli caddeyn nooca federaalka Soomaaliya ku haboon ama Soomaalidu rabilahayd.

Dastuurka federalka ee Soomaaliya waa qabyo-qoraal turxaan bixintiisu ay socoto, cod u qaadistiisuna ay dhimantahay, hadana waxaa lagu tallaabsaday dhaqan gelinta dastuurka federalka oo waxaa sameysmay dawlad goboleedyo, kuwo kalana waa soo socdaan.

Waxaa intii muddo ah wadahadal u socday Dowladda Soomaaliya iyo SomaliLand, kulamadaas oo aan illaa iyo hadda wax horumar ah laga gaarin, taasoo loo aaneynnayo isbedellada ku yimaada dawladda dhexe ee Federalka Soomaaliya.

Runahaan wadahadal iyo dib-u-heshiin (Dialogue and Reconciliation) si loo gaaro waxaa lagama maarmaan ah in la muujiyo soo dhaweyn iyo dabacsanaan fara badan.Waxaa xusid mudan in Hargeysa Xorriyadda ku horeysay, dowladnimadiina ay la sugeen maalinta xurriyadda ee Muqdisho, si 1da Luulyo 1960 ay u noqoto maalinta midnimada labadii gobol ee woqooyi iyo koofur Soomaaliya.

Haddaba hadalkayga waxaan ku soo koobayaa, haddii ay sidan tahay, waxaa habboon in waqooyi iyo koonfur loo heshiiyo, gogoshuna noqoto mid u dhaxaysa goboladii la isku oran jiray ‘British Somaliland iyo Italian Somaliland’, si midnimada Soomaaliyeed ay u soo  noolaato ayna noqoto mid loo simanyahay.

Zahra Ali Hassan
[email protected]



 





Click here