11/17/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Laba Muwaadin Oo Kala Fog

Qormo Sawir Guud ka Bixinaysa Xaaladda Dabaqadaha Nololeed ee Dalka

Mustafe Adam
Tuesday, May 31, 2016

May 30, 2016 - Saaka aniga oo lugaynaya goob ku taal magaaladda Hargeysa ayaa indhayagu waxa ay ku dhaceen muuqaal ii qiiro geliyay: waa farqiga u dhaxeeya laba muwaadin, Soomaali, muslimiin ah. Waxa u dhaxeeyay fogaan aan ka badnayn labaatan talaabo (20 meter). Labada muwaadin midi waxa uu dhisanayaa hanti lacagta la geliyay lagu qiyaasay laba milyan oo dollarka maraykanka ah ($2 million), halka muwaadinka kale oo markii dhaayahagu ku dhaceen duruufta iyo waayaha ka muuqday, laakiin faraxsanaa uu ka xoogsanaayay meherad yar oo dhawr caagadood oo biyo ah, dhawr sharaab ah, dhawr qardaas oo bukud ah iyo dhawr baakidh oo sigaar ah ay yaaleen, taas oo cashuur iyo masaariib hadba wixii Illaahay ka siiyo laga bixiyo.

Markii aan u fiirsaday waxa aan arkay muwaadinkan oo qof dumar waayeel ah ahayd oo gacanta dhabanka saartay oo daawanaysa shaqaale Saancadaaleyaal iyo Soomaali isugu jira oo ku mashquulsan qurxinta iyo dhiraynta hantidan lacagta badan la geliyay. Inkasta oo aanan si dhab ah u hubin cidda leh iyo halka lacagta intaas le’eg laga keenay, haddana markii aan u kuurgalay waxa la ii sheegay in uu dhisanayo mas’uul qaran oo sare, lacagtaasi sida loo helay waa dood kale. Kollay hantidani waa mid dhaqaale iyo shaqo-abuur dalka ku soo kordhinaysa, oo xataa meheradda lafteeda ayay camiraysaa, haddii aan cagaf la marin oo aan barking laga dhigan.

Dulacda sheekadan kooban waxa weeyi: Dalku meel fiican ayuu marayaa dhaqaale ahaan iyo horumar ahaan, laakiin dadkii ayaad moodaa in ay aad u kala fogaanayaan oo ay dabaqado noqonayaan, iyada oo laga faa’iidaysanyo awoodaha dhaqaale, maamul iyo galaangalka. Illaahayba dadka qaarna fuqaro ka dhiga, qaarna qani, laakiin nidaamka Islaamku waxa uu u sameeyay hannaan lagu xakameeyo dhacdooyinkaas oo ay ka mid tahay nidaamka Zakada, Sadaqada iyo la dagaalanka ribada, laaluushka iyo musuq-maasuqa. Sidoo kale, dalalka lagu tilmaamo in ay horumareen waxa ay samaysteen habab iyo qorshayaal ay ku xakameeyaan dhacdooyinkan oo kale, sida sharuucaha iyo caydha-bixinta, tabarucaadka ganacsiyada iyo shirkadaha waaweyn (social responsibility) iyo hababka kale.

Waxa la yaab leh, dadka hantida intaas le’eg dalka gelinaya ee aan ka fekerayn haddii dabaqaduhu sii xoogaystaan oo baahidu badato in amingu khatar geli karo oo la is-boobi doono (Illaahay inaguma keeno), sababata oo ah dhaqanka Soomaalidu wuu ka duwan yahay dalalka nolol ahaan dabaqado isku bedelay sida Hindiya iyo dalal badan oo Afrikan ah.

Waxa laga yaabaa in dadka noocan ah qaarkood ay ku fekerayaan ama fuliyeenba marka aad hanti yeelato carruurtaada iyo qoyskaaga waxa aad dejin doontaa dalalka horumaray. Laakiin, wakhtigu wakhtigii maaha, xaalkuna xaalkii hore maaha, waxa soo baxay kooxo dhallinyaradda iyo carruurta yaryar ee qurbaha midab-takoor, isir-nacaybka iyo islaam-nacaybka la il-daran duufsada oo ku qal-qaaliya in ay dhibkan ka baxa oo naftooda huraan, si ay janno u helaan. Maalmihii u danbeeyay waxa warbaahinta ka socday waalidiin Soomaaliyeed oo calaacal iyo ciil-kaanbi la hortaagan maxkamadaha Maraykanka, kuwaas oo carruurtoodii ay la qaxeen badhna waayay, badhna jeelasha loo taxaabay.

Gunnanadkii waxa inala gudboon dhammaanteen – mas’uul dawladeed, tujaar iyo muwaadinba in aynu ka fekerno sidii loola dagaalami lahaa dabaqadaha, musuqa, gaar ahaan lunsiga hantida ummadda ka dhaxaysa iyo kala xadaynta ganacsiga. Arrimahani maaha arrimo sahlan, waxa ay u baahan yihiin siyaasad cad oo daacad iyo dadaal ku salaysan. Haddii Illaahay laga baqi waayay dadka awoodda gacanta ku haya iyo kuwa u soo ham-iyo-dig leh waxa looga baahan yahay in ay qorshaha ku darsadaan. Shacabkana waxa la gudboon in axsaabta in ragga u tartamaya hoggaanka ay ku doortaan KARTI, AQOON & ALLE-KA-CABSI.


Mustafe Adam
@kibaaro
[email protected]


 
Click here