4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
DHULKA NIN NOOL IYO NIN DHINTAYBA WUU DEEQAA

by Bazi Bussuri Sheikh
Monday, May 23, 2016

Culimada ku taqasusa joqraafiga ayaa waxay ogaadeen in dhul ahaan dadweynaha aduunka oo idil ay ku filan tahay dhulka dalka New Zealand haddii ay  ku noolaadaan hab dhismeedka guryaha Koonfurta Korea ama walaayada New Jersey.  Hadii ay ku noolaadaan Hab dhismeedka guryaha sida magaalada Manila ee dalka Filibiin, ay dadka dunida ku nool oo dhan ku filan tahay dalka Tunisia.  Dhulka Soomaaliyeedna waxaa ay laba jeer iyo bar  ka weyn tahay New Zealand, afar jeerna waxay ka weyn tahay Dalka Tunisia.  Ilaahayna isagoo cadaynaya wayninka dhulkiisa wuxuu Qur’aankiisa ku yiri (يا عبادي الذين آمنوا إن أرضي واسعة فإياي فاعبدون ).

Soomalidana waxay ku maahmaahdaa “Dhul nin nool iyo nin dhintayba wuu deeqaa”.   Halyayga Hindiga ah ee Gandhina wuxuu yiri “The earth has enough for everyone’s needs, but not for some people’s greed”.  Kheyraadka Dhulku qof walbo baahidiisa way daboolaysaa, laakiinse ma daboosho hunguri weynimada aadanaha.  Runtii dhibaatada ugu weyni ma ahan dhulka iyo kheyraadka ku jira yaraanteeda, bal se waa hunguri iyo damac weynimada aadanaha.  Taariikh ahaan dadka ku nool dhulalka qaarada Afrika waxaa ka dhaxeyn jiray wada noolaan, is martigalintana muqaddas ayay ahayd.  Xitaa haday gooni gooni u degan yihiin, hadaf guud ahna daryeelka dhulka Alle ayaa ka dhaxeeyay.

Sidoo kale culimada ku xeel dheer taariikhda Afrika waxay cadeeyeen in gumeystayaasha ay keeneen cudurka weyn ee la magac baxay “Indigene/Settler Syndrome” “Waa u Dhashay (Asal) iyo Waa ku dhashay Soo galooti ah”.  Taasoo hadafkeeda ay ahayd “Qeybi oo maamul”, wuuna ku guuleystay gumeystuhu.  Ilaa iyo hadda cudurkaas ayaa haligaaya dadweynaha Afrika.  Tusaale ahaan dalka Nigeria cudurkaasa illaa iyo hadda uu ka kabsan la’yahay.  Sidoo kale Itoobiya dherigeeda waa karkaraayaa, oo mar aan dheereyn way burqanaysaa. South Africa sidoo kale, laakin Nelson Mandela ayaa dadaal dheeraad ah u galay in ay dadyowga kala duwan ee dalka ku nool wada shaqeeyaan.

Runtii marka aad Soomaaliya fiiriso cudurka Indigene/Settler Syndrome” sida heerka Nigeria uu ugu saaqay ma gaarin.  Laakin 10 kaan sano dambe oo hirgalinta nidaamka federaaliga uu socday ayuu soo butaacay, taasoo sababtay in uu dhiig badan ku daato illaa iyo haddana socdo.  Nabigeena SCW mar ay Ansaarta iyo Muhaajiriinta isu dad wacdeen ayuu caro darteed ku yiri “ Ma anigoo dhexdiina jooga ayaa akhlaaqda Jaahiliga soo celiseen”. Hadda waxaa ayaan daro ah in ugaasyadii, duub-dhaqameedyadii iyo tacliinleyda madaxda ah ee qudwada u ahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku talax tagaya isticmaalka warbaahinta, ayagoo ku hadlaya hadalo ay caadifad iyo caro hogaamineyso.

Nafsiyada Odayaasha Soomaaliyeed ee qarniyadii hore iyo nafsiyada Odayaasha hadda jira isku mid ma ahan.  Nafsiyada Odayaashi hore waxay ahayd mid aminsan in dhulku yahay dhulka alle, dadka deganna ay diinta iyo isguursashada ay walaaleysay (Will iyo Abtigiis). Qur’aanka nafsadda wuxuu u qaybiyay Nafsul “Mudma’in”, “Lawaamah” iyo “Amaarah Bissuu”.Nafsad degan, Nafsad Cabasho badan iyo Nafsadda farta xumaatada kaliya. Awoowayaasheena waxay lahaayeen midda hore “Nafsul Mudma’in”, oo iimaankooda ayaa u sugnaa.  Laab la kac iyo caadifad dareenkooda ma hogaamineyn, Sidaas awgeed roob yar haduu da’o beeraha wax badan oo barako leh ayaa ka soo go’i jiray, xooluhuna waa tarmi jireen.

Laakiin xiliga aan hadda ku jirno nafsiyada qofka Soomaaliga ah waxay u janjeertaa dhinaca “Nafsul Amaarah Bissuu”.  Is-aaminkii, wax isku darsashada iyo kalgacaylkii dhex yiilay Soomaaliweynta ayaa meesha ka baxay.   Markaasaa waxaa ina haleelay shanta balaayo ay awoowayaasheena hore iIlaahay ka magan gali jireen. Kuwaasoo ah maahmaahda Shanlayda ee dhaheysay Shan Belaayo Allaa Laga Magan Galaa”: Caro aan laga soo noqon, Colaad aan laga heshiin, Cudur aan laga bogsan, Cilmi aan lagu intifaacin iyo Cayr aan laga dhaqan”.Tan micnaheeda ma aha in la rajo dhigo, waa in mar walba la ogaadaa in uu dhibka dheef ka dambeeyo, abaarna aaran.

Laakin waxaa lama huraan in nafsadda la xakameeyo, lagana badbaadiyo kibirka Ibliis, xasadkii Qaabiil, madaxtaagii fircoon, hawadii Balcaam, Jaahilnimadi abuu Jahal IWM.   Maxaa yeelay Ilaahay SWT ma bedelo Xaalada xun ee qawm ku jiro, Illaa ay ayaga marka hore ay isbedel la yimaadaan.  Is bedelkana wuu socdaa oo yididiilo badan ayaa jirta.  Tusaale ahaan, Soomali badan oo kala beel ah ayaa is dhex gashay oo isa guursaday iskuna milmay, taasoo mudo aan dheereyn sababaysa in la yiraahdo “Soomaali ha kala sheegin”.Aniga hadda qoraaga ah ayaa waxaan Abti u ahay caruur badan oo beelo kala duwan aabayaashooda ka soo jeeda.

Horena waalid baa ley ahaa oo abtiyaal baan leeyahay, maantana maqaalkan waxaan ku qoraayaa mashaacir ama dareen nin Abti ah oo caruurtiisa la dardaarmaya.  Quruxda Dabeecadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah ixtiraamka weyn ay Abtiga siiyaan“Abti ka cabso, ishiisana ka cabso”.  Reer xamarkana waxay dhahaan “War Waalid ninkii diido wareer aa u dambeehaa”.  Yaan war idinku daalinin, waanadeyda waalidnimo waa kuwan hoos ku qoran:

1.    Xal Siyaasadeed loo Helo Dhulalka Laysku Haysto

Waxaa jiro beelo badan oo walaalo ah oo isku haysto dhulal iyo awood qaybsashada, kuwaasoo sababay in dad badan oo rayid ah ku naf waayaan.  Tusaale, waa in xal siyaasadeed loo helaa Shabeelada hoose gaar ahaan Shalambood iyo Marka.  Gobolkaas waa gobolka waddanka laga quudinayay, taariikh ahaana intuu gumeystihii soo gelin beeralayda iyo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed si nabad ah ayey ugu noolaan jireen.  Habka dhulka loo kala lahaana waxay ku dhisneyd hab xeer Soomaaliyeed ah (Traditional Land Tenure).  Xaqdarrada waxay bilaabatay markuu gumeystihii Talyaaniga la wareegay beerihii badankood.  Xukuumadihii xurnimada ka dibna uma qeybin dhulka hab cadaalad ku dhisan.

Waa lagama maarmaan in xal siyaasadeed oo cadaalad ku dhisan loo helo Shabeelada Hoose.  Maxaa yeelay meeshi labo ku dagaalanta, mid sedexaad ayaa ka faa’ideysta.  Waxaan ka wadaa, beryahan waxaa soo batay dawalado iyo sharikado waaweyn oo ijaaranayo dhul beereedka wadamada saboolka ee Afrika ayagoo heshiis la galayo dawlad goboleedka iyo dawladda dhexe.  Tusaale, Sacuudiga ayaa dhul beereed badan ka ijaartay Itoobiya, wax soo saarka beerahaas oo dhanna waxaa loo diraa Sacuudiga.  Beeralayda yar yaraana inta la bara kiciyay ma haystaan wax ay cunaan.   Sidoo kale kacdoonka Madagaskar waxaa u sabab ah dhul beereedka la siiyay Shirkadda Daewoo ee Kuuriya.

2.    Dheriga Arimaha Dibadda Muqdisho Ha La Saaro:

Nidaamka federaaliga ah wuxuu sababay in gobol walba dheri gooni ah uu saarto wadanka gudahiisa.  Laakin waxaa ayaan daro noqoneysa hadii maamul goboleed walba uu dheri gooni ah saarto wadanka dibadiisa.  Maxaa yeelay wadanka dibadiisa, Ololaha Caalamiyaynta (globalisation) awgeed, wuxuu noqday mid halis ah (sida jid cadde aan shuruucda jidka lahayn oo kale).  Sidaas darteed iskaashi iyo midnimo waa daruuri si looga nabad galo halistaas.  Dabcan waa adagtahay si loo gaaro taasi, oo dherigii hore Soomaalida ka dhexeeyay dhaawac weyn ayaa soo gaaray.  Waxaase cajiib ah in Dalka Japanka ah aad loo qiimeeyo dheriga inta jabay, dib leysugu soo celiyay.

Xikmadda ay reer Japan ka qaateen dheriga inta jabay dib lay sugu keenay waa “Shey walba oo jabay oo taariikhna leh, marka dib leysugu keeno, quruxdeeda iyo xoogeeda waa siyaadeysaa”.  Sidoo kalena waa in dheriga siyaasada dibadda ee mideysneyd, kalana jabay lagu kooleeyo oo dib leysugu soo celiyo dib u hashiisiin dhab ah oo tii geedka quraca lugu gali jiray ah. Ka dibna Muqdisho dherigaas la dhigo, maadaama Muqdisho ay Beelaha Soomaalida oo dhan dadkooda ay ku nool yihiin, hantina ku leeyihiin.  Muqdisho maqaamka Washington in la siiyo, siyaasad mideysan oo dibadda ah oo Soomaaliweyn u dhan tahay laysku waafaqo. 

3.    Dhalin Yarooy Tagto aanu Dayno si aan Timaado u ogaano

Waxaa mar walba haboon in wixii tagay aad u isticmaasho Qibrad ahaan, laakin aysan tagtada ku isticmaalin oo dhibaatada hore u dhacay aysan soo rogaal celin.  Waxaa dhici karta in qof uu maqlo gabay baroor diiq ah oo dagaalo qarni ka hor dhex maray beeshiisa iyo beel kale, taasoo ku abuuraysa qofka inuu u aar gudo dhibaatadii beeshiisa la gaarsiiyay qarni ka hor.  Marka jiilka Soomaaliyeed ee cusub waa in ay ka gudbaan xaaladaan isa soo rogaal celinaysa mar walba. Dhalin yarada ku noolaa Madinah Al Munawarah ayagaa soo af jaray dagaalki qotada dheeraa ee ka dhexeeyay Aws iyo Khasraj.

Mustaqbalka wadanka ka fekera oo ka digtoonaada in aad noqotaan indha ku garaadle aan lahayn miyir iyo degenaan ay ugu samaystaan mustaqbalka soo socda.  Sida Jiiftada Gaarriye uu uga digay dadyowga Soomaaliyeed:

Degganaana uma dhalan

Dubaha igu soo maqan, lagu sii dareemo

Jeer daqarku igu dhaco, kama sii digniin helo.

Taariikhda Dhalinyarada Soomaaliyeedna waa la ogyahay sida ay ugu horseedeen in wadanka gumeysi ka baxo.  Dhibaatada ugu wayn waxay tahay da’yartii dalku qaar badan ayagoon weli qaangaarin ayaa qoryo la isugu dhiibay lagana dhigay dhuxul lugu shito dagaalka sokeeye.  Dagaalkana sidiisaba odayaasha ayaa bilaaba, dhalinyaradaase ku dhamaata, dhalin yaradaa hadana aakhirka joojiya.


Bazi Bussuri Sheikh
[email protected]

 





Click here