11/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
BAARLAMAANI MASE FULIN: Habkee dawladnimada Soomaaliyeed ku habboon?

by MP Mariam Arif Qassim
Tuesday, May 10, 2016

Labo iyo toban sannadood oo aan dawlad ku meel gaar ah ahayn iyo affar sannadood oo aan dawlad rasmi ah oo dunidu aqoosantahay noqonay, waxaa Soomaalia soo maray duufaano siyaasadeed oo cul culus, khilaaf iyo is afgaran waa ka dhex aloosmay madaxdi dawladdi dhexe ee Soomalia ugu sarreysay. Madaxweynayaashi iyo ra’iisul wasiiradi xilka qabtay, dagaalki sokeeye kaddib, waxaa loo soo doortay inay dib u soo nooleeyaan dawladdii duntay ee Soomaaliya iyo inay abuuraan jawi nabad, is afgarad iyo isjacayl ku saleysan oo ay ku diirsadaan dadka ku nool dalka geeska Afrika ee Soomaaliya lagu magacaabo.

Meeshi wanaag laga sugaayay, madaxdi loo igmaday derejooyinka ugu sarreeya ee dalka, waxay nasiib darro ku mashquuleen isqabqabsi siyaasadeed, isfaham la’aaniyo colaad dhexdooda ah, oo dalka dumisay, dadkana qalbi jab iyo rajo la’aan ku riday.

Waxaa ayaan darro ah in axdiyadii qaran ee lagu heshiiyay iyo dastuurki ugu dambeeyay ee dalka oo ay soo ansixiyaan Guddiga Ansixinta Dastuurka ee Qaranka, lana soo saaray 1.8.2012, ay ka muuqato in habka dawladnimada Soomaaliya aysan baarlamaanina ahayn fulina ahayn oo ay tahay hab dhexe oo si gurracan awoodaha madaxda dawladda u qaybinaya oo qof walba siduu doono u fasiran karo.  Qodobka 90aad iyo kan 100aad ee dastuurka ku meel gaarka ah waxay awoodo aan si fiican u kala caddeyn siinayaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha labadaba, marka laga hadlaayo dalka maamulkiisa iyo guud ahaan dejinta siyaasaddiisa.

Waxaan waayo aragnimo u leenahay, in lix iyo tobankii sannadood oo la soo dhaafay ay affar madaxweyne iyo kow iyo toban ra’iisul wasaare dalka soo mareen.  Waxaa kale oo aan ogsoonahay in toddobo jeer khilaaf ka dhex aloosmay madaxweynayashi dalku doortay iyo ra’iisul wasaareyaashi ay ayagu  gacantooda ummadda Soomaaliyeed ee kursiga u tartameysay kala soo dhex baxeen.

Waxaan shaki ku jirin in affar madaxweyne oo kala duwan aysan isla wada waalneyn amaba ku mashquulsaneyn awood boob iyo keligii talisnimo.  Sidoo kale, waxaa ayadana aan shaki ku jirin in aysan toodobo ra’iisul wasaare wada xumeyn, wajibkooda qarana ka soo bixi waayin, amaba macangag madax adag wada ahayn.  Waxaa ammaan iyo sharaf mudan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si geesinimo ku jirto u go’aansaday in haddii la wada shaqeyn waayay aay dalkooda iyo dadkooda u tanaasulaan, dagaal siyaasadeed iyo isu awood sheegashana aysan waqti qaranka uga luminin, ayagoo dantooda ugu weyn ay ahayd inay magaca iyo sharafka Soomaaliya ilaaliyaan. Su’aasha haddaba maanta na hor taalla waxay tahay, xaggee wax ka khaldameen?

Runti, labada ruux oo haya labada derejo ee qaranka ugu sarreysa iyo kuwa la kala safanba ma aysan wada khaldaneyn. Waxay doodooda ku saleysneyd labada qodob ee dastuurka kmg ku qoran ee kala ah 90 iyo 100 oo qolo walbaba sidey jeceshahay u fasiratay.  Tafsiirka labada qodob ee aan kor ku soo tilmaamay ayaa ah meesha sartu ka qurunsan tahay.  Tafsiirkaas laba wejiilaha ah wuxuu abuurayaa khilaaf iyo isafgaranwaa u dhexeeya madaxweynaha iyo rai’iisul wasaaraha, mid kastana wuxuu aaminsan yahay in sida uu u fasirtay ay tahay sida sharci ahaan saxda aha, asagoon haysan hay’ad seddaxaad oo xalaaleysay ama diiday aragtidiisa, sida maxkamadda dastuurka ee dalka oo kale.

Tafsiirka qodobbada 90 iyo 100 oo aan caddeyn, cid awood gaar ah u leh inay go’aan ka gaartana aysan jirin, wuxuu sababy burburka toddobo xukuumadood iyo in la beddelay toddobo ra’iisul wasaare.  Tafsiirkaas oo cid kala saari karta labada kooxood loo waayay, wuxuu qaybiyay baarlamaanka federaalka oo u kala baxay qabiillo, ayadoo qolo kasto ay ku dadaaleysay inay difaacdo qofka madaxda ah oo ay isku beesha ka soo jeedaan.   Duufaantaas siyaasadeed waxey geesinimo gelisay kala qaybsanaanta baarlamaanka iyo inay maalinba maalinti ka dambeysa hoos u dhacdo midnimadi qaranka iyo wadajirki shacabka Soomaaliyeed.

Arrimahaas murugada leh ee abuurya xasillooni darro siyaasadeed oo u dhexeeysa madaxdi dalka ugu sarreysay, waxaa aad u kahsaday shacabka Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddaba ku nool. Dadka Soomalida badidooda waxay aaminsan yihiin in qoddobada awood qeybsiga ee dastuurka qaranka ku qoran, isla markaana aan si wanaagsan loo kala qeexin, iyo maqnaanshaha maxkamadda dastuurka ee Soomaaliya ay yihiin kuwa kiciya duufaannada siyaasadeed ee dalka ka dhaca badiddod. Qeyb xoog leh oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay qabaan in la sameeyo hab dawladeed aan barxaneyn oo hal nooc ah. Waxay leeyihiin shacabku waa inuu kala doortaa hab baarlamaani ah ama hab fulin ah oo aan wax dheeraad ah lagu kordhiyin.

BAARLAMAANI IYO FULIN: TAARIIKHDA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA

Labada dhaqan dawladeed oo kor ku xusan oo ay ku dhaqmaan dawladaha duniga badidooda, horay ayaa looga hirgeliyay Soomaaliya. 1960/1969ki Somaaliya waxay lahayd hab dhaqan dawladeed baarlamaani ah. Waqtigaas, madaxweynuhu wuxuu ahaa madaxweyne sharafeed. Ra’iisul wasaaruhuna wuxuu ahaa madaxa dawladda oo awood badan berigaas xambaarsanaa.
Labada hoggaamiye ee qaranka waxaa la xisaabtan xaq ugu lahaa baarlamaanka oo hawshiisa ugu culus ay ahayd inuu dabagal ku sameeyo hawlaha dawladda habsami u socodkooda. Hawlahaas waxay si gaar ah u khuseeyeen ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradiisa, ayadoo lagu dhaqmaayay dastuurki 1960ki ay dawladda cusub ee dunida laga aqoonsaday yeelatay. Baarlamaanku wuxuu awood u lahaa inuu isticmaalo xaqiisa kalsooni kala noqoshada dawladda, hadduu dareemo inaysan mas’uulyaddeeda qaran si fiican u gudan karin.

Dastuurki 1960ki wuxuu cajiib ku ahaa inuu siinayay madaxweynaha qaranka (laba awoodood oo dheeri ah) oo ka baxsan habka baarlamaaniga ah ee uu dalku qaatay. Madaxweynuhu wuxuu awood u lahaa inuu ra’iisul wasaaraha soo magacaabo isla markaana ka qaado awooda haddii uu hawsha loo diray ka gaabiyo amaba ay dhacaan is afgarawaa xoog leh oo o dhexeeya labada ruux ee dalka ugu sarreeya. (qod. 78.3).  Isla qodobkaas wuxuu qorayaa in madaxweynuhu magacaabayo wasiirada, kana qaadayo kursiga, marka uu ra’iisul wasaaruhu u soo jeediyo (qod, 78.4).

Waxaad mooddaa in Madaxweyne Aden Cabdulle Cismaan uusan ahayn madaxweyne sharafeed hawshiisu tahay keliya inuu dalka ka odayeeyo, iskuna hayo midnimada qaranka iyo wadajirka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Si aan caadi ahayn ayaad moodaa in awooda labada madax ee dawladda loo dheellitary.  Inkastoo xilligiisu uu kan maanta jira aad uga fiicnaa, haddana awoodaha madaxweynaha la siiyay waxaad moodaa inaysan abuureen isku dhac siyaasadeed oo xoog leh, sida hadda kuwa socda oo kale.

1969/1990 dawladda Soomaaliya waxay ahayd mid uu xukumo madaxweyne awood fulineed leh (presidential) oo laakiin askari ah. Berigaas baarlamaanku awood uma lahayn inuu madaxweynaha hawshiisa ku fara geliyo. Madaxa qaranku wuxuu lahaa dhowr madaxweyne ku xigeen oo shaqadoodu ahayd inay ka caawimaan hawlaha uu u wakiisho oo keliya. Inkastoo madaxweyne ciiden ku abtirsada uu ahaa, dalkana ku qabsaday inqilaab caskari, haddana waxaa xusuusin mudan in 1986dii Madaxweyne Maxamed Siyad Barre uu ku guuleystay kursiga madaxtinimada, asagoo ay shacabkiisu hal qof iyo hal cod ku soo doorteen.

Nasiib darro, labada dhaqan dawladeed ee aan kor ku soo tilmaamay, addunweynahana aad looga isticmaalo, Soomaaliya wey ka hirgeli waayeen. Labada nooc oo maamul midna dalka uma horseedin inuu helo dawlad caafimaad qabta oo horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale gaarta.  Sida runta ah labada hab dhaqan dawladeedba shacabki Soomaaliyeed ayaa ku kacay markiiba, ayagoon weli qaan gaarin oo aan si fiican dhidibadu ugu aasmin.

Shacabka Soomaaliyeed hab dhaqamadaas siyaasadeed ugama hor imaanin inaysan fiicnayn oo dawladnimo ku hanaqaadi karin, waxaase lagu nacay inay madaxda ku fadhida kuraasta ugu sarreysa dalka aysan ciseyneyin shuruucda dalka u degsan iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed. Isfaham la’aantaas ka dhex dhacday madaxdi iyo shacabkoodi waxay sababtay in dawladdii baarlamaaniga ahayd looga awood roonaaday inqilaab mileteri, sagaal sannadood kaddib markey Soomaaliya xornimo qaaday. Sidoo kale dawladdii fulinta ahayd (presidential) waxaa lagu burburiyay kacdoon shacbi kaddib markey talada dalka haysay muddo 21 sannadood ah.

XASILLOONI SIYAASADEED MASE AWOOD QEYBSI QABIIL

Halkaas markuu xaalku maraayo, Soomaaliya waa jaha wareertay. Waxaan hore u soo tijaabinay laba hab oo dawladnimo, midkoodna kuma aanan soo guuleysanin, shacabkuna kuma qancin. Haddii labadaan hab ay neceyb iyo colaad la kulmeen annagoo weli curdan ah oo markaas uun dhalanay, sideen uga sugi karnaa natiijo wanaagsn annagoo rubuc qarni ku soo jirnay dagaal sokeeye iyo dawlad la’aan? Aragtideyda, intaan is weydiin lahayn habkee noo shaqeyn kara oo aan dawladnimo sax ah ku heli karnaa, waxaa ila fiican inaan labada su’aalood oo soo socda is weydiino:

1.      Soomaalidu, ma waxey doonaysaa inaay hesho xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale ?

2.      Mase waxaa uga muhimsan in la quudiyo baahida qabaa’ilka ee ku saleysan awood qeybsigooda?

Dib haddaan u jallecno taariikhda Soomaaliya, marki ay labadi gobol ee Soomaaliyeed: Waqooyi iyo Koonfur ay go’aansadeen inay midoobaan ayna noqdaan 1di bisha Luuliyo 1960ki, hal waddan, ayaa SOMALIA oo qaramada midoobay iyo addunka intiisa kaleba laga aqoonsaday ay dhalatay.  Calanka buluugga cirka ah oo ay ku dhex taallo xiddigta cad ee shan geesoodka ah, wuxuu maalintaas astaan u ahaa sharafta iyo isla weynida muwaadin kasta oo Soomaali u dhashay oo uu calankaasi korkiisa ka babanaayay.

Nasiib darro, niyad samidii kooxdi bilowday raadinta qaranimada Soomaaliya ma guuleysanin. Sidoo kale hammigii midnimada oo ay aabayaashi qaranku ku riyoonayeena wuxuu wada tirtirmay shan iyo toban sannadood gudahood. Dawladdi koowaad ee rayidka ahayd oo ilaa heer ciseyneysay xuquuqda asaasiga ah ee bini aadamka waxaa lagu eedeeyay inay codadki doorashada is daba marisay oo ay sanduuqyadi ku gurtay warqado ben abuur ah iyo inay gashay khaladaad siyaasadeed oo xoog leh, marki lagu tuhmay inay hantida dawladda is daba marisay iyo inay dalka u jideysay musuq maasuq baahsan.

Wax kasta oo uu noqdo tuhunki dawladdii rayidka ahayd ee dalka lagu bilaabay, xukuumaddii curdanka ahayd ee baarlamaaniga ahayd oo waajibkeedu ahaa inay dhallinyarada u noqoto jaamacad lagu barto maamul dawladeed iyo habsami u socotka hawsha qaranka, ma aysan helin fursad, loomana sabrin khaladaadkeeda wax barasho oo ay da’ yarideedu sababtay.  Dawladdaas ma aysan helin waqti ay ku korto ayadoo ka guureysay ilmanimo, una guureysa dawlad qaran oo qaan gaartay. Sidaas waxaa u soo dul qaatay kuna guuleystay  dawlado badan oo dunida jira, sida kuwa afrikaanka ah ee nala qaaradda ah.

21kii bishi Oktoobar, 1969ki waxaa dawladdii hilfaha u qaaday inqilaab military oo beddelay jidkii u calaameysnaa mustaqbalka dalka. Inqilaabkaas askareed wuxuu isbeddel weyn ku suubiyay geedi socodki dawladnimo- barashada ku saleysnaa ee dalka.  Ciidamadii waxay la wareegeen dalka oo dhan, waxeyna xir xireen siyaasiyiinti qaranka gebigood.  Xattaa madaxwyinihi hore ee dalka oo aan markaas xukunka dawladnimo ku dhex jirin, xabsi ayaa loo taxaabay.

Inqilaabki military oo berigaas Afrika iyo waddamo kale oo adduunka seddaxaad ka mid ah ka socday toddobaatameeyadi, wuxuu Soomaaliya ku geesinimo geliyay inay si sahlan qolo dalka xukunkiisa ula wareegi karto, ayadoo uusan dhiig ku daadanin. Inta u dhexeysay 1969/1990ki Soomaaliya waxaa u talinaysay dawlad xoog leh oo fulin ah (presidential). Dawladdaas waxay diiday inay u hoggaansanaato dastuurki dalka iyo dhammaan shuruucdi waddanka lagu maamuli jiray oo ay dawladdi rayidka ahayd ka dhaxashay.

Dawladda cusub waxay tii hore uga beddelnayd inay dalka dhammaantiis iyo dadka Soomaaliyeed gebigood ku qabatay gacan bir ah. Dawladdaas waxay isbeddel ku sameysay muuqaalki iyo aragtidi Soomaaliya dunida inteeda kale ay hore ka qabtay.

Dawladdi militariga ahayd waxay ahayd dawlad fulineed, hase yeeshee madaxweynuhu asagaa iskiis isu soo magacaabay.  Laba sannadood gudahood dawladdii militariga ahayd waxay u guurtay hab la yiraahdo “Hantiwadaag cilmi ku dhisan” oo ah qayb ka mid ah aragtiga Marksistaha ee addunka markaas looga dhaqmi jiray.  Arrintaas waxay ka soo horjeeday diinta Islaamka oo ahayd diinta dawladda. Dareen guud oo colaadeed ayaa isla markiba abuurmay oo ka dhexeeyay dawladda iyo culumada dalka. Dawladdi oo dagaal kula jirta qayb xoog leh oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, ayaa waxay haddana ka careysiisay dhallanyaradi dalka oo ay u diiday xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo safarka (baasaboor) iyo inay nolol wanaagsan u halgamaan (shatiyo ganacsi iyo faa’iideysi). Inkastoo dawladdi militariga ahayd ay horumar xoog leh gaartay intey dalka xukumeysay, habka fulinta ee Soomaaliya (presidential) waxaa lagu tilmaami jiray mid keligii talisnimo ku saleysan. Isbahaysi ka kooban siyaasiyiin, dhallinyaro, ganacsato and culumaaudiin ayaa waxay qorsheeyeen kuna guuleysteen inay dawladdaas afka dhulka u geliyaan, bishi Jannaayo 1991di.

Halkaan aan taariikhda ku deyno ee u dhaqaaqno waxa ay kala yihiin dawlad baarlamaani ah iyo mid fulineed oo demoqraadi ah oo aan la barxin, kana dhex shaqeysa xukun dawlad rayid ah ku saleysan oo ku dhaqmaya dastuurka iyo shuruucda qaranka u yaalla.

Haddii Soomaaliya himiladeeda ugu weyn ay tahay in awooda loo qaybiyo qabaa’ilka dalka, habka baarlamaaniga ah ayaa u wanaagsan. Madaxweynuhu wuxuu noqonayaa oday sharafeed aan awood sidaas ah lahayn. Wuxuuna ka mid noqonaya astaamaha la dhowro ee qaranka. Madaxweynaha noocaan ah waa ilaaliyaha midnimada ummadda, gobonimada iyo israacsananta geyiga Soomaalida.

Habkaan baarlamaaniga ah ra’iisul wasaaruhu waa madaxa hay’adda fulinta ee dawladda. Asagaa dalka ugu awood badan, oo keligiis dalka xukuma. Ra’iisul wasaaraha waxaa la xisaabtami kara baarlamaanka oo keliya oo siin kara kalsooni, kalana laaban kara.  Ra’iisul wasaaruhu ma hoos imaanayo madaxweynaha maxaa yeelay, madaxa qaranku ma leh awood dabagal iyo la xisaabtan toona.

Habka labaad waa midka fulinta (presidential) oo aan asna la barxin. Habkaan sidey u badan tahay madaxweynaha si toos ah ayaa shacabku u soo doortaa, mar marna baarlamaanka ayaa doorta .  Hab dawladeedkaan ku dhaqankiisa madaxweynaha ayaa isku ah madaxa qaranka iyo madaxa xukuumadda labadaba. Madaxweynuhu ma hoos yimaado baarlamaanka oo aan wax la xisaabtan ah ku lahayn. Uma baahna sharciyeyn ku timaada kalsooni siin si uu dalka u xukumo, baarlamaankuna kama ceyrin karo kursiga asagoo adeegsanaya habka kalsooni kala noqoshada. Shakhsiga awoodaas fulineed leh wuxuu isku yahay madaxa qaranka iyo madaxweynaha dalka. Wuxuu soo magacaabaa madaxweyne ku xigeeno uu u wakiisho hawlihiisa qayb ka mid ah.

Labadaas hab dawladeed oo aan la barxin waxaa la socda in la helo hab caddaaladeed oo xaq ku saleysan iyo maxkamad dastuur oo dhexdhexaad ah si loo gaaro tafsiir dastuur oo sax ah iyo sidoo kale shuruucda dalka u degsan, isla markaana tafsiirkaas loo hirgeliyo si toosan oo aan shaki iyo mad madoow lahayn.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed xooggooda ama dalka ha joogeen ama dibadda ha jireene, waxay aaminsan yihiin in habkii dhexe(hybrid) ee aan soo isticmaalnay lix iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay aan khasaare keliya ka macaashnay .  Isqabqabsigii siyaasadeed ee ka dhex dhacay madaxda dalka uma dhalin guul iyo guuldarro madaxdi ku kala adkaatay ee waxaa ku khasaartay Soomaaliya iyo muwaadiniinta dhammaantood, maxa yeelay waxay “colaadi siyaasadeed” kala fogeysay dadkii Soomaaliyeed ee walaalaha ahaa quluubtoodi, waxayna abuurtay kala qaybsanaan beeleed oo hor leh.

Arrimahaas kore daraadood, waxay soo jeediniyaan in habkaas khilaafka iyo kala qaybinta ku saleysan si deg deg ah wax looga qabto.Dadkii talooyinkooda noo soo gudbiyay, annagoo dib u eegista dastuurka u xilsaaran, waxay kala taageerayeen amaba ku talinayeen in la qaato habka baarlamaaniga ah oo aan la barxin ama habka fulinta (presidential) oo nadiif ah oo aan wax kale lagu dhex darin.

HABKA BAARLAMAANIGA TAYADIISU WAXEY TAHAY:

1.      In si sahlan loo gudbiyo sharciyada qaranka;

2.      In awoodaha madaxda si cad loo kala qeybiyo;

3.      In doorasho cusub oo baarlamaan la aadi karo marki loo baahdo;

4.      Inuusan u nugleyn inuu isu beddelo keligiis talisnimo.

CODKA DADKA DAWLAD BAARLAMAANI AH DIFAACA

Dadka habka baarlamaaniga ah difaaca waxay aaminsan yihiin inay Soomaaliya u baahan tahay dawlad ah baarlamaani nadiif ah oo uu ra’iisul wasaaruhu yahay awooda ugu xoogga badan qaranka. (Gaari ma lahaan karo laba darawal hal mar, dalkuna ma lahaan karo labo madax), ayey yiraahdeen.  Madaxweyne sharafeed waajibkiisu uu yahay inuu u dhaqmo sida aabaha qaranka, asagoo bixinaaya talooyin waayeelnimo isla markaana ku caawimaaya ra’iisul wasaaraha inuu xalliyo arrimaha xasaasiga ah ee dawladda, ayaa ah habka ugu wanaagsan ee anfici doona Soomaalida mustaqbalka.

Kooxdaan waxay ku dareen in ra’iisul wasaaraha magacaabiddiisu ay ka timaado xisbiga aqlabiyadda dalka ku leh. Waa inuu la xisaabtan u oggolaadaa baarlamaanka oo leh xaqa bixinta kalsoonida iyo kala noqoshada hadduu ra’iisul wasaaraha ku guuleysan waayo fulinta hawshiisa qaran iyo dalka horumarintiisa. Ra’iisul wasaaraha ka socda xisbiga weyn ee aqlabiyada haysta wuxuu badiba ka helaa hiil iyo difaac xubnaha baarlamaanka oo asaga daacadda u ah, oo ka tirsan xisbigiisa.

Qolada difaacda in la helo hab baarlamaani ah oo aan la barxin, waxay aaminsan yihiin in habka baarlamaaniga ahi uu ku saleysnaadaa xisbiyo siyaasadeed oo ay xildhibaanadu ka soo jeedaan, waana sida keliya oo lugu heli karo Somaaliya nabad ah, dawladnimo karti leh, isla markaana hanan karta degganaansho siyaasadeed, ismaqal iyo kala dambeyn.  Waxaa in hoosta la xarriqo mudan in    hab noocaas ah uu u baahan yahay in saddexda awoodood ee qaranku ay dhellitiran yihiin, xorna kala yihiin.

Dadka jecel hab dawladeedka baarlamaaniga ah, wey ka hor yimaadeen, si xoog leh, in ay suurto geli karto in Soomaaliya lagu maamulo hab fulineed. Sababta ugu weyn ee ay la yimaadeen waxay ahayd cabsida ay ka qabaan awood xad dhaaf ah oo hal qof la siiyo, iyo awoodaas oo aan lahayn kormeer baarlamaan oo joogta ah.  Waxaa kaloo ay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed ay aad uga baqayaan sed bursi iyo awood boob labadaba. Haddii awooda loo badiyo madaxweynaha, waxaa Soomaalidu khatar ugu jiraan inuu hoggaamiyuhu noqdo mid keligii taliye ah oo awooda dalka si khalad ah ugu takri fala.  Waxay doodooda ku soo xireen, aan ka fogaano madaxweyne fulin ah (presidential), haddii aan doonaayo inaan weyneyno xorriyadda shakhsiga, demoqradiyadda iyo ixtiraamka xuquuda aadanaha.

HABKA FULINTA TAYADIISU WAXAY TAHAY:

1.      Doorasho toos ah ee madaxweynaha;

2.      Xasillooni siyaasadeed;

3.      Kala qaybinta qayaxan ee awoodaha qaranka;

4.      Go’aan qaadasho fudud iyo hawsha oo kala socota.

CODKA KOOXDA U HIILLISA HABKA FULINTA

Kooxda diffacda habka dawladnimada ee fulinta waxay warkooda ku bilaabeen arrin la taaban karo oo hadda jirta iyo hab lagu dhaqmo, laguna guuleystay. Dawlad goboleedyada Soomaaliyeed oo idil waxay doorteen habka fulinta (Presidential) si ay u adkeeyaan baahidooda koowaad: xasillooni siyaasadeed. Waxay aamineen in sharciga iyo kala dambeynta, dhaqaale kobcinta iyo horumarka bulshada intaba ay gobolladoodu ku hagaajin karaan, hab fulin ah oo si cad u qeexan.

Ilaa hadda wixi hab dhaqankaas dawladnimo ka soo baxay waa wax wanaagsan oo lagu faani karo.  Ku dhowaad labaatan sannadood oo isxukun ah kaddib, ma jiro hal madaxweyne oo isku dayay inuu u dhaqmo hab keligii talisnimo ka muuqato markuu hawsha bilaabay, intuu ku dhex jiray iyo marki waqtigu ka dhammaaday intaba. Xaaladda amniga gobolladu, maamul wanaagooda iyo hay’adaha sharciga iyo kala dambeynta ka shaqeeya intaba, waxay ka faa’iideen hab dawladeed  xasilan oo ka  ilaaliyay gobollada dhexdooda inuusan isku dhac siyaasadeed imaanin, shacabkana loo kala qaybinin qabiillo iska soo horjeeda.
Haddii heer dawlad goboleed habka fulintu uu si wanaagsan uga shaqeeyay oo affar ama shan sano kaddib dooraasho dimooqraadi ah lagu doorto madaxweyne cusub ayaadoo aysan qabiillada iyo axsaabtu isku dhicin, habkaan xasilan ayaa u wanaagsan mustaqbalka shacabkeena.

Habkaani wuxuu madaxweynaha dalka siinaya degganaansho maskaxeed oo uu hawshiisa ku qabsado, asagoo ku naaloonaya inuu ka nabad gelayo tuhumada guud ee siyaasiyiinta. Dadka qareenada u ah habka fulinta waxey doodoodi ku soo xireen: madaxweyne maskax deggan leh ayaa dalka horumarkiisa ka shaqeyn kara.

Qareenada habka fulinta waxay mabd’yan ka soo horjeedaan habka baarlamaaniga ah ee dawladnimo.Waxay aaminsan yihiin in habkaasi uu kobciyo  degganaansho la’aan siyaasadeed, isla markaana xannibo habsami u socodka hawsha qaranka ee ra’iisul wasaaraha, asagoo ku mashquula arrimo kale oo siyaasadeed oo dejin iyo maslaxeyn u baahan.

Kooxdaani waxay aaminsan tahay in habka baarlamaaniga ah uu yahay mid hawsha qaranka ka gaabiyay oo Soomaaliya u cuntami waayay. Aragtooda,  habkaani wuxuu geesinimo geliyaa fowdo siyaasadeed iyo  sharci u hoggaan sanaan la’aan, wuxuuna ra’iisul wasaaraha ka dhigaa mid dhaciif ah oo aad ugu nugul buuqa iyo dicaayada siyaasiyiinta.

Kooxdaani waxay warkooda ku soo gebagebeeyeen in khilaafaadki maamul iyo duufaanidii siyaasadeed ee na soo maray ay giddigood Soomaaliya god mugdi ah ku rideen, ayadoo rajadii caalamku ka lahaa iyo tii Soomaalidu ka lahayd in dalku lugihiisa isku taago ay maalinba maalinta ka dambeysa ceel ku sii dhaceysay.

Waxaa run ah in habka baarlamaanigu uu raalli gelinayo awood qeybsiga qabiillada, hase yeeshee wuxuu dhinaca kale duminayaa dawladnimada iyo horumarka qaranka. Maxaa noo daran qaran, mase qabiil?

Akhristow ka qaybgal sameynta taariikhda dalkaaga.  Ra’yigaaga caaqlika ah iyo fekradahaaga saliimka ah ee Soomaalinimada xambaarsan ku biiri maqaalka“BAARLAMAANI MASE FULIN: Habkee dawladnimada Soomaaliyeed ku habboon”


Xil. Maryam Cariif Qaasim
Guddoomiyaha Guddiga La socodka iyo Dib u eegista Dastuurka
Ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaalia



 
Click here