4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Ma Habboontahay in Lacag Cusub Dalka loo soo Daabaco Waqtigan Xaadirka ah?


Maxamed Xuseen Amiin

Monday, March 28, 2016

 

 

Waxaa dow ahaan noola soo gudboonaatay inaan Shacabka Soomaaliyeed  warbixin tifaftiran ka siinno maqaalka uu ku soo qoray Websid-ka Hiiraan; Guddoomiyha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali, isagoo wareysi la yeelatay wakaaladda REUTERS, saldhigeeduna yahay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska  4tii Febraayo 2016. Guddoomiyuhu wuxuu u sheegay wakaaladda REUTERS in uu doonayo in Dalka uu u soo daabaco lacag cusub, si ay lacagtaas waxtar ugu yeelato dib u dhiska dhaqaalaha.   Nuxurka wareysiga Reuters iyadoo gadaal laga soo sheegi doono waxaa marka hore xusid mudan in dhowr jeer leysku dayay lacag cusub in Dalka loo soo daabaco, laga soo bilaabo sannadkii 2008di.

 

MARKII- 1aad

 

Mudane Bashiir Ciise Cali, taariikhdu markay ahayd 6dii Maajo 2008 wuxuu ahaa Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna heshiis lacag soo daabicid ah la saxiixday shirkad Faransiis ah oo magaceeda yahay OBERTHUR TECHNOLODGIES - Paris, France.  Heshiiska wuxuu qoraayay lacagta Soomaaliya loo soo dabacaayo inay u qaybsan tahay sida soo socota:

10 shillin       200 milyan warqadood

20                150                

50                140                

100                50                

200                40                 

Isugeyn          580                  “ Milyan warqadood.

 

Kharajka dabacaadda lacagta kor ku xusan ku baxaya waxuu ahaa 20,000,000.==  oo  EURO, sida labada dhinac ay ku heshiyeen; Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaliya iyo Agaasimaha shirkada Oberthur Technolodgeies ee France. Lacagtaas oo la bixinayey isla marka labada dhinac ay heshiiska saxiixaan naqdi ahaan (Cash), iyadoo shirkadda Faranciiska loogu xawilaayo habka loo yaqaan SWIFT, madaama Dalka dakhli weyn oo gudaha ka soo gala uusan jirin, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ma sheegin meesha lacagtaas ay ka keenayaan Dawlad ahaan.

 

Heshiiska lacag daabicidda ah ee shirkadda Faransiska lala galay 6dii Maajo 2008 waxaa dhinaca Bankiga Dhexe ee Soomaaliya u saxiixay Guddoomiyaha Mudane Bashiir Ciise Cali, dhinaca shirkaddana  Mareeyaha Ganacsiga Mr. Christophe Monter.  Waxaa kaloo heshiiska saxiixay labo qof oo marqaati ah; dhinaca Soomaliya waxaa u saxiixay shakhsi magaciisa ku soo koobay keliya Osman Samantar, dhinaca Faransiiskana qof  aanan magaciisa qorin, hasa yeeshee qoraalka wuu saxiixay.  Heshiskii 6dii Maajo 2008 waa fashilmay maxaa yeelay wax natiijo ah oo ka soo baxay Dalka laguma arag.

MARKII – 2aad

 

Fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 18kii Jannaayo 2010, oo shir guddoominaayay Ra’iisal Wasaaraha oo waqtigaas ahaa Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaa looga hadlay qorshe ku saabsana soo dabicidda lacag  cusub oo Shillin Soomaali ah. Shirka waxaa arrinta u soo jeediyay Ra’iisaul Wasaare Ku Xigeenka isla markaasna ahaa Wasiirka Maaliyadda Mudane Shariif  Xasaan Sharrif Adan. Shariifku wuxuu shirka Golaha Wasiirrada u sheegay qiimaha lacagta la soo dabacaayo inuu yahay 5 trillion iyo 28 billion oo u kala baxada Shillin :1000.=, 2000.=,  5000.=,10,000.=’ 20,000.= iyo 50,000.==.  Wasiirka Maaliyadda wuxuu kaloo Golaha u sheegay kharajka dabaacadda lacagta ku baxaayo in uu yahay 17 milyan oo Dollarka Mareykanka ah, iyo in lacataas ay bixineyso Dowladda Dalka Suudaan,  iyadoo wax shuruud ah  aysan ku xirnayn.  Lacagtaas waa nasiib inaysan Dalka soo gaarin, maxaa yeelay waxay sababi laheyd sicir-barar aan horay loo arkin, sababtoo ah, waxaa  lagu saleeyay lix nooc oo lacag warqado ah, oo ay ugu yartay Sh.1000.== uguna weyn tahay Sh.50,000.==.

 

Lacagtaas, sida ka muuqata wareysiga uu Guddomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali siiyay hayadda Reuters sannadka markuu ahaa 2010, ma aheyn mid uu abaabulkeeda iyo soo jeedinteedaba uu ku lug lahaa,  taasoo haddii ay run tahay, waxaa halkaas ka  cad in uu Wasiirka Maaliyadda  wax tixgelin ah siinin Sharciga lagu dhisay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo sheegaaya in Bankigu uu yahay Ha’yadda keliya ee u xilsaaran soo  saaridda lacagta warqadaha ah iyo tan macdantaba ee Dalka.

 

Waxaa xusid mudan in hoosta laga xarriiqo in Guddoomiyaha Bankiga Dhexe uu gabay inuu ilaaliyo Sharciga Bankiga markuu u oggolaaday  Daabacaadda Lacagta Dalka inay soo farageliyaan Wasiirrada Maaliydeed ee kor ku xusan, maxaa yeelay  awoodda  in la daabaco lacagta Dalka oo isugu jirta nooca Xaashida ah “BANKNOTES” iyo nooca ah Sanuudda “COINS”, waxaa Sharci ahaan awooddas iska leh  keliya Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, sida uu qorayo Sharciga Bankiga lagu dhisaya.  Guddoomiyaha ma habboonayn inuu aqbalo laacag aanan si Sharci ah loo daabicin, isagoo weliba xog-ogaal u ah in lacataas ay tahay been abuur, inuu misana ku xuso warbaahinta wareysigiisa; halkaasna waxaa ku luntay aaminaadda Bankiga Dhexe lagu qabo marba hadduusan ilaalineynin Sharciga.

 

MARKI – 3aad

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali, sida wareysiga uu siiyay 4 Febrrayo 2016 Reuters ku sheegay, inuu doonayo inuu dalka u soo daabaco lacag cusub oo warqado ah una kala baxda Shilin: 1,000. = 2000. =    5000.=. 10,000. = iyo 20,000. =   Lacagtaas dabacaaddeeda kharashka ku baxaya wuxuu ku sheegay 20 ilaa 22 Milyan oo US$, hase yeeshee ma uusan sheegin inuu lacagtaas Banki ahaan u hayo ama cidda u ballan qaadday in ay bixineyso.  Sidoo kale ma uusan sheegin lacagtaas xiriirka sarrif oo ay la yeelaneyso lacagaha Dalalka Adduunka ugu dhaqaalaha weyn sida US Dollar, EURO-ga Yurub, Sterlin-ka U.K iyo YUAN-ka Shiinaha.  Sida la ogyahay qiimaha sarrifka lacagaha waxaa lagu jaangoya awoodda wx-soo-saar iyo dhaqaale ee Dal waliba leeyahay.

 

Ma jirto Dawlad sameysan karta lacag iyadoo aanan haysan kayd ah lacag qalaad oo adag, sida Doollarka Mareykanka ama dahab oo dammaanad u noqda lacagta waddaniga ah oo ay dooneyso in ay dabacato.  Tusaale ahaan waxaan xuseynaa Dal ka mid ah Dalalka Afirka, sida soo socota:

 

Dhibaatada uu sicir bararka u geysto dalalka ay ka jirin maamul  hagaagsan iyo hab dhaqaale oo toosan; tusaale ahaan waxaa loo soo qaadan karaa Dalka Zimbabwe  oo sicir barar u geystay dhibaato weyn laga soo bilaabo sannadkii  2006di welina xal waafi ah uu Dalkaas u helin ilaa iyo haatan.  Arrintaas waxey u dhacday sida soo socota: 16kii Febraayo2006 Dalka Zimbabwe wuxuu dabacday lacag dhan 21 Billion oo Zimbabwe Dollar. Sidii ay u socotay kordhinta tirada lacagta bilba bisha ka dambeysa la daabacayay, markii la gaaray  bisha  Abriil 2008 Zimbabwe waxey dabacatay lacag halki warqad ay ku qoran tahay Zimbabwe Dollar 50.000.000.= oo sarrifkeeda u dhigma US$ 1.20 (hal iyo labaatan centi Dollarka Mareykanka  ah).  16kii Jenaayo 2009 dawladda Zimbabwe waxay sheegtay in ay dhaqso u soo saareyso lacag halkii warqad ay ku qoran tahay 10 Trillion, 20 Trillion, 50 Trillion iyo 100 Trillion.  Waqtigaas halkii Trillion oo lacagta Zimbabwe ah wuxuu u dhigmaayay US Dollar 30. = Xaaladda lacagta Dalka Zimbabwe markii halkaas gaartay bishii Abriile 2009 Dawladda Zimbabwe waxey joojisay dabacadda iyo isticmaalka lacagteeda wuxuuna Dalka bilaabay isticmaalka lacagta Sud Africa (Rand) iyo Mareykanka (US Dollar). Hadda waxaa jira warar sheegaya in ay Zimbabwe bilaawday sannadkaan 2016 ku dhaqanto  lacagta Shiinaha.(YUAN).

Gabagabo

Waxaa is-weydiin mudan sababta  keentay in Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ay go’aansadaan in lacag la soo daabaco iyadoo ay Dalka ka jiraan daruufo adag oo aanan saamaxeynin dabacaad  lacag cusub sida:

 

 

a.      Inta aan la daabicin lacag rasmi ah, waxaa marka hore loo baahan yahay in la helo midnimo siyaasadeed iyo ammaanka dalka oo dhan uu  sugan yahay, si looga hortago in lacag been abuur ah aysan suuqa soo galin oo haddana mashaakilka haatan lacagaha ka taagan aysan mar kale dib aanan loogu noqonin, iyadoo ay marag ma doonta tahay in Gobollada Dalka lagu haysto qalabka lacagta Shilin Soomaaliga lagu daabaco oo aysan marnaba suurto gal ahayn in qalabkaas gacanta lagu dhigo, si loo yareeyo dhibaatada lacag been abuurka ah looga hortago.

 

b.      Waqtigaan xaadirka ah, qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada aysan awood u lahayn xafidaadda iyo ilaalinta lacagta iyadoo weli aysan sugnayn nabadgelyada gobolladaas, banki dhexena uusan ka furnayn.  Markii lacag cusub la daabacana waxaa lagama maarmaan ah in lacagtaas la wada gaarsiin karo Dalka oo idil, tan haatan Dalka ka socotana laga soo wada uruuriyo oo la gubo.  Xaaladda uu haatan ku sugan yahay Dalkana labadaas arrin kama jirto nabadgelyo darro awgeed.

 

c.       Xukuumadda haatan ka jirta Dalka gacanta kuma hayso Dalka oo dhan;

 

d.      Wax dhaqaale ah ama dakhli lacageed oo Dawladda  soo gala aysan        jirin, marka laga reebo wax   yar oo Dekedda Muqdisho laga helo,

 

e.       Meelo ka mid ah Dalka ay weli gacanta ugu jiraan Al-Shabaab.

 

f.        Mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha Rayadka oo ay ku jiraan kuwa  Bankiga Dhexe  ay bixiyaan dawlado shisheeye ah.

 

Waxaa nasiib darro ah in Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali uu ku dhiirrado  daabacaad lacag Shilin Soomaali ah, iyadoo uu Dalka laheyn; iska dhaaf  lacag adag oo dammaanad u noqota  midda la soo daabacayo ee xitaa uu awoodin bixinta kharajka dabacaadda.-  War iyo dhammantiis waa Illahey mahadiis haddii ay ilaa hadda suuragal noqonin  in Dalka la keeno lacag sicir bararka ka dhasha kaasoo noqon lahaa mid burburiya dhaqaalaha Dalka.

 

Wabillaahi Towfiiq.


Maxamed Xuseen Amiin wuxuu ahaa Guddoomiyii hore ee Bankiga Ganacsiga Soomaaliya, ka horna ahaan Saraakiisha Sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Waxaad kala xiriiri kartaa emailka ah
: [email protected]

 





Click here