9/21/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Baasaboorada iyo dhibka ka jira dalka Norway

Ubax Cabdulaahi Aden
Wednesday, June 29, 2016

Labo dhibaato oo dhanka baasaboorada ku saabsan ayaan waayahan ka jirey dalka Norway. Mid wuxuu ku saabsanyahay baasaboorada la cusboonay siinayo. Dhibka kalana waxuu ku saabsan yahey dad la yiri dalkii baa qasab laidinku celin.  

Inta aan marka hore falanqeyn ka bixin waxa kalifey dhibaatooyinkan, waa in marka hore laysla fahamaa sababta keentey dhibkaan iyo siyaasada ka jirta hadda dalkan Norway.

Doorashooyinkii barlamanka ee dalkaan ka dhacay 2013, waxaa maamulka dalkan ku guuleytstay labo xisbi oo kala ah xisbiga dhinaca midig ama konservativ loo yaqaan iyo xisbiga ajaanabka ku ad adag ee loo yaqaan xisbiga cunsuriga. Xisbigan cunsuriga ayaa waxyaalihii uu doorashada ku galey ayaa waxaa ka mid ahaa in qaxootiga badan ee dalka soo galayo la yareeyo. In dadka sharciga loo diidey si  deg-deg  ah dalalkooda dib loogu celiyo. In dadka dembiyada galey dalalkooda loo masaafuriyo iyo waxyaalo kale faro badan oo xanibaad ku noqon kara xaquuqda biniaadanimo.

Xisbigan cunsuriga waa markii ugu horeysey ee uu awood dowladnimo helo. Wasaaradaha loo dhiibey in ay maamulaan waxaa ka mid ah wasaarada cadaalada, wasaarada is dhexgalka iyo wasaarada ajaanibta. Dhibaatooyinkan baasaboorada iyo dadka qasabka lagu celinayo waxey hoos yimaadaan wasaaradaha ay maamulaan. 

Mudo 3 billood ka hor ayaa laga war heley go`aan uu booliisku soo jeediyay, oo saameyn weyn ku yeelatey dadad badan oo ka soo kala jeedaa 31 dal. Dalalkaasi waxey kala yihiin: Burkina Faso, Burundi, Democratic Republic of Congo (DRC), Equatorial Guinea, Ivory Coast, Eritrea, Ethiopia, Gabon, Gambia, Ghana, Guinea, Kenya, Liberia, Mali, Nigeria, Republic of Congo (RC), Sierra Leone, Somalia, Uganda and Zimbabwe. Afghanistan, the Philippines, India, Iraq, Yemen, Myanmar (Burma), Pakistan, Saudi Arabia, Sri Lanka, Vietnam, iyo Kosovo.

Go`aamadaa ayaa ku saabsan markii uu qofku soo cusbooney-siisanayo baasaboorkiisa, waxaa meesha uu ku dhashey looga qorayaa “Lama Yaqaan”. Tusaale ahaan: baasboorkeyga waxaa iigu qoran in aan Moqdisho ku dhashey. Waaxda diiwaan gelinta waxaa iigu diiwan gashan inaan Moqdisho ku dhashey. Laakiin haddii maanta baasboorkeyga aan soo cusboon siinlahaa, waxaa la iigu qori lahaa “Lama Yaqaan” meeshey ku dhalatay. Aqoonsiga la`aanta uu booliisku diidan yahay inuu aqoonsanaado, meesha uu qofku dhashey waa xad gudub jinsiyadeed. 

Sababta keentey isbadaledaa waxaa uu booliisku ku jawaabey in macluumaadkii dadka bixiyeen marka ay dalka soo galeen, ay ka gedisan tahey macluumaadka waaxda diiwaan gelinta ku jirta. Haddana waxuu booliisku intaa ku sii daray in ayan aqoosan doonin wixii dokument oo dalalka laga keeno maadaama dalalkan aysan xasilooni iyo nidaam fiicaan uusan ka jirin.

Arintaan oo aad looga qeyliyay, ayaa hayadaha booliiska waxaa lagu eedeeyay in go`aamada ay soo saareen ay xaq gudub ku tahay shuruucda caalamiga iyo sharciyada qaranka. Somalida  dalkaani waxey ka mid ahayd dadadkii arintan aadka uga hadlay oo hormuud u ahaa in ay dhibka dhanka kasta ka muujiyaan. Dhibkaa saamenytiisii ayaa balaadhatay oo waxey gaadhey intii booliisku ugu tala galey in ka badan.

Dadadkii Norwegianka ahaa ee caruuraha ka soo korsadey dibadaha ama ku dhalay dibadaha ayay saameyn ku yeelatey go`aamadii booliisku soo jeediyay.

Baarlamanka ayay arintii gaadhay. Hay’ada booliiska waxaa lagu amray in ay arintan dib ugu laabtaan. 

Muddo hadda aan fogayn,  ayuu booliisku soo badhigey go`aamo kale oo cusub. Go`aamadaa cusub dadkii bey kala qeybiyeen, oo dadka la soo korsadey (adopted) saameyn ku yeelan maayo go`aamadaas. Iyaga waa laga saarey. Laakiin  31-dii dal weli go`aamadaa wey saameyaan.  Isbadelkaa uu hada booliisku keeney waxey muujineysaa ficil xun oo takoorid ah. Arintaana waxey u eg tahey kaa xoog weyni, laakiin intaa looga hari mayo.

Dhibka kale ayaa ku saabsan in dad badan oo Soomaali ah oo dhowr boqol gaarayo , go`aan lagu gaarey in dalkii dib loogu celiyo, sababo kala gedisan awgood. Qaar dadkaa ka mid ah, waxaa looga shaki qabaa in ayan Somaali yihiin, qaar been baa lagu heystaa, qaar kalana diidmo deganaasho ayaa la diidey ama dembiyo ayay galeen.

Iyadoo uu dhibkaa jiro oo dadkii hoosta laga celinayo, ayaa idaacada dalkan 27 May, 2016 soo sheegtey in wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya  Cabdisalaam Cumar uu la kulmey wasiirka arimaha dibada ee dalkan, oo ka wada xaajoodeen arimihii dad celinta oo gabo gabo howshaa s tahay. Labada wasiir oo isla sawiran ayaa joornaalka ku sawirnaa. Maxaa lagu heshiiyay? Maxaa la qaban doonaa? Maxaa gabo gabo soo noqdey, joornaalkaa intaa ma faah faahin. 


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway iyo dhigiisa Soomaaliya


Dadka la celinayo qaar ka mid ah xoogoodii, waqtigoodii iyo lacagtoodii ayay halkan geliyeen. Qaar waa caruur halkan ku dhashay oo waalidkood baa laga shaki qabaa. Dadkaa qaarki waxey keeneen aqoonsi muujinaya in ay Soomaali yihiin. Balse waa la diidey iyadoo la leeyahey wixii dukumenti ee Soomaaliya laga keeno lama aqoonsana. Iyadoo aqoonsigii Soomaaliya la diidey ayay hadana dowladani dadkii ku celineysaa dal aysan aqoonsaneyn.

Hadaba dowlada Soomaaliya waa in ay arintan ka hadashaa oo ay tiraahdaa war ma dad aad ka shakisan tihiin in ay Soomaali yihiin, sidee Soomaaliya ugu soo celin kartaan. Tan kale hadaanu nahnay jaaliyada Norwaywaxaan dooneynaa inaan ogaano waxa uu wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya  Cabdisalaam Cumar Hadliye kula heshiiyay dalkan ee arimahaa celinta ku saabsan? Heshiiska la kala galey maxuu yahey? Hadaan wax heshiis la kala gelin, oo idaacada dalkan been sheegayso, waa inaan ogaanaa. Hadey arintan been tahey anagaa salkeed gaari karna. Laakiin waa in wasiirka Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo Barlamaanka Soomaaliya soo kala cadeeyaan waxa la kala saxiixday. 

Ubax Cabdullahi Aden
Xisbiga shaqaalaha, Norway
www.ubahaden.com



advertisements
 
Click here