9/24/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Jinsiyadda Soomaalida: (Dhiig iyo u Dhalasho, Mase Dhul iyo ku Dhalasho)

Xildhibaan Mariam Arif Qassim
Friday, June 24, 2016

Addunka dawladaha ku dhaqan waxay isticmaalaan labada nooc oo jinsiyadood oo kor ku xusan midkood. Dawladaha qaarkood waxay go’aansadaan inay labadaba ku dhaqmaan, ayagoo tixgelinaya duruufahooda gaarka ah ee siyaasadeed iyo danaha dhaqan dhaqaale oo ay doonayaan inay gaaraan.  Labadaas nooc oo jinsiyadood oo addunyada aan maanta ku nool nahay ugu caansan, waxay kala yihiin xaqa u dhalashada dalka oo afka qalaad lagu yiraahdo (jus sanaguinis ama right of birth) iyo xaqa ku dhalashada dhulka oo afka qalaad lagu yiraahdo (jus soli ama right of soil).

 Jinsiyadahaas labada ah dawladaha kala isticmaala waxay siyaasaddoodu ku kala saleysan tahay dad badsi iyo asal dhowrid. Dawladaha  sida mareykanka oo kale ah oo leh dhul aad u ballaaran oo u baahan dad badan oo camira waxay door bideeen (jisiyadda lagu kasbado ku dhalashada dhulka). Dawladahaas waxay dadkooda ku kala duwan midabka, diinta iyo dhaqanka oo dalkooda ku dhasha, kaddibna jinsiyad ku hela  u arkaan  inay sabab u noqon karaan guud ahaan horumarka dalkooda, gaar ahaana horumarinta awoodooda ciidan iyo dhaqaale.

 Nooca labaad waa asal dhowrid (xaqa jinsiyadda dhiigga iyo u dhalashada ku saleysan). Dawladaha noocaan isticmaala waa dawladaha dadku ku yar yahay, derisna la ah dawlado shacabkoodu aad uga tira badan yahay. Dawladahaan waxaa ka mid ah dalalka carabta, gaar ahaan kuwa khaliijka oo ka baqaaya haddii xaqa ku dhalashada dhulka ay oggolaadaan in ajnabiga ku dhasha dhulkooda ay maalin maalmaha ka mid ah muwaadiniinta asalka ah ka tiro bataan, dabadeedna dhulkaba gebigiis kala  wareegaan.

Jinsiyada Soomaaliya waxay ahaan jirtay, intaan burburku nagu dhicin, nooca lagu kasbado dhiigga iyo u dhalashada. Ilaa iyo maantadaan aan joogno xulashada jinsiyadda dhiigga  ku saleysan Soomaalidu iskuma diidana.  Marna ima soo marin intaan dad su’aalo weydiinayay qof Soomaali ah oo difaacaya jinsiyadda lagu helo ku dhalashada dhulka.

Waxaa Soomaalida u gaar ah in ay dagaalki sokeeye ka dib muwaadiniinti Soomaaliyeed  si xoog leh ugu kala qaxeeen shanta qaaradood ee dunida ku taalla.  Duruufahaasi waxay Jamhuuriyadda Soomaaliya ku waajibinayaan in Soomaalidi qaxday iyo faracooda labadaba si wadaniyadi ka muuqato loogu dhiirri geliyo  inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan, ayagoo ku kalsoon inay jinsiyadda Soomaalia si sahlan ku heli karaan. 

Haddii aan taariikhda dib ugu laabto labadaan nooc oo jinsiyadood oo adduunka laga isticmaalo waxay leeyihiin taariikh dheer oo kumanaan sannadood soo socotay, waxayna ka bilowdeen dawladihi hore oo Romaanka iyo Giriiga oo laga soo xigtay labada magac iyo gebi ahaanba waxa jinsiyad la yiraahdo oo aan hortood feker ahaanba u jiri jirin. Jinsiyaddu waa xiriir u dhexeeya qofka iyo waddankiisa, waxeyna beddeshay xiriirki waagi hore jiri jiray oo ka dhexeyn jiray qofka iyo boqorkiisa.

 Somalia, 1960ki markey dawlad xor ah noqotay waxay sameysatay sharciga jinsiyadda oo seddax sannadood ku dhowaad lagu hawlanaa dhammeystirkiisa.  22kii Disember 1962di ayaa la soo saaray sharci Lr. 28 oo lagu  magacaabay “Sharciga Jinsiyadda”, waxaana la soo shaac bixiyay 22dii bishi Janaayo 1963di.

Qodobka 2aad ee sharcigaan wuxuu tilmaamayaa sida jinsiyad Somaaliyeed  oo toos ah (automatic)loo heli karo ayadoon codsi loo baahneyn, waana habka afka qalaad lagu yiraa (operation of law). Labada siyaabood oo hoos ku qeexan midkood:

1.       In qofka aabihiis/aabaheed Soomaali yahay;

2.       In uu qofku yahay Somaali deggan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ama dibadda deggan laakiin diyaar u ah inuu jinsiyad kale oo uu horay u heystay ka tanaasulo. 

Qodobka 3aad oo isla sharcigaan wuxuu macneynayaa marka hore yaa ah  ‘Soomaali”

Sharcigaan wuxuu “Soomaali” ku tilmaamay, qof walba oo asal ahaan, luqad ahaan iyo dhaqan ahaan ka tirsan qowmiyad weynta Soomaaliyeed, hadduusan jinsiyad iyo baasaboor dal kale haysanin.

 Dadka Soomaalida ah oo ka soo qaxi jiray berigaas dawladaha deriska nala ah oo aan haysanin wax dokumenti ah ee caddeynaya jinsiyad kale inay leeyihiin, waxay si toos ah uga mid noqon jireen muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayagoo aan wax shardi ah oo kale lagu xirin. Asalka Soomaalinimo oo uu shakhsigu ka soo jeedo ayaa caddeyn iyo dokumenti ugu filnaa, si uu jinsiyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya u qaato.

Sharcigaas wuxuu ka tarjumayay xamaasadI Soomali xoreynta iyo Soomaali mideynta oo berigaas jirtay. Waxaana la soo saaray ayadoo ay Soomaaliya tahay dawlad curdan ah oo aaminsanayd in waajibkeeda koowaad uu ahaa inay meel isugu keento shanta qaybood ee Soomaalinimada ku abtirsata ee uu gumeystuhu kala qeybiyay.

Inta aan hore u soo sheegay waa taariikhda jinsiyadda Soomaaliya.  Kelmadda ugu qiimaha badan oo u baahan tafsiir sharci ah in laga bixiyo waa horta “yaa Soomaali ah”. Qodobka seddaxaad ee isla sharcigaas ayaa macneeynayaa: “Waxaa Soomaali ah qof kasta oo asal ahaan, luqad ahaan iyo dhaqan ahaanba ka soo jeeda qowmiyad weynta Soomaaliyeed. Qowmiyadda Soomaaliyeed waxay berigaas ku  kala nooleyd koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.”

Inkastoo da’yarta Soomaaliyeed ee maanta nool ay la yaaban yihii jinsiyad sidaas u baahsan oo qowmiyad ku cabbiran meeshi aay dal, dawlad iyo shacabkeeda ku saleysnaan lahayd, isla markaana aan xuduud dhuleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku ekeyn, haddana himiladi Soomaali Weyn oo ay berigaas baadi goobayeen aabayaashi gobonimada dalka waxay ugu fadhiday  macno weyn oo Soomaalidi hore aktooda ka ahaa laguma xadgudbaan. Waxaa dembi iyo khiyaano qaran berigaas ahayd in Soomaalinimada guud ee naga dhexeysay xuduud beeneed uu gumeyste dhigay lagu wiiqo ama lagu kala qeybiyo.

Waqtiga iyo waayaha is beddelay iyo burburkii Soomaaliya wuxuu dhaliyay in dalalki asaageen ahaa ee qowmiyad weynta Soomaalidu degganayd, aana rajeynaynay inaan maalin maalmaha ka mid ah aan walaalahaas xoreyno si ay noogu soo biiraan, ay Soomaalidii jamhuuriyaddu u baahatay inay ku qaxdo oo ay ku noolaato, kuna nabad gasho inta colaada sokeeye socoto.

Duruufahaan cusub waxay wax ka beddeleen fekerkii guud ee Soomaali weyn. Soomaalida jamhuuriyadda iyo tan ku dhex jirta dawladaha nala deriska ah labadaba waxaa isbeddel ku dhacay aragtidoodi ay ka qabeen Soomaalinimo iyo muwaadinimo.  Burburki Soomaaliya wuxuu keenay in Soomaalidii Bariga Afrika ay iimaansatay deegaanadii Ilaahey hore ugu beeray oo ku hoos jiray dawlado kale. Arrintaasi waxay dhashay oo kale inay ayagoo ku faraxsan qaataan jinsiyadahi dalalki ay ku noolaayeen ayagoo go’aansaday inay ka mid noqdaan muwaadiniintooda, dadkoodana dhinaca ka raacaan.

Haddaba, su’aasha na hor taalla waa tan soo socota:  Bacdamaa wadcigi iyo waayihi isbeddeleen, burburki Soomaaliyana uu rejo beel ku riday keliya maaha shacabki Jamhuuriyadda Soomaaliya  ee xattaa kuwi ku noolaa Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ee hiigsanaayey inay maalin maalmaha ka mid ah  rumowdo riyadii Soomaali weyn ee naga dhexeysay,  sideebey jinsiyadda Soomaaliya ee mustaqbalka noqon doontaa?

Dastuurka aan maanta haysano, qodobkiisa siddeedaad wuxuu ka hadlayaa Shacabka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna leeyahay:

1.       Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka kooban yahay dhammaan muwaadiniinta;

2.       Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, sharci gaar ah oo ay soo saaraan Golaha Shacabka ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu weynayo.

3.       Qof leh jinsiyad Soomaaliyeed lagama qaadi karo, xattaa haddu qaato jinsiyad kale

4.       Diidmada, laalista iyo ka qaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.

Sharciga la soo saari doono waxaa sameyntiisa gacanta ku haysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaaleynta, welina asagoo dhammeystiran looma soo gudbinin Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

  Shacabka Soomaaliyeed iyagoo qaddarinaaya inay yihiin shacab tiro yar oo la deris ah dawlado aad uga dad badan, iskuma khilaafsana in ay dalkeena ku habboon tahay jinsiyada afka qalaad lagu yiraahdo (jus sanguinis ama right of birth). Waxaase muran ka taagan yahay horta in la qeexo yaa Soomaali ah? Ma waxaan raaceynaa cabbirki hore ee sharciga jinsiyadda 1962dii ku qeexnaa ee ay dawladdi rayidka ahayd ee Soomaaliya shariciyeysay, mase waxbaan ka beddeleynaa?

Su’aalaha jinsiyadda khuseeya oo qof walba oo Soomaali ah inuu is weydiiyo, kana sii fekero ay tahay waa kuwa soo socda:

1)      Yaa Muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ah?

2)       Waa maxay farqi sharciyeedka u dhexeeya muwadinimo iyo Soomaalinimo?

3)      Sharcigi 1962di la soo saaray wuxuu muwaadin u oggolaa ilmaha uu aabe Soomaali ah dhalay oo keliya, sax ma tahay in hooyada Soomaaliyeed ilmaheeda xuquuq jinsiyadeed loo diido?

4)      Jinsiyadda Soomaaliya sideebaa lagu heli karaa marka aysan toos ahayn? Qofka Soomaali weyn ku abtirsada ma si toos ah ayuu u yahay muwaadin mase wuxuu u baahan codsi?   

5)      Qofka jinsiyadda Soomaaliya haysta ma lahaan karaa jinsiyad labaad? Haysashada jinsiyadda labaad maxey dalka Soomaaliya ku soo kordhineysaa, amaba ka dhimeysaa?

6)      Dawladda Soomaaliya kuraasteeda ugu sarreysa ma u tartami karaa qof Soomaali asalkiisu yahay oo laakiin jinsiyad kale haysta, maxeyse yihiin shuruudaha ku xiran?

Doodaan dadka ku kala fekradda duwan uma qaybsana qabiillo iyo gobollo sidi maqaalladi aan hore u soo gudbin jiray ee waxay u qaybsan yihiin dhallinyaro iyo waayeel.  Qof walba qofkuu ka da’ weyn yahay wuxuu u janjeeraa jinsiyadda ku saleysan Soomaalinimada guud oo xambaarsan fekraddi Soomaali Weyn oo ay u soo joogeen, kuna soo barbaareen.  Qof walba qofkuu ka dhallin yar yahayna wuxuu u janjeeraa jinsiyadda ku saleysan Soomaalinimada gaar ee Jamhuuriyadda.

Dhallinyarada badideed waxay aaminsan tahay in “ Muwaadin Soomaaliyeed” iyo “ Soomaali” aysan isla macno ahayn. Muwaadin waa shakhsiga jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya haysta oo dalka Soomaaliya la yiraahdo xiriir toos ah la leh. Dadkaas waxay u badan yihiin in waalidkood uu Soomaaliya ku dhashay amaba ayaga laftoodaba dalka gudihiisa ku dhasheen, xudduntooduna dhulka Jamhuuriyadda meel ka mid ah  ku duugan tahay.

 Dhallinyaradu markey la doodayeen waayeelka, waxay Soomaalinimada guud la masliyeen Carabnimada guud. Inkastoo la ogsoon yahay in carabtu isku asal, isku dhaqan, isku diin iyo isku af ay tahay, haddana waddamada carabta ma jirto jinsiyad ku saleysan carabnimo.  Jinsiyadda mar kastaba waxaa lagu saleeyaa, bey yirahdeen, waddanka sida Masar, Maroko, Qatar iwm.

Dadka waayeelka ah ee Soomaaliya inta ugu badan waxay ku taagan yihiin mowqifkoodi siyaasadeed ee lixdameeyadi jiri jiray, waxayna aaminsan yihiin  “Muwaadin Soomaaliyeed” iyo “Soomaali” inay isku macno yihiin oo aan lana kala sooci karin, dhul daraadiisna loo kala qoqobi karin.  Qofku mar hadduu asal ahaan, luqad ahaan iyo dhaqan ahaan ka tirsan yahay qowmiyad weynta Soomaaliyeed oo uusan jinsiyad iyo baasaboor kale heysanin, si toos ah ayuu u noqonayaa muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo wuxuu la mid yahay, kuna xuquuq yahay kan dhulka Soomaaliya ku dhashay.

Inkastoo uu jiro farqi aragtiyeed oo ay keentay kala duwnaanta waqtiga ay labada kooxood ku soo kala barbaareen, fekradda Soomaali Weyn ee berigaas jirtay waxay ku saleysnayd siyaasadda dalka iyo dawladdi Somaalia  ee 1960kii. Waxaa arrintaas caddeynaya in isla  fekraddaasi ay si cad ugu qeexneyd sharcigi jinsiyadda Soomaaliyeed ee soo baxay bishi Disembar 1962di.

Waxaa ayaduna in hoosta laga xarriiqo mudan in odayaashi u soo halgamay in Soomaaliya waddan xor ah oo mideysan noqoto, ay aragtida cusub ee da’yartu jinsiyadda ka qabto aad ula fajacsan yihiin oo ay inta weli ka nooli ay fekerkaas u arkaan waalli iyo addunyadi oo qallibantay. Odayaasha qaarkood  waxayba ku leeyihiin: waxaan jeclaan lahaa inaan addunyadaba ka baqoolo inti aan u soo joogi lahaa Soomaaliweyn jamhuuriyadda dhexdeeda lagu kala faquuqayo.

 Dhallinyaradu waxay ku doodeen inay qaxi duruus iyo waayo aragtinimba ka soo faa’iideen. In Soomaalinimada guud ee naga dhexeysa iyo jinsiyadaha kala nooca ah oo qolaba magac u baxsatay (Soomaliga- Somaalia, Soomaliga- Kenya, Somaliga- Ethiopia, Soomaaliga- Jabuuti) aysan la mid iyo macno  ahayn sida odayaasheenu u fasirteen. Runta aan maanta ku nool nahay waa inay dadka asalkoodu yahay Soomaali ay u kala bexeen shacbi dalal kala duwan leh oo jinsiyadu kala duwan haysta.

Dhinaca kale, qowmiyaddii Soomaaliyeed waxay haddana u kala qeybsantay dad deggan  dal nabad ah, oo leh  dawlad dhisan, oo ay ka yihiin muwaadin sharciyeysan oo baasaboor dunida inteeda kale laga aqoonsan yaha leh. Dhinaca kale waxaa jooga Soomaalidi jamhuuriyadda oo aan dal, dawlad iyo baasaboor la aqoonsan yahay toona lahayn oo qaxooti ku ah dawladaha deriska ah iyo kuwa dunida inteeda kale labadaba.

 Dadkaas asalkoodu Soomaali yahay, kana ah muwaadiniin sharciyeysan dalalka nala deriska ah ayaan colaadi sokeeye xilligeedi ugu xumaa aan ku soo badbaadnay. Walaalahaas ayaa noo maciinay oo nagu kaalmeeyay dalalki ay ayagu wax ku lahaayen inay nagu soo dhoweeyaan, nana dejiyaan ilaa dalkeeni hooyo uu dib u xasilayo.  

 Dhallinyaradu waxay leeyihin waxaan waayo aragnimada ka soo faa’iidsanay oo aan soo aragnay inaanan dalalka deriskeena ah ee walaaleheen qayb ka leeyihiin, haba yaraatee wax xuquuq ah ku lahayn, si kastoo waqtiga aan joognay uu u dheeraa.  Waxaan dalalka qaarkood si joogta ah uga baqeynay qafaal,  dhac,  boob, handadaad, baad iyo xarig aan loo meel deyin.

Kooxdaan da’da yar waxey warkooda ku soo gabagabeeyeen Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa leh muwaadiniinta Soomaaliyeed oo keliya.  Soomaalida inteeda kale oo aan wadaagno asal, diin, dhaqan iyo luqo intaba maanta nooma baahna.  Bil caksi annagaa ayaga u baahan.

Da’ yartu waxay warkooda ku soo gunaanadeen, haddii sharciyo gaar ah oo Soomaaliweyn khuseeya mustaqbalka loo baahdo, tallaabooyinka la qaadi doono waxay ku saleysnaan doonaan wadciga markaas jira iyo xaaladda ay Soomaliya ku sugan tahay.  Waxaa isla markaas la qiimeyn doonaa xaaladda ay walaaleheena Soomaaliyeed ku sugan yihiin.  Walaaleheen haddey noo baahdaan waxaa hubaal ah inaan garabkooda istaagi doono oo hiil iyo hooba ay naga heli doonaan, annagoo ku faraxsan inaan u abaal gudno, waxaanse rajaynaynaa in dalka Soomaaliyana xasillooni iyo horumar gaaro, qolo kasta oo Soomaali ku abtirsatana dalka Ilaahey dejiyay nabad iyo barwaaqo kala kulmiyo.

Odayaashu waxay warkooda ku soo gunaanadeen: War hoy dhallinyarooy fudeyda aad geedaha uga dul boodaan ha uga boodinina talada qaranka ee iska jira. Soomaalinimada guud waa sharaf, waa awood, waa caqliga iyo xoogga oo la mideeyo, dabadeedna lagu gaaro horumar iyo barwaaqo. Wax Soomaalinimo guud lagu waayay, walloon mid gaar ah lagu heleynin ee yaan fudeyd iyo khibrad la’aani idi marin habaabinin. Xusuusta gacmo wadajir bey wax ku gooyaan. 

Labadaas mowqif ee aad u kala fog oo midna difaacayo muwaadinimo ku kooban shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, midna difaacayo muwaadinimo baahsan oo ku saleysan qowmiyad weynta Soomaaliyeed ee bariga Afrika deggan, kee baad dooran lahayd haddii aad sharci dejiye ahaan lahayd?

Akhristow ka qaybgal sameynta taariikhda dalkaaga.  Ra’yigaaga caaqlika ah iyo fekradahaaga saliimka ah ee Soomaalinimada xambaarsan ku biiri maqaalka “JINSIYADDA SOOMAALIDA: (DHIIG IYO U DHALASHO, MASE DHUL IYO KU DHALASHO)


Xil. Maryam Cariif Qaasim
Guddoomiyaha Guddiga La socodka iyo Dib u eegista Dastuurka
Ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaalia



 
Click here