9/23/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
(Hal aqal (Unicameral) mase laba aqal (Bicameral) habkee Soomaaliya u fiican

by MP Mariam Arif Qassim
Sunday, June 5, 2016

Dawladaha adduunka ku nool qaarna waxay leeyiiin hal aqal, qaarna laba aqal oo baarlamaan. Qaarka halka aqal leh waxay u badan yihiin dawladaha xukunka dhexe leh, kuwa labada aqal lehna waxay u badan yihiin kuwa federaalka ah ama xukunka baahsan leh. Dhinaca kale laba aqal waxaa u badan dawladaha ay dad tiro badan ku nool yihiin.  Hal aqalna waxaa u badan waddadama aay shacabkoodu yar yihiin. Xulashada halka ama labada aqal waxaa saldhig muhima u ah siduu dalku isu raacsan yahy iyo sidey wadajirkooda iyo midnimadooda u ilaaliyaan oo ay burbur iyo kala tag uga dhowraan.

Soomaaliya waxay taariikh ahaan ka mid ahayd waddamadii aad u yaraa ee lagu tilmaami jiray dad hal qowmiyad ah, hal diin leh, hal dhaqan leh iyo hal af oo asalkiisu hal meel ka soo jeedo.  Marki ay dawladdii ugu horreysay ee Soomaaliyeed dhalaneysay talada siyaasadeed ee dalka laguma darin inaan yeelan karno labo aqal iyo in kale.  Nooca Soomaalida dunteedu berigaas iskugu duubneyd, waddan jeceylka iyo walaal jaceylka dadka Soomaaliyeed ka dhexeeyay heerka u gaarsiisnaa, ayaa wuxuu marqaati ka ahaa in Soomaalidi berigaas jirtay aysan  u baahneyn laba aqal inay yeelato.

Baarlamaanki ugu horreeyay oo ay Soomaaliya yeelatay 1960ki markii ay xornimadeeda qaadatay wuxuu ahaa hal aqalle (unicameral). Xildhibaanadiisu waxay ka imaanayeen siddeedii gobol ee Soomaaliya oo berigaas dalku ka koobnaa, waxeyna wakiillo ka ahaayeen shacabka soomaaliyeed oo ku nool degmo kasta oo dalka ka mid ah, ayagoo xubno ka ahaa axsaabti siyaasadeed oo uu dalku berigaas lahaan jiray.

Markii dawladdi rayidka ahayd laga xoog roonaaday oo dalka inqilaab askareed lagula wareegay, baarlamaanki dalka waa la baab’iyay oo dawladdi militariga ahayd ayaa irdaha u laabtay.   Waxaa booski baarlamaanka, si ku meel gaar ah u sii galay, Golihi Sare ee Kacaanka oo muddo isku hayay labadi awoodood oo dalka ugu sarreysay: fulin iyo sharci dejin.

Kaddibna waxaa la sameeyay Golihii Shacabka oo ahaa hal aqal oo ku abtirsan jiray hal xisbi, lahaana hal mabda’: Hantiwadaag cilmi ku dhisan.  Habka golahaas lagu soo xuli jiray ma ahayn hab doorasho toos ah, ama hal qof iyo hal cod ah.  Madaxda Sare ee dawladda iyo kuwa Xisbiga  ayaa soo xuli jiray amaba tilmaani jiray sida xildhibaanimada loogu kala habboon yahay, iyadoo lagu tixgelin jiray qofku mabda’a siyaasadeed oo uu aaminsan yahay oo keliya.

Xilligi fowdada iyo colaadi sokeeye oo socday toban sannadood, wax baarlamaan la yiraahdo dalku ma lahayn, waxaase weli noolaa oday dhaqameedkyadi hiddaha u lahaa hoggaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ku hawlanaa maareynta iyo maslaxeynta colaadaha qabaa’ilka ka dhex aloosma iyo guud ahaan nabad ku wada noolaanshaha shacabka Soomaalieed. Habkaas dib loogu noqday markii hay’adihii dawladnimadu burbureen, wuxuu ahaa habkii ay Soomaali hore ugu dhaqmi jirtay, iskuna ixtiraami jirtay inti aysan quwadaha shisheeye dalka soo gelin oo aan baarlamaan wuxuu galo iyo wuxuu gudo toona la baranin.

 Marki dawladdi ugu horreysay, dagaalki sokeeye kaddib dalka loo soo dhisay 2000, Soomaaliya waxay yeelatay labada shey oo saldhig u ah in dib loo unko dawladinmadi naga luntay amaba naga burburtay: Axdi Qarameed qoran iyo baarlamaan beelo ka kooban oo ku saleysan  awood qaybsiga qabiil oo loo yaqaano 4.5.  Baarlamaankaas wuxuu ahaa hal aqalle.

Halkaas aqal wuxuu soo socday lix iyo tobankii sannadood oo aan dawlado ku meel gaar ah iyo mid rasmi ah yeelanay. Dastuurki soo baxay 2012kii ayaa waxaa lagu soo qoray inay Soomaaliya tahay dawlad federaal ah, ayna yeelan doonto baarlamaan laba aqalle ah (aqal sare iyo aqal hoose). Arrintaas oo Soomaaliya ku cusbeyd waxay abuurtay muran iyo isjiijiid si loo qeexo habka ay labada aqal u abuurmi doonaan iyo hawlaha ay kala yeelan doonaan, intaba.

Qodobka 64aad ee dastuurka kmg ah wuxuu tilmaamayaa in Golaha Shacabka (aqalka hoose) la dhisi doono, xildhibaanaduna ku imaan doonaan hab demoqraadi ah oo toos ah oo ay shacabka Soomaaliyeed si madax bannaan ku soo dooran doonaan.

 Qodobka 72aad wuxuu tilmaamya tirada xubnaha aqalka sare oo ah 54 iyo habka lagu soo xulayo oo aan caddeyn oo laba tafsiir oo iska soo horjeeda yeelan kara. Qodobka 63aad wuxuu tilmaamayaa xilka sharci dejinta labada aqal ay wadaagi doonaan iyo habka ay u wada shaqeyn doonaan markii ay labaduba soo dhismaan. Labada aqal waxaa muhimsan kan hoose, inkastoo loogu tala galay inay iskaabaan oo mid walba uu hawl u khaas ah leeyahay, maxaa yeelay midna waa aqal wakiil ka ah Qaranka Soomaaliyeed (Golaha Shacabka), midna waa aqal wakiil ka ah Dawlad Goboleedyada uu dalku ka kooban yahay (Aqalka Sare).

Sida aad wada ogsoon tihiin baarlamaanka dalku waa laf dhabarka dawladnimada Soomaaliyeed. Hadduu hal yahay iyo haddu laba yahayba hawshiisu waa tan ugu muhimsan dalka, waana saldhigga sharci dejinta oo ah sidii dalka looga dhigi lahaa waddan nidaam dawladeed leh oo sharciyo laga dambeeyo iyo dastuur aan dib looga daba hadlin leh.

Thaariikhda aan halkaas ku soo xiro oo dib ugu soo laabto baarlamaanka Soomaaliya, ma hal aqal ayaa fiican (unicameral) mase laba aqal (bicameral)? Intaanan su’aashaan ka jawaabin, waxaa muhim ah horta inaan fahamno sababaha keenay hal aqal iyo laba aqal inaan yeelano iyo faa’iidada iyo khasaaraha ay kala leeyihiin.

Colaadi sokeeye iyo fawdadi ka dambeesay waxay sababtay inay iskood u abuurmaan deegaan beeleedyo ku saleysan awood qaybsi qabiil. Muddo kaddib deegaannadaas qaar ka mid ah ayaa waxay noqdeen dawlad goboleedyo leh baarlamaan, xukuumad iyo hay’do garsoor oo ayaga u gaar ah. Marki la arkay siduu dalku u kala qaybsamay ayaa dastuurki dalka ee 2012 qodobkiisa 49aad wuxaa lagu qoray in dalku iskugu biiri doono gobollo midooba oo u u xuub siiban doona dawlad goboleedyo.

Soomaaliya dhinac kastoo laga eego wey is beddeshay oo meeshey hal waddan oo hal dawlad leh ka ahaan jirtay waxay noqotay hal dawlad federaal ee qaran iyo dhowr dawlad goboleed oo iskood isu maamula. Wadcigaan cusub iyo kala shakiga dadki Soomaaliyeed ka dhex abuurmay, ayaa wuxuu soo kordhiyay baahida aqal sare loo qabi karo iyo in la soo jeediyo in baarlamaanka Soomaaliya laga dhigo laba aqalle (bicameral)

Labada nooc oo baarlamaan oo hal aqalle ama laba aqalle kala ah waxay leeyihiin dad difaaca iyo dad diida intaba.  Labada qolo waxay aaminsan yihiin in habka ay jecel yihiin lagu gaari doono barwaaqo iyo baraare, waxayna ka baqayaan in habka ay diidayaan uu dhibaato hor leh dadka iyo dalka u soo hooyo, waana kuwaan ra’yigooda:

QOLADA AAMINSAN HAL AQAL (UNICAMERAL)

Qolada aaminsan in hal gole oo baarlamaan uu nagu filan yahay , waxay qiil ka dhigteen inuusan dalku awood dhaqaale oo ku filan lahayn, qaadina karin laba aqal. Isjiidjiidka siyaasadeed oo labada gole ka dhexeyn doonana uu dib u dhac ku ridi doono hore u socodka hawlaha sharci dejinta ee qaranka. Kooxdaani waxay aaminsan tahay in halka gole uu leeyahay faa’iidooyinka soo socda:

1.      Hawsha sharci dejinta oo hal meel ka socota oo aan is jiijiid iyo waqti lumis lahayn;

2.      Xildhibaanada oo giddigood ah xildhibaano qaran oo gobol gaar ah u xaglineyn;

3.      Dawladaha addunka ku nool xooggooda (115 dawladood) oo habka halka aqal isticmaala, horumarna ku gaaray.

4.      Kharashka iyo hawl wadeenada baarlamaanka oo kooban.

Kooxdaani waxaa kale oo ay hoosta ka xarriqaysaa khasaarooyinka iyo curyaaminta ay labada aqal  abuuri karaan:

1.      Labada aqal waxey culeys iyo curyaamin ku ridayaann sharci dejinta dalka oo marba aqal waqti qaali ah ku lumiyo, si hal sharci loo dhaqan geliyana qaata waqti dheer oo gaari kara  sannad iyo wax ka badan;

2.      Danaha guud ee qaranka iyo kuwa dawlad goboleedyada oo isku dhaca, lana kala garan waayo kee la hormariyaa oo labadooda dalka u muhimsan;

3.      Kharash iyo culeys badan oo kora khasnadda dawladda dhexe;

4.      Labada aqal oo is afgaran waaya amaba is canaada, sidaasna ay ku baab’ado danti weyneed ee Qaranka Soomaaliya uu lahaa.

 

QOLADA AAMINSAN LABADA AQAL

Kooxda difaacda labada aqal waxay aaminsan tahay in dawlad dhexe oo tabar iyo tayo leh lagu gaari karo oo keliya in marka hore salka laga soo dhiso oo la abuuro dawlad goboleedyo tabar iyo tayo wanaagsan leh. Si ay taasi u dhabowdo waxay qabaan in marka hore laga soo shaqeeyo  sidii dawlad goboleedyadu awood u yeelan lahaayeen, hrumarna u gaari lahaayeen. Kooxdaani waxay ku dooddayaan in aqalka sare uu dan u yahay dawlad goboleedyada dalka horumarkooda, oo saldhig u ah horumarka guud ee Soomaaliya.

Difaacayaasha labada aqal waxay halkaan ku soo bandhigayaan faa’iidooyinka aqalka sare:

1.      In dawlad goboleedyadu yeeshaan wakiilo ay si toos ah u soo dirsadaan oo ayaga si toos ah uga amar qaata, kana shaqeeya danaha gobolkooda;

2.      In sharciyada dawladda dhexe ee danta dawlad goboleedyadooda ka soo horjeeda ay gaashaanka u daruuraan, amaba dib u dhigaan dhaqan galkooda;

3.      In odayaasha laga dambeeyo ee gobolku helaan derejo sharafeed, gunno iyo tixgelin muddada ay xilka golaha hayaan;

4.      In aqalka sare awood u yeelanayo dedejinta sharciyada si toos ah u khuseeya gobolladooda amaba guud ahaan khuseeya federaaleynta iyo awood baahinta dalka.

 Qodobka 72aad ee dastuurka aan hadda ku dhaqano wuxuu tilmaamayaa habka aqalka sare uu ku imaan doono, inkastoo dadku ay laba tafsiir oo iska hor imaanya siiyaan.

Qod. 72aad ee dastuurka kmg wuxuu u qoran yahay sida soo socota:

Xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madax bannaan u soo dooranaya shacabka dawladaha xubinta ka ah Dawladda federaalka, tiradooduna waa ugu badnaan konton iyo affar (54) xildhibaan oo ka imanaya siddeed iyo tobankii (18) gobol ee Soomaaliya lahayd, ka hor 1991dii, iyado oo saldhig looga dhigaayo:

1.      Tirada dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka ah;

2.      Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ah waxay aqalka sare ku yeelanayaan xubno tiro isla eg.

3.      Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa inay metilaad isu dheelli tiran ku yeeshaan dhammaan qeybaha bulshada.

Kooxda taageersan aqalka sare waxay dhaleeceeyn u direen habka baarlamaaniga ah ee ku saleysan halka gole, ayagoo soo tiriyay iimahiisa:

1.      Golaha shacabka ee qaran (aqalka hoose) oo awood sharci dejineed oo xad dhaaf ah yeesha.

2.      Xildhibaannada qaran oo iska illooba danaha gaarka ah ee gobollada ay ka soo jeedaan, kuna mashquula danta guud ee qaranka oo keliya;

3.      Dalka halka aqal leh oo ku mashquula horumarinta Caasimada oo keliya;

4.      Xubnaha aqalka hoose oo iskala weynaada gobolladi laga soo doortay, dibna aan ugu soo laabanin ilaa doorashada kale laga gaaro.

Qodobka 72aad oo laba tafsiir leh iyo aqalki sare oo aan sidiisaba leysku wada raacsaneyn ayaa waxay dhaliyeen in leysku afgaran waayo  qaybsiga  xubnaha aqalkaas, taasoo dhalisay qeylo dhaan iyo khilaaf ka soo yeeray degaanada aaminsan inaan awoodaha dalka ee ku saabsan aqalka sare si xaq ah  loo wadaaagin.

Khasaarooyinka iyo faa’iidooyinka ay kala leeyihiin aqalka sare iyo kan hoose ayaa waxey muuqinayaan in aqalka hoose markuu keligii yahay uu xooggiisa saaraayo danta guud ee dalka ka dhexeysa oo ay mataleyso dawladda dhexe, halka uu aqalka sare ku hawlan yahay hirgelinta iyo difaacidda danaha dawlad goboleedyada u gaarka ah.

Dadka halka aqal jecel waxay leeyihiin Soomaaliya weli dawlad run ah oo asaageed la jaan qaadi karta ma noqonin.  Dalku weli cagahiisa iskuma taagin.  Ilaa ay Soomaaliya ka noqoneyso dawlad jirta oo sharaf iyo karaamo caalamka dhexdiisa ku leh, yaan aqal sare oo sharci dejinta dalka curyaamiya la dhisin.

Waxey doodooda raacinayaan inaan aqal sare iyo isqabqabsi lagu mashquulin ilaa dhidibada looga aasaayo dawlad macna leh ee matasha shacabka Soomaaliyeed dhammaantiis, kana daaweysa boogihi ay abuureen coolaadihii sokeeye ee hore noo soo daashaday. Hal gole oo xilkas ah wuxuu dib u dhisi karaa hay’adihii dawladnimo oo naga burburay, wuxuuna si wanaagsan dib ugu soo nooleyn karaa sharciyadi guud ee qaranki dumay ee Soomaaliyeed oo lagu jaangooyo wadciga, waqtiga iyo duruufaha cusub oo aan maanta ku dhex jirno.

 Kooxdaani waxey warkeeda ku soo gabagabeysay Soomaaliya waxaa u roon inay ka wada shaqeyso sidi ay dawlad xoog iyo karaama leh u noqon lahayd. Dawlad daciif ah oo faced ka hartay, dalka meelna ma gaarsiin doonto oo waxay u jebi doontaa cadawgeda, ayey dooda ku soo gunaanadeen.

 Kooxda labada aqal jecel waxay qabtaa inaan dawlad dhexe oo xoog leh leysku mashquulinin oo uu gobol kasta iskiis isu xilqaamo, qeybtiisana horumariyo, dadka degaankaas deggana u helo nabad gelyo, caafimaad, waxbarasho, ganacsi iyo guud ahaan horumar. Markey gobolladu horumar ku tallaabsadaan, waxaa horumar laga dareemi doonaa dawladda dhexe oo dalka oo dhan ka wakiilka ah. Dawladda dhexe awood ma yeelan karto haddii gobolladeedu yihiin kuwo daciif ah oo tabar daran, ayey aaminsan yihiin.

Qoladaani waxay warkooda ku soo gebagebeeyeen, qolo walbooy buulkaaga dhiso, hawshaaduna mar walba ha ku saleysnaato danta gobolkaaga iyo shacabkaaga.  Markaad gobolkaaga horumar gaarsiiso, ayaad u soo jeesan kartaa tan guud oo dadka oo dhan ka dhexeysa. Qofkii tiisa dayaca tu kale waxba uma tari karo. Taladoodu waxey ku saleysan thay in dalka loo sameeyo laba aqal, mid qaranka matala iyo mid dawlad goboleedyada matala.

Kooxda halka aqal aaminsan ayaduna waxay doodeeda ku soo xirtay: Sooomaaliya, Soomaali baa leh. Soomaalida gobol kasta deggan, ama beel walba ka soo jeeda sharaftoodu waxay ku jirtaa hal waddan oo Soomaaliya la yiraahdo iyo shacab oo mideysan oo karaama leh. Waxaan wadajir lagu helin, keli keli laguma gaaro, xusuusta maahmaahyadii ahayd: Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan. Soomaaliyeey ha kala furfurmin oo midnimadaada iyo wadajirkaaga ha beylihinin, cadowna ha isu jebinin. Kala qaybsanaantu waxay dhashaa dawlad xumi iyo tabar yari , midnimada iyo wadajirkuna waxay dhalaan qawi iyo xoog.

Akhristow ka qaybgal sameynta taariikhda dalkaaga.  Ra’yigaaga caaqlika ah iyo fekradahaaga saliimka ah ee Soomaalinimada xambaarsan ku biiri maqaalka“BAARLAMAANKA SOOMAALIYA: Hal aqalle, mase laba aqalle. Kee Soomaaliya u fiican?


Xil. Maryam Cariif Qaasim
Guddoomiyaha Guddiga La socodka iyo Dib u eegista Dastuurka
Ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaalia



advertisements
 
Click here