11/16/2018
Today from Hiiraan Online:  _
MUQDISHO (CAASIMADU FEDERAALEYNTA DALKA MA KA MID TAHAY, MASE MAYA)

Xil. Maryam Cariif Qaasim
Thursday, July 28, 2016
/images/2016/July/
Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya, sida ku qoran dastuurka kmg ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay ka mid tahay magaalooyinka qadiimka ah ee dalka. Taariikhdeeda la hubo waa 1.200 ilaa 1.300 sannadood. Dhismooyinka taariikhiga ah ee aan aasmin waxaa lagu qiyaasaa in cimrigoodu kun sannadood kor u dhaafay. Magaca maagalada waxaa lagu fasiraa inuu ka soo jeedo Fadhiga Shaaha Persia (Maqcadu Shah). 

Muqdisho inay tahay maagalada ugu qadiimsan, ugu weyn, uguna caansan magaalooyinka Soomaaliya waxaa marqaati ka ah safarkii Ibnu Batuuta uu ku soo booqday sannadku markuu ahaa 1331dii, tirsiga miilaadyada oo ay maanta ka so wareegtay 785 sannadood.  Berigaas Ibnu Batuuta wuxuu sheegay inay magaaladu ahayd magaalo weyn oo ganacsi oo caalamka intiisa kale xiriir wanaagsan la leh.  Marki dhulka hoostiisa la fagay waxaa laga soo saaray lacago ajnabi ah oo kala duwan oo ay kuwa ugu qadiimsan ka mid ahaayeen kuwa Shiinaha, Sri Lanka iyo Vietnam. Lacagaha ugu badan waxay ka soo jeedeen boqortooyada Song ee Shiinaha. 1416ki Muqdisho waxay xiriir ganacsi iyo mid diplomaasi la sameysatay boqortooyada Ming oo ay berigaas wufuud laba geesood ah isweydaarsadeen.  
 Magaalada Muqdisho waxaa Ilaahey ku manneystay calaamado dhowr ah oo ay quwadihii shisheeye ee dalka soo gumeystay ugu doorteen inay ka dhigaan caasimadda Soomaaliya, ayagoo ku doortay dhowr shardi oo caasimad kasta u baahan tahay in laga helo.

Calaamadahaas waxaa ka mid ah: 

1) Inay dalka bartamihiisa ku taallo oo aan waqooyina ahayn, koonfurna ahayn.  
2) Inay saaran tahay bartamaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya laga soo galo.
3) Inay strategiya ahaan wanaagsan tahay oo ay ka fog tahay xuduudaha aan la leenahay dawladaha deriska nala ah ee geeska Afrika.
4) Inay leedahay cimilo dhexdhexaad ah oo aan kuleyl iyo qabow midna ahayn. 
5) Inay masaafo gaaban u jirto dhul beereedka Soomaaliyeed ee webiga Shabelle.
6) Inay dhowr kilometer u jirto degaannada ay xoolaha dalku ku badan yihiin.
7) Inay leedahay calaamadaha meelaha magaalonimo( metropolitan) lagu tilmaamo ee dunida. 
7) Inay tahay magaalo jaban oo qof kasta (faqiir iyo taajir) ay si murtaax ah ugu noolaan karaan, sidaas daraadeedna lagu naaneeso “ maskiin koriso” 

Intaasoo calaamadood iyo kuwa kale oo ka sii badan ayey maagalada Muqdisho kulansatay. Arrimaha aan kor ku soo sheegay sabab waxay  u noqdeen inay ku sifowdo saldhiggi halganka gobonima doonka Soomaaliyeed lagu soo aasaasay, isla markaana laga dhisay xaruunti dhexe ee SYL.

Muqdisho waxay ahayd muraayadii ay ka muuqatay Soomaalinimada guud ee naga dhexeysa, rugti lagu dhisay qaranki Soomaaliyeed ee ugu horreeyay, saldhiggi mideynta labadi gobol ee  midoobay iyo hoygi hay’adihi astaanta u ahaa dawladnimada Soomaaliya.
 Intaas waa in lagu daro in burburki Muqdisho iyo barburki qaranimada Soomaaliyeed ay isla maalin dheceen.  

Marki Muqdisho duntay, dawladdi dhexe ee dalka u talineysana waa la duntay, maxaa yeelay Muqdisho waxay ka mid ahayd astaamaha qaranimada iyo midnimada ummadda. Haddii Muqdisho lagu kala tago, Soomaalidu waa kala tegeysaa. Haddii la wada joogana Soomalidu wey wada joogeysaa.  Maqaamka Muqdisho in la qeexo oo weji Soomaaliyeed loo yeelo waxay saldhig u tahay, midnimada dalka iyo Soomaalinimada guud ee naga dhexeysa.

Haddii Muqdisho intaas oo sifooyin iyo dabeecado wanaagsan ay taariikh ahaan u lahayd, waxay istaahishaa in la xurmeeyo, la qiimeeyo, loona abaal gudo. Caasimadi sidaas ahayd colaad sokeeye oo dad Soomaali ah ka dhex aloosantay ayaa lagu burburiyay oo wejigeedi quruxda badnaa iyo taariikhdeedi soo jireenka ahayd labadaba, si xanuun badan loogu naafeeyay.

Markii abwaan Axmed Naaji uu Xamar u tiriyay heestii ahayd “Xamarey waa lagu xumeeyay ee yaa ku xaal marin doona” dadka badidood ma garanin ujeedada qotada dheer ee abwaanka. Axmed Naaji  nuxurka heestiisu waxay ahayd: MUQDISHOW DEMBIILE MA AHANE WAA DHIBBANE.  Ayadaa dembiyo waaweyn oo siyaasadeed oo dulmi iyo xaqdarro ku saleysan lagu dul falay, laguna dul dagaallamay oo ay siyaasiyiin hore iyo kuwo dambaba burbur, halaag, dulmi iyo dayac u horseedeen.

Intaas haddaan ku xiro taariikhda iyo dacwadda Muqdisho, magaalada Xamar waxay caasimad ahayd shan iyo konton sannadood oo ay Soomaaliya qaran ahayd.  qodobka sagaalaad ee cutubka koowaad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya wuxuu xaalad sharciyeedka Muqdisho u qorayaa sidatan: 

Magaala madaxda Jamhuuriyadda federaalka:

Magaala madaxda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waa Muqdisho. Maqamka magaala madaxda Federaalka Soomaalya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegista dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga dib-ueegista dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee aan guddoomiyaha u ahay wuu ka shaqeeyay qodobka khuseeya magaalo madaxda, annagoo tixgelinay in caasimadu ay gobol aad u weyn oo ka mid ah gobollada federaalka ah ee Soomaaliya ka mid tahay, ayna ku nool yihiin in ka badan laba milyan iyo bar muwaadin oo Soomaali ah.  Haddii gobollada kale ee Soomaaliya ay xaq siyaasadeed oo her federaal ah yeesheen, waa khasab in caasimaduna xaq siyaasadeed iyo mid maamul labada ay fedraaleynta dalka ku dhex yeelato, kana qayb qaadato horumarka maamul ee guud ee dalka.  Annagoo tixgelinay muhimadda ay Muqdisho waddanka Soomaaliya u leedahay, waxaan soo jeedinay arrimaha soo socda:

Muqdisho oo ah magaala madaxda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay noqoneysa magaalo dawlad ah (city state). 
Maxaa loola jeeda magaalo dawladeed (city state) marka Muqdisho laga hadlaayo?  Sharci ahaan magaalo dawladeed waxaa loola jeedaa, magaalo leh, ilaa heer, xornimo ay iskeed iskugu maamusho sida  Abu Dhabi, Dubai, Berlin iyo Hamburg. Inkastoo magaaladu aysan ahayn magaalo ka xor ah dalka intiisa kale, islamarkaana hoos imaaneysa awooda qaranka, haddana waxay leedahay awood isxukun oo u gaar ah. Awoodaas iskxukun waxaa ka mid ah arrimaha soo socda:


        1.    Waxay yeelaneysaa aqal hoose oo ayada u gaar ah
2.      Waxay xildhibaano la soo doortay ku yeelaneysaa Golaha Shacabka Qaranka
3.      Waxay xildhibaano ayada ka wakiil ah u dirsaneysaa Aqalka Sare ee Qaranka
4.      Waxaa tixgelin gaar ah la siinaya shacabka degaanka (natives), waxayna caasimaddu noqoneysaa muraayad leyska wada dhex arko oo muujineysa midnimada qaranka iyo inay si dhab ah u tahay magaalo madaxda dalka. 
5.      Waxay yeelan doontaa madax shacabiga Muqdisho si toos ah u soo doortaan iyo kuwo ay dawladda federaalka ah soo magacaawdo oo midna hawsheedu ay tahay ilaalinta danaha magaalo madaxeedka u gaarka ah, midna ka shaqeyn doonto danaha guud ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya khuseeya.
6.      Waxaa arrimahaas si cad u kala qeexi doona sharci uu soo saaro Baarlamaanka Federaalka ee Soomaalia.

Bacdamaa maagalada Muqdisho shacabka deggan ay kor u dhaafeen laba malyuun iyo bar, waxaa lagama maarmaan ah xuquuqda siyaasadeed ee shacabkaas tirada badan oo ah affar meelood meel shacabka guud  ee Soomaalia, in fiiro gaar ah loo yeesho oo si taxaddar ku jiro arrimahooda loo far iyo suuliyo.  Xamar waa in laga xaal mariyaa xushmad darradi ku dhacday rubuc qarnigii la soo dhaafay oo shacabka Soomaaliyeed ay colaada, qaxa iyo tiiha ku jireen.

Madaxda qaranka ee heer federaal waxaa xil ka saaran yahay in Muqdisho loo sameeyo hab maamuleed sharciyeysan, isla markaana maaagaalada looga qoondeeyo qayb macquul ah dakhliga ka soo gala dekadda Muqdisho, si caasimadda horumarkeeda, nadaafadeeda, nabad gelyadeeda, jidadkeeda, suuqyadeeda, iskooladeeda, isbitaaladeeda, iyo guud ahaan adeegyadeeda bulshada loo hagaajiyo, loona horumariyo. Caasimaddu magacaas ma istaahili doonta, lamana jaan qaadi karto caasimadaha adduunka ka jira haddii aan dakhli ku filan oo ay ku fuliso mashaariicdeeda horumarineed la siinin. Dakhliga dawladda dhexe  wuxuu giddigiis ku baxaa kharashyada baaxadda weyn ee dawladda federaalka ah ee qaranka. Dakhli la taaban karo weli looma qoondeynin gobolka Benaadir oo ah naaska keliya oo u irmaan oggolna in dekadaha Soomaaliya wax laga siiyo dawladda dhexe ee dalka.

 Dhanka kale shacbiga Muqdisho waa inay ogaadaan in caasimadnimo ay mas’uuliyad qaran tahay oo ay xil gaar ah iska saaraan xurmeynta maqaamka magaalada.  Magaalada Muqdisho waa inay ka muuqdaan astaamaha guud ee Soomaalinimada oo uu qof walba oo Soomaali ah dareemaa inay magaaladiisa tahay: degi karo, ka ganacsan karo, ka shaqeyn karo, dhisan karo, wax ku baran karo, ayadoo uusan wax wel wel ah ka qabin nabadgelyadiisa, nolol maalmeedkiisa iyo fursadahiisa shaqada iyo waxbarashadiisa.  Si gaar ah waa in shakhsi kasta oo Soomaali ah uu ku kalsoonaado inaan beesha uu ka soo jeedo ama gobolka uu asal ahaan ka yimid daraadiis loo faquuqi doonin.

Hadal iyo dhammaantiis,  Muqdisho waa inay noqotaa meel soo jiidasho leh oo awood u len inay muujiso kalgacal walaaltinimo iyo Soomaalinimo.  Qofki  mar yimaada magaalada Muqdisho waa inuu jecleysto soo dhoweynteeda, xaqsoorkeeda, nolosheeda jaban iyo cimiladeeda ilaa uu go’aansado inuu joogo oo uusan weligii dambe ka guurin.  Maamulka iyo shacbiga Muqdisho waxaa laga doonayaa inay xil gaar ah iska saaraan Soomaalida gobollada kale deggan, una muujiyaan kalgacayl Soomaalinimo oo ka badan kan gobolladaba intooda kale lagala kulmo.

 Waxaa u baahan in si xilkasnimo ku jirto loo toosiyo guud ahaan hay’daha garsoorka qaranka ee Muqdisho ku yaalla, iyo gaar ahaan xafiisyada  gobolka Banaadir ee ka shaqeeya khilaafaadka dhulalka iyo guryaha leysku haysto.  Hay’adahaasi waxay shaki weyn geliyeen xaqsoorka Muqdisho ka jira oo dad aad u fara badan ka dayriyeen, kalsooni darrana ku riday rejadi ay ka lahaayeen inay magaalada dib u soo laabtaan. Garsoor xaq ah iyo dadka Soomaaliyeed oo hantidooda dib loogu soo celiyo dhib la’aan waxay wax weyn ka beddeli kartaa dib iskugu soo laabashada dadki Soomaaliyeed oo magaala madaxda hore u degganaan jiray oo dagaalladi sokeeye ay dunida afarteeda dacal ku kala tureen.

War iyo dhammaantiis Muqdisho waa inay noqotaa muraayad qaran ama Soomaaliya oo hal magaalo leyskugu keenay si uu muwaadin kasta iskaga dhex arko, isla markaana u dareemo inaan caasimada dalka cidi ka lahayn. 
Waxaan maqaalkaan ku soo xirayaa in dadka asal ahaan degaanka caasimada loogu yimid (natives) ay iyaguna xuquuq leeyihiin oo ay mudan yihiin in la xurmeeyo. Magaaladu haddii ay caasimad noqoto macnaheedu maahaan in dadki u dhashay Muqdisho iyo hantidoodaba ay dawladda dhexe la wareegeyso. Magaalo dawladeedka Muqdisho waxay lahaaneysaa dad degaan ah iyo dad kale labadaba. Sida dunida xooggeeda looga dhaqmo dadka degaanku waxay yeelan doonaan xuquuq ayaga u gaar ah.

Gabagabeynti Muqdisho (Gobolka Banaadir) waa in dawladda dhexe ula dhaqantaa sida gobol ka mid ah gobollada Soomaaliyeed oo federaalka ka mid ah.  Muqdisho waa inaan xaqeeda la duudsiyin oo aan dadka degaanka ah (natives) laga boobin goofafkooda, xuquuqdooda asaasiga ah ee muwaadinimana lagu tumanin, sidi hore u soo dhacday. Dawladdu waxay goofafka shacabka kula wareegi karta kelya markey dhulka ugu baahato dan guud oo keliya.  Waa dulmi in dhul qof leeyahay dawladdu kala wareegto si ay  qof kale oo Soomaali ah u siiso, sida hore u dhici jirtay, haddana ay muwaadiniin badan weli ka eed sheegtaan.

 Akhristow ka qaybgal sameynta taariikhda dalkaaga.  Ra’yigaaga caaqlika ah iyo fekradahaaga saliimka ah ee Soomaalinimada xambaarsan ku biiri maqaalka “ MUQDISHO: (CAASIMADU FEDERAALENTA DALKA MA KA MID TAHAY, MASE MAYA?)”


Xil. Maryam Cariif Qaasim
Guddoomiyaha Guddiga La socodka iyo Dib u eegista Dastuurka Ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaalia





 
Click here