11/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan waa Shan u yar ha ii sheegin

Fara galin Soomalida ka baxsan xal ma keeni karto



W.Q Awil Dahir Salad
Friday, July 1, 2016

Inta aan qoramadeeyda kuu bilaabin waxaad isweydiineeysaa maxuu ula jedaa shan u yar ha ii sheegin? ma aha macnaheeda in aan doonayo in aan dumarkeena sharafta leh ku xadgudbo, laakiin casrigii jahaliga ama waqtiyadii hore marka qoys ay dhalaan shan gabdhood, kolka reerka afarta gabdhood ee hore laga guursado gabadha shanta u yar waa aay ka baqan jireen raga calaf doonka ah, diin ma aha, dhaqan wanagsana maaha waxeey dhihi jireen SHAN U YAR HA II SHEEGIN!!!oo macanaheedu yahay hadii la guursado arimaheedu ma hagaagan.

Soo jireenka taxanaha ah siyaasadan geedka khadiga ah Somaliya dhismaha maamul federaalka waxaa hore u soo dhismay afartan Punland, Jubalanad, Koofur Galbeed,iyo Galmudug macnahu waa Sh Dhexe iyo Hiiraan waaa shan iyo Yar ha ii sheegin.

Dadka dunida ku nool waa ku fajaciso in muddo sannad ah la dhisi waayo maamul goboleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan, waxaa la isweydiin karaa Mudug iyo Galgaduud oo ka sii dhib badnaa waa la dhisay kan maxaa ku dhacey.?

Dadka gobolada degani waa ood wadaag , waa ehel iyo qaraabo, waa beeraleey, xoolaaleey iyo xeebleey dhaqaale iskuma heystaan, dhaqan ,midab iyo diin warkood daa. Ciifo iyo cadawad soo jireen ah oo kala qoqobeeysana ma laha.

Dadka labada gobol rebitaanka in la dhisana maamul goboleed waa jiraa, kii qiimeynta qabyaalada kala ma foga, oo waa hal ka mid ah 4.5ta, ee awood qeeybsiga dhismaha dowlada dhexe, xiriir taariikhi ah oo soo jireen ahna waa la wada qirsan yahay, dhowrid iyo xormo mudo soo taxneyda waa lagu wada nool yahay. Ma aha in aan dafireyo dadka aan Hawiyaha aheyn laakiin waxaan ka hadlaya meesha sarta ka qarunsan tahay oo ah labada beelood ee legdenka( musaaracada) ku ciyaaraya masiirka iyo dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe, dadka kale ma dhaliilayo laakiin waa muuqataa in aay kaalintoodii qaadan waayeen taas oo aheyd in ay ama dhexdhexadiyaan ama ka tashtaan ,ama talo soo jiidiyaan.

Hadii beelaha labada gobol intaas oo wanaag ah uu ka dhex jiro oo ay cadahay in aan la kala fogeeyn sow leysma weydin karo ,yaa luminaya taarikhda faca weeyn? Yaa saamiga maqan ku qasaaraya ? Yaa qoraya baalkan cusub ? Maxaa la isku heeytstaa ? Sideese lagu xalin karaa? Yaase hortagan in la dhiso? Haddii la dhisi waayo maxaa dhici kara ? Ma loo baahan yahay dhexdhexaadiyaal caalami ah oo aan dhaqan diin iyo ood wadaag midba la ahayn?

Soomalida maanta ee ku nool murugada iyo indho xumada dhaqan, siyaasad iyo dhaqaale ee heysata sadex arimood ayaa sal u ah midka hore waa caqli xumada, midka labaad waa qabiilka mida sedexaadna waa faqriga. Hiiraan iyo sh dhexena sedexdaas cudur midkee ayeey la tag daran tahay? waxeey u muuqataa caqli xumo ilaaheey ha u naxriistee C/qaadir Xirsi Yam Yam tix uu tiriyay ayuu ku yiri
“Garadkaaga tuurtiyo Turxaamaha lahaa iyo Tusmadii caqliga yiil
Taagaarayaashii Inta kugu sacabo tumey Taas kugula howl galay
Bohol baad kuu tuurtaye taagta wadajir diidaay
Libta aad ku taahdaa walee dhuux tagoogo Shimbir laga tiray beey noqon”

Dad badan ayaa qabi karaa maxuu qoruhu u yiri waa caqli xumo waxa ka jira Hiiraan iyo Sh/dhexe Hadii caqligu ama siayasaddu xumaato waa dab dhaxamooday waxaana lagu daweeyaa xaalada oo dib loo aqriyo kadibna habka iyo hogaaminta oo isbadal lagu sameeyo, arintaas oo meesha ka maqan in loo baahan yahay waa muuqataa.

Soomlida ku nool Xamar ilaa Xara- dheerana oo leh suugaan beeraleey waxeey xaajooyinka raaga ku maahmaan marka la badi doonayo xal (Calool waxeey ku bukooto laguma daweeyo ) taas oo macnaheedu yahay haddad cambuulo ama hilib soley ah oo aad xalay cuntey ku xanuunsatey maanta oo aad jiran tahay dib inaad u cunto ku caafimaadi meysid dulducduna waa Sh/ dhexe iyo Hiiraan waa sidaas oo kale.

Gunaanad

Si loo gaaro xal loogana gudbo marxaladaha taagaan,si loogu guuleysto in la dhiso Sh dhexe iyo Hiiraan Aniga waxeey ila tahay in la qaado talaabooyinkaan.

1- in habka iyo hogaaminta shirka wax laga badalo sida wasiirada iyo guud ahaan xubnihii ku fashilmay,fekradan dadka badankiisa waa qabaan,maxaa yeelay madaxda habka iyo hogaanka haysa waxaa ka muuqda haarihii, dhaliilihii ka soo gaarey dhismihii Galmudug arinkan waa ubucda Buktada.

2-waa in la hakiyo shirweynaha ka socda Jowhar si ku meel gaar ah si dadka u dhashay labada gobol loo dareensiiyo in talada gacantooda lagu soo celiyey.

3-In lagu dhawaaqo madal dib u hishiisiin,oo looga hadlo waxa leeysku heeysto ha ahaadan kala shakiga iyo is jiidjiidka ama waxii shirarkii hore ka dhacey waana in laga madaxbanaaneeyo siyasadda ayna hogaaminayaan salaadiinta labada gobol laguna qabto magaalada Baladweyne .

4-In dhismaha maamul goboleedka laga saaro siyaasadda iyo ujeedooyinka gaarka ah.

5-In la dhiso guddi korameer oo waxii xumaada isha ku haya go’aannada kama dambeysta ahna ku qanciya dadka deegaanka, Dadkaasna waa iney noqdaan dad caan ah oo siyaasiyiin ruugcaddaa ah oo hadda siyaasadda ku jirin ama aan rabin sida Cali Mahdi Maxamed Cabdulahi Cosoble Siyaad, C/kariim Axmed Cali iyo rag kale oo la mid ah.

5-Dowladu waa iney qaaadataa fududeynta habsami u socodka shirka waana in lagu koobaa heer agaasimayaal farsamayaqaano ah si siyaasada looga fogeeyo dhismaha.

6-Madasha go,aannada ay gaaraan waa in ay xukumadu ay dowaladeeyaan oo ku soo saaran faafinta rasmiga ah dowladu waa in aay furtaa, xirtaa madasha ,shirarka, munaasadaha lagu dhisayo maamul goboleedka.

7-shirweynaha dhismaha maamulka waa in aan gacanta loo galin dowladaha dariska si aan looga dhaxlin raadka taariiqda oo xumaado

8-Waxii la isku mari waayo waa in dib loo riixa inta leeysla ogol yahay laga shaqeeyo arinkastana waa in dhinaca san laga eego oo lagu xaliyo tanaasulaad iyo garoowsho .


Awil Dahir Salad
[email protected]
@awildahir  www.facebook.com/awilsalad


 
Click here