9/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
GEEDISOCODKA FEDERAALEYNTA SOOMAALIYA - (KHEIR MASE KHASAARE)

by MP Mariam Arif Qassim
Monday, April 25, 2016

Soomaaliya, dalka geeska Afrika ku yaalla oo Ilaahey ku manneystay xeebta Afrika ugu dheer, webiyo, beero, buuro, xoolo, iyo kheyraad kale oo dabiica ah oo dhulka hoostiisa ku jira, ayaa waxay hooy u tahay ummad xooladhaqato, beeraley iyo kalluumeysato isugu jirta. Dalkaas quruxda iyo kheiraadka badan leh ayaa dad badan oo dunida inteeda kale ku nool nagu cawryaan wanaaggiisa, isla markaana la yaabaan dan darrada iyo aqool xumida shacabkeena ku dhex haysata dalkooda hooyo.

 Dalkaas cajiibka ah oo Ilaahey dhan kasta ugu roonaaday, ayaa waxaa ku habsatay masiibo qaran. Masiibadaas waxaa saldhig u ahaa musuqmaasuq xad dhaaf iyo xukun caskari ah oo sababay caro iyo colaad sokeeye. Soomaalia waxay soddon sannadood oo gobonnimo ah kaddib noqoday qaran dumay oo aan astaamaha dawladnimo lagu aqoonsado lahayn. Rubuc qarnigii ka dambeeyay, Soomaalidu waxey ku dhex jirtay jahawareer. Waxaa isbeddel ku dhacay dabeecadii Soomaali lagu aqoon jiray oo ku saleysnayd islaweyni iyo wadanimo. Waxaa soo sare maray dhaqan ka tarjumaya dareeno aan caafimaad qabin oo isugu jira caro gaamuurtay, kala-shaki, is naceyb, cuqdad, buufis-dagaal, kalsooni-xumo, qabyaalad- dugsi, qaranimo-diid iyo midnimo-la dirir.

 Colaadi sokeeye, waxay shacabka Soomaaliya ku beertay kala shaki guud oo ka abuurmay inaan si dhab ah loo wada hadlin, leysu dhegeysanin, leysu maslaxeysanin, leysugu garaabin, leyskuna cafiyin. Bacdamaa dagaal sokeeye oo siyaasadi ku daaban tahay uusan lahayn habdhaqan soo jireen ah oo lagu xalliyo, dib u heshiisiinta loo baahan yahay waa mid si fiican looga soo shaqeeyay, lagala tashaday khubara caalami ah oo ku takhasustay xallinta khilaafaadka siyaasadda iyo wixi la hal maala.

 Oday dhaqameedyada Soomaaliyeed waxay waayaragnimo u leeyihiin oo keliya habka loo joojiyo colaadaha aan siyaasadeeysneyn  oo ay Soomaalidu weligeed qabiil ahaan uga wada xaajoon jirtay, kaddibna  ku xallin jirtay hab dhaqamed leysla yaqaano oo soo jireen ah.  Dhaqanka Soomaalidu waaya aragnimo uma leh sida loo daaweeyo ama loo xakameeyo khilaafaadka siyaasadeed oo mararka qaarkood aan ku saleysneyn wax cad oo la taaban karo. 

 “Aan wada hadalno waa aan heshiino” waa maahmaahyo Soomaaliyeed oo caddeyneysa in wada hadalku uu fure u yahay heshiiska iyo iscafinta. Arrimahaas masiiriga ah oo aan tallaabadii ugu habbooneyd weli si xilkasnimo ku jirto loogu dhaqaaqin, her dawladeed iyo heer shacab intaba, waxey dhaleen in Soomaalinimadi tartiib tartiib u dhimato oo lagu beddelo isku duubni qabiil, goboleysi iyo inay Soomaalia kala qoqobanto oo gobolna uusan gobolka kale si murtaax ah ugu gudbi karin.

Dawladnimadi duntay dib u soo nooleynteedi, waxay qaadatay ku dhowaad rubuc qarni; muddadaas oo dad, dal iyo duunyaba ay burbur iyo halaag ka dhergeen. Waxay Soomaaliya ku caan baxday fowdo iyo kala dambeyn la’aan sababtay khasaare iskugu jira naf iyo maal. Dagaalki sokeeye aawadiis, dad aad u fara badan oo Soomaliyeed ayaa qaxooti ku noqday dibadda iyo dalka gudihiisaba.  Abaaro iyo gaajo ba’an, daadad iyo duufaano, dilal qorsheysan iyo qaraxyo naxariis darro ah oo dad badan galaaftay, ayaa Soomaaliya ka dhigay meel xaaladdeeda aan marnaba caadi lugu tilmaami karin.

Waayo aragtinimadi keligi talisnimo ee ay soo maraeen daraadeed, Somalida guud ahaan Bari iyo Galbeed, Waqooyi iyo  Koonfur deggan, waxay ka mideysan yihiin inaan dib loo soo abuurin dawlad dambe  oo ayadu keligeed awooda dalka oo dhan maroorsata, kaddibna ku takri fasha oo shacabkeeda ku dhibaateysa. Marki addunku dersay mushkilooyinkii colaadi sokeeye ay abuureen, kala shakiga iyo is aaminid la’aanta Soomaalida ka dhexeysana ay sii xoogeysaneyso, ayaa saaxiibada aan dunida ku leenahay qaarkood iyo dawladaha deriska ah, ay Soomaalia kula taliyeen in habka federaalku uu noqon karo xal qaranimadeeda lagu badbaadin karo. 

Waxaa marka mudan inaan isweydiino federaalow horta adigu maxaa tahay?

Federaal oo ah kelmad laatiin ah (foedus) oo macnaheedu yahay heshiis dhaqan dhaqaale oo ka guntama laba dhinac, waa mabda’ dawladnimo oo kala saara xiriirka u dhexeeya dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada.  Mabd’aan marka lagu shaqeeynayo awooda iyo xukunka dawladnimo waxaa loo qeybiyaa dawladda dhexe ee qaranka iyo dawlad goboleedyada ayada hoos yimaada.  Labada nooc oo dawladnimo, tan kore iyo tan hoose waxay kala yeelanayaan awoodo mid walba gaar u ah iyo awoodo labada qeybood ka dhexeeya.

 Marki  madaxdii siyaasadda ee dalku aragtay in Soomaalinimadi naga dhexeysay ay ceel ku sii dhacayso, shakhsiga Soomaaliga ahna uu qabiil ama ku khafiifay amaba ku khasbanaday, xalki ugu horreeyay oo ay noo soo jeediyeen la taliye yaashii shisheeye, madaxdi Soomaaliyeedna aqbashay wuxuu noqday federaalka qabiilka huwan ee dalkeena maalinba maalinti ka dambeysa ka hana qaadaya.  Muddo markaan joognaba, waxaan caleemo saar iyo mashxarad ku soo dhoweynaa dawlad goboleed cusub oo astaan iyo calan qabiil xambaarsan.

Inkastoo Soomaalidu aysan federaal aqoonin wuxuu galo iyo wuxuu gudo toona, haddana magaca federal Soomaaliya kuma cusba. Waxaa Soomaalidu (federaale fadaane) maqashay intaaney Soomaaliya  xornimo buuxda gaarin.  Daqan dawladeedkaas ku saleysan in dawladda dhexe ay uga tanaasusho gobollada qayb ka mid ah awoodaheeda, wuxuu ahaa riyadi ugu weyneyd ee Xisbiya Dastuur Mustaqil, xisbi jiri jiray intaanay Soomaaliya xornimo qaadanin oo ay dad beeraley u badan oo deggan labada webi dhexdooda ay isku baheysteen, kaddib markey ka baqeen inay xuquuqdooda siyaasadeed ka dhex waayaan xoola dhaqatada deggan badi Soomaaliya inteeda kale.

Haddii aan dawladaha dunida eegno, in ka badan lixdan dawladood oo addunka ku dhaqan ayaa haysta habka maamul oo federaal loo yaqaano.  Meesha ugu muhimsan, uguna macnaha badan federaalka ay qaadatay Soomaaliya waa in leysku miisaamo awoodaha ay dawladda dhexe yeelaneyso iyo kuwa  gobollada gaar u noqonaya oo dhinac ah, iyo in loo ilaaliyo, si taxaddar ku jiro, midnimada qaranka, gobonimada iyo  midnimada geyiga Soomaalia, taasoo ula jeedadeedu ay tahay, inay Soomaaliya lahaato hal qaran  iyo hal shacab oo wada jira,  isla markaana leh, laba maamul dawladeed oo kala sarreeya.

Dhinaca kale, waxaan ognahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed  xooggoodu  aysan fahamsaneyn waxa loogu yeero federaal iyo sida uu u hirgeli doono labadaba.  Mowduuca federaleeynta dalka oo aan Soomaalida badideed si fiican uga dhaadhacsaneyn, wuxuu leeyahay dad jecel oo difaaca iyo kuwo neceb oo la dirirsan.  Dhinaca kale, shacabka Soomaaliyeed wuxuu u qeybsan yahay, kuwo mintid ku ah ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuwo aan waxba ka qabin in gobol walba goonidiisa u socdo, iyo kuwo ka sii fog oo u arka in dantoodu ku jirto inuu dalku kala go’ rasmi ah ku tallabsado oo dhowr dawladood oo yar yar, oo xor kala ah u xuubsiibto, waa haddii laga helo oggolaansho bulshada caalamka.

Aragtiyada federaaleynta dalka ay dadka Soomaalidu ka qabaan aad bey u kale duwan yihiin, una kala fog yihiin.  Soomaalidu qaar waa federaal diid, qaarna waa federaal doon.  Hoos ka akhriso sida aay koox kasto u difaaceyso ama u diideyso in Soomaaliya ay dawlad federaal ah noqoto, kaddibna intaad dib u fariisato, ra’yigaaga shakhsiga ah ku biirso.

CODKA KOOXDA KA SOO HORJEEDA FEDERAALKA

Inkastoo mashruuca federaaleyntu ka socdo dhammaan gobollada dalka, kooxda ka soo horjeeda federaalka waxay aaminsan tahay in dhisidda dawlad goboleedyadu ay tahay tallaabo siyaasadeed oo khaldan, khatarna ku ah jiritaanka Soomaaliya. Qoladaani waxey rumeysan tahy in si ula kac ah loogu tala galay in dalka loo kala googooyo deegaano qabiil ku saleysan oo si sahalan berri leyskugu diri karo, dhexdoodana colaad aan dhammaaneyn iyo isneceyb joogta ahna laga abuuri karo. Waxey ra’yi ahaan u soo jeedinayaan, haddaan federaal la hureynin, in gobollo badan leys raaciyo si looga nabad galo kala qoqobnaanta qabiilka ku saleysan, loona geesinimo geliyo wadajirka iyo midnimada Soomaalida.

Waxey warkooda ku dareen, in dhisidda dawlad goboleedyada qabiilka ku saleysan oo ay dawladdu ku mashquulsan tahay, ay abuuri doonto ficillo iyo calaamado lid ku ah Soomaalinimada guud ee naga dhexeysa. Waxaan maalin kasta warbaahinta ka aragnaa, bey yiraahdeen, in muwaadiniinti Soomaaliyeed ee kala gobollada ahaa ay naceen calankii buluugga ahaa ee xiddigta cad oo shan geesoodka ah ay dhexda kaga taallay. Waxaad moodaa in cadaawad loo qaaday calankii tilmaamayey midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, lagana jecel yahay ama laga kool koolin ogyahay calan goboleed xambaarsan macno iyo astaan qabiil.

 Dadka federaal diidka ah waxey aaminsan yihiin in Soomaaliya gumeystuhu hore ugu qeybiyay shan qaybood oo aysan ka raalli ahayn, isla markaana aysan u baahneyn qaybin cusub oo gumeysi ama cadaw ka taliyay, bacdamaa dadkeedu leeyahay astaamo muhim u ah midnimada shacabka: isku diin, isku af iyo isku dhaqan. Qareenada aaminsan inaan federaal loo baahneyn waxey rumeysan yihiin, in federaalkuba yahay fekrad qalaad oo ujeeddadeedu tahay in midnimada iyo wadajirka muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wiiqo. Waxay kooxdaani ku adkeysanaysaa in federaalku uu yahay waddada loo marayo in maalin aan dheereeyn dareenka Soomaalinimadu ku jirto gebigiisba la tirtiro, oo si doqon ma garato ah, uu iskii iskaga baaba’o, markii nalaka waayo dhibic dhiiggeena ka mid ah oo Soomaalinimo ku shaqeysa.

Dadka diidan federaalka waxey aaminsan yihiin oo kale in dawlad goboleedyadu aay Soomaalida kala fogeynayaan maxaa yeelay xuduud beeleedka gobollada ka dhexeeya waxay si dahsoon u abuuryaan in dadku kala qoqobmaan, is dhex geli waayaan, qalbi ahaana kala fogaadaan. Taas waxaa ka sii daran in la arki doono mustaqbalka dhow, xattaa isisoo doonashadi  qaraabada iyo saaxiibadu inay aad u yaraan doonto, ilaa ay gaarto in loo fasiro xiisaha iyo isjaceylka Soomaalida ka dhexeeya, dembi amaba shar- maleegid khatar ku ah jiritaanka gobollada.

Waxay inta sare raaciyeen in Soomaalidu weligeed lahaan jirtay xiriir ehelnimo iyo xiditooyo oo aad loo dhowro, leysku ixtiraamo, leyskuguna gargaaro.  Haddii qoqobka dawlad goboleedyadu bato, waxaa maalinba maalinta ka dambeysa yaraan doona is guursiga, isku milmida iyo is qaraabeysiga intaba.  Is dhexgalka iyo xididtooyadu markay aad u yaraadaan, waxaa, tartiib tartiib u tirtirmi doona dareenka Soomaalinimo oo naga dhexeeya oo aad uga qiime badan midka aan la leenahay beelaha aan asal ahaan uga soo kala jeedno.

Federaalka dadka ka soo horjeeda waxaa kale oo ay sheegeen in habkaani uu jab iyo halaag ku yahay xoola dhaqata Soomaaliyeed oo u baahan dal isu furan oo ay si xor ah ugu kala socon karaan. Dhul aan kala xirneyn oo xilliyada abaarta ay u naq raaci karaan, si xor ahna ugu guuri karaan meelaha roobka iyo daaqa leh oo dalka ka mid ah.  Waxaan shaki ku jirin in xoola dhaqatada, oo ah dadka ugu tirada badan shacbiga Soomaaliyeed, ay dan u tahay dawlad mid ah oo aan kala qoqobneyn, si ay daaqsin xor ah uga helaan meel Alla meeshi ay dareemaan inay xoolahooda baad iyo biyo ku filan uga heli karaan oo dalka Soomaaliyeed ka mid ah, ayagoo aan la ciriirinin dhaqdhaqaaqooda, laguna xirin xuduud beeleed ama goboleedka uu habka cusub ee federaalku abuuri doono.

Waxaa ayadana laga dooday xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Kooxda federal diidka ah waxay sheegtay in dadka laga tirada badan yahay xaqooda aan lagu ilaalin karin habka federaalka.  Soomaaliya isku furan oo ay ka yihiin muwaadin ayaa uga kheir roon gobollada ay qabiil ama qolo ahaan uga tirsan yihiin.  Qabaa’ilka laga tirada badan yahay ma aaminsana xaqsoorka siyaasadeed ee beelaha waaweyn oo ay isku asal ka soo jeedaan, maxaa yeelay caddaaladda guud ee qabiilka ayaaba aktooda waxaa ka saran calaamatu su’aal aad u weyn. Beelaha laga tirada badan yahay waxaa u fiican in goboleysiga iyo qabiilnimada labadaba laga kaaftoomo, oo ay muwaadinimadooda keliya adeegsadaan, xaqoodana ku doontaan.

CODKA QAREENADA FEDERAALKA

Dadka aaminsan in federaalku uu Soomaaliya xal u yahay, waxay sabab ka dhigteen inay Soomaaliyada maanta joogta aysan ahyan tii 1990ki burburtay. Waxay sheegeen in xaalado cusub ay abuurmeen, kuwaas oo khasbaya in lala falgalo duruufaha lama filaanka ah oo shacabki Soomaaliyeed ku habsaday. Duruufahaasi waxay khasbeen, bey yiraahdeen,  in qof walba uu goonidiisa ugu hayaamo dhulka uu asal ahaan ka soo jeedo, amaba uu beel ahaan uga yimid.

Dagaalladii sokeeye waxay sabab u noqdeen inuu isbeddel degaaneed oo guud ummadda Soomaaliyeed badideed ku dhaco. Waxaa colaadi sokeeye baab’isay derisnimadi,  is aaminaadii, isku kalsoonidi iyo isdhexgalki  dadka ka dhexeeyn jiray muddo nus qarni ku dhowwad ah.  Qof walba oo Soomaali ah oo aan qurbe u safrin, wuxuu go’aansaday, amaba huri waayay inuu gobolkii uu asal ahaan uga soo jeeday dib ugu laabto, xattaa kuwii gobollo kale ku dhashay oo degaankoodi qabiilka ay ugu dambeysay affar fac ama awoowe ka hor.

Danta weyn ee ay markaas dadka go’aansaday inay guuraan ay tallaabadaas ka lahaayeen waxey ahayd inay degaan meel ay hubaan inay kaga nabad geli karaan weeraro naftooda iyo maalkooda lala beegsado, oo beelaha ay cadawga yihiin uga yimaada.  Qof kasto wuxuu ku khasbanaaday inuu u guuro degaannadii beelahiisu ay u badnaayeen.  Guud ahaan goboleysigu, ama qabiil ha ku saleysnaato ama yuusan ku saleysnaanin, waxaa keenay kalsoni darradii ay dagaalladii sokeeye shacabka Soomaaliyeed ku beereen.  Maanta Soomaliyada runta ah ee jirta waa mid u kala qeybsan gobollo qabiil ku saleysan oo ay qolo kasto meesheeda isku ilaalineyso, si ay weerar lama filaan ah oo qabiil kale uga yimaada, uga nabad gasho.

U doodayaasha federaalku waxay aaminsan yihiin inaysan jirin talo ka fiican federaal oo dawladnimadi duntay ee Somaaliya, mar labaad lagu yagleeli karo, laguna hanan karo jamhuuriad nabad iyo horumar gaarta. Dagaalki sokeeye wuxuu si xanuun badan u qeybiyay muwaadiniinti Soomaaliyeed oo ay khasab ku noqotay inay kala soocmaan.  Haarihi colaadi sokeeye waxay dad badan quluubtooda ku reebeen nabaro iyo dhaawacyo dhayid badan u baahan. Isla haarahaasi waxey abuureen kala shaki iyo is aaminid la’aan, caro gaamuurtay iyo nabaro qarsoon oo uu qof walba goonidiisa u xambaarsan yahay, una baahan waqti iyo daaweyn fara badan si ay u bogsadaan.

Waxay kooxdaani aaminsan tahay in dawlad goboleedyada qabiilka ku saleysan ay daawo u yihiin caradii iyo calool xumadi ay colaadi sokeeye abuurtay.  Waxey ku adkeysanayaan in ay tahay tallabadii ugu horreysay ee geedi socodka bogsashada dadka Soomaaliyeed lagu gaari lahaa, si ay mar labaad iskugu kalsoonaadaan, una walaaloobaan.

Waxaa kale oo kooxdaan federaalka jecel ay aaminsan tahay inaan dib dambe loogu noqonin dawlad dhexe oo keligeed awooda dalka oo dhan gacanta ku dhigta. Waxaa muhim ah, ayey ku adkeysaneysaa, in awoodaha loo kala qeybiyo dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada oo ay u arkaan inay tahay  talada keliya oo ay Soomaaliya dib iskugu soo laaban karto. Kooxdaani ma aaminsana in awood baahinta caadiga ah (decentralized system) ee dunida meelo badan looga dhaqmo, ay dhalin karto isla natiijada federaalka oo kale, amaba Soomaali ay ku walaaloobi karto.

U doodayaasha federaalku waxey ku qanacsan yihiin in dawlad goboleedyadu ay abuuri karaan hab waxbarasho iyo caafimaad baahsan, kana tayo fiican kii hore, isla markaana ay amniga guud si fiican u sugi karaan, aqoonta ay dadka iyo degaanka u leeyihiin aawadeed. Waxaa kale oo ay hoosta ka xarriiqeen in horumarka bulshada iyo baayac mushtar goboleedkuba ay ka wanaagsanaan karaan, kana faa’iido badan yihiin, kuwii hore u jiri jiray. Waxaa kale oo ay ku doodaan in reer miyiga Soomaaliyeed oo hore loo dayacay ay cod ku yeelan karaan baahinta dawladnimada oo gaari doonta gobol, degmo iyo tuulo intaba.

Qareenada federaalku waxay doodoodi ku soo kordhiyeen in waxa dadka badidood soo jiita  aysan ahayn qabiilka ay ku abtirsadan ee ay tahay danahooda gaar ahaaneed iyo meesha ay aaminsan yihiin inay faa’iido iyo nolol fiican ka heli karaan. Midnimada qabiilka ee hadda jirta waa ku meel gaar, mana sii jiri doonto, maxaa yeelay labada shey ee qabaa’ilka mideeya waa colaad iyo abaar, waana labada cudur oo Soomaaliya la degay, nus qarni oo xornima ah kaddib.

Mar haddii nabadi ka hirgasho geyiga Soomaalida oo dhan, colaada iyo kala shakiga qabiilladana la daaweeyo, waxay kooxda federaalka difaacdaahi aaminsan tahay in dadka Soomaaliyeed, sida shucuubta kale ee dunida, ay gobollada qaar ka guuri doonaan oo kuwa kale u guuri doonaan, ayagoo sababta keliya ee guuritaanku ay tahay horumar doon. Waxey si  kalsooni ku jirto u raadsan doonaan nolol wanaagsan iyo faa’iido doon oo saldhig u noqon doona mideynta shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.  

Qareenada federaalku waxay warkooda ku soo gabagebeeyeen, in wejiga kaloo faa’iidada leh oo uu federaalku macno ku leeyhay ay tahay inuusan si sahlan keligiitaliye u abuurmi karin.  Fursadda hal nin ama koox yar ay u heli karto inay dalka oo dhan gacanta ku dhigto, kaddibna sida ay doonto ugu takri fasho awoodaha dalka, sidi hore oo kale uma fududaan doonto marka dalka la wada federaaleeyo.

Dhammaad


Akhristow ka qaybgal sameynta taariikhda dalkaaga.  Ra’yigaaga caaqlika ah iyo fekradahaaga saliimka ah ee Soomaalinimada xambaarsan ku biiri maqaalka “geedisocodka federaaleynta dalka (kheir mase khasaaro).

Xil. Maryam Cariif Qaasim
Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaalia



 
Click here