9/24/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh : Saddex Sano oo Saxariir ah (2012-215)

C/Qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij
Monday, September 14, 2015

Dabaal degga xalay ka dhacay Madaxtooyada “Villa Somaaliya” ee ku saabsanaa sanad guuradii sadaxaad ee ka soo wareegtay markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa igu dhalisay in aan dib ugu laabto xirfadii maqaal qorista iyadoon silsiladaan ugu magac darayo “KOR U HADAL”  taasoo ah dareen dhiiran oo  shaqsi ah oo aan uga gol leeyahay  raad ku reebista diiwaanka taariikheed ee ummaddeena.

Maqaalkan waxan diirada ku saarayaa labo qodob oo kala ah fashilada ugu waaweyn ee hogaanka Xasan sheikh galay mudadii 2012-2015 iyo maxaa xal ah mudada hartay ?

Fashilada ugu waaweyn ee hogaanka Xasan sheikh Maxamuud

1.    Falsafadii Xukunka oo luntay : Deyrtii 2009 ayaa Dr. Maxamed Nuur Gacal, Mudane Ducaale Aadan Maxamed, Mudane Maxamed C/raxmaan Cali (Siiriin) iyo C/qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij ayaa diyaariyay Aragti qoran oo ah in dalka lagu samata bixin karo taasoo dulucdeedu ahayd ““Helid aragti siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Soomaali leh tayo aqooneed, siyaasadeed iyo dhaqaale oo u istaagta badbaadinta dalka iyo dadka, iyagoo u maraya xisbi  siyaasadeed oo ku dhisan, sinaan, caddaalad, furfurnaan, Wadatashi iyo maamul wanaag” aragtidaas oo ku dhisan talada dalka in ay ka qeyb qaataan dad badan oo noqda kuwa isla leh talada oo u sameysan qaab xisbi. kuwaa ayaa si ka fiican u xalin kara mushaakilka haysta soomaaliya markii la barbardhigo shaqsiyaadkii fara kutiriska ahaa ee xukunka dalka isku koobay ee ka horeeyay.

Mudane Xasan Sheekh, Mudane Faarax C/qadir iyo C/kariim Guuleed waa qaateen aragtidaas, shirar Muqdisho iyo Nairbo ka dhacay ka dib waxayna saldhig u ahayd Xisbigii PDP.  Balse  nasiib daro way ku guul dareysteen in ay fuliyaan,  oo wax weyn kama badalin qaabkii talada dalka lagu waday ee soo bilaabday 2000, oo ah qaabka hogaamineed ee ay taladu ka go’do qof (C/qaasim Salaad, C/laahi Yusuf) ama labo qof (Sheekh Shariif & Shariif Xasan) ama sadex qofood(Xasan sheikh, Faarax iyo C/kariim) qaabka talo wadaag ee noocaas ah guul laga filan ma jirto xitaa hadii boqol sano dal lagu xukumo sababtoo ah waxaa ka badan mashaakilka siyaasadeed, dhaqaale, amni, bulshadeed ee Dalka ka jira oo u bahaan soomaali badan in ay ka qeyb qaataan wax ka qabashooda kuwaas oo isla wadaaga islana leh talada oo ku karkariya “Kijin Siyaasadeed”(Political Kitchen).

2.    Rajadii oo luntay : Markaad la sheekeysato qeybaha kala duwan ee shacabka soomaaliyeed dal iyo dibad, waxa la tilmaamayaa in rajo beel heerkii ugu hooseeyay la marayo, taasoo ay tilmaamayaan; in hogaanka dalka jilicsan yahay, dhaqaalo xumo baahsan ay dalka iyo dadka ku habsaday, magaaladii Muqdisho oo meeshaad martaba dhagaxaan waweyn ama jidgooyo la dhigay, nidaam federal ah oo u eg “mar uun madaxweyne i dhaha” oo shacabka madaxa isku gelinaya. 

Fadlan barbar dhig 2012 oo Madaxweyne Xasan sheikh u muuqday mid horumar dhan walba horseedaya, xusuuso lixdii tiir oo sokeeye iyo shisheeye ay hadal hayeen iyo maanta xaalku sida uu yahay. Nin saaxiib nahay oo Sweden jooga ayaa habeen dhaweyd igu yiri waxay rajadu ka liidataa markii 2007 itoobiyaanka lala dagaalamayay oo ay jirtay shacab nool iyo hogaan ugu yaraan dhiidhinaya, dhanka kale Prof Ibraahim Faarax Bursaliid oo dhawaan Maqaal dheer ku qoray Majalada Warsan Cadadkii kowaad ayaa ku muujiyay rajo beelka jira iminka “Cabsida aan qabo inaan laabanno ayaa inaan digo khasbeysa”.

3.    Musuqmaasuq :  Mushkilada Soomaaliya haysata ee ugu culus waa musuqmaasuq, sidaad la socotaan musuqmaasuqa dunidoo dhan ayuu ka jiraa ee ma ahan wax nagu gooniya balse dunida kale oo dalalka deriska ay ka mid yihiin waxaa ka jira hay’addo la dagaalama, soomaaliya ma jiro qof musuqmaasuq loo xiray. Musuqmaasuqyada dalka ka jira waxaa ugu weyn; midka siyaasadeed ee lagu musuqmaasuqayo xildhibaanada, midka si bareer ah loogu xadgudbayaa Dhulkii laamaha dowladda ay lahaayeen, maalin dhaweyd nin saaxib nahay oo siyaasi ah waxaa uu ii sheegay in qubuuro ku yaal Degmooyinka Xamar mid ka mid ah in la cabirayo oo Aabihii Allaha u Naxariistee ku duugan yahay, dhanka kale 08/09/2015 Odayaasha dhaqanka  Gobolka Hiiraan ayaa qeyblo dhaan ka sameeyay boobka dhulka ee Xamar laga bartay ee ka bilowday B/weyne.

4.    Dagaal hogaanka sare dhexdiisa ah: Sadaxdii sano ee tagtay waxaa xilka si raafaad ah oo laaluush badan ku baxay sida Xildhibaano warbaahinta ka sheegeen lagu riday 2 Raiisul Wasaare, mana dhicin  mudadaas in hal wasiir barlamaanka kalsoonidii kala laabtay. habdhaqankaas siyaasadeed loogama fadhiyin Madaxweynahaa, waxana ay lumisay sumcadii iyo kalsoonidii lagu qabay Madaxweynaha iyo Golaha shacabka.

5.    Amaanka :  Madaxweynaha oo khamiistii 10/09/2015 Afgooyo (30 KM Galbeedka Muqdisho) diyaarad ku tagay ayaa ku khudbeeyay “Shabaab waa laga adkaaday, oo waa in yar oo isasoo urursanaysa oo marba meel  weeraraysa” xaqiiqadu waa mid aragtidaas ka fog markaad fiiriso;  Dhibaatadii gaartay Ciidamada Uganda iyo Rwanda, iyo Weeraradii ka dhacay  Muqdisho, oo Madaxtooyada ka mid ahayd iyo Golaha Baarlamaanka, Hotelada, dib ugurashada ciimada AMISOM ee Shabeelada Hoose,  iyo Magaalooyinka intooda badan sida Buulo Barde go’doonsan iyo Gobolka Jubada Dhexe oo gacanta Alshabab ku jira ma taageerayaan aragtida madaxweynaha, Xarunta ICG oo badanaa falanqeysa xasaradaha dunida ayaa tilmaantay Dagaalka Alshabaab lagula jiraa mid daba dheeraanaya  Fiiri “Somalia: Al-Shabaab– It Will Be a Long War ” Africa Briefing N°99 Nairobi/Brussels, 26 June 2014” .

6.    Xiriirka Dibada oo xumaaday :  Sidaad la socotaan rajo badan ayaa shacabku iyo dunidu ka muujiyeen in soomaaliya marxalad cusub ay gashay hogaan cusub oo bulshada rayidka ka yimid uu taladii dalka qabtay, balse waxan ka dhaxalnay Safaro badan oo aan miro dhal ahayn oo mushaaraadkii shaqaalaha rayidka iyo ciidamda qalabka sida la degay iyo in  xiriirkeenii dibadda wax horumar ah buuran laga gaarin tusaale:-

·      Dalka Uganda oo ciidamada tiro badan dalka ka joogaan, kana  mid aha dalalka fara kutiriska ah (Maaleesiya iyo jabuuti)  ee VISA-da markii goroonka la tago la qaadan jiray waa laalaay.

·      Ardayda Soomaaliyeed iyo Hogaamiyaasha Hay’addaha Bulshada Rayidka ah ee dibadda u safraya  markay marayaan garoonada dalalka diriska ah ayaa si macno daro ah dib looga soo celiyo ama loo xayiraa safarkoodii iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo visada ay wataan saxnimadeeda arinkaan waa ugub.

·      New Dealka oo rajo badan laga qabay markii yabooh malyuumaad ah warfaafinta laga sheegay waxaa uu ku dhamaaday shirar marba meel lagu qabto oo sida badan dowlada lagu canaanto.

·      Madaxweyne Baaraak Obama oo booqasho ku yimid dalalka deirska la kulankiisuna ay leedahay macno siyaasadeed iyo mid diplomaasiyadeed sidaad la socotaan Madaxeynaha Soomaaliya ma tagin .

7.    Fashilada kale: Cadlaada darada taal maxkmadaha Muqdisho, mushaar la’aanta shaqalaha rayidka ah iyo ciidamada qalabka sida, tiiyoo hantidhowrka qaranku faafiyay in dakhliga soo galay dowladda mudo sadax bilood ah uu ahaa 31 Milyan oo Dollar, arinkaa hadii aad u kuur gasho waxaa kuu soo baxaya dakhliga soo xaroodo mugiisa, hadii gacan nadiif ah oo aqoon leh ay maamuli lahayd in aan loo baahan lahayn taakuleyn Bankiga Aduunku ku bixiyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ..

TALO MUDADA HARTAY

Rajo weyn waxan ka qabaa in Ummadaan Soomaaliyeed oo ah shacab nool  sabar badan balse mararka qaar gilgisha oo dib u soo noqda sida shinbirka Canqaa (Phoenix) oo aan  ka soo amaahday qoraa Gen. Jaamac Qaalib- Jaamac Yare “  waxan ku talin lahaa mudada hartay:- 

1-    Madaxweynaha Soomaaliya: Hidaha siyaasadeed ee Soomaaliya Madaxweyne hore kuma soo noqdo doorasho xor ah oo xalaala, sidaa darteed waxba ha u ololeyn in kordhis aad wax ku hesho, sidaa darteed sidii Madaxweynayaashii kaa horeeyay u horsedeen in cidii ay rabaan ay doortaan, dhanka kale  adigana ka faa’ideyso taariikhda oo ka baaqso; kurbo doorasho, qarash lixaad leh oo kaa baxa, iyo jab siyaasadeed kale.

2-    Barlamaaanka Soomaaliya: Waqtiga ha lumina ee xeerarka dhiman sida kan xisbiyada ansixiya, iskuna diyaariya doorasho sida aad sheegteen “ka tira badan tii aad ku timaadeen, aanan gaareyn qof iyo codkiis”. Mudane jawaari ma ahayn hogaamiye fiican oo daacad ah, balse waxaa uu ku dadaalay in haboow u horseedo xubnaha baarlamaanka si isaga laftiisu uga badbaado mooshin runtii 3 sano waa ku guuleysayay arinkaa, laakiin markaad fiiriso fursada uu qaban karay iyo xeerarka laga suguyay Barlamaanka ee doorashooyinka 2016 xiriirka la lahaa  ee soo saari karay waa guuldaro qaran.

3-    Xisbiyada Siyaasadeed Soomaaliya: dadaal balaaran u gala in dalkaan isbadal siyaasadeed ka dhaco, ka dhiidhiya kororsi,  cod dheer ku matala dadkiina iyo danaha qaranka ka shaqeeya in intii isku aragti ah ay midowda inta kalana wadashaqeyn yeelato iyo istixgelin.

4-    Bulshada Rayidka Soomaaliya: Doorkii muhimka ahaa ee bulshada rayidka ee 2000-2006 soo ceshta, cod dheer ku matala dadka iyo dalka, fagaaraha siyaasadeed soo geliyo xubno mug iyo maqaam leh, ka dooda oo ka hadla mowduucyada khuseeya dadka soomaaliyeed.

5-    Wadaada Soomaaliya: Siyaasada soomaaliya waxaa ragaadiyay laga bilaabo 2006- iminka loolan u dhaxeeya Xarakaadka Islaamka, waxaana sidoo kale ku soo biiray Suufiyada (Ahlu Sunna Waljamaaca), Shacabka waa daalay oo loolanka noocaas ah ma xamili karo  waxay ila tahay “in siyaasadda loo daayo Siyaasiyiinta” inta siyaasada doonaysana ha ku biireen “Xisbiyo Siyaasadeed Xalaal ah“ oo aan gadaal laga fadhin oo leh ajando cad iyo aragtiyo loo kala codeyn karo.

6-    XARAKADA ALSHABAAB: Dalkeena waxaa uu dagaal ka socdaa ay darafka ka tahay Alshabaab mudo dheer, waxay ila tahay in la gaaray xiligii la wada hadli lahaa, ugu yaraan waa in Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Hogaanka Bulshada Rayidka  ay ku dhiiradaan in Xarakada Alshabaab lala furo kanaalo wada hadal oo biya dhacoodu yahay  in dad iyo dalka la badbaadiyo.

7-    AMISOM : Waxay u muuqataa in ay hilmaantay taariikhda Soomaalida waxana tusaale u ah in ay bilowday gumaad bareer ah oo dad rayid ah lagu beegsaday sida ka dhacday Magooliyinka Marka & Halgan tusaale ahaan, oo wax garaab ah ama qancin ah dadkii eheladooda la xasuuqay loo sameyn.  Waxaa haboon in Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogo in ay bilaabaan olole lagu dalbanayo in AMISOM dalka ka baxdo, taa badalkeedna Ciidanka Qalabka sida ugu dhaqsida badan loo dhiso, waxay u muuqataa joogitaanka AMISOM in uu sii hurinayo colaada oo uusan xal ahayn, fiiri waxa ka socda Galmudug,  iyo loolanka gacma daalis ka ah  ee lagula jiro Alshabaab.

8-    SHISHEEYAHA KALE :  Shisheeyaha badanaa faragelinta ay ku hayaan soomaaliya ma ahan mid miro dhal ah, waxa xusid mudan in ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Hiiraan ka Howlgalay aysanba ka tirsaneyn AMISOM sida uu yiri Col. C/raxmaan Cabdi dhinbil Taliyaha Aaga Afaraad(Gobolada dhexe) ee AMISO “Waxaan rabaa in aan idin cadeeyo ciidamada Itoobiya ee kasoo baxay Halgan iyo kuwa howlgalka ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Nuur-Fanax,Booco, Buq-aqablle, Ceel-cali, Buq-goosaar, iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka,  kama tirsana AMISOM, waxaa laga xukumaa oo ay ka amar qaataan magaalada Addis Ababa, siddaa daraadeed dowladda Soomaaliya ayaan jawaabta arintan ka sugeynaa”

Balse fargelinta soomaaliya ka jirta ma ahan mida ciidan oo kaliya, waxaa fargelin lagu hayaa Ilihii dhaqaale oo shirkado aan magac dheer ku lahayn Shidaalka maalinba meel mugdi ah lagula heshiinayaa.

Waxaa ka sii daran  xiliyada doorashada ayaa dalal Shisheeyo tartankii doorashada lacago siinayaan murashixiinta qaar, taasoo horseedaysa in Madaxweynaha Soomaaliya uusan  ku imaan rabitaanka shacabka ama Baarlamaanka.

Mudada hartay waxan ku talin lahaa in toosh lagu iftiimiyo  hab-dhaqanka Ciidamada Shisheeye ee Dalka ku sugan, Qandaraasyada gaar ahaan kuwa Shidaalka iyo lacagaha ay soo daabulayaan dalalka shisheeye ee doorashada 2016.


Qore: C/Qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij
Gudoomiyaha Xisbiga Kulan
Muqdisho- Soomaaliya
Email: [email protected]


 
Click here