9/23/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Nasiib badanaa R/Wasaare Cumar C/Rashid: Badda Soomaaliya

Friday October 30, 2015

By Dr. Abukar Y. Warsame 

Akhristow inta aanan u guda gelin qoraalkeyga iyo nuxurka uu xambaarsan yahay cinwaankiisuba bal aan wax yar ka hormariyo ujeeddada igu kalliftay inaan idinla wadaago qoraalkan iyo dareenkeyga gaarka ah ee ku aaddan badda Soomaaliyeed ee damaaacigu ka galay dawladda Kenya.

Sidaad la socotaanba dooddan ku saaabsan xuduudaha badda Soomaaliyeed waxey soo bilaabatay markii wasiir ka tirsan dawladdii ku meel gaarka ahayd ee ra’iisul wasaare Cumar C/Rashid uu heshiis is-af-garad ah la soo saxiixday dawladda Kenya bishii April 7, 2008. Heshiiskaas oo markii dambe waxba kama jiraan ay ku tilmaantay Qaramda Midoobay (UN) maadaama uu baarlamaanka Soomaliyeed uu hor istaagay sharcinamadiisa.

Iyadoo aqoonteyda gaaban ee cilmiga badaha iyo sharciyadoodaba ay i xakamayneyso ayaan waxaan ka mid ahaa aqoonyahannada iyo wax garadka Soomaaliyeed ee isku dayey inay fikirkooda ku biiriyaan doodda badda Soomaaliyeed. Waxaan ka mid ahaa dadka aaminsan in dawladda lagu taageero sidii ay u difaaci lahayd xuduudda badda iyadoo kaashanaysa dadka khibradda iyo aqoonta u leh cilmiga iyo xeerarka lagu maamulo badda iyo soohdimaheeda. Waxaan dhiirri gelinayey in aan la siyaasadayn murankan la gashey xuduudda badda ee waqti iyo hantiba la gesho sidii loo sharciyayn lahaa qalfoofka badda isla markaasna loo sugi lahaa xadkeennii horey noogu xardhanaa. Waxaan intii aqoontayda iyo dadaadlkeyguba ii saamaxeen isku dayey bal inaan wax ka ogaado waxa aasaaska u ah murankan iyo meelaha nalaka soo galayba taasoo ii suurto gelisay inaan la xiriiro mid ka mid ah khubarada Norway ee ku lug lahaa arrimaha xadaynta badda. Ka dibna dhowr qoraal ayaan kaga qayb qaatay dooddii socotay anigoo badanaaba taageersanaa mawqifka dawladda ee ahaa in aan laga fursanayn in dawladda Kenya lala gartamo si loo xalliyo muranka xudduudda badda. Waa kuwan labo ka mid ah qoraalladii aan dooddaas kaga qayb qaatay.

1.”Xaajo nimaan ogeyn indhahuu ka ridaa: Xeerka cusub ee badda Soomaaliya” http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda20.html

2.Hubsiimo hal baa la siistaa: Xeerka cusub ee badda Soomaaliyahttp://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda35.html

Runtii markaas waan dareensanaa in muranka xuduudda badda uusan ka fursan doonin maxkamad caalami ah oo gacan saar iyo wada hadal hoose uusan xalku ku jirin balse inay jirtay hagardaamo iyo gacan bidixayn loo tirinayey madaxdii Soomaalida ee waqtigaas ayaanan ii muuqan oo iga hoos baxday haddii ay jirtayna. Akhristow waxaan raalli gelin ka bixinayaa cafisna weydiisanayaa ummadda Soomaaliyeed haddii qoraalladaydaas aan kor ku xusay ay haba yaraatee ku jireen hadallo dhiirri gelinaya in xuduuddii badda Soomaaliyeed lagu xadgudbo ama la dayacaba.

Intaas haddaan ku dhaafo hordhacygii qoraalka oo aan u soo laabto nuxurka qoraalkan, shaki kuma jiro in doodda badda Soomaaliya iyo magaca R/Wasaare Cumar C/Rashid ay noqonayaan labo aan kala harin (synonymous) oo markasta iyo meel kasta oo looga hadlo xuduudda badda Soomaaliyeed la is weydiinayo doorkii uu ku lahaa in xuduudda badda Soomaaliya muran iyo isqabsiba gasho.

Mar haddii shalay wasiirka Kowaad Mudane Cumar C/Rashi Cali Sharmarke uu saxiixay heshiis dood geliyey xuduuddii badda Soomaaliyeed maanatana uu nasiib u yeeshay inuu mar kale noqdo wasiirka kowaad ee xukuuumadda maanta ka jirta Soomaaliya saw ma mudna in la is tuso fursadda iyo nasiibka uu u helay inuu murankaas soo afjaridiisa kaalin xoog leh ka qaato oo khaladkiisii shalay dib u saxo oo baddeennii badbaadiyo ama hagardaamaddii uu shalay wax ka bud dhigay ee bulshada qaar tuhun ka muujiyeen uu dhammaystiro oo baddii sidaas Kenya ku xalaaleysato?

Gari laba nin kama wada qoslisee, natiijada ka soo baxda muranka badda (ha lagu dhammeeyo maxkamad ama wada hadal) wuxuu noqon karaa labo midkood:

1.Xuduuddii badda in aan lagu soo xadgudbin oo ay sideedii ahaato.

2.Xuduuddii badda Soomaaliyeed oo wax laga beddelo.

Iyadoo tii eebbana aysan meesha ka maqnayn waxaan shaki ku jirin in doorka R/wasaare Cumar C/Rashid ku leeyahay ama ka qaato dacwada Kenya laga geeyey ay lug ku yeelanayso labada natiijo ee kor ku xusan hadba tii uu xaalku ku dambeeyo, ilaahey tan hore ha nooga dhigee!

Sida aad ka dhegaysan kartaan kana daawan kartaan R/wasaare Cumar mar uu khudbad ka jeedinayey London bishii October 28, 2009 wuxuu sharaxaad ka bixiyey murankii badda ee lagu haystay dowlada ku meel gaarka ahayd ee uu wasiirka kowaad ka ahaa waqtigaas. Waxa uu sheegay in muranka ay shacabka Soomaliyeed ay u fahmeen si kale balse uu sheegay in ay tahay sidan “Axmed Walad Cabdalla iyo nin khabiir ku ah arrimaha badda ayaa waxa ay nagu soo wargaliyeen in 12 May ka hor ay cusboonaysiistaan soohdimaha ama badda ay la wareegi doonaan UNka isagoo intaasi ku daray in ay Kenya ay rabtay in ay khariidada badda si kale u dhigato oo khalad ah. Soomaliya baddeedu waa 200 oo mayl waxaanu u saxiixnay in aanu helno intaasi in ka badan. Waxaan haysanaa bad aad u balaaran oo waxaan xad la leenahay Kenya iyo Yeman marka waxaan diyaar u nahay in aan difaacno dhulka iyo badda Soomaliyeed intaan noolahayna taako dhulkee na ah bixin mayno mana bixin doono”.

https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=zhRqccfJc_8

Runtii ujeeddada qoraalkeygu ma ahan inaan shaki gelinayo daacadnimada mudane Cumar C/Rashid iyo hadalkiisa ah inuu difaacayo badda Soomaaliyeed balse waxaa maanta taagan in heshiiskii ku meel gaarka ahaa ee uu dawladda Kenya la galay noqday xeeladda ay isticmaaleyso Kenya inay kaga gabbato in maxkamad sharci ah ay dacwadan qaaddo. Su’aasha is weydiinta mudan baa waxay tahay maxay dawladda Kenya u doorbidday cuskashada heshiis is af-garad oo baarlamaanku diidday iyo iney ku dooddo inaan maxkamad loo baahnayn oo wada hadal lagu dhammeeyo dacwadan?

Sida ay iila muuqato arrimahan soo socda ayay noqon kartaa sababta ay Kenya uga biyo diidsan tahay in maxakamaddu dacwada gasho:

1. Waxay ka tusaale qaadaneysaa dacwad middaan la mid ah oo u dhaxeeysa dawladda Shiinaha (China) iyo Filibiin (Philippines). Dawladda Filibiin ayaa dacwad la mid ah tan Soomaaliya oo ah in dawladda China baddeeda ku xadgudubtay oo baaritaan shidaal ka waddo hor geysey maxakammadda badaha ee Hague. China sida Kenya oo kale ayay ku doodeysaa in ay wada hadal la gashay dawladda Filibiin oo aysan dacawadda maxkamadda loo baahnayn sideedaba. Dawladda China waxay ku doodeysaa in aan loo baahnayn in la caalamiyeeyo murankan badda ee wada hadal hoose lagu dhameeyo. Dawladda Shiinaha waxay ku xoojineysaa dooddeeda inay is- afgarad iyo wada hadal horey ula gashay dawlado kale sida Japan isla markaasna sidoo kale ay dawladda Filibiin wada hadal ku dhamaynayaan murankooda dhinaca badda ah. Qoraal ka hadlaya dacwadaas iyo xeeladda dawladda China isticmaaleysaba halkaan ayaad ka akhrisan kartaa.http://thediplomat.com/2015/07/how-china-views-the-south-china-sea-arbitration-case/

2. Arrinka labaad oo la xiriira arrinta kowaad waa kalsooni ay dawladda Kenya ku qabto in heshiiskii is-afgaradka ee mudane Cumar C/Rashid dawladdiisu u saxiixday dawladda Kenya uu ka caawin karo inaan dacwada lagu xallin maxkamad sharci ah horteeda. Sida dawladda China ay soo jeedisay oo kale waxay Kenya ku doodi kartaa in wada hadal toos ah oo dhex mara labada dawladood ama mid ay dhex-dhexaadiyaan dawladaha gobolka sida IGAD dacwad lagu beddelo.

Ahristow waxaan aad u tuhunsan ahay in xeeladda ay dawladda Kenya wax ku raadineyso ay tahay mid laga soo minguuriyey sida ay dawladda China u wajahday dacwaddii kala dhexeysey dawladda Filibiin (Philppines) taasoo sababtay in dawladda Filibiin lagu tirtirsiinayo inay dacwada wax ka beddesho maadaama dacwadani ay dhaawacayso xiriirka labada dawladood iyo shacabkooda isku dhex milan. Fiiri qoraalkan soo socda iyo sida Filibiin xaalkeennu ula mid noqon karo.

http://thediplomat.com/2015/06/time-for-the-philippines-to-adjust-its-south-china-sea-approach/

3. Dawladda Kenya waxay diidmadeeda ah in dacwad laga geeyo ay daba dhigtay abaal sheegasho ah in dhiig iyo dhaqaale badan kaga baxay nabadeynta Soomaaliya isla markaasna ay heyso qaxooti badan oo Soomali oo aysan mudanayn in dacwada badda la hor geeyo maxkamad balse lagu dhameeyo wada hadal hoose. Waxay rajaynaysaa in qayb bulshadeenna ka mid ah (sida haddaba dhacday) ay abaal sheegashadaas iyo xiriirka labada shacab ka dhexeeya ugu dhega nuglaadaan una isticmaalaan in laga tanaasulo mawqifka aan ku difaaceynno baddeenna ee ah maxakamadda horteeda. Waana mid la mid ah xaaladda Filibiin haysata.

Waxaan si aad ah ugu mahadnaqayaa Xeer Ilaaliyahay Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo markii horena dacwada gudbinteeda si fiican u gutay haddana qoraal jawaab bixin ah ka soo saaray diidmada dawladda Kenya ee ku aaddan in la joojiyo dacwada. Waxaan aad ugu farxsan ahay sida qoraalkiisa uu ugu faah- faahiyey in dacwadan aysan waxba ka khusayn xiriirka labada waddan iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya oo aynaan marna uga tanaasulayn in dacwada maxkamadda horteeda loogu kala baxo.

/news/2015/Oct/wararka_maanta10-93337.htm

Waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkeygan dardaaan ku socda R/Wasaare Cumar C/Rashiid oo ah “Mudane maanta waxaad heysataa fursad aad u qaali ah oo khaladkii iyo il duufkii aad shalay gashay aad ku sixi karto kaasoo aad ku muujin karto mawqifkaaga ku aaddan muranka la gashay badda Soomaaliyeed iyo sidaad u garab taagan tahay dacwada loo gudbiyey maxakamadda ee uu hormuudka ka yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka”. Laga yaabee in aanan arag ama akhrin balse baahi xoog leh baa jirta oo loo qabo in maanta la maqlo mawqifkaaga ku aaddan murankaan badda.

Waxaa xagal daacin iyo tuhun xoog leh abuuri doonta haddii ay dhacdo in dadka dacwadaas u xilsaaran sida Xeer Ilaaliyaha ama garyaqaannada is beddel lagu sameeyo inta dacwadani ay dhinac u dhaceyso.

Waxaa kaloo tuhun abuuri doonta haddii ay dawladda Kenya ku guuleysato inay dawladda Soomaaliya madaxdeeda ama cid metesha kala hadasho dacwadan goob aan ahayn maxkamadda dacwadaan ay hortaal sida shirarka ay qabsadaan urur goboleedyada IGAD iwm. Taasi haddii ay dhacdo waxay xoojineysaa rabitaanka dawladda Kenya ee ah in aan maxkamad dacwadan qaadda loo baahnayn.

Allow sida khayrku ku jiro na waafaji!

Dr. Abukar Y. Warsame

[email protected]



 
Click here