4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Talow Yaa Kala Saara Oraahyada Faarax Gololey ee Sugan iyo Kuwa Loo Saariyay

Qore: Bazi Bussuri Sheikh
Friday, July 10, 2015

Soomaalida waxay tiraa “Hadal iyo Talaababa Hubsiinaa Loo Dhigaa”. Maxaa yeelay oraahda qofka bani’aadamka saamayn weyn ayay ku yeelataa wayna ka awood weyn tahay hubka maadiga ah ee aanu adeegsano (Hadal aadan filayn iyo falaarba waa kugu fogaadaan).  Faarax Gololey Alle ha u naxriistee wuxuu ahaa aftahan Soomaaliyeed ee oraahyadiisa illaa iyo maanta la adeegsado. Dhibaatada ugu weyn ee jirta waxay tahay inta uu Faarax Gololey yiri iyo inta loo saariyay waxaa badan inta loo saariyay. Oraahyada been abuurka waxaa ka mid ah kuwo xassaasi ah oo colaad abuuri kara, gaar ahaan hadii jiilalka ama faca cusub ee soomaaliyeed ahna hantida ugu weyn wadanka leeyahay ay si qaldan u fahmaan.

Run ahaantii Soomaalida waxaa u badan dadka aan labada dhinac wax ka eegin marka qof ama qabiil la qiimeynaayo.  Ma fiirino Dhinaca qofka ama qabiilka ay ku wanaagsan yihiin iyo dhanka ay ka xun yihiin.  Sida badan nolosha ma jiraan wax wada xun ama wax wada fiican, Qabiil waliba waxay leeyihiin Culumo iyo Caami, qof xun iyo qof fiicanba.  Marka aan wax sifeyneyno hadaan Soomaali nahay waxaan caadaysanay in aan si xad-dhaaf ah wax u ammaano ama si aan kala har lahayn wax u cayno ama cambaareyno.  Waxa naga hadalsiinayana ma aha xaqiiq jirta ee waa uun dhanka aan la jirno ama aan ka jirno maalinkaa.

Hadafka koobaad ee maqaalkani waa ku boorin qof alla qofkii awooda in uu tixraac ku sameeyo oraahyada oday Faarax kalana saari kara kuwa dhabta iyo kuwa been abuurka ah in uu ku dhaqaaqo.  Hadafka labaadna waa in aan isku dayno in erayga Qabiil marka laga hadlayo aan ku fiirino indho iyo qalbi ka maran laab la kac iyo caadifad. Cawaaqib xumada ugu  weyn waxay nooga timid, Qofka Soomaaliga oo si sahal ah u indho tiri karo laab la kaca shaqsiga ah ee ku dhisan waxa uu jecel yahay ama uu necebyahay.

Hadii aan ku soo laabano Faarax Gololey, aniga laftayda waxaa saameyn weyn igu reebtay oraah uu yiri faarax Gololey, Hadana oraahdaasi in uu asaga dhahay iyo in kale ma ogi. Aniga oo 15 jir ah ayaa waxaan marka uu iskuulka fasaxa yahay, u raaci jiray Aabahay oo Bakhaar ku lahaa Xamarweyne.  Waxay subaxdii hore caadadu ahayd inta aan bakhaarada la furin in ganacsatada iyo macaamiisha ka yimid gobolada wadanka oo dhan (qabiilo kala duwan leh) ay bannaanka ku qaxweystaan kana hadlaan xaaladda suuqa iyo siyaasadda.  Waxaan ahaa qof aad u dhageysta odayaasha, mar walba oo ay siyaasad iyo qabiil ka hadlaanba, waxayna adeegsan jireen oraahyada raggi aragtida dheeraa sida Faarax Gololay. Maalin maalmaha ka mid ah, Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa cunaayay Tubaakada la takhsiinto, markaasaa nin kaloo ganacsatada ka mid ah soo hadal qaaday sheekadaan:

“Faarax Gololey ayaa la wediiyey “ Maxaad Tubaakada la cuno u isticmaali weydey?”.  Faarax wuxuu ku jawaabay, waxaan arkay nin Habargidir ah tijaabinaya oo islamarkiiba iska tufaaya, Waxaa meesha iga cadaatay in ay faa’ido lahayn”

Sheekadan kor ku xusan waxay si dadban oo aan daraynsanayn iigu abuurtay fikradda ah in Meeshii maraq ku jiraba reerkan laga raadiyo.  Waxaa dhacday marki aan London u soo qaxnay inaan go'aansaday inaan jaamacad bilaabo, muddo yar ka dibna waa ay ii suura gashay, laakin maadadii aan ku qaadan lahaa jaamacadda ayaan laba shaki ku doortay. Maalinti ugu horeysay jaamacadda ayaan fasalka kula kulmay labo wiil oo Soomaali ah.  Marki qado cunka loo baxay ayaan is xaalweydiinay, markay ii sheegeen in ay Habargidir yihiin, durbadiiba waxaa qalbiga iga soo galay “Aleylehee Maadada aad dooratay maraq ayaa ku jira, maxaa yeelay reerkii ayaa jooga”.  Sanadkii labaad markii la gaaray anagoo maktabada Jaamacadda fadhina ayaan sheekadeyda u sheegay, markaasay dhulka qosol ula dheceen.  Ilaa iyo haddana ma iloobaan, markaan is maqalno, islamarkiiba dhacdadaan ayay soo xusuustaan oo aad iyo aad ayaan u kaftanaa.   

Tusaalooyin waa jiraa oo tixraac lugu sameeyay taariikhdiisa sida Royal TV oo barnaamij gaar ah ku xusay oraahyada Faarax Gololey.  Barnaamijku wuu cadeeyay in oraah badan oo lugu shaabadeeyay Odey Gololey uu jiro, laakinse kalama saariin kuwiisa dhabta ah iyo kuwa been abuurka ah.

Baadisooc -Kaftan-dhablihii Faarax Galoolley

Sidoo kale waxaa maalmahaan aad u kordhaya tacliinleey iyo siyaasiyiin badan oo qiil ahaan u adeegsanayo oraahyadii Faarax Gololey oo aan hore u maqlin.  Qaar ka mid ah waa kuwa aad xassaasi u ah oo jiilalka dambe ee Soomaliyeed ku abuuri kara cuqdad xumo aan mujtamaca caafimaadkiisa u rooneyn.  Tusaale ahaan Professor Togane oo ah nin codkar ah, wuxuu aad u adeegsadaa oraahyada Faarax gololey iyo kuwo kale uu Profassoorka laftiisa gooni u ah.  Oraahyada Professor Togane uu ku sifeynayo qabiilada kala duwan ee Soomaaliyeed waa mid toos u weerareysa qabiilka uu maalintaas saaran yahay sida Youtube vidiyowga hoos ku xusan.   Waxaa dhici karta in uu profasoorka ka yahay wacyi gelin, laakin hadalka waa margiyee, waxaa badan inta si qaldan u fahmi karta.  Waxaa dhici karta mustaqbalka in qof fitnoole ah u istacmaalo oraahyadan taraq ama xaabo ahaan uu ku shido dab dagaal beeleed cusub.

Maanta Wadanka dadka lugu magacaabi karo Indheer garad waa fara ku tiris.  Indheer garadka ama aqoon yahanka Soomaalida ee dhabta ah waa Suugaanleyda oo Alle hibada u siiyay Hal abuurka maansada, gabayga IWM.  Badankoodana ma aha wax ka qalin jebiyay jaamacadaha reer galbeedka, waana adag tahay in ay curiyaan ereyadooda oo kale kuwa ku faana waxbarashada reer galbeedka. Xitaa kuba ku taqasusay Cilmu Nafsiga (Psychology) ee reer galbeedka ah ayaaba cadeeyay markay cilmi baaris ku sameeyeen in ay kala jiraan laba qaybood oo cilmi ah (Inteligence).  Waxay u kala bixiyeen IQ (Intelligence Quotient) iyo Emotional Intelligence.  

Mid waa waxbarashada akademiyada, midna waa mid ku salaysan dabeecada qofka iyo dareenkiisa. Labadaba waa muhim inuu qofka lahaado, qofkii isku helaana waa nicmo aduun. Qubarada waxay kaloo ku dareen in uu aad u sareeyo ama ladoorbido (Emotional Intelligence) taasoo qofka ka kaalmaynayso inuu si fiican u wajaho dhibaatoyinka soo food saara una sahlaya inuu dadka si wanaagsan ula macaamilo. “Emotional Intelligence” oo ay Soomaalidu u taqaan Indheergaradka, lagama barto jaamacadaha, maxaa yeelay marka la dhisayay habka waxbarashada jaamacadaha reer Galbeedka waxaa lugu dabaqay (Industrilisation) warshadaynta.  Waa qibrado qofka uu ka bartay markuu yaraa waalidiintiisa, bii’ada uu ku noolyahay, diinta iyo mawaaqif noloshiisa soo maray oo dhib iyo dheef isugu jira.

Sidaas darteed ayaad waxaad maalin walba u arkeysaa dad qaarkii waxbarashada heer weyn ka gaaray, laakinse dabeecadahooda aan wanaagsaneyn, macaamilkooda iyo siday dadka ula dhaqmaan aan la mahdin oo xitaa xaasaskooda ay ka cabanayaan dhaqan xumadooda.  Waxaad arkaysaa tacliinley fara badan oo ku talax tagaaya warbaahinta oo aan afxumadooda iyo tacliintooda is lahayn.  Waxaan aragnay tacliinley ay u badan yihiin Diasporada oo mar labisan shaati aqoonyahan, marna labisan shaati siyaasi beeleed, mar walbana ka hormarinaaya danta gaarka ah, danta guud ee soo celinta sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, kana damqaneyn duruufaha adag iyo dar xumada dan yarta Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa ku nool.

Ugu dambeyntii waxaa naga waano ah in Carrabka laga dhowro xumaanta gaar ahaan dadkii la rabay in ay qudwada u noqdaan shacabka sida waalidiinta, duubabka dhaqanka, nabaddoonada, culimada, tacliinleyda iyo warbaahinta.  Maahmaahyada Soomaaliyeed ee ugu badan waa kuwa ka diga fitnada carrabka iyo afxumida iyo kuwo dadka ku dhiiri galiya wadajirka iyo iskaashiga.  Labadaba hadaan Soomaali nahay waa iska indha tirnay oo indho reer galbeed ayaan yeelanay. Markaas ayaan noqonay geed aan xidid lahayn oo caleemihiisa marba meel u haadaysa. In yar oo tusaale ah maahmaahyada ka diga carrabka waa kuwan:

·      Af xumo nabadna waa kaa kaxaysaa, Colaadna wax kaagama tarto.

·      Eray Xumi Urug Kici.

·      Carrabkaaga waa Faraskaaga, Hadaad sii deyso waa kula tagaa.

·      Af Xumo Rag waa ku kala tagaa.

·      Carabkaaga ka adkow intuusan kaa adkaan.

·      Ereyga hufan baa irid kasta fura.

Sidaas darteed waxaa nala gudboon in aan towbad keeno “ Afkii Ba’ay Yiriba, Towbad waa karaa”.  Waxaa hadda ina soo food haya sannadka cusub ee hijriga, Bal sanadkan aan ka Haajirno danta gaarka aynu u haajirno danta guud anagoo ka damqanayna duruufaha adag iyo darxumada dan yarta Soomaaliyeed ay ku jiraan.

Afeef:

Walaalayaal, waxaan ka afeefanaayaa wixii khaladaad ah aan ku qoray maqaalkan. Arimaha maqaalka uu taabtay waa arin xassaasi ah oo aan Soomalida weli ka xuroobin. La soco qalad walba ee ku jira maqaalkan waxay ka timid nafsadayda daciifka ah iyo shaydaanka ee iska keey cafiya.  Wixii sax ahna ilaahay xagii ayay ka timid asagaana mahad is ka leh.


Bazi Bussuri Sheikh
[email protected]



 





Click here