11/21/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wadnihii Wadankow, Wada Hadalkiina Wanaag Ku Dhameeya

By: Bazi Bussuri Sheikh
Monday, May 04, 2015

Wadnaha sida la og yahay waa xubinta ugu muhiimsan jirka aadanaha, oo hadii uu caafimaado, jirka oo dhan uu caafimaadayo.  Soomaalina waxay tiraahdaa “Wadne kula tol ma'aha” oo waa xubin aan si sahal loo xukumi karin.  Dadka siyaasada Soomaaliya falanqeeyana waxay ku tilmaamaan Gobolada dhexe iney yihiin wadnihii wadanka, taasoo ah meesha wadanka waranka uga taagan yahay.   Waranka wadanka ku taaganna waa mid Soomaalidu ay isku dhufatay, cadowga dibadana warankaas ku taagnan ayuu ku ligligaayaa.  Allow xanuun badanaa, “Waranka kan kugu dhufta waxaa kaaga daran kan kugu dhaq-dhaqaajiya”. Waalid waayeel ah oo ka waramaysa xanuunka waranka wadanka ku taagan ayaa waxay tiri: “ilintii aan indhaha ka ilmeyn jiray inta ay dhamaatay, ayaan bilaabay in aan qalbiga ka ilmeeyo”. Hadafka, maqaalkani waa waano ku jeeda walaalaheena ka wada hadlaya maamul u samaynta gobolada dhexe.  Waxaanu ku baraarujineynaa in ay Alifka wada hadalka iyo dib u heshiisiinta toosiyaan sidii uu Al-baqaraha Maamul Goboleedka ugu dhibtoon.

Safarka dib u heshiisiinta iyo maamul sameynta waa safar dheer, sahay weyna u baahan oo aan sal-fudeyd lugu gaareyn.  Sahaydu ma aha cunnadii lugu cuni lahaa Cadaado, ee waa caqli wadareedka ergada ka soo qayb gashay ay adeegsan lahaayeen.  Soomaalida waxay tiraa “Ergo waxaa loo dirsadaa nin dhurwaa cay uga adag, kudkude gaajo uga adag, kurtun qorrax ugu adag, dhagax qabow uga adag”. Su'aasha weyn waxay tahay ergooyinka shirka, ma leeyihiin qaar ka mid ah sifooyinka kor ku xusan, maslaxadda guudse ma ka dhab tahay. Waxaa haboon in aan ka tagno debeecadda ah “Maalin la noolka” oo aan ku cibro qaadanaa qaladaadkii iyo guulihii shirarkii badnaa ee ka dhacay dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Guusha weyn waa awood-siinta iyo latashiga bulshaweynta, qaladka ugu weyna waa haddii waqti fiican ay ergada xaajada ku rogrogaan aan la siinin “Xaajo hadaan sidii dabo ari loo feydinna ma fayoobaato”.

Runtii shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan waa macaadeen. Maalin walba warbaahinta waxaad ka maqleysaa dhibaatooyinka kala duwan ee soo wajahay Soomaalida.  Soomaali badan oo tahriib ah badda ku dhamaanaaya, qaxootiga Soomaalida ee Yemen joogay oo soo cararaaya, Soomaalida South Africa joogtay oo la Silcinaaya, Dhadhaab kuwii joogay oo la daad guraynaaya, dan yarta dalka gudahiisa ku nool oo aad u dar xun iyo da’ yarta Diasporada ay dhaleen oo aad dibadda ugu dayacmaaya IWM. Hadii aan intaan ka damqan weyno, oo aan noqono damiir laawe danta gaar ka hormarinaaya danta guud, eeda koowaad annagaa is ka leh oo cadawga dibadda ma lahan. Anaga ayaa u sabab ah una sahalnay Cadowga dibadda in ay danahooda gaarka ah fushadaan, kuna guulaystaan (Gudiney ima aad goyseene, ee qayb iga mid ah baa kugu jirta).  Marka, walaalayaal waxaa naga waano ah in aad nafsadiina xakameeysaan, maxaa yeelay nafsadu xumaatay fartaa. Taariikhdana waxay si cad u tustaa tilmaamaha nafsada lugu yaqaan oo in laga digtoonado ah, sida kibirka Ibliis, xasadkii Qaabiil, madaxtaagii fircoon, hawadii Balcaama, Jaahilnimadi abuu Jahal IWM.

Aqristow, waxaa dhici karta in uu qalbiga kaa galo su’aasha ah “maxaa qoraha ka quseeya Gobolada dhexe, oo Banaadir muu ka hadlo”.  Wadaninimo ka bacdi, sida aad la socotaan dagaalada sokeeya waxay suura gelisay in ay Soomaalidu isku milmaan oo sidii dagaalada ka hor lay su guursan jiray ka badan leysu wada guursado.  Taasoo tusaale ahaan dhalisay in ay bataan dad aan degin gobolada dhexe, oo laakin Abti u ah caruurtooda.  Gobolka banaadirna waa abtigii maamul goboleedyada hadda Soomaaliya ka jira. Runtiina Soomaalida Abti ixtiraam weyn ayay siiyaan “Abti ka cabso, ishiisana ka cabso” waa oraah caan ku ah Soomaaliya. Arinkaana, waa mid yididiilo leh oo u horseedi doonta mustaqbalka qarannimo dhab ah oo dabiici ah.  Tusaale, Madaxweynaha Tanzania Nereri, Barnaamijkiisa “UJAMAA” ayaa wuxuu sameeyay xaafado cusub oo dad kala qabiil isugu keenay.  Dadki cilmi baarista ku sameeyay barnaamijkaas, ayaa waxay sheegaan in uu u horseeday dareen wadaninimo iyo qarannimo dalkaas.   Si kastaba ha ahaatee waanadani waa waano ka socota abtiyaasha Soomaaliyeed kuna socota beelaha ku shiraya magaalada Cadaado ee abtiga loo yahay.  Waanadiyoo koobanna waa sida hoos ku qoran:

1.      Muhimadda Tawaaduca iyo Tanaasulka:

Tawaaduca tolkii laga helaa waa ay weyneysaa oo dhulka ma dhigto, laakin Soomalidu tawaaduca waxay u fahamsan yihiin daciifnimo iyo fuleynimo.   Waxaa lagama maarmaan ah in beelaha waaweyn ee aqlabiyada ku ah gobolada dhexe, in ay la yimaadaan tawaaduc oo aan isla weyni gelin, taasoo suura gelinaysa in uu is aminkii beelihii dib u soo noqdo.  Beelaha yar yari waa in la daryeelaa lana qadariyaa doorka weyn ay ku leeyihiin gobolada dhexe.    Waxaa halqabsi laga dhigtaa in marka derbiga la dhisayo, si dhagxaanta waaweyn ay u qotonto waa in lugu celiyaa dhagxaan yar yar ah, taasoo suura gelinaysa in uu derbiga noqdo mid xoogan.  Sidoo kalena beelaha waaweyn iyo kuwa yar yar waa is kaamilaan, hadaynaan is kaashan oo aan caqli wadareed la adeegsan, maamulka la dhisaayo miro fiican ma dhalayo. Waxaa kaloo muhim ah Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaacah ayagoo fiirinaaya daruufaha adag ee shacabka haysta, in mowqifkooda adag ka soo yara durkaan si meel dhexe layskugu yimaado oo xal waara loo helo.  Marba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaa, oo hadii urur ahaan aan wax loo qaybsan iska sabra, waqti ayaa imaan doona oo urur ahaan wax lugu qaybsan doono.

2.      Dhalinyarada in ay Maskax Cusub La Yimaadaan:

Runtii dhaliil weyn ayaa dulsaaran dhalinyarada gobolada dhexe iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku nool, waana ay gabeen kaalintii laga rabay.  Dagaal waxaa la yiri odayaasha ayaa bilaaba, dhalinyaradaase ku dhamaata.      Sidoo kalena taariikhda waxay tusaysaa in dhalinyarada ay badanaaba sabab u noqdaan nabadaynta.         Waayeelka ayagaa uga dheereeya sidii loo tiigsan lahaa mustaqbal dhaama xaalada taagan. Taariikhda Dhalinyarada Soomaaliyeedna waa la ogyahay sida ay ugu horseedeen in wadanka gumeysi uu ka baxo.  Dhibaatada ugu wayn oo dhaliishaan sababtay waxay tahay da’ yartii dalku qaar badan ayagoon weli qaangaarin ayaa qoryo la isugu dhiibay lagana dhigay dhuxul lugu shito dagaalka sokeeye.  Qaarka kalena waxay noqdeen diaspora oo weli ku dhakafaarsan waxa ku dhacay cidda ay u dhasheen iyo waxa la gudboon ee ay sameyn karaan.  Is urursadoo, ka dhiidhiya dar xumada iyo mustaqbalka madow ee maanta na haysta.  Ku dhaqaaqa halgan bilaa qori ah oo aad hurdada ugu kicineysaan kubii caqli yaridooda cawaaqib xumadaan keentay.     Halganka bilaa qoriga waa ka adag tahay midka qoriga la adeegsanaayo, waxay u baahan tahay geesinimo heer sare ah, laakin waa xalka ugu haboon maanta ee lagaga gudbi karo qabiil ku bururka.

3.      Warbaahinta in ay Wanaag Ka taliyaan

Waxaa maalmahan aad u soo badanaaya nabad doonadii iyo tacliinleyda madaxda ah ee qudwada u ahaa shacabka oo ku talax tagaaya isticmaalka warbaahinta, ayagoo ku hadlaaya hadalo ay caadifad iyo caro hogaamineyso.  Taasoo dabkii hore u shidnaa dab kale ku sii holcineysa soona xoq xoqeysa boogihii hore.  Carada waa in layska ilaaliyaa, maxaa yeelay Caradu waa sida shidaalka oo kale, hadaad dab ku taabato holac ayuu keenaa oo wuu khasaare badiyaa. Tusaale ahaan Dalka Rwanda xasuuqii ugu xumaa ee malaayiinta ku naf waaysay, qubarada wax ka qortay waxay qirteen in Raadiyaha Rwanda boqolkiiba lixdan 60% ay qeyb ku lahaayeen. Laakin dagaalka ka dib, warbaahinta Rwanda door weyn ayay ka ciyaartay nabadda wadankooda. Marka waxaan ku boorineynaa warbaahintu in ay is xilqaanto hormuudna u noqoto nabadaynta umadda. 

Gaba gabadii, sida la ogyahay Madina Al Munawarah waxay ahayd buqcada ugu colaadda badan jasiiradda carabta, daqaalka sokeeya ee Aws iyo Khasraj.  Hadana waa buqcada ugu nabadda badan.  Waxaan ilaahay ka baryeynaa in gobolada dhexe ee colaaddeedu badnayd in ay noqoto meesha ugu nabadda badan wadanka.  Si taas loo gaarana waa in caruurta hadda soo koraya laga ilaaliyo colaad aaminka, laguna barbaariyo xaq dhowrka iyo is jaceylka, takoor diid iyo xurmeyn dadyowga kale.  Jiilkan cusub waxba ma galabsan, waa in aan la qaadsiin cuduradii na curyaamiyay oo laga tillaalaa.  Mujtamaca isbedelka waa in uu ayaga ka bilowdaa, ka dibna Ilaah baa ku garab gala. Waxaan kalo Ilaah ka baryeynaa in nidaamka federaalka uu dhulka kaliya galo, uusan qalbiga naga gelin, maxaa yeelay qalbiga waa in Somaliweyn-nimada lugu haayaa.

Wa Billaahi towfiiq.



Bazi Bussuri Sheikh
[email protected]

 

 

 



 
Click here