4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Ma Sharci baa Mooshinkii Baarlamaanka Jubbaland lagu kala diray?

Qore Aden Abdi Hire
Wednesday, June 10, 2015

Ugu horeyn waxaa ayaan dara ah in ayadoo hada la galay waqtigii kala guurka ay soo if baxeen khilaaf siyaasadeed iyo mid dastuuri ah.  Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo dadka Jubbaland oo noqday gobolkii ugu horeeyey oo koonfurta Somalia ku yaala ee dhista Baarlamaan ku saleysan degaan.  Runtii waa talaabo aad u mudan in la dhiira geliyo.

Dhismihii Baarlamaanka Jubbaland waxaa ka soo baxay muran aad u fara badan oon u kala qaadi karo cabasho iyo saluug ka imanaya kuraastii la qeybsaday iyo muran dastuuri ama sharci ah oo ku saabsan halkee seejo (Seggio elettorale ama constituent) ah iyo halkee baan ahayn, bacdamaa Baarlamaanka Jubba uu ku saleysan yahay degaan kana duwan yahay Baarlamaanka Puntland iyo kuwa hada laga dhisi doono Koonfur Galbeed iyo Gobolada Dhexe.  Cabashooyinkaas iyo muranka seejooyinka ayaa wuxuu keenay in Baarlamaanka Federaalka soo saaro mooshin soo jeedinaya in Baarlamaankii Jubba dib loogu noqdo oo la waafajiyo Dastuurka Federaalka.

Baarlamaanka Federaalka awood sharci ah ma u leeyahay in uu mooshin ka keeno Baarlamaanka Jubba?

Dastuurka Federaalka qodobkiisa 69 (2) (b), wuxuu Baarlamaanka siinayaa awood uu kula xisaabtamo, kormeero Hey'adaha Qaranka, iyo xaqiijinta in sharciga dalka u yaala u meel maro.

Bacdamaa Jubbaland ay tahay maamul ku meel gaar ah, haysanina sharcigii Federal Act oo awood ilaa xad ah u ogolaan lahaa in ay maareyso arimaheeda maamul ee hoose, una dhisneyn Maxkamad Dastuuri ah oo heer gobol ayaa waxay keeneysaa in si toos ah uu Baarlamaanka Federaalka usoo farageliyo Baarlamaanka Jubbaland asagoo isticmaalaya awoodiisa sharciyeed, tahayna hey'ada ugu sareysa sedexda hey'adood ee dalka.  Sababahan awgood mooshinka Baarlamaanka Federaalka sharci ahaan waa sax, balse siyaasad ahaan su'aalo way ka iman karaan.

Hadaba marka aan u noqono Dastuurka Federaalka iyo kan Jubbaland, xagee seejo ama degmo ah?

Dastuurka Federaalka qodobkiisa 49 (5), wuxuu leeyahay in maamulada dalka ka jira lagu saleeyo xadadkii, goboladii iyo degmooyinkii jiray ka hor 1991.

Dastuurka Jubbaland qodobkiisa 6 (2) (A), wuxuu leeyahay in xadadka Jubbaland uu yahay kuwii jirey inta uusan bilaaban dagaalkii sokeeye ee 1991.

Sidoo kale heshiiskii Addis Ababa qeybtiisa koowaad, farqadiisa 8, waxay leedahay in dhismaha Baarlamaanka Jubba uu waafaqsan yahay Dastuurka Federaalka.

Ayadoo aad moodo in labada dastuur ay iska waafaqsan yihiin xagee degmo ama seejo ah baa hadana waxaa dhacday in meelaha qaarkood sida degaanka Salagle oo degmo noqotay 2007 kana tirsan Gobolka Jubada Dhexe uu maamulka Jubbaland u aqoonsaday in ay tahay degmo ama seejo oo afar kursi ay heshay.  Waxaa xusid mudan in degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo oo degmo noqotay 2007 aysan helin kuraastii Aqalka Wakiilada.  Waxaa kale oo jirta in meelo degmooyin ahaa ka hor 1991 sida Dajuma ee Gobolka Jubada Dhexe iyo Buurdhuubo ee Gobolka Gedo aysan helin kuraastii Aqalka Wakiilada ee Jubbaland.

Waxaa kale oo jira cabashooyin balaaran oo ka imanaya sida loo qeybiyey 10 kii Xildhibaan oo uu maamulka magacaabay oo la filayey in sedexda gobol ay si siman u qeybsadaan, halka hada aad moodo in 10 kii kursi la siiyey Gobolka Jubada Hoose oo keliya.  Waxaa iyadana jira saluug farbadan oo ka imanaya habka loo qeybiyey kuraasta degmooyin dhowr ah oo ka tirsan sedexda gobol.  Waxaa la qiyaasayaa in ilaa 25 kursi oo ay ka mid yihiin 10 kii la magacaabay uu muran badan ka taagan yahay.  Kuraasta 25 ka ah waxay isugu jiraan kuwa seejadii uu dastuurka aqoonsanaa aan ahayn, kuwa kale oo dastuurku aqoonsanaa oo laga tagay iyo kuwo qeybtii aad loo saluugay.

Sida muuqata Golaha Wasiirada qaasatan Wasaarada Arimaha Gudaha oo ahayd in ay kormeerto, korjoogtana ka noqoto dhismaha Baarlamaanka Jubba aysan howsheedii sida la rabay u gudanin.  Waxaa kale oo xusid mudan in Baarlamaanka Federaalka iyo Golaha Wasiirada aysan ilaa hada dhisin Gudigii Federation ka iyo Xuduudaha oo lahayd hawlaha maamul u sameynta daraasaadkiisa. 

Waxaa jirta in Madaxweyne Hassan uusan lahayn awood dastuuri ah oo uu ku diidi karo (veto power) mooshinkan, bal awoodiisu ay tahay inuu Baarlamaanka Federaalka ku soo celiyo mooshinka hadii uu hayo sababo dastuuri ah, si ay mar kale dib ugu eegaan hadii qalad dastuuri ah jiro iyo in kale.  Badanaa ma dhacdo in madaxweyne uu soo celiyo mooshin Baarlamaan u soo codeeyey, sidaa darteed maxaa haboon?  Intii la geli lahaa jah wareer siyaasadeed waxaa haboon in maamulka Jubbaland ay dib ugu noqdaan dhismihii Baarlamaanka oo arintu halkaa ay ku dhamaato.  Tani waxay dan ugu jirtaa dadka Jubbaland iyo Soomaali oo dhan, hadii kale waxa imaneysa in arintu ay gacanta ka baxdo oo qaswadayaalka noocyada badan ay ka fii’iideystaan.  Waxaan kale oo soo jeedinayaa in Baarlamaanka Jubbaland dhismahiisa lagu saleeyo degaan sida hada uu yahay oo mooshinkii Baarlamaanka Federaalka uusan isu bedelin muran, jahwareer iyo in wax lagu qeybsado 4.5.


Aden Abdi Hire, Mississauga, Canada
[email protected]


 





Click here