11/14/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa Kaaga Baxay Shirkii COPENHAGEN?

Thursday November 20, 2014 



By Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Waxaa maanta magaalada Copenhagen ee dalka Denmark lagu soo gabogabeynayaa Shirkii Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare oo in muddo ah la hadal-hayey. Haddaba qormadan ayaa waxey ku saabsan tahay inaan idin la wadaago waxa iiga baxay ama ra’yigeyga aan iraahdee ee shirka iyo go’aanadii ka soo baxay.

Ugu horreyntii inta aan u guda gelin ujeedada qormada aan marka hore wax yar ka iraahdo fikradihii la aaminsanaa ama la qabay iyo waxyaabihii la isla hadalhaye inay ka soo bixi karaan, si aan markaas u guda galo aragtideyda waxa iiga baxay. Waxaa in muddo ahba la hadalhayey shirkan Copenhagen oo dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in shirkan ay beesha caalamka ujeedooyin kale ka leedahay oo hadal heynta ugu badneyd ay aheyd in shirkan Road-map lagu sameyn doono, in la soo celin doono Saxiixayaashii oo Maamulada Gobolada iyo Dowladda Federaalka ay sidii 2012 noqonayaan kuwo wada go’aamiya Hiigsiga 2016. Dhanka kale waxaa jirey fikrado oranaya bacdamaa Madaxda Sare uu Khilaaf xoogan ka dhaxeeyo in goobta shirka arrinkan looga hadli doono oo sidii Kampala Accord ama wax u dhigma oo heshiis ah ay ka soo bixi doonaan.

Bacdamaa shirkan uu ahaa mid lagu qiimeynayey barnaamijka New Deal iyo heshiiskii Compact oo ay Dowladda Federaalka iyo beesha caalamku wada saxiixeen bishii September 2013 ee kulankii Brussels ee lagu dhawaaqay barnaamijka Hiigsiga 2016 ama New Deal. Sidaas daraadeed, waxaa la aasaasay Hay’adda Isku-Xirka Deeqaha (Aid Coordination Unit) oo aan runtii aaminsanahay in la’aanteed aysan qabsoomi laheyn waxa qabsoomay, bacdamaa ACU ay si wanaagsan u shaqeysey isla markaasna ay jireen kulammo joogta ah oo lagu sameynayey qiimeyn ha noqoto kulamada High Level Partnership Forum ka oo uu Madaxweynaha shir guddoomiyo, kuwa Somalia Development and Reconstruction Facility (SDRF) oo uu shir-guddoomiye Ra’iisul Wasaaraha iyo shirarka Peace & State-building Goals (PSGs) oo ah shan PSG oo qolo walba ay si gaar ah u shirayeen. Intaas waxaa dheeraa beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah sida World Bank, IMF, ADB iyo hay’ado kale oo iyagana si toos ah ula shaqeynayey ACU. Tani waxey keentay in Soomaalida oo diyaarsan oo weliba maamulada dalka laga wada qeybgaliyey talooyinka iyo shirarkaas socday sanadka inay la soo shir tagaan barnaamij iyo warbixin tibaaxeysay waxyaabihii qabsoomay caqabadaha jiray iyo inta dhiman sida looga wada shaqeyn karo. Xitaa waxaa jirey aragtiyo kala duwan oo ku saleysan in beesha caalamka aysan bixin lacagihii ay Brussels ku ballanqaadeen kuwaas oo ahaa lacago cusub oo yabooh ah loona qorsheeyey dhanka horumarka iyo dhismaha oo aysan ku jirin kuwa ay caalamku horey ugu qoondeeyeen Somalia ee socda. Hase yeeshee sanad ka dib waxaa muuqata in aan la heyn xisaabta dhabta ah ee ku baxday Somalia iyo inay soo ifbaxday in caalamku lacagihii ay Somalia ay horey u siin jireen inay xisaabta ku darsadeen. Si kastaba waxaa hadda muuqata isla xisaabtan keeni kara in waxa dhabta ah la ogaado waa haddii la sii wado dadaalka socda.

Bal aan markan u soo daadago dulucda qoraalka ee ahaa Haddaba maxaa dhacay? Aniga fikirkeyga marka aan qiimeeyey shirka inta uu socday iyo go’aamadii ka soo baxayba waxaa ii soo baxay arrimahan hoos ku qoran:

  1. In Shirkan uu noqday mid guuleystay oo Dowladda Federaalka ay la shir tagtay qorshe si heer sare ah loo diyaariyey, oo ay ka muuqdaan guulaha iyo horumarka la sameeyey mudadii sanadka aheyd iyo welib iyagoo runta ka sheegay caqabadaha jira iyo sidii si wadajir ah looga gudbi lahaa caqabadaha jira oo Hiigsiga 2016 u noqon lahaa mid dhabooba.
  2. Sidoo kale waxaa ii baxay in dhammaan mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ay wada qireen in horumar ballaaran la taabtay walow ay dhanka kale ka cabsi qabeen in siyaasadda cakiran ay howlaha dib u dhigto.
  3. Tusaale waxaa u noqon kara horumarka la isla qiray in go’aankii ama Warmurtiyeedkii laga soo saaray shirka lagu xusay ereyadan “Waxaynu soo dhoweynaynaa warbixinta ku saabsan horumarka laga gaaray Heshiiska Hiigsiga Cusub, oo ay ka midtahay warbixinta sannadlaha ah ee Hanaanka Gaarka ah ee Somaliland, taasoo noqoneysa raadraacii ugu horeeyay ee hirgelinta Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.” Oo ku tuseysa in go’aan wada jir ah la isla qaatay oo la soo wada dhoweeyey horumarka laga garay New Deal.
  4. Sidoo kale waxaa la aamaamay doorka Soomaalida oo lagu xusay go’aanada ereyadan “Taasina waxay asaas u ah in qorsha horumarinta uu ahaado mid ay Soomaalidu leedahay, garwadeena ka tahay.” Intaa loogama harin oo waxaa la sheegay in caalamku uu taageerayo oo erayada lagu qoray go’aamada ayaa waxaa ka mid ahaa “Si arrintan loo taageero waxaa naga go’an inaan horumarino waxqabadka guddi-hoosaadyada Yoolalka Nabadda iyo Dowlad-Dhisidda (PSGs) ee Hiigsiga, sidoo kalena aan u qoondeyno lacag u gaar ah mid kasta ee Yoolalka Nabadda iyo Dowlad-Dhisidda ee Hiigsiga.” Sidoo kale waxaa lagu qoray go’aanada ereyadan “Waxaan garwaaqsanay in horumar laga gaaray Hanaanka Maalgelinta Hiigsiga Cusub oo ay ka midtahay sameynta Sanaadiiq Maaliyadeed oo wada maamulayaan qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, taasoo keentay in gargaarka soo xarooda oo kordhay.”
  5. Arrinta ugu muhiimsan ee sheegeysa in horumar ballaaran la gaaray ayaa go’aanadii soo baxay waxaa ka mid ahaa “Waxaan garwaaqsanahay horumarka ballaaran ee la gaaray labadii sanno ee la soo dhaafay, oo ku aaddan sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo aad u xasilloon, nabad ah, barwaaqna ah.”
  6. Arrimaha kale ee la ammaanay ayaa waxaa ka mid ahaa horumarka dhanka Dhaqangelinta nidaamka Federaalka oo lagu yiri war-murtiyeedka sidan “Waxaan garwaaqsanaya horumarka laga gaaray geeddi-socodka dhisidda maamul-goboleedyada.”
  7. Dhanka Amniga ayaa war-murtiyeedka lagu yiri “Waxaan bogaadinaynaa guusha laga gaaray hawlgallada ay qaadeen Ciidama Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM ee ka dhanka ah al-Shabaab, laguna kala magacaabay Gorgorka iyo Badweynta Hindiya. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go'antahay taageerada aan siino Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamuladda hoos yimaada si loo jebiyo Al-Shabaab.”…… “Waxaa naga go’an hirgelinta ballanqaadyadii lagu galay shirkii armniga ee London.” Sidoo kale waxaa lagu yiri war-murtiyeedka “Waxaan garowsanay tallaabooyinka loo qaaday sidii loo xoojin lahaa xirfadeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed,”
  8. Dhanka Burcadeedka waxaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray yareynta falalka burcad-badeednimada,”
  9. Dhanka Garsoorka waxaa laga yiri “Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray ku dhaqabka sharciga taasoo ku timid dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Waaxda Wadajirka ee Hirgelinta. Waxaan aad u amaanaynaa kaalinta ay dadka Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso ka qaateen barnaamijyada mudnaanta leh ee ku dhaqanka sharciga iyo hirgelinta qorshahaas,”
  10. Dhanka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda ayaa waxaa laga yiri “Waxaan bogaadinaynaa horumarka ay Dowladdu ka gaartay maareynta maaliyadda guud ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah horumarka laga gaaray ururinta dakhliga, xoojinta siyaasadda miisaaniyadda, iyo xakameynta bixinta mushaaraadka, iyadoo dowladdu adeegsaneyso habka cusub ee Nidaamka Maareynta Xogta Maaliyadda.” Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaan soo dhoweynaynaa “Qorshaha Ku-Meelgaarka ah ee Adeegsiga Nidaamyada Dalka ee Maareynta Maaliyadda Guud”, waxaana garowsanahay in hadda la sameeyay Sanduuqa Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya.”
  11. Dhanka La dagaalanka Musuqmaasuqa waxaa lagu yiri “ Waxaan ammaanaynaa go’aanka Dowladda Federaalka ee lagu dedejinayo sameynayta Guddiga Madaxabanaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa iyo habsami u hawlgalinta nidaamka garsoorka.”
  12. Ugu danbeyntii waxaa war-murtiyeedka lagu xusay “Waxaan go’aansanay inaan dib u eegid ku sameyno wixii horumar ah ee laga gaara arrimaha siyaasadda iyo amniga muddo lix bilood gudahooda ah.”

Sidaas daraadeed, aniga waxaa ii baxay in Shirkan uu ahaa kuwii ugu wanaagsanaa ee Somalia soo mara oo waxaan is leeyahay diyaar garowga ay sameysey ACU in wax badan ay bedeshay isla markaasna keeneysa in shacabka ay kalsooni ku qabi karaan Dowladooda. Soo bandhiga la soo bandhiga waxqabadka Dowladda isla markaasna ay la socdeen shaqooyin iyo warbixino la taaban karo ayaa ah waddada kaliya ee Dowladdu ay ku kasban karto kalsoonida shacabka. Shaki iigama jiro dadaallo aan muddo soo wadnay oo qaarkeen ay naftooda u hureen in maanta aan arkeyno natiijooyin qurux badan oo wanaagsan, noogana wada baahan inaan wada taageerno. Horey baa waxaa loo yiri “Ishii buktaay ku bidhaanso’ oo mar haddii waxqabdkii muuqdo caalamkiina uu qirayo sow ma aha inaan u wada dabaaldegno.

Fadlan ogow qormadan waa mid ku saleysan aragtideyda ee fadlan waxii dhaliil ama fikir ama tusaale ah diyaar baan u ahay inaan dhageysto ee e-mailka hoose iigala soo xiriir.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

La-Taliyihii & Af-Hayeenkii Hore ee Madaxweynaha Somalia, horeyna u noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Lacagta.

[email protected]



 
Click here