11/12/2018
Today from Hiiraan Online:  _
DHIBAATADA WAA DASTUURKA KU-MEEL GAAR AH

Friday November 14, 2014

by Maxamed Xussen Amin 

Is af garaawa iyo wada shaqeyn la’aanta  joogtada ah ee Madaxweynaha  iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliyeed, waxaa sabab u ah dastuurka ku-meel gaarka ah oo ay qoreen dad aan aqoon u laheyn dhaqanka soomaaliyeed,siiba kan reer guuraga , iyo doorka  uu qabiilka ku leeyahay nolol maalmeedkooda.

Sida inta aqoonta u leh ay ogtahay, qof kasta oo soomaali ah maalinwalba markuu waaga u baryo wuxuu raadiyaa isla markina weydiyaa qof beeshiisa ka mid ah ama qabiilkiisa guud: xaaladda siyaasadda sida ay tahay iyo meesha ay mareyso, wasiirka beeshooda shaqaale cusub ma u qoray tolka, xaaladda abaaraha de-gaankooda, i.w.m.

Sida runtu tahay soomalida waxey si aan qiyaas laheyn u aaminsan tahay qabiilka iyo qabyaaladda, taasoo marar qarkood u muuqan karta inay tahay si ka badan sida ay diinta islaamka u aaminsan yihiini

Intaas kadib, dastuurka ku meel gaarka in uu yahay mid aan ku saleysneyn diinta islaamka,dhaqanka, aqoon iyo fikradda dadka soomaaliyeed waxaa caddeynaaya sida uu u qoran yahay oo la mid ah sida kuwa dalalka horay u maray oo ay ka mid yihiin Talyaaniga, Jarmalka,Ingiriiska iyo kuwo kale oo qabiil iyo qabyaalad boqolal sano ka hor ka xuroobay. Dalalkaas waa kuwo ilbaxnimo boqolaal sano jirto leh oo ay hoggamiyaan xisbiyo ku socda barnaamij qaran iyo siyaasad cad oo danaha bulshadooda u adeegeyso.

Jagada Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha waxaa qabto qof ka tirsan xisbiga codka ugu badan ka hela dadweynaha ama laba xisbi oo isbaheysatay. Xisbiiyadaas waxey hogganka xukuumadda isku beddelaan doorasho ah hal qof hal cod iyo marka ay xukuumadda sabab siyaasadeed ama dhaqaale dartood kalsoonida ka wayso Barlamaanka. Mararka qarkood haddii xisbiyada ay heshiis ka gaari waayaan arrimo ku saabsan danaha qaranka waxaa la qabtaa doorasho waqtigeedi laga soo hor mariyay.

Dawladda Federaalka ah waxa isqabqab siqabqabsiga iyo dhibaatada joogtada ah ku haayo waa dastuurka ku-meel gaarka ah. Dal aan laheyn xisbiyo qaran oo qa’baailkiisa ay yihiin kuwo aan isoggoleyn oo aan wada shaqeyn Karin, waxna wada qaybsan Karin, waa adag tahay si u yeelan karaan aragti siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo mideysan. Dadka adduunka waa diriraan waana heshiiyaan iyagoo kumaanaan qof iska dilay sida meelo badan oo dunida ka mid ah ka dhacday hayeeshee,nasiib darro, soomaalida ma taqaan si wixii dhacay heer kastaba ha la ekaadeene looga heshiiyo leysuna cafiyo.

Inta  soomaalida ka gaareyso bisyel siyaasadeed, oo sidiisana u baahan waqti dheer , ma muuqato sida ay u dhisan karto muddo gaaban, oo labo ama shan sano ah, xisbiyo siyasadeed oo heer qaran oo aan tixgelineyn awood qaybsi aan qabiil ku saleysneyn. Tusaale waxaa ah  Barlamaanka hadda jira. Wuxuu ku dhisan yahay qayb qabiil oo ah 4 qabiil oo midkiba  61 xildhibaan leh iyo qabiil 5aad oo leh 31 wax dhibaato muuqata ahna hadda kama jirto.

Qofka jagada Madaxweyne haayo waxuu madax u yahay dalka oo dhan, sidaas darteedna ma habboona in si joogto ah looga faafinaaya warar aan qiimo lahey oo qalqal gelinaaya nabad ku wada noolaanshaha ummadda. Dadka Raadiyayaasha iyo Telefishannada dalka dhageysta waxey ogyahiin jiritaanka dad si joogto ah dacaayad, aflagaaddo iyo isku dir ku haaya madaxda dalka . Dacaayadaha ay isticmalaan waxa ka mid ah Madaxweynaha iyo dad ay isku dhow yihiin in ay ku sheegaan: Aala-SHEIKH iyo DAMU-JEDIID. Aala-SHEIKH waxey u isticmaali jireen Madaxweyne Shaikh Shariif iyo koox la shaqeyn jiray. DAMMU-JEDIIDNA waxey hadda ku sheegaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxda la shaqeyso ama ay isku aragtida siyaasad yihiin, dambi ma aha in leysku aragti iyo siyaasad la noqdo.  

Dadka xumaanta ka shaqeeyo waxey Aala SHEIKH ula jeedaan ardadii uu tafsiirka quraanka Kariimka ah baray Shekhii weynaa ee soomaaliyeed,Allah u naxariistee, Sheikh Maxamed Macallin Xasan. DAMMU JADIIDNA , micnaha caadiga ah ee af-soomaliga ah yahay : DHIIGGA CUSUB , ha yeeshee dadka faafimaaya erayadaas waxey ula jeedaan koox halis ku ah siyaasadda iyo deganaansha dalka. Warkaas waa mid danta la laga leeyhay ay tahay in lagu xumeeyo sharaft iyo kartida shaqsiyaad laga waayay in la marsiiyo qorshooyin xaaran ah ama sharci darro. Dadka qaarkood waxa u caado ah in ay ammanan qofka ay ka helaan waxa ay rabaan qofka ka hor istaagana ay caayaan.

Arrimaha si kastaba ha ahaadeene hadda waxaa socda barnaamijyo weyn oo ujeedadooda tahay qodoba soo socda:

  1. Sidii loo sameyn lahaa dastuur dhammeystiran oo awoodda madaxda sare ee dawladda ay si cad u kala qeexaya.
  2. Dhismaha ururro siyasaadeed oo heer ah,
  3. Nidaam dhaqaale oo leh hab xisaabeed cad iyo raad-raac sugan
  4. Garsoor Madax banana
  5. Ciidamo qaran oo suga nabadda gudaha iyo dibedda.
  6. Wajibaad aad muhiinsan u ah oo dawladda laga rabo waxaa ah in ay gacanta dawladda soo gasho dhulka jamhuuriyadda oo dhan.

Qodobadaas culculuso oo dhan iyadoo ay miiska saran yihiin, isla markina ay dalka ka jiraan abaarro daran; waa mas’uuliyo darro in lagu mashquulo wasiirro isku beddel, xil ka qaadis saraakiil rayad ah iyo kuwo ciidamada ka tirsan, mooshin kalsooni kala noqosho xukumadeed ah,i.w.m . Nasiib darro waxaa ah in ay dhibaatooyinkaas soo noqnoqaday uu sababta u yahay dastuurka ku meel gaarka ah ee weli jira.

.FIIRO GAAR AH:

Dastuurka ku meel gaarka ah wuxuu qodobka 90aad ee ka hadlaaya awoodda Madaxweynaha wuxuu leeyahay xarafkiisa e) sida soo socota: Madaxweynuhu wuxuu xilka ka qaadikaraa Wasiirrada, Wasiiru dawladaha, Wasiir-ku-xigeennada markuu Ra’iisal Wasaarha u soo jeediyo.Qodobka 100laad,xarafka b) wuxuu leeyahay isagana waxaa magacaabaya xilkana ka qaadaya Golaha Wasiirrada Ra’iisul Wasaaraha. Micnaha sharciyeed ee labadaas qodob caddeyntooda waxaa loo deynayaa garyaqaannada ku taqusasay dastuurrada.

Maxamed Xussen Amin,

[email protected]

 


 
Click here