4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xabsiga Sheikh Xasan Daahir Aweys


Qore: Omar Suleiman Ali
Saturday, June 7, 2014

Sh. Hassan Daahir Aweys ma yahay dembiile mase ma aha? Waa arrin u baahan in si cilmi ah looga jawaabo ee aan hiyi kaac looga jawaabin. In kasta oo aan ogahay in dad badani oo ay ka mid yihiin kuwa dad u xigaa qaarba si u neceb yihiin, haddana ma aha in nacaybku innagu xambaaro in aynu ku jawr falno sida ay aayaddani sheegayso.

يَاأَيُّهَآ الَّذِينَ آمَنُواْ كُونُواْ قَوَّامِينَ للَّهِ شُهَدَآءَ بِالْقِسْطِ وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُواْ اعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُواْ اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ(المائدة 8).

Qofka muslimka ah waxaa loo ciqaabi karaa Alle dartiis oo keliya, isaguse shiikhu wuxuu u xiran yahay gaalo ku sheegtay argagixiso darteed isaga oo Alle dartiis ugu jira jahaad fardul cayn ah. Waxay liiska argagixisada ay gaaladu gashatay markii uu ka midka ahaa urur diimeedkii Al-Itixaad oo uusan isagu madax ka ahayn balse uu ka ahaa nink saddexaad.

Ma doonayo in aan wax aan jirin ku difaaco shiikha balse aniga oo tix gelinaya aragtida dadka Soomaaliyeed ee neceb waxaan doonayaa in taxliiliyo in uu nacaybkaasi xaq yahay iyo in kale. Marka aan lee yahay xaq waxaan uga jeedaa ma dembi uu Alle dadka ka reebay oo lagu cadaab muto ayuu galay mase wuxuu fulinayey amarkii Alle.

Haddaba maxaa lagu haystaa Shiikha oo uu sameeyey? Sida aan ogahay wuxuu ahaa qof doonaya in lagu dhaqmo shareecada Islaamka wuxuuna arrinkaas ugu dhowaanaayey Alle cwj.

Allena wuxuu noo sheegay in ciddii ku garsoorata wax aan sharciga Alle ahayn ay yihiin gaalo, ama mushrikiin ama faasiqiin sidaasna wuxuu Alle noogu sheegaya aayadaha 44, 45 iyo 47 suuradda Al-Maa'iidah.

Waxay aayaddanina lee dahay ma aragtaan kuwo sheeganaya in ay wixii loo soo dejiyey nebi Muxammad iyo wixii ka horreeyey ee Alle soo dejiyey oo dhan rumaysan yihiin haddana doonaya in ay wax aan Alle ahayn ka garsoor qaataan. Waxaana ka muuqata in ay ka garsoor qaadanayaan wax aan Alle ahayn oo dad ah hase yeeshee ay tahay in Alle oo keliya laga garsooro.

Halkaas waxaa noogu cad in uusan shiikhu ku qaldanayn in Alle laga garsoorto loona ciqaabi karin in uu u hoggaansan yahay Alle oo aanay ahayn dembi.

Marka intii uu Xisbul Islaam hoggaminayey aynu aragno dembiyada oo ka galay dadka islaamka ah ee Soomaaliyeed. Waxaa u tegey tolkiis waxay ku dheheen dawladda ayaa meel culus lagaa siinayaa ee dagaalka jooji, isaguna wuxuu ku lahaa jahaad fardul cayn ah ayaa socda ee ka soo qayb gala. Wuxuuna ka diiday tolkiis in uu ka baxo jihaadka waayo Alle ayaa ka mudan tolkiis, taas ayaa keentay in uu tolkiis si xun u naco.

Dadka Soomaalida oo jeclaa in ay dawlad helaan waxay u arkeen in Sh. Hassan uga baas baxay dawladnimadii ay heli lahaayeen, waayo Alle iimanka kuma qabaan ee waxay iimaanka ku qabaan naftooda keliya.

Markii uu gaaladii dalka ku soo duushay sida uu shiikhu qabo uu ku bilaabay dagaalkana waxaa ku nacay shacab kale oo fara badan oo u arkay in aanay bannaanayn in dawladdii Shariif Sh. Ahmed lala dagaalo. Waadna wada og nahay in culumada Soomaaliyeed qaarkood u fadwoodeen in ay tahay dawlad Islaam ah oo aanay bannaanayn. Waxaa culumada lagu siray golihii wasaaradaha oo uu hoggaaminayey Omar Abdirashiid in ay isku raaceen dhaqan gelinta Shariicada Islaamka, markii ay u gudbiyeen baarlamaankuna wuu ansixiyey ka dibna waxaa la is tusay Madaxweynihii Shariif Sh. Ahmed oo saxeexaya ku dhaqanka Sharceeda Islaamka.

Sh. Hassan oo hoggaaminayey Xisbul Islaam wuxuu sheegay aan sugno dhaqan gelinta shareecada dagaalkiina wuu hakiyey. Ka dib Omar Abdirashiid oo ahaa wasiirka koowaad ayaa Addis Ababa ka sheegay in aanay wax shareeco ah oo gacmaha la jaro waxna la rajmiyo aanay ahayn ee ay doonayaa in ay ku qayaamaan islaamiistayaasha shareeco doonka ah.

Markaas ayay arrintu cirka isku shareertay dagaalkii lagula jiray gaaladana uu sii laba kacleeyey.

قَاتِلُواْ الَّذِينَ لاَ يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلاَ بِالْيَوْمِ الآخِرِ وَلاَ يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلاَ يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُواْ الْكِتَابَ حَتَّى يُعْطُواْ الْجِزْيَةَ عَن يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ(التوبة 29).

Markaas ayaa aayaddan loo cuskaday oo ay waajib noqotay in sida gaalada loola dagaalayo oo kale kuwo dawladda ah iyo kuwo ciidamada u ah ee u dagaalayaba loola wada dagaalo.

Haddii aan si kooban u sheego macnaha aayadda waxa weeye:

Kuwa aan Alle iyo rasuulka rumaynin, wixii Alle iyo rasuulku reebeenna reebayn, diinta xaqa ah ee Islaamkana aanay u ahayn diin ee ka midka ah Yuhuudda iyo Kiristaanka laaya ilaa ay iyaga oo yasan ay ka buixiyaan canshuurta madaxa.

Haddii uu ruuxu diido in uu galo jahaadkii fardul caynka, wixii uu Alle dembi ka dhigayna aan dembi u arkayn, diintii Islaamkana ku dhaqmayn looma aqoonsan karo in uu rumaysan Alle iyo rasuulka.

Haddaba wixii uu Alle ka dhigay dembiga ayaa dembi ah mase wixii ay gaalada iyo munaafaqiintu ay dembi ka dhigteen.

Xisbul Islaam:

·         Madfac indho la' kuma dhex tuurin dad Islaam ah deegaankooda

·         Wiil yar ama gabadh ma miinayn oo cid isku soo qarxi ma odhan

·         Meel ay dawladdu ku shiraysana babo ma gelin

·         Jidna miino kuma aasin

·         Magaalo dad Islaam ahi deggan yahayna xoog kuma qabsan

·         Meelihii uu ka talin jiray oo dhan dadka shacabka ah ee deggan ayaa u yeedhan jiray ee dagaal kuma qabsan weligiis sida shabaabta.

·         Askari Xisbul Islaam ka mid ah oo edeb darro cid ku delayna uma cafin.

GUNAANAD

Sh. Hassan Daahir Aweys waxaa lagu haystaa in uu dad Islaam ah oo Soomaaliyeed ku laayey si xaq darro ah.

Isaguna wuxuu isu arkaan ruux ku socday amarkii Alle iyo diintii islaamka kuna jira jihaad fardul cayn ah.

Marka haddii uu jiro jihaad fardul cayn ahi shiikhu dembi ma yeelanayo, wuxuuse dembi yeelanayaa markii uusan jahaad fardul cayn ahi ansixin.

Waxaana arrinkaas ku fududaaday culumadii dawladdii Shariif ay ku sirtay shareecadii ayaa la ansixiyey dalkana laga dhaqan gelinayaa. Waxaana laga rabay oo keliya in ay culumadu u fawooto. Markii ay u fadwoodeenna runtii ayay sheegeen oo waxay dheheen wax shareeco ah oo meeshaan laga dhaqan gelinayaa ma jirto.

Sidaas darteed Sh. Hassan Daahir Aweys iyo Xisbul Islaam midna dembi ma laha mana gelin Alle agtiisa.

Ruuxii islel Sh. Hassan Daahir Aweys dembi ayuu Alle ka galay oo dad ayuu xaq darro ku laayey. 

Ha ii soo diraan e-mail [email protected] iyaga oo si waafaqsan kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka iigu cadaynaya dembiilenimada shiikha

Omar Suleiman Ali
Email: [email protected]



 





Click here