4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Soomaalida Toronto iyo Waxbarashada oo Isla Jaanqaadaya

TASK FORCE ON SUCCESS OF STUDENTS OF SOMALI DESCENT

Horudhac:

Umad walba nooca ay doonto ha noqotee, meesha ugu wanaagsan ee laga soo dhiso waa dhinaca waxbarashada. Waxa ugu qaalisan uguna faa’iida badan oo dadkeena ku haboon waa iyada oo gacan fiican laga geysto horumarinta waxbarashada ee jiilasha soo socda oo ah mid u horseedeysa horumar waara. Horumarkaasna wuxuu anficidoona jaaliyadda oo idil.

Falanqayn:

Soomaalida Toronto oo in muddo ah ka qaylineysey dhinaca waxbaarashada ayaa dhamaadkii sandkii 2012 waxaa u istaagay koox u badan dhalinyaro, oo intooda badan wax ku baratay Toronto. Waxayna isugu jiraan macalimiin,( Ontario certified teachers), waaliddiin, ardey , xubno ka tirsan ururada dhalinayrada, culimo iyo aqoonyahano ku barbaaray magaaladan.

Waxa kooxdani isukeenay oo ay ka gubteen, marka laga reebo dhibka guud ee na haysta Soomaali ahaan, waa arimaha waxbarshada ee Toronto oo aad looga cawdey. Waxayna dhegeysteen talooyinka iyo tusaaleynta waaliddiin fara badan oo qeexay in iskuulada badankood ay fahmi la’yihiin sida ay u xalin lahaayeen dhibka jaaliyadayna haysta oo ah in ka badan 25% ee ardyadeena oo wiilasha u badan oo iskuulada iyaga oo aan dhameysan isaga tegey ama banaanka loo riixey. Waxaa intaa dheer ardey farabadan ee fasalka 12aad oo ku baasta 50%+. Waxaa intaa wehlisa, ardey faro badan ee fasalka 9aad ah (grade 9) oo lagu riixo inay noqdaan kuwo college-ka ama wixii ka hooseeya loo diyaariyo, ee loo yaqaan “Applied Streaming “ (fadlan eeg lifaaqan hoose).

 http://discuss.peopleforeducation.ca/forum/topics/applied-and-academic-are-we-streaming-kids-in-high-school

 Waxaa kaloo jira kuwo tiro badan oo si xad-dhaaf ah loo diwaangeliyo iney yihiin kuwo u baahan waxbarashada gaarka ah ee loo yaqaan “Special Needs” ….IWM. Maskaxda saliimka ah waxa ayna tusinaysaa in waxbarashadu ay tahay furaha keliya ee horumarka bani’aadamka, ee looga baxo baahida, hoy xumada, shaqo la’aanta, cod li’idda dhulka aad ku nooshahay oo aanba lagu ogeyn inaad jirto ...IWM.

Haddaba dhibka aan kor ku soo qeexay iyo kuwa la mid ka ah si wax looga qabto ama loo yareeyo, isla markaana dhalaankeenu u yeeshaan mustaqbal wacan ayey ahayd fikradda KELIYA ee isu keentay aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka kala yimid bulshada Toronto ku nool qaybaheeda kala duwan. Arinka ay ku mideysan yihiinna waa sidii ay gacan fiican uga geysan lahaayeen mustaqbalka dhalaankeena ee Toronto. Waxay shaqadan si TABARUC/Volunteer ah usoo wadeen mudo sanad ka badan. Waxayna maanta joogtaa heer gebo gebo ah. Talooyinka ay Toronto Disctrict School Board u soo hordhigeen iyadoo ay ka shidaal qaadanaya talooyinkii waaliddiin fara badan waxaa ka daalacan kartaa oo aad uga bogan kartaa lifaaqan. http://www.young-ge.com/29.html

Sidoo kale minit-yada shirarkii ay mudada badan xubnaha TASK FORCE ON SUCCESS OF STUDENTS OF SOMALI DESCENT ay ku falanqeeynayeen talooyinkii laga soo ururiyey waaliddiin fara badan ee lagu horumarinayo waxbarashada ubadkeena waxaad ka heli kartaa:

http://www.tdsb.on.ca/Community/HowtoGetInvolved/SomaliTaskForce.aspx

Iyada oo aad looga dheregsanyahay dhibka waxbarashada ka haysta ardey badan oo jaaliyadeena ah, cidwalbana ay jeclaan lahayd in xal loo helo. HADDANA, waxaa muhiim ah in aad looga fiirsado waqtiga ay ku haboon tahay in talaabo la qaado. Nasiib wanaag waxaan oran karnaa maanta waqti ay kaga haboon tahay in aysan jirin. Sababtoo ah, waxaa la isla helay dad aqoon iyo karti u leh xalinta dhibkan oo jaaliyadeena haysta, guddoonka waxbarashada ee toronto (TDSB) oo garowsaday baahida ah in xal waara la helo iyo waqti ku haboon howshan oo la gaaray. Hadii taariikhda dib loo jaleeco, shalay systemku TDSB diyaar kuuma ahayn, berina sida ay noqondoonto lama yaqaan.

Gunaanad:

Haddaba jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada iyo tan Toronto ba waxaa la gudboon iney garab istaagaan wixii dan u ah dhalaankena soo koraya maanta. Taasna waxaa waajib ka dhigaya waxay tahay XAQA ay ilmuhu nagu leeyihiin, oo ah in aan u jeexno una horseedno jid iyo mustaqbal wanaagsan. Meesha ugu fiican ee laga bilaabi karana waa dhinaca waxbarashada, iyo waqtiga caruurta da’dooda ay yartahay iyadoo islamarkaana la horumarinayo waxbarashada dhammaan ubadkeena ilaa iyo kuwa ku jiro dugsiyada sare.

Hadaba, waxaa qoraalkeyna ku soo gunanadaynaa in jaaliyadda Toronto ay u istaagaan sidii talooyinka iyo tusaalooyinka (recommendations) ee TASK FORCE ON SUCCESS OF STUDENTS OF SOMALI DESCENT ay u meel mari lahaayeen waqtiga ugu dhakhsaha badan. Fadlan, codkaaga iyo qalinkaaga ku taageer.

Waxaa iska leh qoraalkan iskuna soo duba riday:


Cali Maxamed, [email protected] & Abuukar Xaaji: [email protected] - Toronto, Canada



 





Click here