4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Wadaniga Kama Baxo Maskaxda Ummadda


Mudane marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn (Bidax) iyo Maxamed Cusman Cumar (Midig)


By Mohamed Osman Omar
Saturday, January 18, 2014

Qalinkii: Mohamed Osman Omar
Saturday, February 08, 2014


XUSUUS:

Markii ugu  horeysay uu amar toos ah i siiyo Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn, waxay ahayd 1964/65, asigoo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ah iyo anigoo ah Wariye Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA  oo la iigu diray Baarlamaanka Soomaaliya Shirweyne ka socday in aan war ka soo qoro.

Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn  oo si rasmi ah un furaayay Shirweyne oo Ergooyin ka kala socday dalalka Europe, Afrika iyo Karibiya ay ka soo qayb galeen, waxuu  u soo diyaarsaday khudbad ku qoran afka Taliyaani.

Madaama uu ahaa siyaasi Soomaalinimada aad iyo aad ugu dheertahay, damiirkiisa ayaa u saamixi waayay, asigoo dalkiisa lagu shiraayo,  uu shir rasmi oo caalami ah in uu ka jeediyo khudbad af Taliyaani ku qoran.

Anigoo fadhiya tribuunka Baarlamaanka Soomaaliya oo ah meesha loogu talo galay Wariyeyaasha ayuu farta igu soo fiiqay asigoo dhegta wax ugu sheegaayo sarkaal ka tiran Xafiiskiisa.

Daqiiqad kama soo wareegin, waxaa kursigii igu xigay soo fadhiista qof sida nuqulka khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha uu ku furi lahayn Shirweynaha Calaamiga ah ee dalalka Europe, Afrika iyo Karibya.

“Ra’iisul Wasaaraha waxuu  doonaayaa in uu Af-Soomaali ku hadlo oo adigana aad Af-Taliyaani ku sheegtid, si mutarjimiinta afafka kale u fahmaan”, ayuu igu yiri Sarkaalka warqadda ii keenay.

Sidii ayay u dhacday. Asiga Af-Soomaali ayuu ku hadlay anigana halkii loogu talo galay mutarjimiinta ayan la galay khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha oo Af-Taliyaani ah.

Dawladdii Ra’iisul Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn – June 1964 ilaa July 1967 -  waxay ku magac dheereed “Karti iyo Hufnaan” iyo “L’Uomo Giusto, al Posto Giusto” iyo Dawladdii “Busta Rossa”.

Qofka hawl karka ah shaqada uu istaahilo ama uu u qalmo ayaa loo dhiibaa. Wasaaradaha sannad walba waxaa ka soo bixi jiray hal qof oo loo aqoonsaday in uu yahay qofkii ugu fiicnaa shaqaalaha sannadkaas “The Man of the Year” waxaa la siin jiray abaal marin. Qofkii hawshiisa ka soo bixiwaayay waxaa la siin jiray “Busta Rossa” (Bakhshad Cas) oo ku jirta warqad shaqo ka saarid.

Wasaaradda Warfaafiinta  sannadkii 1965 aniga ayaa noqday “Qofkii Sannadka” ama “The Man of the Year”. Waxaan gaaray ilaa darajada Ku-simaha Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Af-hayeenka (Spokesman) Dawladda. Sannadkii 1967 waxan u raacay, anigoo wariye SONNA ah, dalka Jarmanka oo marti-sharaf ahaan loogu martiqaaday shir sannadeed loogu magac daray “German-Africa Week”, halkaas  khudbad aad iyo aad loo dhoweeyay ka jeediyay oo anigana si ay u dhantahay ugu diray SONNA oo u kala qasybisay warbaahinta dalka iyo wariyeyaashii shisheeye ee joogay Xamar.

Markii laga hadlaayo wadanimada marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn, waxaa   mar kasto la soo qaadaa in waqtigii gobanimodoonka uu ka shaqayn jiray xafiiska taararka laga diro. Soomaalida waxaa ka  reebanaay in ay u isticmaalaan xafiisyada  iyo qalabka dawladda hawl gaar ah ama hawl siyaasadeed oo looga horjeedo dawladda maamulaysay dalka.

Mudane marxuum Cabdirisaaq waxuu ahaa xubin Leegada ama SYL oo dhaarsan oo gobanimada dalka wax kasto u sameyn lahay. Asigoo shaqada ku jira ayuu taararka xisbiga SYL u diri jiray gobalada ama degmooyinka dalka. Maalin ka mid ah maalmaha shaqada ayaa, asigoo taar ama “Telegram” Leegada leedahay u diraayo xafiisyada Leegada ee gobolada iyo degmooyinka ayuu maqlay saan xafiiskiisa ku soo jeedo. Si uusan u kashafmin oo aan loo arkin, warqaddii ugu qornaa warkii uu diraayay intuu jeexjeexay ayuu afka gashtay uuna liqay ama dhunjiyay, si aan loo arkin.

Mudane marxuum Cabdirisaaq iyo aniga waxan si toos u kulannay oo aan shaqsi ahaan is barannay markii uu London u yimid in uu ka qayb galo shirkii Xisbiga Hiil Qaran sannadkii 2011, inkasto aan xiriir toos ahayn naga dhexeynin.

“Aniga buugaagtaada oo dhan waan aqriyay. Kan weynka “The Scramble in the Horn of Africa waa aqriyay. Waxan ka deynsaday Prof. Cabdi Ismaciil Samatar”, ayuu igu yiri, Mudane Cabdirisaaq.         

Inkasto oo uu horey u aqristay buugaagteyda, haddana waxan jeclaystay in aan xusuus ahaan u siiyo buugayga “The Scramble in the Horn of Africa” uu aad ula dhacay . Is arageenna aan isku aragnay London 2011 ka bacdi ayaan xiriir joogto ah yeelanay oo si aan hakad lahayn iskula xiriiri  jirnay Emailka iyo telefoonka.

Emailadii aan is dhaafsanay Mudane marxuum Cabdirisaaq oo arrimo badan taabanaayeen, siyaasadda dalkaba ha u badnaadeenee waxaa ku jiray midkaan aan hoos ku soo min-guuriyay oo runtii aad  iyo aad toos ii taabatay:

Date: Wed, 11 May 2011 22:23:23 -0700

From: [email protected] 

To: [email protected]
“Waaw, waaw!!
War Maxamed Cusmaan xasuus dheeraa!!
Waxaan kuu xaqiijinayaa in aniguna aan kuu hayo intoo kale iyo dheeraad, siiba markay caddaatay dadnimada, waddannimada, kartida iyo dadaalka aad muujisay, oo aad ku muujisay abwaak (books) is-dabajooga oo midba ka qiima weynyahay kuwii kale. Waxaa intaas oo dhan ka sii qiima weyn is-beddel la'aanta ("consistence") fiiradaada (ra'yigaaga). Taariikhda meel qiima weyn, oo aan la' inkiri karin, ayaad ka gashay. Hambalyo, hambalyo!!!
Salaan iyo mahad-sanid
C/Risaaq”
Sida aan ka fahmay, Mudane Cabdirisaaq waxuu ahaa qof aad iyo aad u jecel aqriska. Waxaa kale Ilahay ku maneystay af-tahamnimo. 

Mudane marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn waxuu dhashay  taariikhda 24/12/1924. Allah ha u naxriistee, waxuu ku geeriyooday  31/1/2014.

Samir iyo Iimaan Ilahay hanaga siiyo dhammaanteenna.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.


Danjire Maxamed Cusman Cumar.[email protected]
ambassadorosman.com


 





Click here