4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maxay Dhalinteenu naga Dhaxlayaan Maanta? Q1aad

Qore: Dr Yusuf Bulale,
Sunday, December 21, 2014

Waxaan shaki ku jirin in dalkasta ama ummad kasta laga akhriyo mustaqbalkeeeda doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin bulshada dhexdeeda ama si kale aan u dhigee dhaxalka looga tago dhalinta maanta iyo kuwa berito. Dhaxalka ay helayaan dhalintu waa mid ka yimaada waalidiinta, waxbarashada ay qaataan, deegaanka/bulshada ay la nool yihiin iyo dawlada ama maamulka ay ku hoos nool yihiin. Waa ma’suuliyad ay wadaagaan bulshada oo dhan balse hay’adhaas baa leh mas’uuliyada ugu wayn.  Hadaad Maanta milicsato xaalada dhalintii Soomaaliyeed, maxaad kaaga muuqda? Su’aashuse waxay tahay: Muxuu yahay dhaxalka ay hay’adaaas kala duwan siiyaan dhallaankeena Soomaaliyeed?

Dhaxalka dawlada

Dawladu waa mas’uuliyada ugu saraysa uguna awooda badan ee dhaxalsiin karta dhallinteena mustaqbal wanaagsan oo ay ku aayaan. Waxay hayaan ama maareeyaan hantidii iyo caqligii dalka iyo dadka. Waxay qorsheeyaan ama laga sugaa inay wanaajiyaan xaalada maanta iyo ta beriba ee qaybaha kala duwan ee bulshada. Su’aashuse waxay tahay maxay dawlada Soomaaliyeed ama maamulada Soomaaliyeed u qorsheeyeen dhallinteena ama ay dhaxal uga tegayaan?  Madaxda dawlada iyo maamulada Soomaaliyeed waxay meelkasta ka sheegaan inay mas’uul ka yihiin bulshada ay madaxda u yihiin una balanqaadaan isbedel lagu aayo waa marka ay madaxnimada u socdaane. Inkastoo madaxda kala danbeysa ay kala wax qabad duwan yihiin hadana midkasta iyadoo dadwynuhu nacdalayaan ayey ka tagtaa xukunka[hal xukumad maahee!!!] laakiin hal dhaqan bay ka siman yihiin dhamaantood, waa dareenka dhalinyarada Maanta. Dhalinteenu waxay arkayaan ama maqlayaan madax  oranaysa waxbarta mustaqbalkiinaa  ku xiran, dalkuna idinkuu idin  sugayaa, maxayse waaqica kala kulmeen ama dareenkoodu yahay ama ay ka dhaxlayaan dawlada/maamulada ama madaxda kala danbaysa oo ay ka siman yihiin?

“Waxaan la yaabay beenta aan ka bartay madaxday, miyaa laga waayey bulshadii Soomaaliyeed madax afkooda/hadalkooda iyo waxqabadkooda  is waafajiya.. Maalin walba been cad bay noo sheegayaan… aniga keliya  maahee waa dhalinta iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan, ma waxay na moodayaan inaanan caqli beenta fahmi kara lahayn”, Mohamed 24 Jir.

“Dhibta na haysata waxaa ka mid ah, hantidii ama mashaariicda deeqaha loogu talagalay ummadda oo dhallintu ugu horayso, waxay noqdeen wax guryo ama baabuur madaxdu ku iibsadaan, waxay laaluush u siiyaan, iyo inta hartay oo ay siiyeen qaraabadaooda, dadka inta kalena ‘afka subag loo mariyo’…waa cadaalo daro iyo dulmi burburinaya dalka iyo dadka maanta nool, dhallintamaanta iyo ta beritona aan looga tegin waxay dhaxlaan” Xasan 21jir.

“Waxaan ka soo jeedaa qoys faqiir ah waxaanse ku dadaali jiray waxbarashada kuna hanwaynaa inaan wax ku qabsan doono aniga iyo qoyskaygaba… maalintaan dhameeyeen jaamacadii dhib iyo rafaadba aan la soo maree, waxaan waayey wax aqoontii iyo waxbarshadii aan soo qaatay wax igu siiyee ama I waydiiya aqoonta iyo shahaadad aan wato anoo ka mid ah ardaydii ugu buundada/darajada sareysey jaamacada… waxaa meel kasta xanteeda  maqlayaan orodoo wasiirkaa u tag isagaa reer hebel ahe, wasiirkiinii ima waydiinayo aqoontayda ee isna xan kalaa hoos laygu sheegay oo lay yiri, fursadihiiba waa wax uu iibsado iyo wax uu qaraabdaiisa hoose siiyo, tolow dalka miyaan xaq ku lahayn baan iswaydiiyey!!”, Hamse, 25 jir.  

“Maxaad iila yaaban tahay, hadaan jeclahay inaan jeexo aanba dhintee! waa nasiib, meeshanse xataa nasiib kama sugayo inaan wax ka qabsado inta ay joogaan madax aan dan iga lahayn” Yusuf, 22jir

“Sidee ula tartamaa dhalaanka I le’eg ee wadamada kale haddii madaxdaydii, ……dii , ……..dii, aanan ka dhaxlayn aqoon, hanti, ilbaxnimo aan kula tartamo da’dayda” Xuseen 23 jir.

Waa su’aale, miyaanay madaxdu arkayn dareenka dhalinta, mise dan baanay ka lahayn?

Mise qasadkooduba maaha umad wax u qabo ama dhalin wax dhaxalsii?

Dadwaynuhuse ma ogyahay arintan, dhalintu ogaataye?

Waxaan rajaynayaa in madaxda Bulshada Soomaaliyeed ay dib u eegaan dareenka dhalinta Soomaaliyeed, dibna u dhegaystaan balanqaadyadii ay bulshada u sheegeen markay raadinayeen madaxnimada.

Waxaan rajaynayaa in la helo madax  isbedel doonku daacad ka yahay, leh aragti dawladeed, leh awood wax lagu bedelo, lehna waxqabad run ah.

Waad aragteen dhaxalkii madaxdu dhalinteena siinayeen aanse eegno qaybaha kale ee ka mas’uulka ah dhaxalsiiinta dhalaankeena ee aan hore u soo sheegnay. kala soco qaybaha danbe.

Dr Yusuf Bulale,
[email protected]



 





Click here