Wednesday April, 30 2014
By Dr. Maxamud M Culusow
Hordhac
Shan Jabhadood oo hubeysan oo isku ujeedo sheeganaya-SSDF, SNM, USC,
SPM, iyo SDM- ayaa ka soo horjeestay Dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Shantaas
Jabhadood waxay diideen inay midoobaan. Dhinac kale, Dowladdii Soomaaliyeed waxay
diiday inay la xaajooto Jabhadaadaas waqti munaasib ah. Kaddib, waxaa dalka
gudihiisa ka dhashay koox la magac baxday “Manifesto” oo soo jeedisay xal ay
Jabhadii iyo Dowladiiba ay ku gacan seyreen. Iska soo horjeedkaas wuxuu keenay
burburkii Qarankii Soomaaliyeed oo loo dabaaldegay 1dii Luulyo 1960kii iyo
dagaal sokeeye, wuxuuna calaamad iyo tusaale u noqday hab dhaqanka siyaasadeed
iyo wadanninimo ee Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed, arrintaasu ilaa maanta
saldhig u ah jaangoynta qorshaha siyaasadaha beesha Caalamka ee ku aadan
Soomaaliya.
Dhulkii Soomaaliyeed wuxuu u qaybsamay deeganno qabiilooyin kala
sheeganayaan ama ay ku dagaalamayaan, qabiil kastana wuxuu isbaheysi ka
raadinaya dowlado shisheeye ah. Sidaa
darted, Soomaaliya maanta waa dal magac ahaan u jira, hase yeeshe aan laheyn
dowlad dhexe oo si sharci ah iyo/ama rasmi ah toona (de jure and de facto) uga
talisa. Maqnaashaha dhaqdhaqaaq waddani ah oo leh himilo qarannimo (patriotic
movement with national aspirations) ayaa sabab u ah in Soomaaliya aysan laheyn
dowlad dhexe.
Beesha caalamka lama yaabin in Soomaalidu u kala baxdo qabiilloyin,
waxayna si deg deg ah tixgelin dhalanteed ah u fidisay Soomaliland, Puntland, Dowladda
Federaalka oo ku sidkan Koofur Dhexe Soomaaliya (South Central Somalia), iyo
Ahlu Sunna Wal Jamaaca. Waxaa socda
gulufka Maamul goboleedyada Jubba iyo Koofur Galbeed. Waxaa dhowaan dhexda ka
bixi doona magaca Dowladda Federaalka ah oo horey loogu sidkay Gobollada Koofur
dhexe Soomaaliya.
Badda, Cirka iyo dhulka Soomaaliya waxaa ilaaliya Ciidammo iyo Hay’ado
ajnabi ah. Saddexdii Bilood kasta, Wakiilka Qarammada Midoobay (UN) wuxuu qoraa
warbixin ku saabsan wax qabadka madaxda dowladda federaalka iyo kuwo gobollada,
xaaladda siyaasadda iyo dowladnimada, dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo
baani’aadamnimo, kaddibna Golaha Ammaanka ayaa ka dooda warbixintaas, awaamirna
ka soo saaro. Sidoo kale, hay’ado magac ku leh dalalka reer galbeedka sida Hay’adda
Ilaalinta Xuquuqda Adaamiga (Human
Rights Watch), Hay’adda Cafinta Caalamiga ah ( Amnesty International), iyo
Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group) iyo Xarunta Daraasadaha
Istratejiyada iyo Xiriirka Caalamiga (Center for Strategic and International
Studies), iwm waxay soo saaraan warbixinno ka bixinaya rajo xumo Soomaaliya.
Warbixinnadaas waxay aad uga fog yihiin warbixinnada Madaxda Dowladda
Federaalka u sheegaan shacabka Soomaaliya.
Ahmiyadda mas’uuliyadda Madaxda dowladda federaalka waxay tahay inay
ka qayb galaan tababarro, shirar caalami ah, dabaalgedyo, isla markaana calan
wade ka noqdaan barnaamijyada iska soo horjeeda ee Dowladaha/Ururrada/shaqaalaha
beesha caalamka ay sannadka soo fakarayaan. Beesha caalamka waxay si cad u
sheegtay in Madaxda Soomaaliyeed lagu aamini karin adhaqaale ka baxsan sahay
safar. Beesha caalamka ayaa si toos ah u bixisa mushaarka xubnaha barlaamaanka iyo
ciidammada nabadgelyada madaama madaxda Soomaaliyeed ay ku caan baxeen
musuqmaasuq, wax qabad la’aan iyo ku takrifal awoodda siyaasadda. Nasiib darro madaxdaas
waxay saxiixi karaan qoraallada shisheeyaha soo diyaarsadaan kuwaaso saameyn ku
leh masiirka Soomaaliya sida dastuurka Soomaaliya iyo heshiisyo dowladaha
dariska ah wataan. Waa musiibo ku dhacday Soomaalida!!!
Buug soo baxay 2013 cinwaankiisuna yahay “Globalizing Somalia –
multilateral, international, and transnational repercussions of conflict” wuxuu
qoraya: Madaama aysan jirin xukuumad leh madaxbannani buuxda (positive
sovereignty)-taaso macnaheedu yahay xukuumad shaqeyneysa oo difaaceysa danaha
shacabka Soomaaliyeed beesha caalamka dhexdeeda; Qarammada Midoodaby, Dowladaha
reer galbeedka iyo Ethiopia waxay u sameeyeen Soomaaliya muuqaal ah inay tahay
dal aan laga rajeyneyn inay nabad iyo dowladnimo ka dhalato, una baahan in lagu
hayo faragelin joogto ah, loona isticmaalo meel lagu tijaabinayo siyaasadaha la
xiriira dib u habeynta nidaamka caalamiga ah (international new order) iyo la
dagaalanka argagixisada.
2011-2012 waxaa Soomaaliya hareereeyay barnaamijkka la baxay “Tubta ka bixidda KMG-nimada” (Roadmap
to end the transition), waxaa dhowaan bilaabaya tubta “higsashada 2016 (vision 2016)” oo leh sannadka 2016 Soomaaliya (waa
Soomaaliya-dee?) waxaa ka dhici doona doorasho siyaasadeed, inta ka horreysana
waxaa mashquul lagu ahaan doona dib u
habeynta dastuurka, dhismaha dowlad qabiil goboleedyo gaaraya ilaa 5, “Afti”
loo qaadayo dastuurka. Xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (UN Assistance
Mission for Somalia-UNSOM) ayaa u xilsaaran fulinta barnaamijkaas.
Xaqiiqada waxay tahay in Dal aan laheyn dowlad dhexe oo hanata
difaaca dalkeeda iyo shacabkeeda, kuna shaqeyneysa hab waafaqsan nidaamka
caalamiga ah uu halis u yahay in dowladaha deriska la wareegaan lahanshihiisa
sababo beesha caalamka aqbali karto. Nidaammada Dowladnimo
(governance system) ee hadda ka jira Soomaaliya sida Dowladda Federaalka iyo
Dowlad qabiil goboleedyada waxay lid ku yihiin jiritaanka dalka Soomaaliya.
Sharraxaadda macnaha
dib u heshiisinta
Ugu horreyn dib u heshiisinta aan ka hadlayo waa mid dhexmareysa
bulsho (community) dal ku wada nool oo colaad dhexmartay. Tan labaad, Dib u
heshiisinta waa inay ku saleysnaata dhaqanka iyo duruufaha bulshada laga
hadlayo.
Inta kaddib, Erey bixinta Dib u Heshiisinta waxay tahay: (1) dib u soo
celinta xiriirkii walaaltinnimo oo ka dhexeyay dhinacyo colaad dhexmartay ama (2)
ficil la isku waafajinayo aragtiyo iyo ictiqaadyo kala duwan. Sidaa darted,
macnaha dib u heshiisinta waa geedisocod iyo hadaf la rabo inay bulshada Soomaaliyeed
wada gasho si ay u wada sameysato mustaqbal ay wada leedahay (shared future),
isla markaana aysan colaad dambe uga dhex dhicin.
Dib u heshiisinta waxay ka dambeysa joojinta colaadda (conflict
settlement) iyo xallinta arrimaha dhaliyay colaadda (conflict resolution) sida ku
dagaalanka awoodda siyaasadda dalka. Marxaladda Joojinta Colaadda, xiriir wada
shaqeyn ama isbeddel dhaqan colaadeedka kama dhexeyo dhinacyada colaaddu
dhexmartay.
Xallinta colaadda (conflict resolution) waxay ku saleysan tahay heshiis
siyaasadeed ama Axdi KMG oo ay qalinka ku duugayaan madax haysata kalsoonida
dhinacyada ay matalayaan. Heshiiskaasu waa inuu wax ka qabanayo arrimaha
asaasiga u ah dagaalka labada dhinac, isla markaana jaangoynayo xeerka labada dhinac
ku wada dhaqmayaan (rules of the game) kaaso dhirrigelinaya inay dhinacyada
yeeshaan xiriir iyo wada shaqeyn aan dibedda laga ilaalineyn. Marxaladdaan waxa
tusaale u ah dhismaha Maamul ama Dowlad KMG.
Culumada ku takhasusay arrimaha dagaallada iyo nabadda (war and
peace) waxay tilmaamayaan in arrimaha sahlaya dib u heshiisinta ka mid yihiin
(a) is qaddarinta iyo is ictiraafka dhinacyada, (b) dhismaha dareen wadajireed
iyo wada heshiin, (c) isla eegidda taarikhda/sheegada dhinac walba rumeysan
yahay (narratives), (d) qirashada dhinac walba mas’uuliyaddiisa, (e) dhismaha
hab iyo hay’ado fuliya habka iskaashiga iyo wadashaqeynta kuwaasoo ilaalinaya
danaha iyo baahiyada asaasiga ah ee dhinacyada.
Dhinacyada waa inay rabaan inay soo ceshadaan astaantii qarannimo
(Somali State), lana yimaadaan isbeddello la xiriira: (1)
in dhinac walba beddelo hadafkooda (goal); (2) in dhinac walba beddelo aragtida
uu ka qabo dhinaca kale; (3) in dhinac kasta iska beddelo waxyaabaha uu iska
rumeysan yahay naf ahaantiisa; (4) in dhinac kasta beddelo waxa uu ka rumeysan
xiriirka kala dhexeya dhinaca kale; (5) in dhinac kasta beddelo aragtidii hore
ee uu ka qabay nabadda.
Hababka kala duwan ee culumadu soo bandhigay in lagu hirgelin karo dib
u heshiisinta waxaa ka mid ah (1) is cafinta iyo cudurdaar bixinta; (2) qaabka
magdhowga iyo Garsoorka; (3) Qaabka Guddiga dib u heshiisinta iyo runta; iyo (4)
qaabka wadajir u xallinta colaadda. Dastuurka KMG ee Soomaaliya waxaa ku jira
qodobbo asaas u aha dib u heshiisinta sida qodobka 111I oo ku saabsan Guddiga
Runta iyo Dib U Heshiisinta.
Arrimaha Hortaagan
Dih U heshiisinta waxaa ka mid ah:
1.
Inuusan
jirin dareen Soomaalinnimo taaso sabab u noqotay inaysan muuqan cudud macno leh
ee muwaadinin Soomaaliyeed oo amminsan qaran Soomaaliyeed iyo dowlad madaxbannaan
ee u adeegeysa danaha shacabka soomaaliyeed.
2.
Khilaaf
ka taagan dhinacyada la heshiisiinayo, dhibaatada laga heshiinayo iyo qaabka
loo marayo. Waxaa jira shan (5) aragti oo la xiriira su’aasha ah: “yaa gaboodfale
ah, yaase dhibaane ah?”
a) Beesha Dir (Isaaq) waxay gaboodfal ka
tirsaneysaa reer koofureedka oo dhan: Darood, Hawiye, Digil & Mirifle,
Baantu, iyo Reer Xamar; Beesha Dir-Isaaq waxay cafisay beelaha Darood
(Dhulbahante iyo Wargsangeli) iyo beesha Dir (Gudubursi) si ay u taageraan
goosashada Soomaliland.
b) Beesha Darood waxay gaboodfal ka tirsaneysaa Hawiye,
Dir-Isaaq, iyo Digil iyo Mirifle.
c) Hawiye wuxuu gaboodfal ka tirsanaya Darood iyo Dir.
d) Reer Xamar iyo Baantu waxay gaboodfal ka
tirsanayaan Hawiye, Digil iyo Mirifle, Dir, iyo Darood;
e) Digil iyo Mirifle wuxuu gaboodfal ka tirsanayaa
Hawiye (Habargidir) iyo Darood (Ugaadeen, Marehaan, Majerteen).
Qabiillada
qaarkood dhexdooda ayey gaboodfal kala tirsanaya.
3.
Muran ka
taagan heshiisyadii laga gaaray xallintii khilaafyadii asaasiga ahaa oo
dhaliyay Axdii KMG, Dastuurka KMG iyo dhismaha dowladihii KMG iyo tan Rasmiga
ah ee la dhisay 2012.
4.
Khilaaf la
xiriira Matalaadda shacabka soomaaliyeed. Tusaale ahaan, waxaa isbarbar socda Dowlad
Federaal ah oo leh barlamaan matalaya qabiilooyinka Soomaaliyeed oo dhan iyo
Maamullo iyo kooxo maleeshiyaad ah oo iskood u taagan oo matalaya qabiilooyin iyo
deeganno gaar ah.
5.
Sheegashada
Soomaaliland inay ka go’day Soomaaliya.
6.
Soo
ifbixidda nidaamka federalka ku saleysan “noo kala saara qabiilooyin dhul kala
leh.” Habka Dowladnimo wuxuu ka dhashay baabi’iinta qabiilloyin kala sheeganaya
dhulal.
7.
Maqnaanshaha
Dowlad Soomaaliyeed oo haysata kalsooni buuxda, leh hoggaan hufan oo horseed u
noqda dib u heshiisiinta;
8.
Beesha
Caalamka (Dowladu, Ururro, Shakhsiyaad ajnabi ah) oo la wareegtay aayo ka
talinta Soomaaliya, ayadoo la adeegsanyo danley Soomaaliyeed. Habkaas wuxuu ka
soo horjeeda mabaad’ida dib u heshiisiinta oo ah in bulshado ay yeelato
lahaanshaha (ownership) dib u heshiisinta.
9.
Dhaqanka
ah “Aniga ayaa sax ah, adiga khalad ah, anigu qabiili ma ahi, adigaa qabiili
ah.”
10. Soo ifbixidda kooxo isku baheysanaya diin ama mabaadi’
ka soo horjeeda marxaladda dib u heshiisinta iyo dib u dhiska Qarankii
Soomaaliyeed.
Gabagabo
Soomaaliya waa dal ilaahey ku manneystay kheyraad gaar ah sida diinta
islaamka, hal luqad, hal dhaqan, geesinnimo iyo adkeysi, qurux, dhul baaxad leh
oo kheyraad ka buuxo, iyo cimilo aad u fiican, hase yeeshe ka maqan tahay
dareen Soomaalinnimo, muslinnimo, iyo madax daacad ah oo ka naxeysa shacabkeeda.
Sababta ugu weyn ee loo aaneynayo nasiib darradaas waxay tahay ku dhaqan
la’aanta tusaalaha diinta Islaamka, ku takrifalka awoodda siyaasadda dalka, iyo
maqnaashaha damiir adag oo wanaagsan (absence of strong moral value). Diinta Islaamka ee Ummadda Soomaaliyeed ay
haysato waxay tilmaameysa qaabka loo baahan in bulsho muslim ah u dhaqanto, u
heshiiso, habkaasu asaaskiisu yahay caddaalad iyo sabar. Bulshada Soomaaliyeed
waa inay guddoonsato isbeddel xagga fikirka iyo dhaqanka ah (social and
psychological transformation).
Taas waxay waafaqsan tahay awaamirta Ilaahey ee ku cad Quraanka: Aaayadaha
kala 177 ee Suurada Al Baqra, 11 ee Suurada Al Racd, 22 ee Suurada Al Ruum, 12
and 13 ee Suurada Hujarat, iyo 9 ee Suurada Al Mujadala.
Sida ku cad Dastuurka
Federaalka Soomaaliya, dib u Heshiisinta ma ahan shirar, khudbado, qorallo iyo
baaq soo saarid. Waa shaqo qorshe leh, habraaac leh oo lagu fulinayo hoggaan, siyaasad(policy), sharci
(legislation), dhaqaale (resources), iyo
hab cilmi iyo maamul ku saleysan (administrative and knowledge) si loo gaaro
hadafka ah in labadii wax kala tirsaneysay ay isku barbar noolaadaan mar kale
ayagoo aan kala qabin tuhun iyo dareen, islana qorsheynaya mustaqbalkooda. Dib u Heshiisin ma dhexmari karto bulsho rabta
inay kala tagto ama aysan ku dhaqmin runta.
Waxaa lagama maarmaan ah in bulshada Soomaaliyeed garwaaqsato inay
mas’uul ka tahay aayaheeda, kaddibna ka tashado habka ay u mareyso guul ka
gaaridda dhismo Qaran horsed u noqda dib u heshiisiin ujeedadeedu tahay
higsashada mustaqbal danwadaag lagu yahay.
Dr.
Maxamud M Culusow
[email protected]