Friday April 25 2014
By Maxamed
Cusman Cumar
Waxaan
raadinaayay qoraallo ama sawirro oo aan rabay in aan
soo geliyo website-ga www.ambassadorosman.com.
Waa wixii aan uruurinaayay waxii ka haray qaarkood. Badi waxay raaceen
billiliqsigii ka dhacay dalka intii dagaalada sokeeye socdeen.
Waxaa
isheyda jiitay wargeyskii Xiddigta
Oktoobar Rubac Qarni jireystay oo soo baxay, Khamiis, 22ka Febraayo 1990.
Sidaas markaan u fiiriyay sawir ku dheggan dhex-bartanka bogga 7aad oo nin
dhalin yar oo xaggiisa sare ku qoran TACSI.
Markan
hoos u raacay sawirka hoostiisa waxaa ku qoran tacsi ay dirayso qoyska Banza
Bruno, Xaajiyo Khadiija Rooble iyo Caruurteeda, Maxamed Banza iyo Xaaskiisa
Sahra Banza.
Reer
Banza Bruno magacooda markaan arkay ayay igu soo dhacday Banza Bruno oo ka mid
ahay macallimiintii Taniyaani oo dalka la keenay markii Soomaaliya ka geliyay
Wasaayadda Qaramada Midoobay, oo Taliyaani Maamule looga dhigay sannadkii 1950.
Markaan
wargeyskaan “Xidigta Oktoobar” oo la qoray Febraayo 1990 oo aan ka aqriyay
Abriile 2014, ku dhowaad Rubac Qarni, in Prof. Banza uu yeeshay qoys Soomaali
ah – Xaaskiisa Xaajiya ah wiilkiisna Maxamed u bixiyay – waxuu igu beeray
ixtiraamkii Macallin-nimada aan u haayay mid kasii weyn.
Way
suurtowda in ay jiraan dad ila da’a ah ama iga weyn oo iiga badiya taariikhda
Banza Bruno, aniga waxuu igu reebay oo xusuus ah, hees wadani ah uu na baray
markuu Macallinka noo ahaa ee 1950dii.
Anigana
ilaa markaas sidaan u xifdiyay, lixdan sano ka badan, mararka qaarkood aniga
ayaa isu heesa isla markaasna aan la yaabaa
Banza Bruno heestaas uu na baray lixdan sano ka hor si ay munaasab ugu
tahay xaaladda ka jirta Soomaaliya
maanta.
Heesta
waxuu ku bilaabay, “Di Somalia siamo i figli della nostra cara terra”. Waxaan
nahay carruurta Soomaali ee dalkeenna qiimaha leh. Waxuu raaciyay: “Na Dhaaf,
dagaalyahow murugta badan”. “Nabad-watna
walba ha ahaado”. “Walaalayaalow dan mideysan u dhaqaaqa idinkoo horey u socdo
si mustaqbalka gacantiina u soo galo”.
Luqada
lagu tiriyay waa Afka-Taliyaani:
Di
Somalia siamo i figli; Della nostra cara terra;
Via
da noi la triste guerra; Regni baci in tutti cuor;
Su
fratelli, in solo sorto; Marciam rapidi, decisi;
Sempre
avanti, avanti fissi; Il futuro conquistar;
Unofficial Translation in English:
For
Somalia, we are the children Of
our dear motherland
Go
away sad war from us Peace
prevail in all hearts
Let’us
go in a single destiny March
rapidly and decisively
Always
forward; decisively forward To
conquer the future
Runtii
waa ku faraxsanahay in heestaan aan soo bandhigo lixdan sano ka bacdi maxaa
yeelay waxaan u arkay in maanta uu noqon karo agenda nabad lagu raadin karo.
Anigoo
ka faa’deysanaayo fursadaan, waxaan salaamaayaa goyska Banza Bruno, meeshii ay
joogaanba anigoo u rajeynaayo caafimaad, cimri dheer iyo horumar.
MAXAMED
CUSMAN CUMAR (Danjire)
[email protected]