4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Farsamada Gacanta Saw Waxaan Laga Fursaheyn Ma’aha

Thursday April 24, 2014 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

By: Bazi Bussuri Sheikh 


Farsamada gacanta waa waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee u suura galiya mujtamac kasta inuu noolaado. Waxaase ayaan daro ah in dagaalada sokeeya ay aad u saameysay farshaxankii ama farsamo gacmeedka Soomaalida lagu yaqiinay oo jiilba jiilka kale u sii gudbin jiray. Waxaa kaloo sii dheer fikirka Soomaalida oo yara qaldan amaba la qalday, taasoo dhalisay in ay liidaan farsamada gacanta. Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ah hantida ugu wayn uu wadanka leeyahay ayaa badankooda ka madax adeegaya in shaqooyinka la xiriira farsamada gacanta ay qabtaan. Arinkaan qoomamaynta u horseedaysa, ayaa waxaa ka digay abwaano badan, sida gabayga la magac baxay “Farshaxan” [ee Soomaali fara badan ka dhageysatay shabakada Youtubeka (https://www.youtube.com/watch?v=tcYVjZ36JIw) curiyayna Allaha ha u naxriistee Abwaan Maxamed Gacal Xaayow. Qeyb ka mid ah gabayga waa sida hoos ku qoran, in kastoo ay ku haboon tahay in aad maqasho gabaygoo dhameystiran:

In farshaxanku taariikh u yahay faciyo jiirkeena

Mar haddaan farshaxan jirin fandhaal dheri ma yeesheene

Farsmada harguhu hawla badan kuma fillnaateene

Furrun iliindi saarana faqiir kuma xarshaasheene

Falaartaba haddaan geed birlabba fooda loo gelinin

Ninkii fool libaax kala hor tagay guul ma fillayeene

Farku fiiqa faallada xantuna way fajacidaahee

Inay ficilya qawlba xaqirtaan kama fogaataane

Farsamada gacmuhu saw waxaan laga fursahayn maaha

Allaa Faxane Soomaaliyeey yaa idiin fahamsiiya

Wax aduunka lagu faano yaad weli ka faantaane

Runtii Soomalida waxay leeyihiin dhaqamo aad u wanaagsan oo ku dayasho mudan marka loo fiiriyo mujtamaca ama wadamada kale. Laakin arinkaan ah in laga faano farsamada gacanta iyo qadarin la’aanta ku jeeda beelaha ku shaqeysta waa arin aad u qaldan diin iyo damiir ahaanba. Wadanka wuxuu hada ku jiraa xaalad dib u dhis, waana xilliga ay ugu baahi badan tahay farsamooyinka kala duwan ee gacanta. Baahidaan jirtana ma dabooli karaan farsamayaqaanada hada ku sugan Soomaaliya oo badankoodi duqnimo soo galayso.

Hadafka maqaalkani wuxuu yahay falanqayn ku salaysan sidii fikirkan qaldan loo rogi lahaa, loona heli lahaa mujtamac Soomaaliyeed oo qadarinaaya, xifdinaaya isla markaana horumarinaaya farsamooyinka Soomaalida lugu yaqiinay. Bal kaalaya walaalayaal aanu isla fiirino sidii looga hortagi lahaa dabar go’a farshaxanka ama farsamadii Soomaaliyeed.

Caruurta Yar Yar in Iskuulka xirfado kala duwan oo farsamada gacanta ah lugu baro

Cilmi baaris lugu sameeyay horumarka caruurta yar yar (Dugsiga Hoose iyo dhexe), ayaa waxaa ka soo baxay in barista xirfadaha la xiriira farsamada gacanta ay faa’idooyin badan caruurta ka helayaan. Faa’idooyinkaas oo ay ka mid yihiin:

• Dulqaadka: Caruurta waxay ku bartaan dulqaadka, taasoo ah dabeecada ugu muhiimsan in uu qofka yeesho loo baahan yahay. Markaad fiiriso maanta, dulqaad yarida qofka Soomaaliga iyo deg degga waa sababta ugu weyn ee looga bixi la’yahay dhibaatada. Qofka markuu wax farsamaynaayo, ilaa uu ka dhamaynaayo howshiisa, waxay u baahan tahay samir iyo dulqaad.

• Dheelitirka xiriirka madaxa, qalbiga iyo gacmaha oo sahal u noqonaya caruurta. Taasoo u sahlaysa in uu wax cusub iqtiraaco, fikrado cusub la yimaado. Muhimadan ayaa xitaa waxaa aqoonsaday hay’adaha caafimaadka. Tusaale ahaan marka la waraysanayo ardada raba in ay bartaan daaweynta ilkaha, ardayga waa in uu cadeeyaa waxyaabihii uu sameeyay si uu u helo xirfada isku-agaasimida indhaha iyo gacanta (Hand-Eye Coordination).

Markaad dib u fiiriso, iskuulada Soomaaliya waxyaabo badan ay ku fiicnaayeen waa jireen, laakin dhinaca baritaanka farshaxanka ama farsamo gacmeedka xiliga dugsiyada hoose dhexe aad iyo aad ayay uga gaabiyeen. Awoowayaasheenana waxay ina siiyeen dardaaranka dhaxalgalka ah “Farsamo waa fara ku hayn”, sida kaliya aan faraha ugu hayn karnana waa in caruurta markay yar yar yihiin la baro, markay koraana ayagaa fikrado kale oo dheeraad ah ku daraya. Tusaale ahaan, waxay ku barxayaan ama ku kabaayaan fikrado ka yimid dibada, taasoo u suura galinaysa in ay iqtiraac cusub la yimaadaan.

Waxaa kaloo muhiim ah in waalidiinta, macalimiinta iyo dadka da’da ah, in caruurteena oo ah jiilka cusub ku barbaariyaan ka fogaanshaha qabiileysiga, haybsooca iyo takoorka. Caruurta markaad fiiriso kuma dhashaan fikradahan, waa warbixin ay ka qaateen bulshada. Tusaale ahaan, caruurta haday maqlaan caruur kale oo ooyaya, way la ooyaan ayagoon fiirinaynin midabkooda iyo qabiilkooda. Fadlan aan barno caruurteena fikrada ah “Qofkii naftiisa sharfa ayaa sharfan”.

Qeyb ka mid ah Suuqyada ha loo qeybo Farshaxanleyda iyo Farsmayaqaanada

Suuqyada, dhaqaalaha laga helo ka sokoow, waxay door ka cayaaraan isku xirida iyo wada noolaanshaha mujtamaca kala duwan uu wadanku leeyahay. Tusaale waxaa noogu filan, Nabigeena CSW, markuu Madiina soo galay ayagoo dagaalkii sokeeyaha “Aws iyo Khasraj” ka soo kabsanayo, waxyaabihi ugu horeeyay uu sameeyay (markuu dastuurka iyo masjidka u sameeyay ka dib) waxaa ka mid ahaa aasaaska suuqa Madiina. Wuxuuna ku yiri Suuqiina waa kan, wax cashuur ahna ma laydinka rabo (Ibn Majah, tradition No. 2224). Dawladaha hoose iyo Wasaaradda Maaliyada, waa in ay arinkan xikmad ka qaataan oo ay canshuur aan la awoodin iyo shuruudooyin aan daruuri ahayn ku curyaamin ganacsatada yar yar ee reer tabareedka ah. Reer galbeedka ayaa xitaa arinkan gareystay, markay arkeen malaayiin ganacsatadooda yar yarka ah oo sanad walba dhicisoobaya ayay bilaabeen barnaamijyo lagu kobcinaayo ganacsatada yar yar.

Marka waxaa haboon madaxda wax ku soo bartay reer galbeedka in markay go’aamada gaarayaan inayan ku fiirin wax walbo indho reer galbeed kaliya. Waxaa sii dheer, si looga soo kabsado dhaawaca dagaalka sokeeye u geystay wadajirka Soomaaliyeed, waxaa loo baahan yahay in suuqyada isku xiri jiray gobolada dib loo furo lana dayactiro. Qayb ka mid ah suuqyada loo qorsheeyo farshaxanleyda, taasoo u sahlaysa in ay howshooda si fudud u qabtaan, kana soo ag dhowaadaan macaamiishooda. Sidoo kale hadii la heli karo in bandhigyada ka dhaca wadanka dibadiisa laga qeyb geliyo. Tusaale ahaan, dawladda Rwanda waxay ku guuleysatay in ay dib u soo noolayso farshaxanka lugu yaqiinay, hadana farshaxanleyda Rwanda waxay soo saaraan waxaa iibsada dalxiislayda, qurbajoogta IWM, iyo carwooyin badana waa ay ka qeyb galeen.

Ganacsatada waaweyn in ay Dhiirigaliyaan Maalgaliyaanna Farsamayaqaanada

Ganacsatada waaweyn ee wadankeena waajib ayaa ayagana ka saaran sidi ay kor ugu soo qaadi lahaayeen farsamayaqaanda ama farshaxanleyda. Waxaa haboon in ay maal geliyaan barnaamijyo lugu horumarinayo tayada farsamayaqaanada iyo farshaxanleyda. Tusaale ahaan in shirkadaha isgaarsiinta ay maalgeliyaan barnaamijyo lugu iqtiraacayo ama lugu abuurayo fikrado cusub, sida waxyaabaha lugu sharxo mobile phonada ama guryaha oo loo adeegsaday hargaheena, qoriga fandhaalka laga sameeyo iyo dambiisha, sida sawirada hoos ku xusan:

 

Sidoo kale ganacsatada hoteelada, maqaayadaha iyo xafiisyada is ka leh waxaa haboon inta qalab diyaar ah dibada ay ka keensan lahaayeen, in ay adeegsadaan farsamayaqaanada Soomaaliyeed oo wadanka gudahiisa loogu sameeyo. Tusaale ahaan Sariiraha, kuraasta iyo qalabka xafiiska in ay adeegsadaan Najaarta ama faryaamooleyda Soomaaliyeed. Soomaaliya runtii waxay leedahay najaaro aad u xirfad badan oo gumeystihii Talyaaniga xirfado badan ka dhaxlay oo hadii la hormuriyana ilaa heer warshadeed la gaarsiin karo. Ganacsatada isticmaala uniformka in ay ka toshaan dharkooda harqaanleyda wadanka jooga. Intaa waxaa sii dheer ganacsatada hela qandaraasyada dawladda in ay adeegsadaan farsamayaqaanada wadanka. Tusaale, in qandaraaska uniformka loo sameynayo shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dawlada ay leedahay loogu deeqo harqaanleyda wadanka. Waa inaanan fiirin inta yar laga helayo hadii laga keeno Shiinaha (China), maxaa yeelay cawaaqib xumada mustaqbalka ayaa ka qaalisan.

Waano Ku socota Dhalinyarada Soomaaliyeed Meeshay Joogaanba

Dhalinyarada waa laf dhabarta dalka, dalkeenana wuxuu Ilaahay ku deeqay dhalinyaro fara badan, taana waa nicmad ilaahay. Farsamada gacantana dhinac walba ha ahaatee waa wax diinteena ay aad u amaantay, Nabigeenana aad ayuu u amaanay dadka gacmahooda ku shaqaysta. Hadii wax laga xishoonayo, waxaa xishood mudan waqti lumiska, shaxaad raadinta iyo baagamuundanimada. Waxaa Ayaan daro noqon doonta, dhalin yarada Soomaaliyeed oo jooga wadanka, farsamo yaqaano kale dibada laga keeno, taasoo u dhiganta kubada oo gurigaaga lagaaga badiyay.

Ugu dambeyntii, Soomalida waxay tiraa “Dagaal waa gelin dambe”, dagaalka dambe wuxuu ahaan doonaa mid ku salaysan dhaqaalaha. Tusaale ahaan ganacsiga na dhex mara ama na dhex mari doono annaga iyo dowladaha deriska (Ururka IGAD), Midowga Africa iyo caalamka intiisa kale. Dagaalkanina waa ku gacan sareyn karnaa hadii si wadareed aan u waajahno oo aan dhisano dhaqaale isku dhafan oo dhinac walba leh oo Soomaliweyn u dhan tahay, sida hore loo yiri “Shinida markay is qabataa malabkeeda la helaa”. Marka, waxaa naga waano ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ay iska jabiyaan qolofta qabiileysiga iyo heybsooca oo ah caqabaddaha ugu waaweyn ee hortaagan dib u soo nooleynta qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed. Qofba qofka kale markuu qadariyo ayaa qaranimo lugu gaaraa. Mar walbana ogow, dhibka dheef ayaa ka dambeeya, abaarna aaran ayaa ka dambeysa, Soomaaliyeey yaan la rajo dhigin.

Qore: Bazi Bussuri Sheikh

[email protected]


 





Click here