4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Sudan oo dhacdey dhibcihii da'yarta kooxda kubadda cagta dalka Soomaaliya

''Turxaanbixin :CAF + SUDAN / XSKC Vs Somalia U17 team''.

W/D: Yusuf Yusuf
Wednesday, October 10, 2012

Dulucda qormadaan waxaan ku eegeynaa da'yarta (U17) dalka Soomaaliya oo laga reebay wareegii labaad ee cayaaraha Qaramada Afrika, kadib markii lagu eedeeyay inay dheelsiiyeen ciyaartooy da'doodu ka weyn tahey kulankii kooxda Sudan ay kaga soo badiyeen magaalada Khartoum.

Xiriirka kubadda cagta dalka Sudan iyo xulkooda Qaranka  ayaa laqi waayay inay dadkooda ku qanciyaan sababta gurigooda ay uga badiyeen dalka Soomaaliya oo ay og yihiin dowlada la'aanta iyo burburka ka jirey labaatankii sano ee la soo dhaafey.

Jaraa'idka dalka Sudan ka soo baxa ayaa dhaleeceyn uu kaga hadlaayo guuldarada kooxdaooda ku soo daabacey ja'raaidkooda, kuwaasoo ku canaantey guuldarada kooxdooda, islamarkaana ugu hambalyeeyay da'yarta Soomaaliyeed  guusha taariikhiga ah.

Hadane xiriirka kubadda cagta dalka Sudan iyo kooxdiisa Qaranka ayaa waxay dacwad la tiigsadeen xaruunta  xafiiska  laga maamula kubadda cagta Afrika ee (CAF),iyagoo ka dacwoonaya in ciyaartooy da'doodu ka weyn tahey 17 sanadood ay ciyaar siiyeen dalka Soomaaliya,sidaa daraadeed ay codsanayaan in baaritaan lagu sameeyo,islamarkaana dhibcihii laga soo cesho, si ay ceebtaas isaga dhaqaan, madaama ay rabaan guuldarada inay magac ugu wanqalaan.

Kadib markii ay heleen dacwada CAF ay u soo gudbiyeen Sudan , waxaad moodaa CAF inay  iska aqbaleen, durbana go'aano ka soo saareen, oo ay ku eedeynayaan  in xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta (XSKC), iyagoo ku sheegay inay ku xadgudbeen sharciga u degsanaa cayaaraha da'yarta islamarkaana ay waqti u qabteen inay ka qaataan racfaan eedeynta loo soo jeediyay XSKC iyo kooxda da'yarta Soomaaliya, hadane markii  XSKC dacwadii ay racfaan ka qaadan waayeen oo waqtigii loo qabtey ay ka soo jawaabi waayeen, CAF waxay markale u go'aamiyeen dalka Sudan in dhibcihii looga qaado lagana reebo tartankaas da'yarta Soomaaliya, kuwaasoo la dheeli doono wareega labaad da'yarta dalka Algeria.

Markaan sheekada halkaas ayay taagan tahey in dhibcihii dhalinyarada laga qaado, XSKC wax dhaqdhaqaaq ah uusan ka sameynin arinkaan, hadaba waxaan fiican inaan is waydiino dhacdadaan foosha xun, anagoo dhinacyo badan ka eegayno, maxaa ka qaldamey kooxda Soomaaliya?. Maxaase la rabey inay suubiyaan XSKC?.

Turxaanbixinta markasto mowqifkeeda waa iska cad yahey dhexdhaxaadna kama noqon karto dib u sixida isboortiga dalka Soomaaliya,waayo xaq ayaan u leenahay inaan fikirkeena ka dhiibano, bahda isboortiga u soo bandhigno mar xaalad kasto oo ku soo korarta isboortiga dalkeena noocyadiisa kale duwan.

Waxaa nagu maqaalo ah :

Tan  koowaad in XSKC iyo dhigooda Sudan ay ku heshiiyeen markii horeba in hal ciyaar ay isla dheelaan tartanka labada dal, islamarkaana ay ku dheelaan  (Away Game) magaalada Khartoum dalka Sudan, iyagoo ka tanaasuley inay kooxda Sudan ciyaar kale (Home Game) magaalada Jabuuti kula dheelaan.

Hadii ay sax tahey arinkaan kor ku xusan oo aheyd in labo mar la  wada ciyaaro oo aysan aheyn in hal ciyaar la dheelo sharciyan, dhacdadaan waxay noqoneysaa masuuliyad daro weyn iyo qiyaano Qaranka dalka Soomaaliyeed laga galey, hadii aysan aheyna maba jirto, balse waxaa haboon in wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada baaris ku sameyso iyo dabagal, hadii loo sii baahdo gacan waan ka siin kartaa si loo xaqiijiyo warkaan.

Tan labaad hadii dalka Sudan heshiiskii hore aad ugu ogolataan in dalkooda lagu dheelo, waxaa ceeb idinku ah  inay idinku dacweeyaan CAF.

Tan Sadaxaad: Hadii Sudan dacwad idin ka gudbisey CAF, waxay aheyd inaad  goobta joogtaan  ama wakiil ka socdo XSKC uu dacwadaas joogo meesha lagu qaadayay, si uu uga hadlo eedeymaha loo heysto uuna daafaco da'yarta kaga soo adkaadey magaalada Khartoum kooxda Sudan.

Tan Afaraad: Hadii XSKC oo meesha ka maqan CAF ay u xukuntey  dhibciheenii dalka Sudan islamarkaana CAF idin qabteen waqti racfaan kaga qaadan kartaa go'aanka lagu ganaaxey da'yarta dalka Soomaaliya,sababta ay uga baaqsadeen XSKC oo ay racfaan uga qaadan waayeen go'aanka sharci darad ah ayaa mudan in wax laga waydiiyo?.

Hadaba waxaan haboon in maamulka XSKC ay jawaab ka bixiyaan sababaha aan cadeyn ay markasto kooxaha Soomaaliya marka ay wareego labaad u soo baxaan waxyaabo aan suurtgal aheyn ay uga haraan tartamada, docda kale markii la soo kaxeynayay ciyaartooydaan mala ogeyn miyaa in tartankaan ay dheeli karaan ciyaartooy da'doodu ka yar tahey 17 sano jirada, mise dal ku gal ciyaartooy wata da'doodu ka sareyso 17 ayay dheel siiyeen ciyaartaas,  isweydii kooxda dhan maa ka weyneyd kooxda Sudan mise dhawr qof oo ciyaartooyda ka mid aheyd ?.

Hadaba ma cado, faahfaahina lagama hayo xiriirka kubadda cagta dalka Soomaaliya, balse waxaan heynaa in CAF ganaaxdey dhibcihii ka qaadeen, kooxda Sudan loo sheegay inay la dheeli doonaan wadanka Algeria.

Wiilasheena waa dadaaleynee  oo meelna iska saareen dhigooda dalka Sudan, halka lagu jabey waa maamulka XSKC oo ku fashilmey inay jawaabo u helaan dacwada dhibcaha looga qaadey, islamarkaana ka seexday inuu xiriir la mid ah ka daafaco dhibco looga soo qaatey garoonkooda,waa fahmi karaa Sudan waxay liqi weysay Soomaaliya kaa badisey anagana waxaan ka fekeranynaa  qarash inaan la sii galin kooxda Qaranka oo aan ka harno wareega labaad.

XSKC iyo dhamaan xiriirada kale oo ay GOS ugu horeyso ma qabaan sharci yaqaan qareen (Sports lawyers) aqoon u leh sharciyada isboortiga caalamiga ah,

marka waxaa haboon in dib aan iskugu laabano waxyaabo badan oo naga qaldan ama nalaga rabo sida ugu dhaqsaha badan loola yimaado mustaqbalka soo socdo, madaama tartamo caalami ah looga qayb galaayo magaca dalka Soomaaliya.

Soomaalidu waxay tiraahdaa meel waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa, isboortiga caalamiga ah waa ka duwan yahey kan bacaadka koonfurta magaalada Muqdisho ku maamushaan, waayo wuxuu u baahan yahey nidaam iyo sharciyo fara badan oo u baahan in loo helo dad dhisan oo maamulkaas la jaan qaadi kara.

W/D: Yusuf Yusuf
Qalinkii turxaanbixinta ee sspamedia.com
[email protected]
London



 





Click here