GEESI LOO HANWEYNAA
Friday, May 18, 2012

Geeriyeey gableeyaay
Gudcur iyo habaareey
***
Iyadoon laguu gogol
Oon gu’ba laguu tirin
Waxad soo guclaysood
Kolba guri mug weynaa
Goloftood ku heestaba
Miyaad goor xun socodeey
Maantana gab soo tidhi
***
Ood gabi hadhweyniyo
Geed lagu nagaa iyo
Gumbur lagu dahsoonaa
Geesi loo hanweynaa
Gab intaad ku soo tidhi
Gaar nooga qaaddoo
Goonyaha dhulkaygiyo
Gayigii u ooyoo
Shakuur lagu gunaanaday…
***
Maxaan gabay idhaahdaa
Miyuu ii guntamayaa
Godka uu baneeeyiyo
Gabalaaxsigiisii
Gololuhuu fadhiyi jirey
Gereerka erayadu
Qiimihiisi gaarkii
Miyuu gudi karaayaa…
***
Qalinkaygu gaydhada
Miyuu guulihiisii
Goohiyo dayaankii
Geesaaska sheekada
Siduu yahay gammaan faras
Qoraalkuu galbini jirey
Gibladiyo ciyaartiyo
Gurxanka iyo loolkiyo
Wilwilaha ku goyn jirey
Weedhuu gorfeeyaba
Guuxuu ka tegi jiray
Goolkuu ku dhalin jirey
Miyuu gaadhi karayaa...
***
Geesi baan abiidkii
Geeridu ka raagine
Goortii la joogaba
Guubaabadiisii
Gurmad caymadkiisii
Gaadh ilaaladiisii
Guryo oodistiisii
Gacal ururintiisii
Miyaa galalawgiisii
Durba loo go'doomoo
Gar allee la tebayaa
***
Goobtuu dhex joogsado
Gole oogistisii
Hadal godolintiisii
Gar wanaajintiisii
Talo loo gudboonyahay
Gorfo buuxintiisii
Garaad xoorintisii
Miyaa garashadiisii
Durba loo go'doomoo
Gar Allee la tebayaa
***
Jowharow waxaad guddo
Gogoshaad ahaydiyo
Beel gardaadintaadii
Dareen garashadaadii
Cilmigaagii gaankii
Waa loo goblamayoo
Goobtaad banaysaa
Jiilaal ka soo galay
***
Geeridu xaq weeyee
Somaliland gaar
Iyo guriga Soomaal
Gaban yar iyo waayeel
Geed kastoo la joogaba
Gacmahaa la hoorshoo
Gurayo hoyashadaadii
Guus iyo quraan iyo
Ducaa lagugu geebaray
***
Guudkeeda dunidani
Intaad joogtay gacallow
Waajibkaagii gudatee
Galihii firdowsaad
Gama' oo ku waar nabad.