advertisements

Sannad Guuradii 67aad ee Halgankii Xisbigii SYL

HALHEYSKII XISBIGA: SOOMAALIYEEY TOOSOOY !!!!

Qore: Dr. Abdulkadir Ali Bolay
Thursday, May 13, 2010

13kii dhallanyaro ee asaastay xisbigii gobanimadoonka SYL halyeeyegii ugu dambeeyey Allah ha u naxriistee  Cali  Maxamed Xassan(Verdura) wuxuu ku  geeriyooday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya November 10, 2009kii ee  sannadkii  na soo dhaafay , odayaashii SYL wax yar oo fara ku tiris ah ayaa  weli ka nool , sidaasi darteed waxaan kula dardaarmayaa dhallinyarada maanta jira in ay xil iska saaraan sidii ay u buuxin lahaayeen doorkaasi maanta ay baneeyeen odayaashii naftoodda u soo huray xoriyada maanta aynu haysano , waxaana dhallinyaradda looga baahan yahay in ay ku faanaan taariikhddii awoowayaashoodda oo ay mar waliba xusan sidii loo gaarsiin lahaa jiilalka soo socoda, hordhacaasi ka dib Waxaa ii faraxd ah in aan maanta halkaani hambalyo iyo boogaadin ba u diro  dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, munaasabadda maanta oo ah   sannad guuradii 67aad halgankii gobanimadoonka ahaa iyo  guushii uu soo hooyey xisbigii S.Y. L. (Leegada) waxaan ilaahay  ugu baryeenaa dhamaan geesiyaddii naf iyo maal ba u hibeeyey xoriyadda maanta aynu haysano  inuu  Eebbe naxriistiisa ku maneysto oo jannadiisa sareysi ee fardoosa ahayd na  ka waraabiyo , inta nool na waxaanu Ilaahay  ugu rajayneynaa caafimaad taam ah iyo in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, shacabka soomaaliyeed na dhibaatadda ku habsatay inuu ilaahay ka dul qaado, colaadana nabad ugu beddelo.

Dawladda iyo kuwa ka soo horjeedda ba waxaan leenahay in ay ummaddooda u turaan oo ay u naxaan dadka maalin walba wadooyinka ku dhimanaya . Shacbka soomaaliyeed dhibaato intaan ugu filan ma haboon in ciiddan shisheeye loo adeegsado iyo kuwa Mujaahidinta sheeganayaa ee  dawladda xab kala soo horjeedda , kuwaasoo  aan u nixin shacab aan waxba galabsan , sidaasi darteed ma haboona labad dhinac ba in ay ku kor dagaalamaan ama ay gaashaan xabadda ay isaga celiyaan ka dhigtaan  dadweynaha soomaaliyeed, balse waxaa loo baahan yahay in la wada hadlo isla markaasi na la xaliya dhibaatadda jirta.

Runtii ciiddan shisheeye iyo xabad xal u ma  noqon karto dhibatadda maanta ee soomaaliya balse waaxaa loo baahan yahay dawladdu in ay kasbato kalsoonidda shacabkeedda iyadoo Allah tala saaraneysa waxaana muhiim ah  dhinaca dawladda in la raadiyo ama la soo uruuriyo ciidamadii xoog dalka soomaaliyeed  iyo booliska oo maanta 50 sano jirsaday kuwaasoo aan filaayo in ay leeyihiin khibrado ka fiican kuwa maanta Muqdishu u jooga nabad ilaalinta  maxaa yeelay ciidamada shisheeye  waxay mashquul ku yihiin sidii ay naftooda u ilaalin lahaayeen waxa dan ah kama laha shacabka  madaafiicda ku dhamaanayaa . Waxaan aaminsanahay  in aan loo baahneyn ciidan shisheeye in ay sii joogaan dhulka soomaaliyeed inta la heli karo ciidaankii  dalka u lahaan jiray  .

Intaasi ka dib haddii aan dib ugu soo noqdo mowduuci ku saabsanaa xuskii xisbigii xaq u dirirka ahaa  inta aan la aasaasin xisbigaasi waxaa kulmi jiraqy laba dhallinyaro oo kala ah Yaasiin Xaaji Cismaan iyo Xaaji Maxamed Xussein kuwaasoo ahaa labadii udub dhaxaadka u ahaa xisbiga , ka dib waxay isla garteen in  dhallinyaro ay ku kalsoon yihiin ay helaan sidii ay uga fashil min ujeedooyinkoodda  waxayna ku shiri jireen guri ay ka kireysteen via Roma xamar weyne ,ugu dambeyntiina waxayna ku guuleysteen in ay sameeyaan ururkii   la magac baxa  S.Y.C ( Somali Youth Club ) oo ahaa  urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay mustacmarkii ingiriiska   markaasi dalka haystay  mar na ma oggaleyn in ay  kulmaan dhallin yaradda aqoonta leh, ujeeddada loo aasaasay na ay ahayd meel ay ku kulmaan dhallinyaradda soomaaliyeed. Ururka SYC muddo ka dib  wuxuu isku beddalay  urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L

Mudane Cabdulqadir Sakhaawadiin oo ahaa guddoomiyihii ururka iyo Yaasiin Xaaji Cismaan  waxay qoraal codsi ah u gudbiyeen Wakiilkii Ingriisa ee Soomaaliya u fadhiyey Sir William Eric Hallstead waxayna ka codsadeen in dhallinyaradda soomaaliyeed ay dhistaan naadi ay ku kulmaan , nasiib wanaag Sir William Eric markii uu akhristay codsigii wuxuu yiri, “  {waan idin  oggolaaday  maxaa yeelay annaga waxaan nahayd dawlad dimuqaraadi ah hase yeeshee waxaan idin kaaga digayaa inaad saameyn ku yeelanin wax alla wixii aamniga iyo xasiloonida dalka qalqal gelin kara iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah iyo inaad faraha la gelin arrimaha siyaasadda}” oggolaanshahaasi ka dib waxaa na dhidhibadda loo dhigay oo si rasmi ah loo furay subaxdii  taariikhdu ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13,kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun.  

Fadhigii ugu horeeyey Xoghaye guud Yaasiin Cismaan wuxuu soo bandhigay dastuurkii iyo barnaamijkii xisbiga oo ka koobnaa dhowr qodob oo  muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la helo soomaaliy weyn , iyo In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed waxaa kale oo ka mid ahaa in tacliinta kor loo qaado , in afka soomaaliyeed la qoro , in la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun oo ay ka midka yihiin qabyaaladda iyo quursiga ama takoorka loo geysto dadka soomaaliyeed iyo xeer hoosaadkii yo maamulkii xisbiga ku dhaqmi lahaa, qodobadaasi oo idil si wada jir ay ayaa la isku waafay , xisbiguna howshiisa sidaasi ayay ku socotay , shacabka soomaaliyeed na oo aan kala harin ayaa soo dhaweeyey.

Muddo ka dib ururku wuxuu ku talaabsaday guulo wax ku ool ah   taasi na waxaa u suurta gelisay mabda adag oo ay qaateen dhallinyaraddaasi  {noolal ama geeri} oo ay isku dhaarsadeen. Munaasabadii weyned ee loo sameeyey sannad guuraddii 5aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga S.Y.L (Somali Youth League)  May15,  1948kii,   waxaa ka soo qayb galay wafuuddii kormeerka ku kala soo bixiyey dhulka soomaaliyeed , ujeeddada kormarkaasi laga lahaana uu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan iyo in la wacyi geliyo dadweyanaha soomaaliyeed sidii loogu muujiyo wafuuddii United Nations oo ahaa afartii dawladdood ee ku guuleysatay dagaalkii labaad ee adduunka (Mareykanka, Ingriisakla, Ruushka, Faransiiska) ee markaasi dalka ku sugnaa si ay u oggaadaan in ay soomaaliya diyaar u tahay in la siiyo xornimo iyo in kale..

Guddigaasi durbadiiba waxay bilaabeyn in ay xog ururiyaan  waxayna dhegeysteen fikradahii iyo warbixinadii xisbiga SYL iyo Axsaabtii kale ee dalka ka jiray. Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nations  taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii wakiilka  xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkiii iyo rabitaankii ummadda soomaaliyeed oo ahaa rabitaan madaxbanaani iyo xornimo taam ah .  Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud isaga oo wakiil ah SYL iyo xubnaha kale waxaa warbixintiisa United Nation hortiisa ka soo jeediyey uu ku caddeeyey in si deg deg ah oo aan shuruud aan ku xirneen ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo inta himiladaasi laga gaarayo afarta dawladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah Jamciyadda Qruumaha ka dhaxeysa.


Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah. Qoraalkaasi waxaa United Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan muddo 10 sannaddood xornimo taam ah, taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta.

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay, kuwaaso ay u kala qaybsanaayeen kuwa xornimadoon ah iyo kuwa ka soo hor jeedda , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL  , iyo  wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti  ee ku sugnaa muqdisho , kuwaasoo  taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo  , ka dib markii ay arkeen banana baxaasi , waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodina ay ku ayideen ama ay ku taageereen  in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

 

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo inuu soomaaliya gaarsiiyo xornimo SYL waxay doorteen in Talyaaniga uu gaarsiyo xornimada.  taaso dawladda ingriisa  ka careesisay . Qorshihii  SYL   oo ahaa soomaali weyna  oo mideysan in la helo  hakad galay , hase yeeshee  caradaasi ka dib  Ingariisa   wxuu cagta mariyey  himilooyinkii xisbiga lahaa in 5ta soomaaliyeed la mideyo , diidmada la diiday  awoogeed Ingariiska  oo ka xun go’aankii xisbiga SYL  aar-goosi  ahaan  u sameeyey in soomalia 2 qayb oo ka mid ah uu gacanta u geliyey  dalka Ethiopia iyo Kenya. Runtii Reer galbeedka iyo marekanka  waxay diidanaayeen in Ruushka uu fara gelin  ku yeesho Afrika gaar ahaan geeska Africka , Ruushka na wuxuu ka mid ahaa 4ta dawladood ee ku guuleysatay dagaalkii 2aad ee adduunka . United Nation ka waxay talo ku soo jeedisay  maadaam shacabka soomaaliy ay raali ka yihiin dawaladda talyaaniga in asiga loo dhiibo koonfurta soomaaliya muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo madaxbanaani. United Nationka waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad  walbana ay u gubiyaan warbiin toodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii  iyo July 1, 1960kii  maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur. 

 

Dhibaatooyin xanuun badan ayaa loo soo maray hanashadda xornimadda maanta aynu haysano hase yeeshee Waxaa Nasiib daro ah  in Xoriyadii iyo halgankii adkaaga  ee ay u soo galeen Dhalinyaradii SYL  oo naf iyo maal ba u soo huray in badan na ay u geeriyoodeen ama la jir dilay ma habooneyn in qaranimaddii iyo sharaftii ummadda soomaaliyeed  maanta la burburiyay isla markaasi na lagu   tuuray bohol dheer oo aan la ga ari karin muddo 19 sannadood ayaa shacabka soomaaliyeed jahawareey ku sugan yihiin,   taasina ma ahayn mid ay filayeen shacabka soomaaliyeed iyo  dhalinyaradii doorka weyn ka soo qaatay hanashadda madaxbanaanidda maanta aynu ku faanno , balse waxay ahayd in aan kaga dayano halgankaasi sida wanaagsan oo wada jir leh ay uga gudbeen caqbadooyinkii faraha badanaa  , waxay ahayd in talooyinkii iyo halheesyaddii xambaarsanaa waddaniyadda in aan qaadano  waxaa na loo baahnaa in la dhameystiro barnaamijkii xisbiga ku xusnaa oo ahaa in la dhameystiro halgankii iyo shanta soomaaliyeed la mideeyo oo hal maamulna  la isugu keeno, {himilooyinka fog fog ee xisbiga uu ahaa uu in la maalin la gaari doono in la helo soomaali weyn oo xor ah}.

Waxaa nasiib daro ah oo laga xumaada ah in soomaalidii xorta ahayd ay kala go’aan, balse waxaa  halis weyn ummadda soomaaliyeed ku ah in dhulka soomaaliyeed si fudud uu gacanta ugu galo cadowga ummadda soomaaliyeed , kala go’a waa qorshihii gumeysiga ka tagay. Taasi waxay astaan  cad u tahay in Soomaaliya ay awoodeeddii hore aysan dib dambe ugu soo noqonin sida ay la damacsan yihiin kuwa qabaanka u ah gurmeysiga laakiinse soomaali ilaah bay leedahay , arrintaasi waxay guul  iyo farxad ba u tahay cadowga soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed , laakiinse waxaa dhibaatooyinka gumeysiga cusub looga gudbi karaa in la helo dhallinyaro gunta xirata sidii ay dalkoodda iyo dadkooda ba  u bedbaadin lahaayeen  damac weyne ee cadawga soomaaliyeed. .

Gunaanadkii qoraalkeyga waxaan ku soo gaba gabeynayaa talooyinkaani oo ku waajahda Dawladda  Midnimada  Qaran   in ay ka kaaf-toonto ciidan shisheeye maadaama aynu lahaan jiray Ciiddan awood badan  oo ku kala daadsan guddaha iyo dibadda oo u baahan sidii la isku keeni lahaa oo kaliya ka dib na la mideeyo ooh al hogaan loo sameeyo intaasi ka dib waxaa suurta gal ah inay dib u soo noqoto qaranimadda iyo amnigii dalka. Waxaan filayaa haddii arrinkaasi lagu guuleysto in lagu badbaadin karo dadweynaha soomaaliyeed.

Dhinaca Mucaadkana hubeysan ee Al Mujaahidiin  sheeganaya waxaa leeyahay ilaahay ka cabsada oo ha baneysanina dhiiga muslimka  ah,  maxaa yeelay  sharciga in lagu degdeg ma ah oo si fudud beni aadamka qoorta looga gooyo sharciga wuxuu u baahan yahay juhdi  weyn iyo dadaal aad iyo aad u fara badan  , dadka aad dileysaa waa dadakiini ma ah gaal  ma na ah xabashi oo cadow ah balse waa walaalkaagii oo muslim ah sidaasi darteed ma haboon in dhiiga muslimka ah la xalaashaddo. Shacabka soomaaliyeed waa in ay helaan qaranimaddii iyo  sharaftii uu lahaan jireen, taasi na waxaa lagu gaari karaa midnimo oo kaliya iyo in  hal meel looga soo wada jeesta cadowga ummadda soomaaliyeed oo maanta wajiyo badan leh , dadweynaha soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay in ay ka dab qaataan dhallinyaraddii shalay xornimada inoo keenay iyagoo hal heeskoodda uu ahaa: {Axyaa Waddani Axyaa Waddani  iyo Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiini tag daran taagera weligin}” waddaniyadda ayaa  lagu gudbi karaa dhibaatooyinka 19 sano jirsaday  isla markaasi na lagu gaari kara horumar iyo midnimo ,sidaasi ayay na  ku soo noqon kartaa sharafkii shacabka  iyo nabad galyadii dalka , Waxaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dibadda ba u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo

Waxaa soo diyaariyey  

Dr. Abdulkadir Ali Bolay