4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Naag da´ah ma guursan kartaa wiil dhallinyaro ah?

Zahra Abdi Hersi
Monday, November 16, 2009

Aniga shaqsi ahaan waxaan u arkaa in aysan waxba ku jabneyn in haweenay da´ ah in ay guursato wiil dhallinyaro ah sida uu  odayguba u guursan karo gabar ka yar,nebigeena Muxammad sallallaahu calayhi wasallama guurkiisa ugu horraysay waxay ahay in uu guursaday haweenay ka weynayd oo waliba garoob ahayd,wuxuu kaloo guursaday Rasuulku gabar bikrad ahayd oo ay ka yarayd, nebigeena Muxammad sallallaahu calayhi wasallama,taasina waxay inoo caddaynaysa in ay waxba ku jirin ama dhib lahayn in labada is guursanaysa haddii ay kala weynaadaan,muhiimaddase ay tahaya akhlaaqda iyo diinta.
Guurka sidiisaba ma´ahan arrin fudud, labada qof ee is guursanaysana waa in ay sababo  badan isku guursadaan, waxaase guurka sabab u ah ama ka bilowdaa  jaceylka iyo is oggolaanshaha labada qof oo qoyska dhisanaaya, haseyeeshe waxaa dhici karta in ay dadka qaarkiisa meelo kale eegaan sida dhaqaalaha ama qabiilka.

Haddaba aan u soo noqdo dulucda qormadaydan gaaban, in ay haweenay duq ah ay guursan karto wiil ka yar ama dhallinyaro ah, ragga Soomaaliyeed waxay caadi u arkaan  in ay guursan karaan gabar aad uga yar amaba ay dhali karaan,halka aysan caadi ka ahayn ama lala yaabi karo in haweenay da´ ah ay guursan karto wiil ka yar amaba ay dhali karto, waxaase ay tahay su´aasha meesha taal, sababta ragga da´da  loo sharciyeeyay in ay guursan karaan gabdho ka yar,haweenkana aanay guursan karin dhallinyarada.

Sababta waa caddahay oo waxay ka mid tahay dhaqanka gurracan ee haweenka lagu liidaayo ama waxyaalo badan ceeb looga dhigaayo, haweenka iyo ragga waa labo bani´aadam ah oo isku dareen ah iskuna xuquuq ah, isku sinna wax u raba, haddii mid wax nolosha dabiiciga ka mid ah loo oggol yahay in aysan habooneyn in midka kale loo diido ama ceeb looga dhigo.

 Haddii ay is guursanayaan labo qof oo da´ahaan isku dhaw, waxaa dhici karta ama badanaaba dhacda in Ilaahay ku irsaaqo ama siiyo carruur, haseyeeshe waqtiga uu Alle ka dhigay haweenka in ay wax dhalaan waa waqti xaddidan , Ilaahay kor ahaaye arrintaas xigmad weyn ayuu ka wadaa, waayo qofka xad ayuu leeyahay waqti ayaa jira oo uusan hawl badan qaban karin, in ay haweenay ilmo dhashana waa arrin u baahan tabar badan iyo adkaysi badan, taas macnaheedu ma´ahan in ay raggana awood u leeyihiin in ay markasta iska dhalaan oo dhalitaankooda aysan da´ ku xirneyn, waxayse ilowsan yihiin ama iska indhatirayaan in raggu sida ay haweenkaba xad u leeyihiin iyagana xad u leeyihiin, markaas hadduu yiraahdo odayga:gabar yar waxaan u guursaday in ay wax ii dhasho, dabcan gabadhaas wey dhali kartaa haddii ay ku jirto waqtigii ay wax dhali karayso, laakiin odaygan muxuu u hayaa ilmahaas dhalanayo, ma korsan karaa, tabartii uu haayay markii uu dhallinyarada ahaa ma hayaa?, dabcan jawaabtu waa maya,halkaasna waxaa dambi laga  galayaa gabadhaas ka yar ee uu guursaday iyo ilamaahs yar ee dhalanaaya.

Guurka lagu guursanaayo da´da waxaa ku fiican haweenka, waayo haweenayda da´ da ah iyo  ninka odayga ah, waxaa wax tar badan haweenayda, waayo haweenku in ay wax xanaaneeyaan oo wax nafaqeeyaan kama gaboobaan halka ragga marka ay waaweynaadaan aysan wax badan awood u lahayn.
Waxaa qortay


Zahra Abdi Hersi. Xubin sare ururka waddaniga Soomaaliyeed
[email protected]


 





Click here