4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Xil-ku-wareejinta Obama iyo Fursadda Geeska Afrika
fiogf49gjkf0d

Ibrahim Abdulkadir, HOL
Arboco, January 21, 2009

What an honor it is for the Somali people
Halgan dheer kadib, Barack Obama waxaa loo dhaariyey jagadda madaxweynanimo ee dalka Mareykanka asagoo noqday madaxweynihii 44-aad, isla markaasna kasoo jeeda qowmiyadda madow ee laga badan yahay. Munaasabada caleema-saarka ayaa aheyd mid aad loo agaasimay, dad hal malyan iyo dheeraad ahna ay kasoo qeyb galeen, kuwaas oo magaalada caasimadda Washington, D.C. buux dhaafiyay, mashxarad iyo dabaaldag aan kala go' laheyna waaga ugu dilaacshay. Karti, aragti dheer, aqoon iyo burji hoggaamiyenimo kasokow, Obama waxaa hor mutaxan dhibaatooyin fara badan oo iskugu jira dibbad iyo gude intaba.

Gudaha

Dhaqaallaha dalka oo maquufay, shirkadihii waaweynaa oo shaqooyinka u baqoolshay dalal kale, dib-u-dhac dhaqaale oo baahsan, shaqo la'aan sii kordheysa, miisaaniyadii wadanka oo aad hoos ugu dhacday abuurtayna deymo. Waxaa muuqata in walaac cusub uu ku yimid guud ahaan mustaqbalka Mareykanka siyaasad iyo dhaqaale intaba, laakiin xal u helidda arimahaas, oo aan sahlaneyn, ayaa moodaa in farxaddii iyo hilowga xil-ku-wareejinta ay meesha meesha ka saartay. Kacdoonkii Obama ee tartanka doorashada madaxweynenimo ayaa ahaa mid ku dhisan rajo iyo isbadal oo taageerayaal badan uu ku kasbaday. Isbadalka wuxuu ahaa Bush iyo xisbigiisa oo meesha ka baxa, taasina shalay ayey dhacday. Rajada kacdoonka ayaa haatan ah mid aan cadeyn sida ay wax uga tari doonto waaqaca murugsan ee dhaqaalaha Mareykanka.  Obama ma moogana culaabta arintaas, waana taas midda uu qudbadiisii taxadarka badneyd ugu xishay inuu dadka kala hadlo iney la yimaadaan "masuuliyad" naftooda ku aadan.

Dibadda

Laba jiidood, Iraq iyo Afghanistan oo wali aan fari ka qodneyn. Waxaa intaas dheer arinta jiitameysa ee Iran iyo North Korea ee Nukliyeerka. Pakistan oo quwad nukliyeer ah balse qas siyaasadeed la tiiceysa isla markaasna walaac xasilooni ee gobalka ku heysa Mareykanka. Dagaalka 'Argagixiso la dirirka' oo asna noqday mid aan luggo saas ah ku taagneyn, iyadoo ay muuqato inuu fashil ku noqday siyaasada arimaha dibadda, wiiqayna kartida Mareykanka inuu qaab diblomaasiyadeed wax ku xaliyo. Middaan ayaa tusaale u ah faragalintii Ethiopia ee Soomaaliya oo maamulkii Bush ku ayiday Addis Ababa in waxwalba ay ka yeesho sidii ay ku majo-xaabin laheyd dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta ee ka curtay Koonfurta Soomaaliya.
Obama siyaasadiisa ku wajahan Soomaaliya ayaan wali cadeyn, laakiin dadka indha-indheeya qadiyadda Mareykana ee Afrika ayaa isku raacsan in ay ka duwwanaan doonto tii madaxweynihii hore ee Bush. Kala duwanaanshaha aragti ayaa dad badan waxay u fasirteen mid keeni kara isbadal cusub oo ku dhisan wada hadal. Waxaan shaki ku jirin in maamulka cusub dhowrka billood ee nagu soo aadan uu ku mashquuli doono talo-xuuraansi , si dhidibada loogu aasso faham cusub oo dajin kara qaska Geeska Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, farta laguma fiiqi karo inta ay le'ekaan doonto xusul-duubka maamulka cusub iyo ahmiyyada ay Soomaaliya siin doonaan, laakiin dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa ku han weyn in Obama si weyn ugu cad goyn doono xal u helidda dalkooda. Xaqiiqada ayaase ah in Soomaaliya arinteeda ay tahay xargo isku mirqay oo ay adag tahay sida lagu furfuro. Hadalka madaxweynaha cusub ayaa tilmaamay in seef la boodnimadii sideedii sano ee lasoo dhaafay ay badali doonto iskaashi iyo ixtiraam oo u dhexeyn doono wadamadda Islaamka iyo Mareykanka.

Soomaalida

Wax walba oo ay Soomaalidu ka fisho in dibadda looga keeno, oo xal u noqda mashaakilkooda, waxay ku xiran tahay dadaalka iyo kalsoonidda ay isku muujiyaan dhexdooda. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ah kuwa aan looga baran dareenka isku-tanaasulka iyo horumarinta danta guud, taasna waxay caqabad ku tahay xal walba; mid awwood muquunis ah ku dhisan ama mid siyaasadeed.  Taas kama dhigeyso in shacabka Soomaaliyeed uusan wali bislaan, laakiin duruufaha jira aawadood, shacabka mar walba wuxuu qool ugu jiraa hamiga siyaasiyiinta iyo faragalinta shisheeye.

Xakameynta Ethiopia

Ka bixitaanka Soomaaliya waxay qeyb ka aheyd isbadalka ku yimid hogaanka Mareykanka. Mid ka mid ah xeel-dheerayaasha arrimaha Geeska Afrika ayaa ku fasiray danta Mareykanka iyo tan Ethiopia in ay isaga hor yimaadaan qaabka cusub ee lagu wajihi lahaa Soomaaliya, maadaama ay ku kala duwan yihiin aragtida aassaasiga ah ee labada wadan uu midba ka leeyahay Soomaaliya. Culaabta uu maamulka cusub ee Obama uu saari doono Ethiopia iyo in danbiyadii dagaalka ee Soomaaliya  ciddii geysatay maxkamad lasoo taago ayaan u muuqan tilaabo sahlan, laakiin xakameynta maamulka Addis Ababa iyo faragalinteeda arrimaha Soomaaliya ayaa ah waajib uu Mareykanka dusha saaran karo isla markaasna xasiloonadda gobalka kusoo celin karo.

Casharka laga baran karo

Qudbadii Obama waxaa ka mid aheyd in dadka Mareykanka ay ku laabtaan qiimaha dhaxal-galka ah ee daacadnimo, howl-karnimadda, geesinimadda iyo wadaninimo si, ayuu yiri, looga gudbo caqabadaha cusub ee lasoo darsay bulshada Mareykanka. Sifooyinkaas ayaa qaarkood asal u ah dhismihii bulshada Mareykanka ay ku abuurantay kadib hijradii ay awoowe yaashooda ku yimaadeen qaaradda Mareykanka. Isla sifooyinkaas oo lagu dabaqo hogaan cusub oo ka unkuma Soomaaliya ayaa la oran karaa wuxuu jiha horumar leh u horseedi karaa soo celinta qarankii burburay ee Soomaaliya. Laakiin tillaabo walbaa waxay wadataa halis iyo fursad u gaar ah. Shacabka Soomaaliyeed wuxuu heystaa fursad uu heeryadda dowlad la'aanta ah iskaga tuuri karo, waana iyadoo ay taageeraan halgan ku dhisan caddaalad iyo isbadel, oo uu horkaco hoggaan hufnaan iyo wadaninimo ugu addeega.

Ibrahim Abdulkadir, HOL
Boston, MA



 





Click here