4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Isbedellada ku dhacaya aqoonsiyada Soomaalida
fiogf49gjkf0d

by Muuse Yuusuf
Sunday, January 18, 2009


Dagaallada sokeeye iyo kacdoonnada bulshadeed waxay sababaan kala qeybsanaan, waxay faagaan wasakhdii iyo sirtii duugneyd. Waxay abuuraan fursado iyo caqabooyin. Dagaalka sokeeye dartiis, waxaa si xoog leh uga socda didbadda (qurbo joogta) iyo gudaha Somaliya, oo ay isku hardamayaan xooggaga xagjirka iyo kuwa ka soo horjeeda, dood ku saabsan isbedellada ku dhacaya aqoonsiyada ay dadka Somaalidu isku yiqiineen. Si aad arrintaan u ogaato waxaa kuugu filan inaad booqato qolalka haasaawada ee goobaha Internetka, gaar ahaan kuwa ay sida aadka ah ay u xiiseeyaan dhallinyarada.

 

Iyagoo ka jawaabaya qoraal af-ingiriisi ah ee aan ku soo qoray Hiiraan ee cinwaankiisu ahaa “Al-Shabaab: maxay yihiin, maxaysa doonayaan?”, qaar akhristayaalka ka mid ah ayaa waxay igu dhaleeceeyeen inaan soojeediyo in qofka Soomaaligu leeyahay aqoonsiyo fara badan kuwaasoo loo bahan yahay in la kobciyo, lana dhowro. Qaar waxay raalli ku ahaayeen in aqoonsiga qofka Soomaaligu yahay mark ugu horreeysa qof-Muslim ah kaddiba uu yahay Soomaali (Muslim-Somali). Kooxdaan waxay iyagu raalli ku ahaayeen iney ka horreysiiyaan aqoonsiga Muslinimada tan Somaalinimada, oo waxay qabaan in qofku intuusan noqon Somali uu yahay Muslim. Kuwo kale, iyagoo arrintaan diiddan, ayay waxay ku doodeen in qofka Soomaaligu yahay Somali kaddibna noqon karo Muslim, oo iyaga waxaa muhiim u ah aqoonsiga Soomaalinimada (Somali-Muslim). Qolo kalana waxayba aad u oggolaadeen in qofka Somaligu qaadan karo aqoonsiya kale ee ku dhisan jinsiyad, caqiido, mab’da ama dhalasho cusub ee qofku qaato. Sidaas darted wax la yaab leh ma ahan in la maqlo Somali sheegto American (Somali-American), Somali noqday Kirishtiyaan (Somali-Kirishtiyaan), mid noqday hantiwadaag (Somali-Hantiwadaag) ama Somali-Gaal.  

 

Aaraar ahaan, qoraalkaanu maha mid lagu falanqeynayo Cilmiga Farac-tiriska ama raadinta dhalashada Somalida iyo halka ay ka see jeedaan, balse waxaa loogu tala galay oo keliya in wax laga yiraahdo isbedellada ku dhacaya aqoonsiyga ama astaamaha qofka Somaaliga, dhibaatooyinka uu kala kulmay arrintaas, iyo sida uu u waajahay. Isbedellada ku dhaca aqoonsiyada ma ahan wax u gaar ah Somalida ee waa wax ay la qabaan bulshooyinka adduunka. Waxaa kale oo afeef ama digniin ah in qoraakaanu uusan ahayn mid loogu tala galay sii kala fogeynta, kala qeybqeybinta ama abuurida fitno ee  uu yahay kaliya in hoosta laga xarriiqo waxyaalaha dhabta ah ee ka taagan bulshada Somalida dhexdeeda. Waxaa laga yaaba in  hadii xaqiiqooyinkaas jira loo adeegsado si wax ku ool ah oo kheyr iyo niyad sami ku dheehan tahay, waxay taasi abuuri kartaa bulsho dulqaad iyo muwaafaqo badan leh

 

Haddaba tixda ama liis hoos ku qoran waxay soo koobayaan dulucda dooda la xiriirta aqoonsiyada Somalida ama sida qofka Somaligu isu arko marka la weydiiyo su’aasha ah “Yaad tahay?”

 

Somali-Muslim ama Muslim-Somali?    

Somali ama Somalilander?                           

Somali-Hawiye ama Hawiye-Somali?                          

Somali-Darood ama Darood-Somali?

Somali-Muslim-Sufi ama

Somali-Muslim-Wahabi?

Somali-Jabuutiyaan ama  Jabuutiyaan-Somali?

Somali-Kenyan ama Kenyan-Somali?

Somali-Etoobiyaan  ama Etoobiyaan-Somali?

Somali-Amerikan ama Amerikan-Somali?

Somali-Bantu ama Bantu-Somali?

Somali-Puntlander ama Puntlander-Somali?

Somali-Afrikan ama Afrikan-Somali?

Somali-Carab ama Carab-Somali?

Somali-Hantiwadaag-Kacaan?

Somali-Dimoqoraad?

Somali-Kirishtiyaan?

Somali-Gaal?

 

Tixda kor ku xusan waxay muujineysaa waxa qofka Somaligu gaar ahaan dhallinyaradu  ay sheegtaan mark la weydiiyo dhalashadooda, aqoonsigooda, halka ay daacada u yihiin ama ay u hoggaansan yihiiin. Dhallinyarada, iyagoo ku sheekeysanaya qolalka haasaawada Internetka, waxay si cabsi la’aan ah ku soo bandhigaan sirtooda gaar ahaaneed sida waxa ay run ahaantii amiinsan yihiin ha noqoto dhalashadood ama halka ay ka soojeedaan/abtirsadaan, caqiidooyinka  ay aaminsan yihiin, iyagoo ku faana ama hoos ka xariiqo waxa ay aaminsan yihiin sida waxaan ahay Somalilander, Puntlander, Muslim-Somali, Somali-Kenyaan iwm.

 

 Iyadoo la moodo in faraca-weyn ama waayeelku eeysan ka qabin wax shaki ah dhalashadooda, abtirsigooda, iyo caqiidadooda, hase yeeshe tixda kor ku xusan waxay markhaati u tahay welwelka iyo walbahaarka ay ka qabaan arrimahaas xasaasiga ah, waayo dhallintu waxay muraayad u yihiin ama ka tarjumaan dareenka ama waxyaalaha waayeelku ku dhaqmo, aamino ama ku haasaawo. Bal tusaale ahaan aan u soo qaadano shakiga qof waayeel ah ee la weydiiyey qofka ama cidda uu kaalmo weydisan ahaa  ama sheegan lahaa haddii ay dhibaato xun qabato.  Isagoo ka meermeerayo shaki awgiis, ayuu wuxuu yiri waxaan ahay Puntlander ama Muslim-Somali ama xittaa u qeylo dhaantay jufada ama jilibka uu ka dhashay!

 

Maadaama aynu dulmarnay dhibaatooyinka la xiriira hubaal la’aanta iyo shakiga ka dhashay isbedellada ku dhaca aqoonsiga qofka Somaliga, haddaba bal aannu guud marno siyaabaha qof Somaligu u waajahay ama isku dayay inuu u xalliyo saxiirtaas.  Bal aan jawaab ka raadino dhacdooyinka taariikheed oo run ahaantii ah kuwo muran iyo doodo xooggan ka taagan yihiin.  

 

Ka hor imaashaada gumeysiga, dadka ku hadla Af-Somaliga waxay daacad u ahaayeen qabiilkooda, oo qofka Somaligu wuxuu sheegan jiray jufada, jilibka ama qabiilka weyn ee uu ka dhashay. Tusaale ahaan Garaad oo ah nin reer baadiye ah marka la weydiyo “Yaa tahay?” wuxu dhihi jirey waxaan ahay qof Majeerteen-Daarood-Somali ah isagoo hoosta ka xariiqaya Majeerteen. Sababtoo aha wakhtigaas wuxuu daacad ama u hoggaansana cidda uu ka dhashay oo run ahaantii aheyd meesha lagu xalliyo dhibaatooyinkiisa amaba lagu gacan qabto wakhtiga dhibaato. Waxaa su’aal mudan in Garaad uu ka hormarin lahaa ama ka jeclaan lahaa aqoonsiga diinta Islaam ama tan Somalinimada tan reerkiisa ama qabiikiisa. Waayo waxaa laga yaaba in labadaan fikradood ee dambe ey si xoogan ah u gaarin amaba uga  amba-qaadin dhulka uu qabiilkiisu degenaa, gaar ahaan deegannada reer miyiga. Oo waxaaba laga yaabaa in Garaad aqoontiisu halkaasi gaarsiisneen ee uu ogaalkiisa ama wacyigiiisa ku koobnaa qabiilkiisa ama jufadiisa oo keliya.

 

Markuu gumeysigu qabsaday dhulalka Somaalida, waxaa laga yaabaa in dadka ku hadla Af-Somaliga uu wacyigooda iyo ogaalkooda ku saabsan qabaa’ilka kale ee Somaliyeed uu kordhay, taasoo laga yaabo iney dhalisay awooda shisheeye (gaalo) ee sida xun u cadaadineysay walaalahood Somalida ayna isku diinta ahaayeen. Saa darted fikradaha Somaalinimo ama Islaanimo laga yaabo iney ku xoogeysteen deegaannada kala duwan. Taasoo u suurto gelisay Garaad inuu isku tilmaamo qof ah Somali-Muslim oo sidaas uga weynaado ama uga gaamuro maskaxdii yareyd ee ku koobneyd sheegashada qabyaaladda.

 

Wakhtigii halganka xornimada ee qarniga 20aad gaar ahaan (1940- ), waxaa laga yaabaa in dadkii horseedka u ahaa dhaqdhaqaaqyada halganka ay aad iyo aad ugu faani jireen iney yihiin Somali iyagoo taas ula jeeda iney ka xuubsiibteen maqaarkii qabyaaladda, oo laga yaabo iney noqotey mid ay ka faanaan oo ay ka fogaadaan, maxaa yeeay waxay heleen fikrad taasi ka fiican, kana macno weyn. Mabda’a Somalinimada wuxuu aad u xoog badnay wakhtigii la raadinayey mideynta gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Ingiriiska iyo Talyaanigu gumeysan jireen.

 

Waxay aheyd sanadkii 1963dii markii waddanka Somaliya uu ku biirey Ururka Midowdga Qaaradda Africa (O.A.U), taasoo macnaheedu ahaa in Somalida ay fariisatay korsigeeda ay xaqa u laheyd. Inkastoo markastaba Somalidu ka mid aheyd Africa – juquraafi amaba dad ahaanba – hase yeeshee ku biiritaanka ayaa laga yabaa inuu u waqlaey ama furay aqoonsiga qofka Somaliga inuu isu arko inuu yahay Afrikan-Somali wacyi siyaasadeed ahaan. Oo sidaas darted dad badan oo Somali ah – gaar ahaan xulka hoggaanka - ku qaateen fikradihii Pan-Africanism iyo wixii la xiriirey sida xoreynt iyo mideynta wadamada  Africanka ah ee la gumeeysto.

 

Wakhtigii dowladii madaniga aheyd ee 1960yadii-, waxaa muuqata in aqoonsigii qabiileed uu khatar geliyey aqoonsiga Somalinimada. Saa darted waa tii xukunkii Kacaanka uu dhaashay 1969 si uu uga hortago arrintaas. Waa tii uu xukunkaasu soo amaahday fikrada shisheeye sida Hantiwadaagah Cilmiga Ku dhisan “Socialism” iyo afkaartii Kacaanimo si uu ugu adeegsado ciribgoynta qabyaaladda. Oo sheegashada iyo ku dhaqanka mabaa’diida cusub ayaa la dhiirageliyey si loo tirtiro raadka qabiil. Bal akhristoo ma maleysan kartaa in u dhow 20 sano, qofka Somaliga gaar ahaan magaala-joogta ay qaateen aqoonsiga cusub ee ahaa Somali-Kacaan-Hantiwadaag, taasoo macnaheedu ahaa aqoonsiyadii kale sida tan diinta iyo qabiilka looga soo tegay mugdiga guryahooda.  Aqoonsiyadii ahaa Hawiye-Somali ama Muslim-Somali laga dhigay wax ku kooban haasaawo gaar ahaan oo dadku qarsado, diintana ninkii rabay uu si gooni ah ugu caabubo Rabbiggisa, laakiin uusan u isticmaali karin siyaaso ahaan. Waxaa xusuus mudan halaagii ku dhacday wadaadadii ka soo horjeestey mashruucii dowladda kacaank ee Sinaanta Ragga iyo Haweenka.

 

Waxay aheyd 14tii Febraayo 1974 markii taliskii kacaanku uu ku daray Somaliya Ururka Jaamacadda Carabta. Arrintaas oo dadka qaarkood ay u arkaan soo nooleyntii iyo dib-u-hanashadii aqoonsiga Carbeed ee Somalida qaarkood aaminsan yihiin iney isir ahaan ka soo jeedaan odayaal Carbeed! Taasoo ah arrin uu muran xoog ka taagan yahy. Ku biiritaanka Jaamacadda Carabta waxay dhalisey aqoonsiga ah Somali-Carab iyadoo hoosta aga xariiqay Carabnimada Somalida. Carabeynta waddanka iyo faafinta luqada Carabiga waaba tii la ogaay.

 

Kaddib burburkii qarannimada ama dowladdi dhexe ee Somalida iyo dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyay, inta badan Somalida waxay u qaxeen goballaddi ay ka yimaadeen si ay nabad iyo badbaado u helaan. Tani waxay sababtay abuuritaanka aqoonsiyo cusub, oo ay horboodayaan Somaliland, Puntland iyo xagjirnimo diineed ee Islaanimo.  Aqoonsiyadaan oo aadba u maleysid iney ka xoog badinayaan Falsafadii Somalinimada. Taasoo tafsiirkeedu yahay haddii eynu ku heshiin weynay Somalinimadii bal eyno raadino aqoonsiyo cusub oo na badbaadin kara, ama aan u noqonno diinta Islaamka oo halagaa naga korin karto.

 

Sidoo kale, u  haajiridda ama degidda waddama shisheeye iyadana waxay dhalisay in dad badan oo Somali ah ay qaatan dhalashooyin, aqoonsiyo, mabaadii iyo caqiidooyin cusub. Oo hadda waxaaba jira kumanaan dhallinyaro Somali ah oo ku jaha wareersan isbedellada aqoonsiyadaan ee is diidan. Ma waxay sheegteen Somali-American, Somali-Sacuudi, Somali-Muslim, Muslim-Somali, Puntlander-Somali, Somalilander, Somali-Kirishtiyaan, Somalilander, Somali-Gaal, Somali-democrat iwm?

 

Gunaanad. Waxaa run ah in dadku is-beddelo, qaataan dhalashooyin, aqoonsiyo ama caqiidooyin cusuboo badan isla markaasna ka xabuusiibtaan kuwo hore. Arrintaasi ma ahan wax ceeb ah waayo isbeddelka ku dhaca qofka waa wax dabiici ah, ama waa dabeecad banii’aadam. Waxaa kaloo u baahan in la ogaado in kala duwanaan iyo  kala geddisanaan bushada dhexdeeda  uu saldhig u noqon karo midnimo. Bal tusaale u soo qaado waddanka Amerika oo qawmiyaad kala duwan ee kala yimid daafaha addunka ay ku guuleysteen dhismaha waddanka ugu xoogga ama xoolaha badan ee adduunka.

 

Haddaba inkastoo ay jiraan kala-qeybqeybsanaan iyo tafaraaruq oo aan la inkiri karin, aniga waxay ila tahay haddi leys ixtiraamoo leys xaqdhowro in arrimahaas loo adeegsan karo abuuridda midnimo iyo Somalinimo run ah. Waxaa laga yaab in midnimada iyo Somalinimada laga dhex raadin karo karo kala qeybsanaan.

 

Somalinimada waa wax lagu faano!


Muuse Yuusuf
[email protected]

 





Click here