4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Kala-diridda Oday-dhaqameedyada Xamar iyo sida ay arrintaasu waxtar ugu noqon karto Soomaalida
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
Monday, February 02, 2009


Xilka oday-dhaqameedyada Soomaaliya wuxuu ahaa inuu ka shaqeeyo nabad, xasiloonaan, xalinta khilaafaadka beelaha dariska ah, iyo horumarinta guud ee bulshada.

Waayahaan dambe waxaa soo ifbaxay Oday dhaqameedyo isku-sheeg, la magic baxay “Odoyaasha Dhaqanka iyo Midaynta Beelaha Hawiye” ee Xamar, kuwaasoo aad moodid inay meelka-dhac wayn u gaysteen, ujeedooyinkii, maamuuskii iyo macnihii u samayn jiray erayga Oday Dhaqameed.

Oday-dhaqameeyadaasi, waxaad moodaa inay u hadlaan, una dhaqmaan siyaabo ka duwan amba ay kaba xishoodaan Oday-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee Gobolada kale ee sida Xamar oo kale loo wada degan yahay

Waxaa runtii xusid mudan dadaalka uu sameeyey shaqsiyaadka uu ka mid yahay nabadoon Axmed Diiriye oo dagaal weyn u galay naftiisana u horay ka hortaga joogintaanka ciidamada Itoobiya taas uu ku muteystay xabsi sharci daro ah. Laakin waxaa nasiib darro ah in halgankiisii lo tiriyo reer gaar ah ayada oo qadiyadda uu difaacayey ka weyntahay qolo ama beel gaar ah.  

Soomali badan ayaa waxay la yaabanyihiin hab-hadlaka iyo magaca qabyaaladeed ee kooxdan, waxa uu Soomaalida kale dareensiinkaro marka ay warbaahinta ka hadlayaan iyagoo ku hadlaya magaca “Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye”, mase la dhihi karaa odayaashaasi, waxay u hadlayaan  ummadda waynta Soomaaliyeed ee dhibatooyinka kala gesidani ku haystaan koofurta Soomaaliya gaara ahaan gobolka Banadir, mise sida magacuba sheegayo waxay difaacan danaha beelaha Hawiye.

Halka magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed ay oday-dhaqameyadooda u doortaan si mesali karta beelaha wada deggen, ayaad moodaa in odayaashan is beeleed isug soo koobeen ayaga oo aanan tixgalin siinin dadka kale ee kula nool gobolka

Dad baa waxay is waydiiyaan kooxda la magac baxday  Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye in ay yhiin xubno sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba msali kara dadka Xamar ama beelaha ay sheeganayaan in ay matalaan.

Si kastaba ha ahaatee, ujeedada kooxdan, heerka metalaadooda iyo habka ay u shaqaynayaanba mugdi baa ku jira, taasoo xataa ka hor-imaan karta danaha ay ayagu moodayaan inay ku gaaridoonaan magacaan ama danaha kuwa ay u qabaan inay u shqaynayaan

Dhawaanta kooxdani hadallo ay warbaahinta ka jeediyeen, waxay ku sheegeen inay ka soo horjeedaan Ciidan  caalami ha oo la keeno Soomaaliya, marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya. Dhawaaqaas ay soo jeediyeen kooxdani, looma qaadan karo inuu yahay mowqifka rasmiga aha ee beelaha Hawiye mar haddii uu san jirin cod gudaha iyo dibada ah oo laga soo uruuriyay dadka Hawiye. Hadiise sida ay rabaan arrinta laga dhigo, ma tahay arrin dan u ah ama masali karta Hawiyaha Xamar ku nool iyo kuwa gobolada kaleba, haddaan iskaba ilowno Soomaalida kalaba. Marka la yaab ma leh haddii dad badan  fahmi- waayaan markay maqlaan hadallada sirgaxan ee kooxdane warbaahinta ka sii daayaan

Xamar iyo dadweynaha ku nool waxay mudnaanta wanaag

Ayadoo aynu ku jirno marxalad dadka Soomaaliyedd aad ugu ooman yahay nabagalyo, dib-u-heshiin iyo midnimo qaran, islamarkaasna ummadda Soomaaliyeed, ay wax kasta maanta isku mit  ka tayhay; ayaa waxaa Soomaalinimada nasiibdaro iyo sariig- xumo ku ah in waqtigaan la buunbuuniyo  magac qabiil iyo wax la mid ah. Dadka Soomaaliyeed ee Xamar, maanta waxay u baahan yhiiin hoggaan leh astaan horusocodnimo, iyo ujeedada ah  badbaadinta nafta iyo maalka dadka Caasumada ku nool

Waxay nala tahay in  nin is-xijiya reer gaar ah uu Soomaaliya ku hayn doono meeshii la joogay casrigii dhgaxu ahaa ilbaxnimada  ugu wayn ee aadamigu ku intifaaco. Sidaas awgeedna, waxaan dadka Soomaaliyeed xasuusinaynaa in manta la joogo qarnigii 21, ayna tahay waqtigii dadka Xamar af iyo adinba uga soo horjeesan lahaayeen wax kasta oo xagal-daacin ku ah, ka tilaabsiga iyo ka fogaanshaha dhaqanka qabyaaladeed.

Waxaan rumaysanahay in la joogo waqtigii la  kala-diri lahaa afkaaraha iyo kooxaha ku dhisan qabyaaladda, laguna bedeli lahaa ururo bulsho oo  ku dhisan nabad iyo dib-u-hesheesiin. Waxaan kaloo dareensannahay ama tabaynaaba sharqan-yaraanta ilaa iyo 2007kii la soo gudboonaatay bulshadii rayadka ahayd oo aanu islahayn waxay ahaayen hay’ada si sharciga waafaqsan u masali karta dadwaynaha. Waxaan ku boorinaynaa bulshada rayidka ah in si wanaagsa ay uga soo baxaan  xilkii ay dadwaynaha u hayeen ama ka saaranba, dhib kastoo ay kala kulmaan fowdada maanta jirta

Sidoo Kale waxaan u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo bulshada caalamka in ay xoojiyaan, maalgaliyaan Bulshada Rayidka ee Soomaaliyeed, kuwaasoo la dhihi karo waa halbowlaha xiriirinayay, iskuna hayay Ummadda  Soomaaliyeed 18 sano ee la soo dhaafaay.

Wixii aragti ah, fadlan noogu soo hagaajiya: [email protected]



 





Click here