4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Waxaan ku cunin waa la cunaa
fiogf49gjkf0d

Mohamed Mukhtar
Khamiis, Sebtembar 25, 2008

 


Sawirka waxaa qaaday Abdisamad Farah, IRIN

Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qabin cabsi xagga nabadgelyadaada la xariirta, haddii aad cuno u baahato waxaad ka heli kartaa meesha aad joogto ama maqaayad kuu dhow, haddii roob ku helo intaad sii socoto wax weyn uma arkeysid, haddii aad musqul u baahatana waxa aad ka dhex helaysaa dhismaha aad joogto.

Bal haddaba maskaxda ku sawiro arinta soo socoto kadibna u garabdhig noloshaada. Waxaad ka soo qaaddaa in aad aqalkadii ka carartay ka dib markii uu noqday goob dagaal, gaarteyna xero qaxooti oo laguugu sheegay in aad ka heli doonto cunno iyo hooy. Balse markaad tagtay goobtii waxaad ogaatay in cunno aanay jirin oo qaybiskii ugu danbeeyey aad seegtay, marka xigta ee la qeybin doono in ay tahay dhowr asbuuc ka dib haddii aanay noqon bil. Waxaa hareeraraha kaa xiga caruurtaadii oo sideed ah oo tabar yari la ooyi karin iyo daris aanan awoodin  in cunno ku siiyaan. Si kasta hagu qaadatee waxaad dhistay guri ka sameysan qoryo iyo marooyin dhamaad ah kaas oo markii aad dhameysay roob kaa qaaday. Caruurtii iyo adigaba waxaa uu roobka dushiina ku da’ayay 18 saac oo xariir ah. Waxaad isku dayday in gacmahaaga ku diiriso ilmahaada, labadii ugu tabarta yaraa ayaa xabadka ka galay oo haddii ay awoodaan calooshaada ku noqon lahaa. Nasiib darro jirkooda waxaa uu u adkeeysan waayay roobkii faraha badnaa, ayaga oo dhabtaada saaran ayay naftii ka baxday.

Haddaba aqristow tani ma aha male awaal, ee waa arin ku dhacday Nuurto Aweys. Gaajo, amaandaro, iyo rajo xummo ayaa ka muuqata jirkeeda marka ay ka sheekaynayso wixii soo maray. Nuurto waxa ay degen tahay guri doqosh ah oo ku yaalo mid ka mid ah xeryaha qaxootiga ee ku yaalo Muqdisho banaankeeda. Dhaqaale xumo iyo walwal ayaa sameeyn weyn ku yeeshay caafimaadkeeda, dhibaatada wejigeeda ka muuqato ayaa kuu sheegaya nolosha adag ee aay ku jirto. Sodonkii sano ee ay nooleed tan oo kale ma soo marin.

Bishii Juun 2008, Nuurto iyo caruuteeda waxa aya ku biireen boqolaal kun oo ka qaxay Muqdisho tan iyo markii ciidamada Itoobiyaanka soo weerareen Soomaliya. Dhaqaale xumi daraadeed ma aanay awoodin in meel dheer u safraan sidaa daraadeed waxa ay ku biireen qaxooti degen inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye.

Nuurto oo u wareymaysay IRIN waxa ay tiri: “Waxaan degenaan jirnay Yaaqshiid, xaafad ahaan ma aysan xumeyn marka loo garab dhigo qeybaha kale ee Muqdisho. Intaa waxaa noo dheeraa ma aanan haysan lacag aan ku qaxno. Wax walba oo aan suuqa ka shaqeysto waan cuni jirnay, wax meel noo dhigma ma jirin. Seddex bilood ka hor meeshii aan degenaa waxaa ka dhacay dagaal aad u weyn kaas oo ay dad badan ku dhinteen.  Banaanka uma bixi Karin si aan u soo shaqeysto taana waxa ay keentay in caruurta nolol xumo ku timaaddo. Taas waxa ay igu kalifay in aan meesha isaga tago. Waxaan maqlay in dad badan u qaxeen Carbiska halkaas oo nabad ah isla markaana laga bixiyo caawimaad. Maadaama aanan awoodin in aan baabuur soo raacno, waxaan u soo lugeynay Carbiska.”

Nuurto kalama kulmin xeradii wixii ay filaysay. Nabad xumida ka jirto Soomaaliya waxa ay keentay in Hay’adaha Macaawinada bixiya in ay isaga tagaan qeybo badan oo ka tirsan wadanka, taas oo dhalisay cunno yari iyo daryeel xumo. Si ay u badbaaddo, Nuurto waxa ay tiri: “Waxaan caruurtayda u kariyaa Kable iyo Bukurey kuwaas oo aan ka soo gurto duurka noo dhaw. Markii aad baahan tahay wixii aan ku cunin waa la cunaa.” Dadka duurka uma aadan in ay cuno ka soo gurtaan oo kaliya, balse waxa ay u isticmaalaan musqal ahaan maadama aanay xerada la heyn musqulo.

Nuurto waxa ay aaminsan tahay in caruurteeda dhiman laheyn haddii ay heli laheyd bac aay ku daboosho gurigii yaraa ee ay dhisatay. Waxa ay tiri: “Waxaan dhisanay guri ku meelgaar ah, waxaana filaynay in aan helayno bac aan isaga celinno roobka. Si kasta ha ahaatee, roobabkii da’ayay 4-6 September waxa ay qaadeen gurigeenii. 18-saac ayaan fadhinnay banaanka oo halkaana uu roobka nagu day’ayay. Caruurtayda waa ay tabar darnayeen gaar ahaan Awliyo [oo labo jir ah] iyo Maxamed [oo sadex jir ah] ayaa u sii tabar darnaa. Roobabkiina waxa ay dileen labadooda.”

Nuurto iyo dadka kale ee xerada ku jira ma haystaan nabaddii ay raadinayeen. Jidka isku xera Muqdisho iyo Afgooye waa jid aad u qatar ah balse dadka qaxootiga ah ma awoodaan mar kale in ay guuraan. Jidkana muhiim uma aha oo kaliya dadka qaxootiga iyo hay’adaha kaalmeeya qaxootiga balse waxaa uu muhiim u yahay ciidamada Itoobiya kuwaas oo xeryo ku leh goobo ka mid ah jidkaas. Dadka ka soo horjeeda joogista ciidamada Itoobiya waxa ay weerar joogto ah ku qaadaan ciidamada Itoobiya ee maraya jidka, cidamadaas oo marka la weeraro iyagana xabado ku fura qof kasta oo meesha jooga.

Mustaqbalka Nuurto iyo dadka kale ee xerada ku jira ma wanaagsana. Nuurto waxa ay tiri: “Nolosheyda Muqdisho waa ay adkeed balse midda halkaan ayaa ka daran. Dagaalkasta oo jiray caruurtaayda waan wada haystay, balse halkaan labo ayaa iiga dhimatay. Ma garanayo marka dhibaatooyinka dhamaan doonaan. Ilaah ayaa na caawinaya.”


Mohamed Mukhtar
London, UK
[email protected]



 





Click here