4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Danmooge: maanso cusub
fiogf49gjkf0d

Inj. Maxamed Cali Cibaar
Tuesday, September 16, 2008

 

Maansada Danmooge waxay soo baxday 05/09/2008 oo ku aaddan 5tii bisha Ramadaan, sanadka 1429 ee Hijriyada. Maansadu waa digniin iyo waano ku socota, kooxo iyo shaqsiyaad howl ka dhigtay in ay si xishood darri ah xilalal iyo xoolo  uga dhexbaarbaaraan, xinjiraha shacbiga ay cadowyadu isku soo xulufeysteen, xasuuqa ba’anna lagu hayo.

 

Kooxahani, waxay sheeganayaan oo ay isku ekeysiinayaan: Siyaasiyiin, aqoonyahanno ilbax ah, ganacsato, gargaarayaal, warbaahiyeyaal, culimo-diineed, hoggaan-dhaqameed iwm. Waxay ku doodayaan in ay u danleeyihiin badbaadada umaddaan musiibadu ku habsatay. Laakiin, dhab ahaan kooxahaan damac-xumidu waashay, arrinkoodu waa mid sidaas wax badan oo badan ka duwan. Waa kuwo aan laheyn  qalbi damqada iyo damiir xishooda. Diintii, dadkii iyo dalkiina waxay siisteen dufan yar oo lagu dulleystay.

 

Waxaan Alle weyne ka baryaynaa inuu nagu garabgalo halganka aan ugu jirno difaaca diinteenna iyo jiritaankeenna, nagana guuleeyo cadowyada shisheeye ee isku soo ciidamiyay  iyo calooshooda-u-shaqeysteyaasha sokeeye ee lagu adeegto . Waxaanan Rabbi weydiisaneynaa inuu nagu hanuuniyo dariiqa  aan adduun iyo aakhiraba ku badbaadi karno.

 

Maansada Danmooge waxay ku bilaabaneysaa:

 

 

Danmooge

 

Danmooge Danmooge

Dannaa wax halleeyee

Dardaarwerinteyda

Dalqamid iyo sheeko

Dacaayad ha moodin

Inaan duro ruuxna

Digasho uma jeedo

How qaadan dabuubtu

Qiimaad ka dudeyso

Iney dahab joogto

Dersigu lacag maahee

Dulucda hadalkeyga

Daqiiqad dhageyso

Dulqaadna u yeelo.

 

 

Danmooge Danmooge

Daneyste addoonkii

Duqowshaha baahan

Dhallaan dubanaaye

Hooyooyin la dooxay

Duruucda ka siibte

Dabbaabad cabbeysan

Diyaarado miiga

Danabka ololaaya

Nacab aan dubnaxeynin

Markuu ku duqeeyuu

Ehelkii dabargooyo

Siduu darajoobay

Qabuuro degmoobay

Dabbaaldeg korkooda

Dunuub uga tookhe

Damiirxumihiiyow

Inaad tahay daallin

Naftiis u darraadoo

Dakane aan hareynin

Deyn ay kula taallo

Ku daabaco buugga.

 

Danmooge danmooge

Dambiilo walwaale

Umadda darxumootoo

Colaad dabadheer ah

Diihaal iyo gaajo

Daacuunka fidaaya

Diiftoodu ku raagtay

Bukaanka daboolan

Dariiqyada meydka

Hareeraha daadsan

Asoon damqaneynin

Sidii qof dalxiis ah

Intuu filim duubto

Ku raadsade doollar

Deeqdii la yaboohee

Darteed lagu keenay

Iney danyar gaarto

Haddaad  ka duweysood

Qasriyaad ku dakeyso

Daar weyn ka sameysoo

Ku diirso is leeday

Habaarku ma daahee

Nabsiga degdegaaya

Inuu dubbihiisu

Dhawaan ku dakhraayo

Ku daabaco buugga.

 

Danmooge Danmooge

Xaaraanta ku diilme

Daqiiqda hallowday

Cuntooyin dikhoobay

Dawooyin la tuuray

Alaab wada duug ah

Daas geerida iibshoo

Dukaan magacii leh

Ku soo daldalaaye

Duunyadii la dhaqaayay

Duurjoogtadi howdka

Doollina ma hambeeyoo

Doonyaha ku cabbeeye

Daaqii iyo cowska

Dhirtii dambaseeye

Daruuriga quudka

Dalagga bi’inaaye

Daroogana beeroo

Dhulkii sun ku duuge

Damalku harsanaayay

Abooryahow diirtay

Haddaad doqonkiiyow

Maatida dacdarreysan

Qasnado dif ka siisoo

Ku doogso is leeday

Inaad dab tacbeyso

Dambaaburo naara

Oo aad holac daacsan

Ku daabaco buugga.

 

Danmooge Danmooge

Diraaledireynta

Digada hurinteeda

Durbaanka colaadda

Dig siinti ku noole

Walaal diriraaya

Dhiiggooda dullaaloo

Duullaan u riyaaqe

Duruusta naceybka

Intii damman jaahil

Dabaadi u meershe

Duumoo idil faafshe

Dabeylo wax qaada

Duufaanta Sumaani

Haddaad dalbaneysood

Dabaashood jeclaatay

Duqsaad la itaal tee

Markuu hir dillaami

Doxorow ku dharbaaxo

Inaad dilif leedood

Sidii dogob geed ah

Fitnada ku dhex daadi

Ku daabaco buugga.

 

Danmooge Danmooge

Diktoornimo sheegte

Mid deel aan aqoonnin

Damiinkuna dhaame

Inuu wax dabiiboo

Dhibaatada dayro

Daryeel ma haweyste

Daashkuu ku barbaaray

Waayeelka daciifee

Duruuftu ku haysoo

Dhankiisa dayaaya

Wuxuu taro daaye

Dedkii aqalkiisa

Derinta uu ku jiifoo

Darfaha ka dhamaatay

Daasadda mirirkaa iyo

Go’iisa  dafaaye

Degaanno shisheeye

Markaad laba deyrood

Doolaalo ku raagto

Dameerta sideedii

Darmaanno la daaqdoo

Dirkeedi ka faantay

Haddaad kuba dooddo

Inaad tahay doorsan

Diirkaada saluugto

Diintaada dhaliisho

Adeys deldelaayee

Da’aadda gabowga

Kolkaad  doqoshowdoo

Adoo dalanbaabyi

Darbiyo cuskaneyso

Markuu dibjir qooqan

Intuu ku darbeeyoo

Yiraa kugu daalnee

Hadmaad dib u laaban?

Dawanka dhawaqiisa

Dayaca wehel kuu ah

Dayowgiyo ciilka

Dugsiimo la’aanta

Dareenka xusuusta

Ilmaad dibiq siiso

Ku daafici meysee

Dabbaalnimadaadu

Iney ku dileysood

Dugaag isku loogtay

ku daabaco buugga.

 

Danmooge Danmooge

Dushaa sare Muumin

Duceysan jilaaye

Direys culumoodle

Hoostana dibindaabyo

Duul kale u adeegga

Jihaad docwareenka

Dariishad banneyta

Siraha dusintooda

Guureynta ma daaye

Markuu digsi soora

Diinnaarro u jeedo

Dhareerku ka daate

Dorraatiyo dhaartii

Dastuurka ma dhowre

Dibnaha dhaqdhaqaaqa

Inaad digrineysood

Quraanka dareerin

Xadiisyo daliishan

Kii daacad u haysta

Haddaad ku dabeysood

Shacbiga ku dageyso

Inuu Daa’in weyne

Ku daalacanaayo

Malaa’ig diyaar ah

Iney dambigaada

Diiwaanno ku keydin

Ku daabaco buugga.

 

Danmooge Danmooge

Haddaan damacaadu

Qalbiga daxaleynin

Dhagaha lagu daarin

Aragga dam la siinnood

Dardaaran maqleyso

Adoon waxba doobbin

Bilaash digdigleynin

Damoo bal su’aashan

Jawaabna u doone

Daaquudyadii jaanee

Duqyaanka xaddhaafay

Markuu duminaayay

Dunida iney uumeen

Darkood Rabbi sheegtay

Xaggee u dambeysay?

 

Danmooge Danmooge

Qofkii dufan raacoo

Xishood dabra waayaa

Doofaar wax ma dhaamee

Kuwii la dulleystee

Dalkoodii khiyaamee

Gumeysi dagaaga

Uu daabbad ka yeeshay

Duudkana ka raraayoo

Si loo dallacsiiyo

Da’dii ay dhaleeniyo

Xitaa dumarkoodii

Diyaafad u dhiibay

Dayuusyadii waashoo

Dacayga lagu jiidaa

Ka dhaawacay daanka

Xaggee u dambeysay?

 

Danmooge Danmooge

Dowdaryow la kireystoo

Dalqadu ambineyso

Ilaahey daraaddii

Waan kuu digayaaye

Adoon damdamleynin

amaan dibguryaynin

Intaan dadab iilka

Duuduub lagu seexin

Kuwii ku dufeeyiyo

Shaydaanka wax duufsha

Daraandarintoodu

Waa dhaan Dabagaallee

Ibleysyada dayri

Dheh diiday shirqoolka

Dirqinta ha ka yeelin

Samaanna ka dooroo

Dad waa khaldamaaye

Dowgaad ku habowday

Intaad dib u eegto

Dalboo cafis raadso

Khalqiga inta duusha

Diinkiyo mid gurguurta

Allaha dabbaraayee

Darkii raxmaddiisa

Nooluhu ka durduurtoo

Degaan omosoobay

Daruur barakeysan

Xareed ka da’eysa

Durdurro ku waraabshoo

Durbaba ubax yaabloo

Daa'uusku dhexjiifo

Ka soo bixin doogga

Docdiisa u jeeso

Daahiri nafsaddaada

Dadaalna la kaalay.

-----------------------------

Maxamed C. Cibaar
E-mail: [email protected]



 





Click here