4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xubnaha Baarlamaanka DFKM eeSoomaaliya Uma Eka Kuwo Uu Xil Dhibayo
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Sabti, Oktoobar 25, 2008

 


Tiro aad u badan oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka DFKM ayaa ku sugan magaalada Nairobi, in kale oo badanna waa ay ku sii qulqulayaan. Urur Goboleedka IGAD oo ka kooban dhowr waddan oo ka tirsan geeska Africa ( oo isagu gacan weyn ku lahaa samaynta DFKM) ayaa shir isugu yeeray dhammaan xubnaha baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha.
 
Siyaasadda dunida waa arrin aan horay loo arag, lalana yaabo in urur sida IGAD oo kale ahi uu raro ama safar geliyo dowlad dhan iyo madaxdeedii sida hadda ka muuqata safarka DFKM ay Nairobi ugu socoto, waxayna arrintani muujinaysaa tabar darrida iyo xiriirka aan isku dheelli tirnayn ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dowladaha IGAD, gaar ahaan wadamada Ethiopia iyo Kenya oo safarkaan sababta u ah.
 
Waxaa sidoo kale wax lala yaabo aadna looga shakiyo ah qorshahan safar-siinta DFKM ee IGAD kaas oo u muuqda mid bar-bar socda geeddi socodkii nabadda ee ay Qaramada Midoobey horseedka ka ahayd ee dalka Jabuuti ugu socdey DFKM iyo Isbahaysiga - kaas oo u muuqdey mid habsami ku socda, san-saan guulna ay ka soo carfeysey.
 
Qorshan IGAD ayaa u muuqdo mahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd "Nin buka boqol u talisay". Waxaana si weyn la isku weydiinayaa muxuu noqon karaa shir ay IGAD isugu yeertay dhammaan hay’adaha iyo xubnaha dastuuriga ah ee DFKM ee Soomaaliya.
 
Ayada o dad badani ay ku wareersan yihiin wax uu ka walax yahay shirka Nairobi loogu muddaysan yahay dabayaaqada bishaan October, ayaa qaar dadka wax taxliliya ahi waxa ay ku sheegeen in uu yahay qorshe ay wadato dowladda Itoobiya (oo  garab u ah DFKM) iyada oo la sheegayo in ay Itoobiya doonayso in xubnaha DFKM ah ka soo saarto Soomaaliya iyaga oo bed qaba si markaasi ayay ciidankeeda dalka ugala baxdo. Qaar kale waxa ay leeyihiin hoggaanka DFKM ah, gaar ahaa Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf,  ayaa la doonayaa in halkaas lagu beddelo. Waxaa sidoo kale la werinayaa in ay suurta gal noqon karto in shirka IGAD uu googol xaar u noqon karo soo dadajinta heshiiska ka socda Jabuuti iyo dowlad-wadaagga iyaga iyo Isbahaysiga jabuuti jooga.
 
Ujeedada la issugu yeeray dhammaan xubnaha baarlamaanka ayaa dhawaan caddaandoonta; waxaase isweydiin leh maxay qabteen xildhibaanadaan sheegta in ay yihiin hay’adda ugu sarraysa ee Soomaaliya haddana Nairobi ay IGAD soo gelisay. Mase ka soo bexeen wajibaadkoodii? Taariikhdooda horse maxay nooga sheegi kartaa, waxa laga fili karo?
 
Ilaa iyo markii la asaasay barlamaanka DFKM ee Soomaaliya, muddo hadda laga joogo afar sanno, xubnaha baarlamaanka waxaa mushaar iyo nabadgalyadoodaba ballan qaaday dowlado iyo hay’adp shisheeye ah. Si kale haddii loo yiraahdo, waxa ay xubnaha baarlamaanka DFKM ahaayeen dad gacanta lagu hayo oo aan isku fillayn ama aan ka madax-bannaanayn gacmo kale.
 
Waxaa taas ka sii daran, Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaarayaashii DFKM ayaa lacag la oran karo laaluus ku wadey in badan oo xubnaha baarlamaanka ah, kuwaas oo in tooda badan lacag ku badesha codkooda.
 
Xubnaha baarlamaanka DFKM ahi waxa ay awood u yeelan waayeen in xilyaan khilaafka soo kala dhexgala madaxda ugu sareeysa  dowladdooda taas oo mar waliba keenta in khalifaafkooda lagu soo xilayo dalka Itoobiya amaba ay u soo dirto wasiirro; iyada oo weliba uu khilaafkaasi sii laba kacleeyo markii madaxda DFKM ahi ay Itoobiya kasoo noqdaan!.
 
Isku soo duuduub, baarlamaanka Soomaaliya waxa uu can baxay in uu yahay midka ugu tayo liita baarlamaanada adduunka, in dhammaantood  ay IGAD u rarto Kenya (afarsano kaddib markii halkaas laga safar-siiyey) waxa ay mujinaysaa haybad la’aanta baarlamaanka DFKM ah ku habsatay.
 
Su’aahsha isweydiinta leh waxa ay tahay inta ay Nairobi ku sugun yihiin, xubnaha baarlamaanka DFKM ahi, ma ay soo af-jari doonaan mushkilada curyaamisay dowladoodda, mase ay u istaagi doonaan in ay u qumaan wax ka qabashada musiibooyinka baahsan ee is-fan-gashan ama xiriirsan ee khal-khalka iyo khatarta ku haya jiritaanka Qaranimada Soomaaliya.
 
Mise sidii caadada u ahayd ayay tiih iyo jaah-wareer ku jiri doonaan?
 
Mucjisooyin waa la arkaa. Madax muuqadana lagama samro. Hiiraan Online oo muddo eegeysey kana warramaysey xubnaha baarlamaanka iyo guud ahaan inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo raadinta xukun awgiis aan waxba xeerin, rajo xumo ayaan ka qabnaa waxa ka soo bixi kara kulanka Nairobi.
 
Waxa aanse rajeyneynaa in xubnaha Baarlamaanka ee DFKM ay noqdaan xil-dhibaanno ama kuwo garta xilka saran oo quusta laga taagan yahayna u badalla rajo.
 
Fikradaada ku soo dir: [email protected]



 





Click here