4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Baadiyoow Ma Fahmin Musiibada
fiogf49gjkf0d

By Yusuf Abdulle
Friday, October 10, 2008

Run ahaantii dhibka Soomaaliya ka jira waa dhib intiisa badan dibadda ka yimid, hadduu noqon lahaa qorshihiisa iyo fulintiisa intaba. Mr. Baadiyoowna halka uusan wli fahmin waa taas. Taariikhda dhaw oo quran oo ajnabi iyo muwaadinba wada qirsanyihiin ayaa caddaynaysa arrinkaas. Ka soo billow xilligii Ingiriiska iyo Talyaaniga ay gumaysteen wadankeenna ilaa iyo faragalinta qayaxan iyo qabsashada ay xabashidu kula kacday wadankeenna waxay caddayn u yihiin faragalin joogta ah oo lugu hayo dadka iyo dalaka Soomaaliyeed. Tusaaleyaasha arrinkaa  cadaynaya waxaa ka mid ah kala qaybinta loo kala qaybiyaya Soomaaliya sh qabyood, laba ka mid ahna la siiyay laba wadan oo nasaara maamusho. Waxaa ku xigay iskugu taggii Soomaaliya ay shuuciyaddu iskugu tagtay iyo aamuskii iyo kaalma la’aantii reer galbeekda. Haddaad aragtay waraysigii Jimmy Carter madaxwaynihii hore ee maraykanka wuxuu si cad u qiray inuu diiday inuu kaalmeeyo Somaaliya 1977kii arrimo diineed iyo kuwa strategy dartood. Waxaa ku xigay hubayntii jabhadaha Soomaaliyeed si ay u ridaan dawladii dhexe, iyo hubaynta qabqablayaasha dadgaal si ay u burburiyaan waddanka arrintaas oo ah mid cad oo labada dhinac ee qabqablayaasha iyo shisheeyahaba u qireen oo ay Ethiopia ugu horreeyso. 

Hadaba su’aashu waxaytahay Soomaalida ma xoolaa? Sidee loogu adeegsaday inay waddankooda burburiyaan? Sow ayaku qaladka malaha mar hadday wadankoodii burburiyeen? Waa su’aalo wanaagsan caqli galna ah laakiin u baahan in si cilmiyaysan looga jawaabo.

Marka hore Soomaalidu waa dad caqli badan, karti leh, nabadana jecel. Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa inay la yaabaan arrinkaas. Laakiin la yaab malaha sababtoo ah markasta oo soomaalida ay arkaan tallaabo nabadeed guud ahaan way soo dhaweeyaan marka laga reebo asxaabta danaha gaarka ah leh oo loo adeegsaday bur burka wadanka. Taas waxaa daliil u ah mar kasta oo la yiraahdo heshiis baa meel lugu gaaray way u mudaaharaadaan oo soo dhaweeyaan. Shirarkii Jabouti, Qaahira, Kenya, iyo ugu danbayn maxkamadaha markay soo bexeen way soo dhaweeyeen.  Inkastoo shirarka intooda badan ay lugooyo cad ahaayeen ama qorshaha burburka ay ka mid ahaayeen, hadana shacabku waxay u soo dhaweeyeen maga ay xanbaarsanyihiin oo ahaa dib u heshiisiin. 

Hadaba xaggee sartu ka qurunsantahay? Soomaalida waxaa cadawgoodu uga faa’iideystay laba arrimood oo ummad kasta oo ay haystaan looga faa’iidaysan karo.
 1. Jahli xagga diinta iyo aduunyadaba ah oo hareeyay dalka iyo dadka oo dhan amaba intiisa badan taas oo sahlaysa in afkaaraha burburka lagu dhexfaafiyo dadka.
2. Faqriga oo aad u saameeyay bulshada soomaaliyeed  arrinkaas oo aad u sahlaya in dadka iyo dalkaba lugu dhibaateeyo cad rooti ah, kaniini daawo ah, iyo dollar aan tiro badnayn. Waana la yaqaannaa waddan kasta oo labadaas musiibo ku habsadaan in sidii la doono laga yeeli karo. Soomaalida ayaaba ugu adkaysi badan ee waddamada qaar hadday taasoo kale ku dhacdo manta sheegid ma yeesheen.

Saasooy tahayna soomaalidu kama hufna wixii waddanka ka dhacay amaba wali ka socda. Gaar ahaan qalabka (tools) loo isticmaalay burburinta waddanka soomaalidaa soo saartay waa qabyaaladda. Waana dhaqan xun oon soo jireen u lahayn iyo dhibic liidasho ah (weak point) oon leennahay oona noqotay faaska lugu burburiyo dadka iyo dalkaba. 

Ha yeeshee waxyaabaha aan kor ku soo xusay waxaa ka cad haddii gacant faaska gadaal ka haysa la gooyo ama faaska la aftiro inuusan faasku waxba  goy Karin.  Taas waxaan ula jeeda in eedda shacabka Soomaaliyeed ee dhibban laga dul qaado ayadoo la xoojinayo dhowr arrimood.
1. In cadawga lagula dagaallamo af iyo adinba oonan la dhihin koobka aan faatoxo kaliya ku jabinno.
2. In Shacabka loo helo adeegyo waxbarasho, dhaqaale, iyo nololeed si loo yareeyo ama loo xaddido faragalinta shisheeye.
3. In midnimada shacabka loo wada guntado, lana xakameeyo ama la tirtiro xagjirnimada ayadoo aad loo ilaalniyo diinta ku dhaqankeeda lana fududaysanaynin axkaamta shareecada.
4. In aanan  fikirka iyo wax qabadka lugu koobin dabaqa mucayyan ah sida siyaasiyiin, wadaado, aqoonyahanno, iwm.  Taas oo macneheedu yahay inaan mashruucyo miro dhalna ahayn waqtigoodiina la gaarin, ama mujtamaca wax qalaad ku ah la siku mashquulinin dadkana lugu wareerinin. Mashruucyadaas waxaa ka mid ah kuwa hadda uu Mr. Baadiyoow soo jeediyay oo ah gabi ahaanba kuwa aan anfac iyo itijaas saliim ah lahayn.

Ugu danbayntii in Mujtamaca dhiban eedda laga daayo. Gaar ahaan waan la soconnaa Mr. Baadiyoow waa ninkii yiri Soomaaliya wadaaddo argagixiso ah iyo Ethiopia ayaa ku dagaallamaya mucaadalana (equation) ka saaray dadkii dhibku ku dhacay oo waddankooda lagu soo duulay. La yaab malaha oo ninkii madaxda u ahaa ayadoo kawaadirtii wadanka la raadsanayo oo wax dagaal ku jira iyo wax maqan ay yihiin waa ninka xamar ka dagay oo ilaa iyo hadana dhexdhexaad (neutral) ka halganka lugu xoraynayo waddanka   af ama addin kuu ahaadaba. Soomaaliya waqtigii arrinkeeda dhexdhexaadka laga ahaan lahaa way soo dhaaftay waxayna u baahantahay dad xigmad diineed iyo xeel siyaasadeed iyo xilmi ama dulqaad isku watta oo bad baadiya shacabka halaagsamayo oo xabbadda iyo gaajadu issu qabatay.


Yusuf Abdulle waa arday ka dhigta Management Science and Economics (senior) University of Massachusetts ,USA. Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected]


 





Click here