4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dhibaatada badda waxa ay u baahan tahay xal barriga ah
fiogf49gjkf0d

Mohamed Mukhtar
Saturday, November 22, 2008

 

Baddaha u dhow Soomaliya waxa ay noqonayaan kuwa ay ka cararaan maraakibta ganacsiga kadib markii ay kor u kacday howlaha burcad badeedda kawadaan biyaha ku wareegsan Soomaliya. Burcad badeedda Soomalida waxa ay ka qaraabtaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Indiya halkaas oo ay maraan in ka badan 20,000 maraakiib ganacsi ah sanadkiiba. Sida ay sheegtay hay’ada u xilsaaran Baddaha Caalamiga, burcad badeedda Soomaliyeed waxa ay weerareen sanadkaan oo kaliya ilaa iyo 92 markab waxa ay na qabsadeen 36. Afduubitaankii dhacay 14 November, ee lagu afduubay markab Sacuudiga uu lee yahay oo siday shidaal lagu qiimeeyay 100 milyan oo doolar, ayaa saxafada caalamka qabsaday, sababaha ugu weyn ee saxaafadaha caalamka u wada xiiseyaan ayaa ah markabka oo aad u weyn isla markaana laga soo afduubay badda Kenya.

Markii ay korartay qatarta ku wajahan habsami u socodka ganacsiga baddaha bulshada caalamka waxa ay bilowday arimo wax looga qabanayo burcad badeeda. Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan xagga arimaha baddaha ayaa labadiii sano ee ugu danbeysay aad ugu shakheeyay sidii arintaas wax looga qaban lahaa. Bartimihii Juun, 2008, Golaha Qaramada Midoobay waxa uu an sixiyay sharci u ogalaanaya wadamada in ay u diraan maraakiib dagaal biyaha Soomaliya si loo xakameeyo burcad badeeda. Bishii September, wadanka Ruushka waxa uu diray Soomaliya markab dagaal kadib markii burcad badeedu qabsadeen markab laga lee yahay wadanka Ukreeyn oo siday saanad ciidan. Bishii October, James Appathurai, oo ah afhayeenka NATO, waxa uu yiri: “Dhawaan waxa tagaya xeebaha Soomaliya ciidamo ka socdo NATO si ay wax ugu qabtaan arinta burcad badeeda.” Isla bishaa, Midowga Yurub waxa ay go’aan sadeen in ayaga dhinacooda ka qayb qaataan wax ka qabashada burcad badeeda. Wasiirka Gaashaandhiga ee dowlada Faransiiska, Herve Morin, waxa uu yiri: “Yurub guud ahaan waxa ay daneynaysaa in arintaan wax ka qabato. Waxaa jiro wadamo badan oo rabo in ay ka qayb qataan. Toban wadan ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin fulinta howshaan.” Sidoo kale, wadamada South Korea, Malaysiya, iyo wadamo kale ayaa muujiyay in ay daneynayaan in maraakiib dagaal u diraan biyaha Soomaliya si loo joojiyo arimaha burcad badeeda.  

Balse sharci darada ka jirta Soomaliya kama soo bilaaban dhanka badda. Haddii xeebaha Soomaliya la geeyo maraakib dagaal waa dhici kartaa in ay xakameeyaan burcad badeedda balse ma baabin karaan qatarta burcad badeedu lee dahay. Sababta ugu weyn waxa ay tahay iyada oo aanay suurtagal ahayn in baddadaha Soomaliya oo dhan la dhigo maraakiib ilaalisa. Afduubka markabka Sacuudiga waxa ay muujinaysaa in burcad badeedda gaari karaan wadamo kale. Strategy Page isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Burcad badeedda waxa ay muujiyeen in ay awood u lee yihiin in ay garaan 700 km meel u jirta xeebta, sidaa daradeed suurtagal ma aha in la isticmaalo maraakiib kormeerta xeebaha. Waayo nawaaxiga la kormeerayo aad buu u weyn yahay. Saraakiisha ciidamada badda waxa ay hadda ka fikiriyaan sidii maraakiibta maraysa ilaa 1000 km xeebaha Soomaliya sidii raxan raxan loo wadi lahaa. Sadex meelood meel maraakibta dunida waxa ay maraan inta u dhaxeeysa Gacanka Cadmeed iyo Straits of Malacca (bariga Singapore iyo Indonessia). Gabigoodna qatar ayay ku jiraan. Si raxan raxan looguu kaxeeyo maraakiibtaan waxaa loo bahanayaa in ka badan 100 maraakib dagaal inta hadda la heli karo.”

Dhaqaale iyo siyaasad ahaanba suurtagal ma aha in tiro badan oo maraakib dagaal ah lagu hayo aagaan muddo dheer. Martin Murphy, oo ka tirsan Center for Strategic and Budgetary Assessments oo saldhigeedu yahay Washington, waxa ku doodaa in ay aanay suurtagal aheyn dhaqaale ahaan in maraakiibtaan dagaal ku wareegaan baddaha ku wareegsan Soomaliya.

Dhanka siyaasadda sidoo oo kale iyadana suurtagal ma aha in maraakibtaan hoowshaan fuliyaan waqti dheer. David Axe, oo qoray buug la yiraahdo War Bots, waxa uu yiri: “Awoodda ciidamada badda ee caalamiga ah ee wax ka qabanaya arimaha burcad badeedda waxay u badan tahay in ay kobcaan xili kooban waqti kadibna iska yaraato. Howlaha la dagaalanka burcad badeed ee wadanka Ruushka ee dhawaan la baafiyay waxa ay u muuqataa in xili dhaw iska dhamaan doonto waayo maraakiibta loo xilsaaray howshaan waxa ay ka qayb qaadanayaan dhoolatus ciidamadeed oo ka dhacay meel u dhow Venezuela taas oo macnaheedu yahay in ay xeebaha Soomaliya hakad gaaban ku sameynayeen. Ciidamada Canada ee galbiya maraakibta ay lee dahay Hay’ada u qaabilsan Cuntada Aduunka waxaa ay sheegeen in hal bil ay ku dareen waqtigii loogu tala galay in ay dhameeyaan wareegooda.”

Inkasta oo burcad badeedda tahay dhib ka jira badda haddana waxaa ay ka abuurmeen beriga  Burcad badeedda waxa ay ka dhalatay sharci la’aanta daba dheeraatay ee ka jirta Soomaliya. Jason Alderwick, oo ah nin u kuurgala difaaca badda kana tirsan International Institute for Strategic Studies, waxa uu yiri: “Howalgalada lagu sugayo amaanka baddahaan waa jeeso ku dhejin, waxa ay xalinayaan astaantii ee ma xalinayaan sababtii.”

Ilaa wax laga qabto sharcidarada ka jirto dhulka Soomaliyeed, ciidan badeedyada caalamka suurtagal uma aha in xal waara u helaan arinta burcad badeeda. Kala qaaditaanka sugida iyo amaanka badda iyo bariga waxa ay muujinaysaa in aan la fahmin arinta Soomaliya. Martin Murphy waxa uu sheega in howgalka burcad badeedu dhamaado marka la badalo xaalada siyaasadeed ee abuurtay. Marka la fiiriyo xaaladda Soomaliya, dhibtaada burcad badeedda waxaa uu soo afjar mayaaa marka la helo dowlad taabo gasho oo leh ciidan karti leh kuwaas oo awooda in ay ilaaliyaan dhulka iyo badda Soomaliya. Faragelin baniaadamnimo oo halkaan laga sameeyay ama mid ciidan oo halkaas laga sameeyay xal u ma noqon karaan dhibaatooyinka daba dheeraaday ee ka jira Soomaaliya. Waxaa la joogaa waqtigii wax laga qaban lahaa sharci darrada keentay burcad badeedda iyo baahida dhiirigelisa howlaha burcad badeednimada.


Mohamed Mukhtar
[email protected]

 





Click here