4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Siyaasadda Soomaaliya ee Madaxweyne la doortay Obama
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Tuesday, November 18, 2008

 


Barack Obama, Madaxweynaha xilliga dhow la wareegi doona hoggaanka dalka Maraykanka, waxa uu shaaca ka qaaday in hannaankiisa maamul aanay qaabayn doonin “siyaasadda cabsi-gelinta”, balse ay hagi doonto aragtada is-badel doonka ah iyo yididiillo ama rajo wanaagsan. Waan hubnaa in la xaqiiqeeyo oraahdaas in ay hawl badani ka horrayso. Waxaa kale oo aanse fahamsan-nahay, in mar-marka qaarkood, erayada lala beegsado waqtiga iyo madasha ku habboon, in ay ka xoog iyo saamayn badnaan karaan waranka.
 
Arrinta Soomaaliya ayaana tusaale wanaagsan noqon kara helidda hadalka iyo la haleelka meesha ku habboon. Obama waxa uu ku caddeeyey Shabakadiisa internet-ka, in maamulkiisu uu diyaarin doono, “istiraatijiyad dheelli tirian si Soomaaliya loo xasiliyo” oraahdaas, oo ah mid kooban balse mug weyn, waa mid muujisay in ay ka duwan tahay farsamooyinka kala dhantaalan ee maamulka Bush uu Soomaaliya la beegsaday, kuwaas oo Soomaaliya u keenay fur-fur iyo fadqalallo.
 
Haddaalka Obama waxaa uu qirayaa, in ay meesha kaa baxday oraahdii hal-hayska u ahayd maamulka Bush ee ahayd “la dagaalanka argagixisada.”
Waxaana cad in Obama uu doortay in uu la gole yimaado siyaasad tixgelinaysa ilaha kala duwan ee ay ka burqanayaan mushkiladda Soomaaliya. 

Aragtida Obama ee ah in uu dhibaatada Soomaaliya ku furdaaminayo siyaasad isku-dheelli tirian, waa mid muhiim ah, maxaa yeelay, maamulka Obama isaga oo aan khatar gelin danaha iyo ammaanka Maraykanka ayuu u hawl geli karaa siyaasad hufan oo diblomaasiyadeed - taas oo uu in badan ka hadlay intii uu tartanka doorashada ku jiray – in uu ku furdaamiyo sidii is-baddel wanaagsan Soomaaliya loogu soo dabbaalli lahaa.
 
Haddaba si taas loo helo, ayaannu haddii aan nahay shabakadda Hiiraan Online, waxaannu talooyinkaan siinaynaa Madaxweynaha la doortay ee Barack Obama:
 
Ku adkee masuuliyiinta aad Afrika u xil-saartid in ay si mug-weyn dhibaatada Soomaaliya u eegaan una fahmaan oo aanay qaadan adigana kugu cabbayn (ama cammayn) aragti gaaban oo koox, dal iyo dad gooni ah leh ay riixayaan, iyo weliba in aan la faquuqin ciddii wax tari karta ama wax dhimi karta – haddii aanay iyadu is faquuqin – maxaa yeelay siyaasadaha ku-dhufoo-ka-dhaqaaqda ah waxaa ka dhasha dhibaatooyin aanba talada lagu darsan, kaddibna keena dhibaatooyin kale oo waaweyn.
 
Sida ugu dhaqsaha badan uga shaqee in ciidanka Itoobiya laga saaro Soomaaliya. Tallaabadaasi waxa farriin adag u diraysaa Soomaalida oo waqti dheer la il-darnaa fara-gelinta Itoobiya taas oo u ekayd gardarro garab og. Waxaa kale oo saaridda itoobiya ay soo af-jari kartaa xag-jirnimada xargo-goosan rabta ee ka dhalatay duulaanka Itoobiya.
 
Gurmad la gaar shacabka halka milyan kor u dhaafay ee colaadda Soomaaliya ay ku bara kicisay Muqdisho iyo agagarkeeda.
 
Shaaca ka qaad in aad taageersan tahay - gacanna ka geyso - in maxkamad la soo hortaago dadka ku xad-gudbey xuquuqda bini’aadamka ee ummadda Soomaaliya.
 
Tix-gelinteeda sii doorka ama kaalinta ay nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ka qaadan karaan odayaasha dhaqanka iyo wadaada diinta ee Soomaaliya.
 
Siyaasaddaada aad sheegtay in ay noqonayso mid “dheeli tiran” ku darso in dib-u-heshiisiin dhab ah la dhex dhigo Soomaalida colaaddu ay kala ir-dhaysay, iyada oo aad soo af-jaraysid barnaamijkii kobcinta iyo abaabulka dagaal-oogayaasha ee maamulka Bush.
 
Waannu garowsan nahay in qalalaasaha dhaqaale ee dunida iyo culayska saraan dhaqaalaha Maraykanka iyo weliba Soomaaliya oo aan muhiimad weyn u lahay dalka Maraykanka in ay dhammaan keeni karaan in Soomaaliya la iska hilmaamo ama lagula dhaqmo siyaasad aan is-raacsanayn oo aan daawo ahayn ee dab-damis ah.
 
Waxaan aragnaa in dalka Maraynkanka ay musuuliyad weyn ka saaran tahay xal-u-helista mushkilada Soomaaliya, waayo dowladda Maraykanka ayaa lug weyn ku lahayd dib-u-huridda colaadda Soomaaliya - kaddib markii uu maamulka Bush abaabuley gacanna siiyey dagaal-oogayaasha Muqdisho. 
 
Masuuliyad kalana waxa ay ka dhalanaysaa, Obama oo asal ahaan ka soo jeeda Kenya oo Soomaaliya deris la ah, aadna ay Afrika ugu riyaaqday guushiisa, rajo laga qabo in qaaradda Afrika iyo Geeska uu faham iyo fikri waasac ah ka haysto.
 
Haddii Maraykanku uu Soomaaliya u daayo dayaca ay ku jirto,  waxaa hubaal ah dhibka Soomaaliya uu dunida oo idil ku faafi karo, Maraykankana uu ku khasbanaan doono in uu talaabo ka qaado, xilli talaabooyinka la qaadi karo oo dhammi ay ka kharaar yihiin kuwa hadda la qaadi karo kuwaas oo hadal iyo hawl yar oo Obama qaadaa ay keeni karaan in nabad Soomaaliya ay ka hirgasho. 


Ku soo dir aragtidaa: [email protected]

 





Click here